SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Bismilaahi Raxmaan Raxiim

 

        DEBECSAANAATA SHACBIGA +DURDURADA CADAWGA +KANBADHUUDHKA WAXGARDKA

 

Mushkilada soomalida haysata waxaa ka masuul ah danaystaayal iyo cadaw farabadan oo ay ummadda soomaliyeed leedahay iyo qayb ay ka qaateen shacbiga soomalida oo iyana sii huriyay oo ku sii shubay baatrool sii huriya, dhibta haysta oo aanay dareemin iyaga oo ka hormarinaaya dantoodii danta reeraa oo isu haysta qabiil qabiil iyo reer reer.

 Markaa waxaan isweydiiyay anigu akhristayaashana aan weydiinyaa bal yaa leh dalkan ma soomalidan is haysta mise cid kale oo uu ilaahay u soo diraayo kuna badaalayo kuwan hada ku dhaqan mise waxaa run ah waxaa isu keen keenaya oo ina heshiisiinaya oo gacanta isku keen saaraaya.

Cadawga aynu leenahay oo ah sida aynu imika aaminsanay kolkaa waxaan anigu aaminsanay in taas waxba ka jirin cid inoo maqanina ma jirto oo aan inaga ahayn .

waxaynu leenahay Culimo Aqoonyaahna Dhalinyaro Haween Abaawno waxtar ah oo wax qaban kara hadii dadku ku taageero,ee aynu xaqiiqda taabano inaga oo ka duulayna Islaaminimada oo Ilaahay u noqonayna kana fogaananyana Hogaamiye kooxeedada iyo shaydaanka. 

 Dhamaanteena waxa inagu waajib ah in aynu jabino giddaarka aamusnaanta ah ee aynu u xidhanay cid gaar ah .

 Sidaas aawadeed waa in uu yimaado kacaan u horseeda umadda in la tuuro cadwga kacaankaas oo ka bilaabma Tuula kasta iyo Degmo kasta iyo Gobol kasta kacaankaas oo ay horseed ka noqdaan Salaadinta Dhalinta Abwaanka Haweenka iyo inta jecel sinaanata cadaalada xoriyada iyo wanaaga .
 
waxaan soo dhawaynyaa cidii durta ama dhaliisha maqaalkayga iyo cidii taageertaba .
ilaahow tubta toosan na waafaji aamiin.
                                                             
Maxamed Y. Muuse <kingmaxamed@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD