Hargeisa:
Shantii nin ee lagu qabtay tuulada
Dhoqoshey ee gobolka Togdheer 19kii March, kadib
markii ay fuliyeen weerar argagixiso oo lagu
diley haweenay u dhalatay dalka Kenya, una
shaqaynaysey hay’adda Jarmalka ah ee GTZ ayaa
markii u horreysey maanta la tusay saxaafadda
Somaliland, isla markaana loo ogolaaday inay
sawirro ka qaataan.

Shantaas nin
waxa markii la qabtayba la aqoonsaday laba ka
mid ah oo u dhashay Somaliland. Hase yeeshee,
saddexda kale oo la sheegay inay u dhasheen
Soomaaliya, gaar ahaan qabiilka “Hawiye” ayaa
shaki badan laga qabey inay yihiin cidda ay
sheegteen. Waxa kale oo lays weydiinayey sababta
looga qariyey dadweynaha, iyada oo markii la soo
qabtay raggaasi loo diidey in saxaafaddu sawiro
ka qaaddo dadkana loo baahiyo.
Ogolaanshahanina waxa uu ka dambeeyey shakiga
dadweynuhu ka qabo aqoonsi la’aanta raggaas,
gaar ahaan saddexda nin ee la sheegay inay reer
Soomaaliya yihiin, balse Cabdulqaasim uu
beeniyey inay beeshiisa ka soo jeedaan iyo in
gebi ahaanba loo diidey in la arko ama
saxaafaddu sawiradooda soo gudbiso, taas oo
turjumado kala duwan laga bixiyey, iyada oo ay
dad badani ka walaacsanaayeen in raggaas la
beddelo, qaar kalena ay qabeen in aanay ahayn
beelaha ay sheegteen. Axsaabta mucaaradka ah
ayaa iyaguna tuhumada iyo dareemada noocaas ah
muujiyey marar badan, calaamad su’aalna geliyey
sababta loo qarinayo raggaas ama maxkamad loo
keeni waayey. Sidoo kale, wargeysyada madaxa
bannaan ee ka soo baxa Hargeysa ayaa marar kala
duwan ka dalbaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo
hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh in la tuso
raggaas si ay sawirro uga qaadaan, iyaga oo ka
duulayey dareenka dadweynaha ee arrintaas la
xidhiidha.
Wasiirka
Arrimaha Gudaha ayaa ugu dambayntii maanta amray
in saxaafadda madaxa bannaan iyo ta dowladdu ay
la kulmaan maxaabiistaas oo ku xidhan Xabsiga
dhexe ee magaalada Hargeysas, iyada oo
wargeysyada madaxa bannaan, warbaahinta dowladda
iyo Televishanka Hargeysa mid kasta loo sheegay
inay cid u soo dirtaan Taliska Ciidanka Asluubta,
halkaas oo si taxadir leh loogu kaxeeyey Xabsiga
weyn.
Weriyayaasha oo
mid mid loogu keenay shantaa nin, waxay
weydiiyeen su’aalo la xidhiidha halka ay ka
yimaaddeen iyo dembiga loo haysto. Saddexda nin
ee aan la aqoonsan ayaa weriyayaasha si caadi ah
ula hadlay, isla markaana waxay ka warrameen
meesha ay u dhasheen iyo sababta ay halkan u
yimaaddeen, iyadoo ay dhammaantood qirteen inay
dembiga loo haysto ay galeen. Saddexda eedaysane
oo ah wiilal dhallinyaro ah waxay sheegteen inay
ka soo kala jeedaan Beelaha Murursade, Duduble
iyo H/Gidir, Saleebaan ee Qabiilka Hawiye,
Xamarna ay ka yimaaddeen.

Dhinaca kale,
eedaysanayaashaas oo aan ilaa iyo hadda maxkamad
la horkeenin ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha
Somaliland, mudane Ismaaciil Aadan Cismaan, shir
jaraa’id oo uu shalay qabtay waxa uu ku sheegay
in baadhistii ay dhammaaday. Hase yeeshee, waxa
uu sheegay in hakad ku yimi hawsha baadhista,
kadib markii Shantii nin ee lagu qabtay
Dhoqoshey iyo falalkii hore ee ka dhacay dalka
sida Dilkii Shaqaalihii SOS ee Sheekh, kii
Boorame iyo lacag lagu dhacay Wajaale ay
dhammaantood xidhiidh leeyihiin.
Waxa kale oo uu
sheegay in baadhista ay kala qaybqaadanayaan
Khuburo Ingiriis ah oo Boolis ah, kuwaas oo uu
sheegay inay dalka yimaaddeen isla markaana ay
qaateen Qalabkii lagu qabtay raggaas, DNA-na ay
ka qaadeen. Haatana waxaanu Ingiriiska ka
sugeynaa ayuu yidhi in Booliska Britain uu ku
soo celiyo Jawaab iyo qalabkii ay qaadeen. Sidoo
kale, waxa uu sheegay inay doonayaan in
Khuburadaasi ay isaga DNA ka qaadaan ninkii lagu
qabtay Beer Jimcihii.
Sawiro kale iyo
su'aalahii lagu weydiiyey ragaasi iyo jawaabtii
ay ka bixiyeen kala soco somalitalk.com maalmaha
soo socda haddii alla idmo.
MOHAMED ABDI
HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI,
PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com