SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

 

Jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeenya.

 

Bayaan

 

Muddo ka badan toban sano ayuu maamulka daba-dhilifka ah ee Harageysa billaabay inuu u gurguurto Taliska gumeysiga Itoobiya, isagoo qaaday tallaabooyin fool-xun oo uu ku raalli galinayo kooxda TPLF ee ku amar-ku-taaglaysa xukunka Addis-Ababa, si ay aqoonsi uga helaan taliska Addis Ababa oo isaguba aadka u liita.

 

Maamulka Hargaysa wuxuu sameeyay falal guracan oo ay ka mid yihiin xidhxidhid shacabka Ogadenia si koox-koox ah loo xidho, dhac, masaafurin iyo in dad soomaali ah, oo dambiga kaliya ee ay galeeni yahay inay u dhashen dalka OGADENYA, gacanta loo geliyo taliska Itobiya.

 

Qaar ka mid ah dadkaas ilaa eegga waxay ku jiraan xeryaha ciqaabta taliska dhiigyo cabka ah ee Adis-Ababa. Dhaqanka siyaasiga ah ee ku dhisan sokeeye riixa iyo cadow kalkaalka ee kooxda Hargaysa ay caadada ka dhigatay waxaa ka mid ah jidhdil iyo jaa’ifooyin kale.

 

Dhacdooyinka yaabka leh ee in laga yaqyaqsado mudan waxaa ugu dambeeyey riwaayadii 15/6/2004 ay kooxda Hargeysa ku matashay kulan ay ku magacabeen Maxakad oo lagu dulmayay dad rayid oo u dhashay soomaalida Ogadenya oo in ka badan lix bilood ku jiray xabsiyada maamul ku-sheegga Hargaysa. 30 ka mid ah waxaa lagu xukumay 3-5 sano oo xadhig ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay la dirirayaan gumaysiga Itoobiya, ayna ka mid yihiin jabhada gobanimadoonka JWXO taas oo aan sal iyo raadtoona lahayn. Waxaa kale oo falalkaas waxshinimada ah ka mid ah iyadoo 18-19-kii bishan si wayn loo ugaadhsanayay dadka u dhashay Ogaadeenya ee safarada ku joogay magaalooyinka Burco iyo Hargaysa.

 

Dhanka kalana waxaan lahaynin nin ka mid ahaa maxaabiista ay sheegeen in la xukumay oo aan goobtaba la keenin, meel uu ku danbeeyeyna lama garanayo, waxaana la filayaa in sidii cadada u ahyd ay gacanta u galiyeen gumaysiga Itoobiya ama ay dileenba.

 

Haddaba JWXO waxay bulshada caalamka, hay’adaha xuquuqda aadamaha daneeya iyo bulsho weynta Soomaaliyeedba ugu baqaaqaysaa in lala socdo xaalada adag ee socotada Ogadenya kala kulmaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, isla markaana lagu cadaadiyo kooxda Hargeysa inay shuruud la’aan ooda ka qaado shacabka Ogadenya ee aan waxba galabsan ee xabsiyada ay ka dhaamiyeen.

 

Sidoo kale waxay JWXO ugu baaqaaysaa shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan goballada Woqooyiga Soomaaliya inay ka hortagaan falalka kooxdan maamulka dalkooda haysa ee daandaasiga iyo hurinta colaadaha sokeeya ku caan baxayday, kuwaas oo u hor seedaya colaad sokeeye iyo dhibaato aan dani uu jirin ummadda soomaaliyeed meel ay joogtaba. Waxaanuna cadaynaynaa  in raad-reebka xun ee ay arintaas ka tagto aan lala wadaagin kooxda maamul ku sheega ee Hareysa ka wada siyaasada qabiil sooca iyo sokeeye riixa ku dhisan ee lagu taageerayo taliska dhiigyacabka ah ee gumaysiga Itoobiya.

 

Wararkii Radio xorriyo ee maanta... Guji

 

Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya.

radioxoriyo@ogaden.com  
raadioxoriyo@yahoo.com 

June 22, 2004

 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh radio Xoriyo

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD