SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
 
Afsoomaaligu waa Hanuuniyaha Soomalida Qurbaha
 

diyaairiye c/risaaq adan ali
kaneec1@hotmail.com

Af-Soomaliga waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay, afafka Afrikaanka iyo Aasiyaanka (Afro-asiatic branch of languages) iyo qaybta afafka kushitiga bari (Eastern cushitic subbranch).

Sidaas darteed Af-Soomaaliga waxay meel ka soo wada jeedaan, afafka ay ka midka yihiin Saahada iyo cafarta(saho-Afar), oo lagaga hadlo qayba ka mid ah Eriteriya tan iyo qaybo ka mid ah Djibouti, Af-Oromada oo ah afka ugu badan ee dalka Ethiopia lagaga hadlo iyo afaf kale oo badan oo lagaga hadlo bariga iyo geeska Afrika.

Afka Soomaaligu wuxuu ku caan baxay, in uu yahay af aan qorayn ama af-hadaleed (oral language), ayna ku hadasho bulsho-hadaleed(oral society). Haddaba inkasta oo la oran karo in afka Soomaaligu qorraa tan iyo 1972-dii haddana, wili waxaa inoo cad in dhaqan ahaan bulshada Soomaaliyeed ay tahay tu ku hadasha. Arrintani waa mid hiddaysanaysa dhaqan xidido adag leh oo gaamuray, isbedelkeeduna qaadanayo sida aan anigu aaminsanahay qarniyo badan,qiimaha afka soomaligu leeyahay soomaliyey hadanu anagu garanwayey waxaa gartay rag ay kamid yihiin,ninkan caanka ah ee dad badan oosoomali sheeganaya kabadiya afsoomaliga waa ninka layiraahdo,DR. Georgi Kapchits

DR"ayaa mar uu booqasho gaaban kutagay dalka canada ayaa wuxuu lakulmay somalida degan filand wuxuuna udhacay kulankaasi sidan,Seminaar looga hadlayey qiimaha afka Soomaaliga oo ay kasoo qeyb galeen Soomaali fara badan oo ku dhaqan wadanka Finland, ayaa DR.Georgi Kapchits oo u dhashay wadanka Ruushka, kaga hadlay kulankaas qiimaha uu afsoomaaligtu leeyahay, iyo sida ay muhiim u tahay inay arinkaas ogaadaan dhamaan waalidiinta soomaaliyeed, waajibna tahay qofwalba oo afsoomaaliga yaqaanaa inuu faafiyo dadkana baro ha ahaado ruuxaasi muslim ama ruux aan muslim ahayn, soomaali ama ajnabi.

Wuxuu Dr Georgi Kapchits intaas ku daray isagoo ku hadlayey afsoomaali aad u sareeya in afka Soomaaligu "mucjiso" xambaarsan xikmad farbadan, wuxuuna yiri

"waa luqad qani ah oo wax lamid ah aan la heli karayn"
Mar la weydiiyey sababaha ku kalifey inuu barto afka Soomaaliga, wuxuu ku jawaabay"maahmaahyaha soomaaliga ah oo xikmadaha fara badan xambaarsan ayaa igu qasbay inaannan luqaddan qaniga ah ka qatanaan" wuxuu intaas kusii daray soomaaliya waxaan arkay weligay laba jeer labada marna waxaan joogey 5 cisho "si qosol badan ku jiro wuxuu u yiri weli soomaali maan noqon waayo shan beri sheekh laguma noqdo"

Profesorku wuxuu taxay maahmaahyo soomaaliyeed oo aad u qiimo badan, oo uu ku cabiray qaninimada luuqada soomaaliyeed.

Buugaagta uu qoray waxaa kamid ah: "
1. Maamaahyada soomaaliyeed. (ee ku kala daabacan afka soomaaliga iyo afka ruushka oo ay weheliyaan maahmaahyada ruushka ee ay isu dhigmaan). Waxaa abaabulay, hal-tebiyey, ararta u qoray, kana faallooday qoraha. Moosko, 1983".

2. Waxaa la yidhi sheekooyin hidde ah. Waxaa habeeyey, kana faallooday qoraha. Cologne, 1996.

3. Sheekooyin soomaaliyeed (oo ku qoran af-ruush). Waxaa abaabulay, hal-tebiyey, gogoldhigga u qoray, qaamuusna ku ladhay, kana faallooday qoraha. Moosko, 1997.

4. Qaamuuska maamaahyada soomaaliyeed The Dictionary of Somali Proverbs (ee gogoldhiggiisu uu ku kala qoran yahay af-soomaali iyo af-ingriisi). Waxaa ururiyey oo abaabulay, iskuna dubbariday qoraha. Moosko, 1998

5. Hubsiimo hal baa la siistaa/To know something for sure, one would even part with a she-camel: Maahmahaha soomaaliyeed kuwa ugu caansan. Moosko, 2002. "iyo maqaalo badan", waxaa faah faahin ah waxaad booqataa website-kan: <http://kapchits.narod.ru/main_so.htm

afsoomaaliga horumarkiisa sanadihii 70aadkii ilaa"89aadkii

Bishii oktoobar 21-keedii 1972-kii (sannad guuradii saddexaad ee afgambigii ciidamada), ayaa sarreeye gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa guddoomiyihii askartii wax afgambidey (the chairman of the S.R.C), waxa uu shaaca ka qaaday in maalintaas wixii ka dambeeyey afka Soomaaliga loo doortay in uu noqdo afka rasmiga ah ee Soomaaliya, isla markaas go`aan lagu gaaray in xuruufta laatiinta ee uu qoray Shire Jaamac Axmed loo doortay in ay noqoto tan lagu qori doono afka Soomaliga. Go`aankan ay askartu qaadatay ma ahayn wax cusub, balse waxa ay ahayd taladii go`aan qaadashada weydey ee ay dawladdihii rayidka ahaa ee la afgambiyey, ay u soo jeediyeen gudiggii kan ka horreeyey ee uu guddoomiyaha ka ahaa alla ha u naxariistee Muuse Xaji Ismaaciil Galaal. Si kastaba ha ahaatee Go`aan qaadashadaasi waxa ay noqotay mid taariikhda gashay oo aan la illaawi doonin. Sababtoo ah afka Soomaaligu waxa uu ku sugnaa xaalad adag oo u hagi kartey in uusan muddo dheer qormin.

Afka Soomaaliga oo aan qormin waxa ay dhaxalsiin lahayd dadka Soomaalida aayo xumo weyn, iyo in ay noqoto ummad u martiya qarankooda dhinac kastaba, gaar ahaanna dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha, maamulka dawliga ah iyo waxbarashadaba.

lasoco isbuuca danbe qaybta labaad

diyaairiye c/risaaq adan ali

kaneec1@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]