SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Hage Indho La’ (Carabta)

 Abdisaid Musse Ali-Koor
aabdisaid@hotmail.com

Soomaalidu waxay ka simantahay intooda badan, gaar ahaan kuwa isleh waxbaad barateen, inay dhowr kalmadood oo afcarabi ah soo tuurtuuraan, hooraan iyo haddaba… 

Ma xuma in lagu daydo dad aqoontoodu dheertahay, laakiinse markaad ku dayato dad aqoontoodu aysan saas u dheerayn, akhrintooduna yartahay [1] Carabtoo dhan waxay tarjumaan 330 buug sannadkii, halka waddanka Spain ka turjumo 100,000 (boqol kun) sannadkii… 

Dhowr kalmadood oo afcarabi ah marka qofku soo tuuro, waxaan la yaabaa halka uu tiigsanayo, wakhti hore oo laga joogo toban qarni ayaa jirtay mar ay ahayd luqadaas hadii aad  soo tuurto inay ku tusayso inaad tahay qof wax soo bartay, amase ugu yaraan tagtay Andulus, malaha tobankii qarni ka hor ayaan maraynaa! 

Muddo hadda laga joogo soddon sanno (30) ayaa dhacday in dhaqanka waddanka Sacuudiga ee gadaal u fakarka ah (Salafiya) loo dhoofiyo waddamada islaamka ee faqrigu dilooday, taas waxay keentay in Jaamacadaha sacuudiga ay kasoo baxaan dhalinyaro aad u akhrin yaqaan Fatxi-majiidka, laakiinse, aan lahayn aqoon dhaafsiisan inuu dhowrkaan kalmadood ku celceliyo; Gaal, bidci, naartaad galaysaa, iwm 

Qofkaas dhalinyarada ah ee dhowrka ‘kitaab’ soo daalacday, markiisii horena lahaa dhaqanka badawnimada ah, sababtoo ah, si aad u noqoto qof lagu shubo dhaqankaas jahliga ku dhisan waa inaad markaaga hore tahay, qof asal ahaan jaahil ah…Kooxdan markay yimaadeen waddanka waxay bilaabeen inay ummadda madaxeeda majo u rogaan, ayagoo aragtidoodu ku dhisnayd dhowr sheey oo wax laga sheego uun, sida ‘farta nuuxnuuxi markaad salaada u fadhid’  ‘Surwaalka gaabi’ ‘Caddayga gacanta ku wado’

Aaway xikmadii, aqoontii, iyo su’aashii lasoo baray? La yaab maleh maanta in soomaalida ay jaahwareersantahay kalana garan la’dahay waxa cibaado ah, iyo wax aqoonta ku xiran!

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaan waxaan ka qayb galnay muxaadaro uu jeedinayey nin dad badan u haystaan inuu yahay caalim, laakiinse, aniga garashadayda uu iila ekaa qof xafidaada ku fiican, soona xafiday dhowr ‘kutub’ oo rag carab ah qoreen, asaguna intii sheegay, sidoo kale wuxuu ku fiicnaa oo si fiican u bartay oraahaha afsoomaaliga siiba kuwa miyiga ku dhisan, dadka badankoodu madax ayey u luleen….Qof ayaa waydiiyey su’aal ku dhisan cilmiga dhaqaalaha, ninkii muxaadirka ahaa indhahaa gaduutay wuxuuna yiri “Adeer intaan kuu sheegay ma ahane waxa kale oo aad sheegaysid waa bidco”…Qofkii su’aasha weydiiyey wuxuu ku sigtay in meesha lagu dilo, laakiinse, nasiib wanaag waddan reer Galbeed buu ahaayoo nabad ah….

Sax ma ahan in qofkii ku takhasusay qayb aqoonta ka mid ah, inuu koobay aqoon oo dhan, laakiinse, ugu yaraan waxaa lasoo siiyey aqoon uu ku akhristo waxa uu baahanyahay inuu fahmo ee nolosha ku saabsan, gaar ahaan , qaybta uu soo bartay.

Abdisaid Musse Ali-Koor
<aabdisaid@hotmail.com>

MAQAALADII HORE EE CALI KOOR

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan



[1] The Arab Human Development Report 2002: Creating Opportunities for Future Generations

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD