SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Shirka NAYROBI GUUL IYO GUUL DARRO WAA IYAMA?
Cabdi Yuusuf
 
Tan iyo bartamihii bishii Novenbar 2002kii waxaa dalka kenya ka socda waxa loogu yeeray"shairka  nabadda soomaalida" oo ay gugashiisa lahayd Dawladda dalka kenya hase ahaatee ay korka ka maamulayesay guddi ka kooban dalalka la ollagga ah soomaaliya, waxaana xiligaas dheer ee uu shirkaas gurguureney la soo marey dhowr marxaldood oo uu wajiyo badan yeelatay geeddi socodka wada hadaladda ergooyinka, taasoo dhalisay Su'aalo badan oo u baahan in jawaabo loo helo in laga jawaabo marka la doonayo in saadaal laga bixiyo shirkaas iyo mustaqbalkiisa.
In kastoo sida bahalka Oday Jirjiroolaha loo yaqaan uu shirku midaba badan yeeshay, oo ay dhib badantahay in looga wada faloodo maqaalkan kooban hadan, waxaad moodaa in ay jiraan  dhowr meelood oo la dhihi karo waxay si cad u fasirayaan sida uu shirka iyo go'aamada laga sugayaba ayna meel adag oo tilmaan uga dhinbil qaadan karaa ayna muuqan, waxaana meelahaas aan tilmaayey ka mid  ah kuwa ugu cuddoon, qaab socodka shirka, Cidda ka qaybgalaysa,cidda leh go'aan ka gaarista talada oo heshiiska qaadanaysa, arrinta Fedraalka, iyo wixii la mid ah.

Haddii aan mid mid aan mid mid oogu imaanno arimhaas aan kor ku xusnay, kuna biloowno qaabka shirku u soconayo, runtii ma jirin tan iyo xilligii fogaa ee shirku soo kacaa kufayey how isku xiran oo muujinaysa in shirku si toos ah u socdo, waxaana dhacaysay in shirka sida uu buuq ugu jiro qolo iska baxdo dabadeedna inta kalena u qaybsamaan dad iska safra iyo dad goobta iska sii fadhiya.

Marka uu sidaas waqti aad u dheer ku gudbo aya waxa la maqlaa IGAD guddi ka socda oo shirar leh ama wasiirada  dalalka Geeska Afrika oo bilaabay in ay lafa guraan arrinta dhirka soomaalida, waxaana ka dib ka dhalanaysay in waxoogaa boorka dib looga jafo faylashii oo dayuuradana loo diro dalkii si loo soo daad gureyo dadkii iska kala tagey iyo "kuwa kale oo dheeraada oo iska soo qiiqa raaca " haddii loo baahdo sidaas ayana waxa dhacda mar kasta in la yiraahdo cusub ayaa u furmay shirka.

Cid walba oo  qiimayn karta macnaha how dib u heshiisiineed waxay garan kartaa in wax kala fog ay yihiin in la sameeyo ajendayaal shir dib u heshiineed oo la doonayo in lagaga gubo dhibaatooyin waawaayn ee ragaadiyyey geeddi socodka nabadda ee Soomaaliya oo dabadeedna dawalad Qaran sidaas lagu soo yagleelo oo ah mid adag oo u baahan lafa gur iyo calool xaar balaaran oo is daba joog ah iyo waxa haatan ka jira Kenya iyo shirka magacyada badan bixiyey, haddise laga badin waayo waxaan lagu bartay inuu waji walba biloowdo kiiyo aan bar biloow lahay iyo magaalo cusub oo dalka kenya oo magaceeda dhaguhu maqlaan oo qalimaanta ragga Saxaafaduna wax badan hikaadiso....

Haddii aan barbar dhig ku sameyno shirkan iyo Carta Tusale ahaan oo shirwayne Soomaalida loo qabto oogu sokeyey waxaa kusoo baxaya farqi aad u wayn marka laga hadlayo qaabka wada hadaladu u xiriisanayeen kii hore iyo Samaynata ay gudaha ku yeelatay hawshii Lixda bilood Jabuuti, tiiyo aan arkayno in aad mooddo in Ra'yul caamka guduhu uusan si waynba u dareensanayn waxa kenya ka jira, runtiina waa su'aal wali taagan in dadka Soomaaliyeed shirka loo hayo ay dareensanyhiin muhimadda arintaas iyo in kale marka laga reeba ragga u soo naq raacay meesha oo iyaga laf ahantoodu kala ujeeddo duwan meesha waxay u joogaan.

 
Haddii aan u nimaanno cidda ka qayb galaysa,waa arin aan wali cadden waxaana muuqata in ya ka mid tahay arihamaha ugu wawayn ee aanu wali shirku wali go'aan ka gaarin, waayo waxay waxwalba oo la xiriira xadidaada ka qayb galayaasha shirka noqdeen wax aan bardhamaad lahayn ama aan la soo koobi8 karin, Hogaamiyayasha kooxaha, Madaxada shaqanka, Bulshada Rayidka midna ma laha meel loogu soo hagaago, mana jirto cid xadidi karta inta ay yihiin iyo sida dhabta ah ee ay wax u kalaan, umana malaynayo in xoog wayn la galiyey in la cadeeyo arrintaas, waayo xaajo  inta badanba aan soomaalida kaliya kiu koobnayn oo ku duuban danaha dawladaha gobalka qaarkood.
Waxay si xoog leh u soo ifbixisay go'aan ka gaaris la'aanta ka qaybgalayasha shirka iyo in jaan gooyn lagu sameeyo sida adag ee wadamada golbolku isu fiirsanayaan ee ayna u doonayn in ay ooga soo dagaan qorshayaashooda Istiraatiijiyadeed ee ay ku lamaniyeen jiritaanka kooxaha hubaysan, taasina waxay si dhab ah ugu ogolaatay inay kooxuhu helaan jawi ay kuu gorgortaman waxan suuro gal ahayn, iyagoon wax cabsi ah qabin, mar hadiiba ay helayaan meelo ay ku hoos caraaran ama dawlad gobolka oo ay u caroodaan haddii ay goobta shirka ka tagaan, maadama ayna markii horeba ku tiirsanayn Taageero dadeed oo dhab ah.
 
Arrintan hore ee ah in aan la jaan gooynin ila hadda cidda ka soo qayb galaysa shirka waxay lugta ku duubatay arrin kale oo muhiim u ah habsami u socodka shirka , waana in la xadido cidda leh go'aan ka qaadashada talada shirka, amaba hadaad si kale u dhahno siddii lagu ogan laha cidda leh awoodda soo xulitaanka xubnaha Barlamaanka, ama xubnaha kale ee muhiimka ah Sidda gudiyadda xalinta khilaafaadka iyo wixii la mid ah.

Markii hore shirku wuxuu casuumay kooxaha dirarta ee dalka oo dhan inta badana cid walba oo leh Ciwaan urur meesha waa la geyey maadama ay ahayd masalaxadda wadamada is haya ee gobolka ee kukala xiran kooxahaha gudaha, waxaana laga saxiixay dhawr jeer heshisyo ayna dhab  u rumaysnay amaba ayna ogeyba meel lagu soo diyaariyey, siday markay doonayaan inay ka baxdo koox gaar ah noo sheegto, laakiin waa dhab inayna iyagu marna heshiin; waxaba suaal ka taagantahay in ay isku dirirsanyihiin wax cad oo ay doonayaan in ay kukala baxaan.

Nin Farsamayaan qaan ah ba laga sheegay inuu yiri misaartaydii sidaan u tumayey ayeyba hadda noqotay Yaanbo!!!,waxaa sidaas u eg meesha hadda shirku marayo, markii muddo la wadwady kooxo tiro badan oo kolba magaalo Dayuurado looga soo daad gureynayey loona ogaa kooxo heshiinaya ma shirku ulaha waji siyaasadeed ayaa haddana waxa loo boodey waji kale waana shir beeleed waxaana madasha lagu soo daad gureyey Odayashii dhaqanka si ay u soo xulaan Xubnaha barlamaanka iyadoo beel beelna loo qaybiyey Tirada Golaha Barlamaanka dalku yeelanayo, waxaa is waydiin u baahan sida laysu waafajinayo awoodda Kooxaha ee Siyad qabiileedka ku saabsan iyo midda midda Odayaasha ee dhaqan beeleedyadda kusaabsan..? dabcan waxa arrintaas doodeedu imanayasa marka la jaangooyo waxayaabo badan oo isku daba xiran oo an wali go'aan laga gaarin oo isku daba xiran lana soo bilabatay shirka.

 
Meelaha wali mugdiga wayni ka jiro waxaa waxa ka mid ah arrinta fadraalka ,oo ayadu markii horeba ku dhalatay laba arimood oo midi tahay qabaa'il tirsanayey in lagu dulmay in Maamuladdii la soo marey doorbidayna in ay ku mintidaan Nidaamka Fadraalka iyo maamul gobaleedyo dhismay oo laba ujeeddo lahaa mid waa in ay isu muujiyan inay leeyihii misan culus oo ka sareeya kan kooxaha, ama doonayey inay kula itaal noqdaan Dhinacyo markaasi iyagu gooni isga taagey arrinta Dalka Soomaaliya ka taagan oo shuqulna an doonayn in ay ku yeeshaan waxa ka jira shirka Nayrobi.Intaas waxaa sii dheer in uu jirey dawladda itoobiya dad lahaya aygon ka fiirsan ay damceen in la qaato Nidaamka Fedraalka ee dalkaas, iyadoo aan wax lafa gur ah lagu samayn inuu yahay mid soconkara iyo inkale, waxaana markaas muuqata in Nidaamka Fadralka ah shirka lagu marsiyey si duuduub ah oo aan wax Qeexid ahba lagu dayin ujeedada hab loo hirgalinayo toona, waxayna soo saartay midaas durbadiiba ififaale muujinaya in uu jiro AfSoomaali laba ah, taasna waxay sahanba u noqonkartaa in la soo ifbixiyo kala duwanaasho Asal ahaaneed oo aad mooddo in ayba ka gadmi ogtahay tan Afka haddii an wax halbeeg ah loo samayn nidaamka Fadraalka.

Qodabada arinta fedraalka waxa kale oo si ula kac ah loogu qorey waxyaabo aan cadeyn sida hadalada qeexaya in loo aqoonsado Soomaali land iyo Puntland maamulgobaleedya jira, waxaa is waydiin u baahan waxa arintaas looga jeedo waayo waxaa cad in ay ayna Soomaaliland meesha cidi u joogin oo aynaba ku tala jirin inay ka soo qayb gasho shirka maadama ay u aragto inaanu qusayn iyada, marka waayo cidda u gaartay go'aankaas loogala mid dhigay Punland, tan kalese haddiiba loo aqoonsado puntland maamulgoboleed sida ay u jirto micnaha ma waxa weeye in maamulgobaleedyada jiridoonaa ee la fool dhowrayo inay ku dhisnaadaan qaab qabiil?. haddiise ay sidaas noqoto yaa cadenya seerayaasha iyo xuduudaha beelaha ee gobolada dalka oo dhan ..?, waxan u malaynayaa in ay halkaas su'aalo badan ay ka dhalaynayaan oo aan in lays waydiiyo laga caga taalaynayo xiligan.

 
Ugu danabayntii waxaad moodda in shirka haatan ka socdaa ay horyaalaan arrimo adag oo loo baahanyahay in la soo lafa guro intaan laga wada hadlin wajigiisa uu hadda u gudbay ee qaybsiga Xubnaha Baarlamanka, waayo waa wax aan dhib yareyn in shirku ka tilaabsado minooyinka faraha badan ee is daba daadsan ee aad mooddo in u kas loo aasay, aan la doonayn in laga horwareejiyo shirka si aanay caqabado ugu noqon habsami u socodka nabadda hadda loo fadhiyo Nayroobi iyo miraha laga filan karo mustaqbalka dawlad ka curata halkaas.
 
 
Cabdi Yuusuf

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]