SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
“Hadimada Garoowiyo, Hanaq-go’a Nugaaleed”
Cabdulwaaxid Khaliif 

London, UK

  cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

  • “Hadimada Garoowiyo
  • Hanaq-go’a Nugaaleed
  • Halka aad tumaatiday
  • Waxa kaga habboonaa
  • Dar kaloo i howlee
  • Huqdaad reebtay weynaa
  • Hibasho iyo lur kululaa
  •  
  • Colka Bari haraatiyey (Qadaasame & Dhuudo)
  • Hubka Mudug ku talax tegey
  • Allayllehe hubsiimiyo
  • Hakin buu u baahnaa
  •  
  • Adigaa halyeeygiyo
  • Hanaddada ku dabar go’ay
  • Himilooy u baahnaa”. 

Hadraawi baa yiri. Yuu ku yiri? Anigu waxaan isleeyahay, maansadu waxay ku socotaa kornayl C/hi Yuusuf! Sabab? Haddee isagaa Garoowe iyo Nugaal dadkiisii caanka ahaa (hogaamiye dhaqameed) ku laayey. Colkee Bari haraatiyey oon kan C/hi ahayn? Soomaali indha-adayg kama dhamaado ee ha ii sheegeen sida C/hi Bari wax ugu dilay cidda ugu dishay? Gaalkacyo hadda dadku waa isku laayaa. 

Waxaa kaaga sii daran dad dhan oo qaarkood sheegto hogaamiye-dhaqameedyo baa iska dabo-ordaya isaga ama iska aamusay oo godkooda biyo ugu galeen. Wuxuu u adeegsadaa siyaasaddii gumaysiga ee foosha xumayd: waa qaybi oo xukun. 

Shalay dad buu inta kasoo aruursaday Nugaal, Mudug iyo Howd buu reer Qardho ku laayey. Maantana wuxuu rabaa inta reer Qardho soo wato inuu reer Garoowe (C/Raxmaan Faroole) kula dagaalo!. 

Waxaa iigu darran niman isu qaba inay sumcad ku leeyihiin Puntland oo uu boorso ka dhigtay oo maalin walba sidii ay yihiin iskaalsooyinkiisii meeshuu cag dhigaba la dhiga! Wallee qof is dulleeya inaan cidna ka haybaysan. 

C/hi horay buu Ilmo Abshir Nugaal uga cayriyey haddana wuxuu rabaa inuu ku daro C/Raxmaan Faroole laakiin si taasi u suurto-gasho waa inuu Cadde Muuse gacan ka helaa. Reer Qardho ma garan waayeen haddii dhib loo geystay inaysan iyaguna markooda cid kale dulmin oo C/hi caawin? Ma filayo oo nifaaqa Puntland ka jira baa sidaas ah, taariikhdaana markhaati ka ah. 

Bal Hadraawi ood mooddo inuu Puntland ka hadlayo aan erayadiisa milicsano: 

  • Wuxuu yiri degmadaya (Garoowe)
  • Dugsi kaliya baa jira
  • Diric kaliya baa dhiga (C/hi)
  • Dersi baanu baranaa
  • Dulliga iyo beentiyo
  • Doqonniimo faankiyo
  • Qoqobkiyo dirsoociyo
  • Ducadiyo yaboohdiyo
  • Inta laga diqoodiyo
  • Dewarsigu ka koowyahay
  • Digashadu u mudantahay
  • Marka qalin daraalaha
  • Dilla-sheega la cuskado
  • Imtixaanka loo dego
  • Kan dul dhiga jawaabtiyo
  • Doorkiyo waxgaradkaa
  • Inta daadata u badan.
  •  
  • Wuxuu yiri degmadayada
  • Dibnahaa la cunayaa
  • Qosolkaa la deexdaa
  • Adigoo il dabayaa
  • Dadku inaanay kaa garan
  • Misna lagu dedaalaa
  • Marka aad Duleedoow
  • Sidaad doonta weydaad
  • Sidaad diiday yeeshaa.
  •  
  • Wuxuu yiri degmadayada
  • Cudurrada dillaacee
  • Aayaadka diintiyo
  • Dadka uu Ilaahay
  • Daa’in ka magan galo
  • Waaba lagu ducaystaa
  •  
  • Haddaannaan dagaal ridin
  • Ama ciidan soo dumin
  • Dawliil ku naalloon
  • Ama keenin daacuun
  • Ama daadad soo rogin
  • Webiyada durdurayaa
  • Jiilaal wax naga dilin
  • Dabo-dheer na salabeyn
  • Diigaanyo nagu dhaban
  • Miyaa daasadaha maran
  • Dirham noogu dhacayaa?
  •  
  • Wuxuu yiri degmadayada
  • Ruuxii la duugaa
  • Marka laga dareeruu
  • Dib usoo dhashaayoo
  • Durba loo mashxaradaa!
  •  
  • Wuxuu yiri degmadayada (Puntland)
  • Duleed-joogta maqashiyo
  • Ka hagrada ma-durugtada
  • Ayey geel u dirataa (nin Puntland wadi waayey, Soomaali ma wadi karaa).
  •  
  • Wuxuu yiri degmadayada
  • Dibida iyo weylaha
  • Waxa dhala dameeraha! 

Marka haddeer wakaas laleeyahay kornayl C/hi baa Garoowe tagaya, waxaana la ii sheegay inay isimo-ku-sheeggii meesha joogaan si loo dhiso dowlad ka kooban wasiiro iyo wasiir-ku-xigeenno. Wuxuu rabaa in isagoo “isimada isticmaalaya” uu dhisto dowlad uu raali ka yahay oo maqaar-saar ah isagoo isla markaas ka takhalusaya qofkuu rabo (C/Raxmaan Faroole).  

Laakiin C/hi mid buusan xisaabta ku darsan: laga soo bilaabo Bari ilaa Mudug dadkii hadda bishimahay ruugayaan ciil dartiis kaliya waxay sugayaan wax howl-gasha. Waxaan maqaalka kusoo xirayaa isla erayadii Hadraawi: 

  • Wuxuu yiri degmadayada
  • Dareen waa ka siman tahay
  • Doogna wey gudboontahay
  • Doorna wey midoowdaa
  • Libna wey ku dirirtaa
  • Xilla wey daryeeshaa
  • Daba-gelisyadiisiyo
  • Dad-qal wey ka adag tahay
  • Danna wey wadaagtaa
  • Duddadaa u kala rogan
  • Mana kala dab qaataan
  • Dadab baa kukala xiran
  • Kala-durugsanaantiyo
  • Digadana nin baa shiday
  • Dawaduu ku huriyaa
  • Rag inay ku damiyaan
  • Dannigoodu farayaa
  • Gaas bay ku darayaan
  • Meel daad u baahnayd.
  •  
  • Waxuu sii yiri:
  •  
  • Waxse jira Duleedoow
  • Dibirrooti kulul baa
  • Dingaraaradiisii
  • Xaska lagula daatee
  • Duugoobi maayaan
  • Dakharada la geystoo
  • Waa daanno culusoo
  • Rag iskaga dambeeyee
  •  
  •  
  • Waxaan dooddii kaga baxay
  • Hadalkana ku daa’ iri
  • Nin dab liqay Rashiidoow
  • Dhuxul buu ka daacaa
  • Ma darmaanta booddee
  • Ma daliilka muuqdiyo
  • Dhamac hoos ka darartoo
  • Is-dallaalimaysiyo
  • Dambas baan aqaannaa?
  • Halka deyr waqtigu dhigo
  • Dib baa looga sheekayn
  • Ka-daraa u magac bixin.

Marka wixii nagu dhaca innagaa ka mas’uul ah. Waxaan shaki lahayn, hogaamiye-dhaqameedkii ama magaaladii qaadata dulli maanta inaysan dib dambe uga baxayn. 

F.G. erayada aan qoysaska geshay anaa ku daray ee maansada lama socoto. Waa uun tusaalayaal aan rabo inuu dadku arko. Teedaka kale maansadu sidaas usugama xigto, qaarkeedna waxaa loo sameeyey sidii labo qof oo is waraysanaysa.

Cabdulwaaxid Khaliif 
London, UK
  cabdulwaxid@hotmail.com
 

QORAALDII HORE EE C/WAAXID

Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2004  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD