SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

WARAR GOOS GOOS AH:

  • Cumar Xaashi: “Suurtogal ma aha in Hiiraan laga sameeyo Ismaamul"

  • Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ka dhiidhisay falkii lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo laga soo celiyey Netherlands

  • Hay’adda Islaamiga ah ee Ilaalinta xuquuqda Aadanaha oo siminnaar u qabatay Maxkamadaha Islaamiga ah

Hay’adda Islaamiga ah ee Ilaalinta xuquuqda Aadanaha oo siminnaar u qabatay Maxkamadaha Islaamiga ah

Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta Maxkamadda Islaamiga ah ee Shiirkole lagu soo geba-gebeeyey siminnaar socday muddo saddex maalmood ah oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ah, garsooreyaasha maxkamadaha iyo ciidammada madaniga ah, waxaana soo qaban-qaabisay hay’adda ilaalinta xuquuqda Islaamka, waxaana ka qayb gashay illaa iyo 4-xubnood, iyadoo lagu baranayay cashirro la xiriira maamulka, garsoorka, dhowridda xuquuqda maxaabiista iyo waxyaabo kale oo la xiriira dhinaca Maxkamadaha.

Ugu horreyntii halkaasi waxaa warbixin ka soo jeediyey Guddoomiyaha hay’addaasi Avv. C/llaahi Maxamed JImcaale oo sheegay in ujeeddooyinka loo qabtay siminnaarkan ay tahay sidii maxkamadaha ay uga kaabi lahaayeen arrimo fara badan oo la xiriira howlohooda, waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Xararyaalle Sh. Axmed Macallin Xasan (Sh. Indho-giir) oo u mahad celiyey hay’addaasi oo uu sheegay in ay tahay hay’ad dooneysa in kor ay ahaato Diinta Islaamka, waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Shiirkole Sh. C/qaadir Cumar Cali oo sheegay in hay’addani ay ahayd markii ugu horreysay ee siminnaar ay u qabato maxaakiimta, isagoo u soo jeediyey in ay halkaasi ka sii wadaan howlaha ay ku hor-marinayaan maxkamadaha Islaamiga ah, waxaana ka qayb galayaashii siminnaarkaasi ay sheegeen in ay waxyaabo badan ka faa’iideysteen intii uu socday siminnaarkaasi, iyagoo sheegay in muddo saddex maalmood ah aysan uga baahi bixin waxyaabo badan oo ay daneynayeen.

Hay’adda Islaamiga ah ee Ilaalinta xuquuqda Aadanaha waxaa la aas-aasay sanadkii 2002-dii, iyadoo intii ay jirtayna ku tallaabsatay howlo fara badan oo ay ku hormarineyso qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ka dhiidhisay falkii lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo laga soo celiyey Netherlands

Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadanaha waxa ay welwel aad u weyn ku abuuraay Xaaladda ay ku sugan yihiin dadka soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalka dibaddiisa oo qaar wadamada yurub ka mid ah ay dalka dib ugu soo celinayaan dad qaxooti ku tagey wadamadooda, dadka la soo celiyey waxaa ka mid ah Marxuum Cabdinaasir Cabdiladhiif Xaaji Cali  oo laga soo celiyey wadanka Netherlands, taariikhdu markay ahayd 10-kii Juun 2004 maydkiisa oo Xabbado lagu dilayna ka muuqdaan laga helay Fagaaraha Terebuunka ee Degmada Hodon, ee Magaalada Muqdisho. sidoo kale waxaa dalka Netherlands laga soo celiyey  Bishii Maarso 2004 dhibane Cismaan Maxamed Xasan iyadoo la soo marsiiyey Magaalada Hargeysa oo uu laba maalmood ku xirnaa ka dibna loo soo gudbiyey Magaalada Muqdisho, iyadoo xaaladiisa caafimaad aad u liidato waxaana xarunta uu u soo gudbiyey gal dacwadeed ku saabsan tarxiilka looga keeney dalka Netherlands oo ay la socdaan cadeymo muujinaya. xarunta Dr. Ismaaciil waxay ka Codsaneysaa dalalka caalamka ee marti geliyey qaxootiga Soomaaliyeed, gaar ahaan wadamada Ingiriiska iyo Netherlands in aysan waqtigan soo celin dadka maganta u ah oo dalkooda aysan ka jirin nabadgelyo iyo dowlad damaanad qaad buuxa siisa xaqa ay u leeyihiin in ay si nabad ah ku noolaadaan, waxaana waajib ku ah wadamada soo tarxiilaya dadka Soomaaliyeed inay tixgeliyaan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga, waxaana qoraalkan na soo gaarsiiyey madaxa baarista xadgudubyada ee hay’addaasi C/llaahi Calas Jimcaale.

Dadweynaha Soomaaliyeed oo si aad ah u soo dhoweeyey go'aankii Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD

Maalintii darraad ahayd ayaa magaallada Nairobi waxaa lagu soo geba-gebeeyey shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD, waxaana shirkaasi ka soo baxay go’aanno si weyn ay ugu riyaaqeen shacabka Soomaaliyeed ee la xiriira shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana go’aannadaasi ugu muhiimsanaa iyadoo digniin kulul loo jeediyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee ah in hoggaamiyihii ka maqnaada shirka uu la kulmi doono cawaaqib xumo, iyagoo sheegay in uu dhammaaday waqtigii loo xayirnaan lahaa hoggaamiyeyaasha.   Dadweynaha Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in haddii Wasiirrada IGAD ay ka dhabeeyaan digniintaasi ay suurtogal tahay in wax badan ay hagaagaan, waayo waxa ay sheegeen in muddo 14-sano ah loo xayirnaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda. Shirkan oo ay ka qayb galeen dhammaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa la filayaa in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ay mar kale kulan kale ku yeeshaan magaallada Nairobi 15-ka Bisha July, wixii waqtigaa ka dambeeyana waxa ay ururin doonaan warbixinno la xiriira halka uu marayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

“Go’aankan waxa uu la mid yahay go’aannadii ay hore u soo saari jireen IGAD, wax ay soo kordhinayaanna ma jiraan” ayuu yiri wiil dhallinyaro ah oo aan shalay kula kulmay jidka Soddonka ee Magaallada Muqdisho, “Weligoodba go’aanno ayay soo saaraan, mana ka dhabeeyaan” ayay tiri haweeney iyana shidaal ku gadata isla xaafadda Baar-Ubax.

“IGAD waa in iyadu marka hore heshiisaa, waxaan ogahay in aysan si dhab ah heshiis u ahayn” ayuu yiri nin Oday ah oo sheegay in haddii IGAD uu daacad ka noqdo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu guuleysan karo, isku soo wada duuboo Ummadda Soomaaliyeed si aad ah ayay u soo dhoweysay go’aannadii ka soo baxay shirka Kenya.

Cumar Xaashi: “Suurtogal ma aha in Hiiraan laga sameeyo Ismaamul"

Cumar Xaashi Aadan oo ah Wasiirka Lacagta ee Dowladda KMG ah oo u warramayay saxaafadda ah ayaa waxa uu sheegay in aysan macquul ahayn in Gobolka Hiiraan xilligan laga dhiso maamul goboleedyo.

            “Waan ogahay in arrintan ay wataan dowlado shisheeye, waxayna doonayaan in ay iska hor keenaan dadweynaha Gobolka” ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in looga baahan yahay dadweynaha Gobolka Hiiraan in ay ka digtoonaadaan shirqoollada ay wadaan kooxaha u adeegaya shisheeyaha ee aan dooneyn in dadweynaha Gobolka Hiiraan ay ku noolaadaan nabadgelyo.

Amiin Yuusuf Khasaaro <amiinkhasaaro@yahoo.co.uk>

Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2004  

Aqoon iswaydaarsi loo Qabtay Ururada Dhalinyarada Puntland
Ururka dhallinta PL oo soo jeediyey in lagu Dhaqmo xikmada oranaysa "Miro Gunta kuugu jira Miro Geed saran looma Daadiyo"  Guji 25/6

DKMG oo Eedayn usoo Jeedisyey Wakiilka Qaramada Midoobey
iyo Cumar Xaashi oo ku tilmaamay Maamul Goboleedyada looga dhawaaqay Hiiraan inay ka danbeeyaan Wadamo Cadow ku ah Jiritaanka Umada Soomaaliyeed... Guji June 25

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD