SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
ONLF iyo Halgan Madi ah
cumar sayid cabdilahi <zayidcumar01@yahoo.co.uk>

marka hore waxaan hambalyo u soo dirayaa iyo salaan dhamaan umada shanta somaliyeed gaar ahaan dadka dega ogaadeniya dhulka la odhan jiray. sida laga warqabo waxa maalmahan cirka isku shareeryay khilaaf u dhexeeya somaliland iyo jabhada xoraynta ogaden (ONLF) oo laga bixiyay jawaabo kala duwan oo isku lid ah.

runtii mawqifka ay somaliland qaadatay ee ay maxkamada ku saartay dad ku jira jabhadan waa mawqif dadka kala qaybiyay oo lagu kala aragti duwan yahay. sidoo kale jawaabta ay ONLF ka bixisay arintan oo ah inay gawaadhida gubaan iyada dadku khalad ayay u wada arkaan oo nin miskin ah oo iska shaqaysanaya dawlad goaanked waxba kama oga.
 
marka aan u soo noqdo aniga aragtidayda ku wajahan halganka jabhada ONLF . runtii in cadawga ethiopia umada somaliyeed ee uu gumaysto laga kiciyo waa  waajib diini ah ku ah qof wal o muslim iska dhaaf qof somali ah lakin halgan marka la leeyahay waa inuu helaa qodobo badan oo  la'aantood aanu halgan suuro gali karin.
 
1:waa in dadka loo halgamayo dhamaantood ay hiil iyo hooba la daba taaganyihiin geesiyadooda u kacay
 
2: waa in dadka halgamayaa ay helaan dawlado iyo gacmo dibada kasoo taageera. 
 
qodobka u horeeya hadaan yara faahfaahiyo dadka u dhashay gobolkan rutni aad ayaan u cambaaraynayaa oo inta taageersan jabhadan aad ayay u yartahay anigu kama warqabo hadii ay jiraan dad taageersan lakin baqanaya oo aan badheedhi karin qofkasi waxba kuma tarayo.waayo musliminta baquhu wa ka xaaraan taas waxa u sii dheer waliba halkii ay hiil iyo hoba la garab taagnaan lahaayeen in ay iyagu so sheegaan oo ay ay walaalkood oo muslim ah ka doortaan dhawr gadbadood oo cunto iska dhamaanaysa ah. 
 
qodobka labad jabhadan ma laha cid daba taagan oo taageersan marka laga hadlayo taageero caalami ah oo dawladii somaliyeed waa tii baabaday cid kale oo soo baxdayna ma jirto . waa tii abwaan xasan ganay lahaaa .
 
(gadhba gadhbaaa la tusaa gacalkood miyuu gabayeey hooheey hooheey)
hiilkii noocas oo kale ahaa ma jiro maanta sidaa aawadeed laga ma yaabo inuu halganku midho dhakhso u soobixiyo.
reer hargeisa waxa ay ahaayeen dadka saamaynta ugu wayn ku lahaa halgankii 77. hargeisa waxa ay ahayd magaaladii dhawaca la keeni jiray magaaladii ethiopia diyaaradaheedu hadh iyo habeenba duqayn jireen halka ay xamar waxba ayna ka ogayn. dadkii sidas walaalaha u ahaa ee isu hiilin jiray ayaa maanta xukuumada somaliland khalad ka gashay oo taageeri wayday.

 jabhada ONLF khalad khalad kale ku sii saxday  markay gubtay gawadhi ay leeyihiin dad masaakin ah.

 
runtii siyasada dawalada somaliland gun iyo baarba waan ka soo horjeedaa anigu in dad walaalo la yahay oo aan la kala maarnayn sidaas loo la dhaqmo damiirkayga way ku adagtahay lakin jabhaduna inay iyaduna colaad kale sii huriso maaha .dadka somaliland mawqifka xukuumada ma wada taageersana kuwan aad gawadhidooda gubaysaan inay mabda ahaan sidayda idin raacsan yihiin ayaa laga yabaa.

mida kale dhinaca mastaafurinta anigu runti hargeisa ayaan joogaa cid ogaadeen ah oo la mastaafurinayo ma maqal mana arag filina maayo inay jirto waayo suuq dhan ayay leeyihiin oo hadaad dhexmarto (eega )iyo (kobtaa) miidhan ayaa dhagahaga ku soo dhacayay hadii la qabqanayo horta suuqas ayan cid ka waayi lahaa. ganacsi balaadhan ayay ku leeyihiin magalada . qabiilada aan somaliland u dhalan ee jooga hargeisa ogaden ayaa ugu badan.

 
dawlada somaliland waxaan u soo jeedin lahaa inay mawqifkeeda wax ka badasho oo ay sii dayso dadkan ay xidhatay oo ay digniin siiso hadi ayna u ogolayn inay dhulkeeda ka duusho waa marka aan la hadlayo xukuumada somaliland.
jabhada ONLF  iyadana waxa aan leeyahay dadkii aad u halgamayseen dib ha u dhibina oo gawaadhidooda ha gubina oo sumcadu yay idinka xumaan . noqda qaar aamin ah oo maxasta  caruurta iyo dumarku ayna ka nixin marka ay maqlaan maqalkooda taas badalkeedana dumarku marka ay arkaan waxay kusoo dhawayn doonaa mashxarad hadii ay si fican ula dhaqmaan.

waxaan ilaahay idinka baryayaa in ilaahay somali dhibta ka saaro markaas ayad idinkuna ciil bixi doontaan oo aad heli doontaan taageero buuxda oo dhinac walba leh inta ka horaysa waxa idin leeyahay yayna sumcadu idinka xumaanin.

dawlada somlailand anigu waxaan u arkaa dawlad aan mar dambe dadkeedu soo dooranayn oo aan sharaf ku lahayn kuwii soo doortay cid kalena inay nasteexo u gasho lagama yaabo laakin dadka waqooyi dagaa waa dad aad walaalo tihiin nacayb ay idin hayaan ma jiro lakin duruufaha lagu jiro awgeed qof walba godkisa ayay biyo ugu galeen oo wakhti somali midawgeed laga hadlo kuma jirno qof walba dhinaciisa ayuu nolosha dhibkeeda ula galgalnayaa lakin qof walba maskaxdisa way ku jirtaa in ilaahay somali faraj khayr qaba usoo saari doono dhawaaan .waxaan ku soo gaba gabaynayaa hadaladii ruug cadaagii siyaasada somaliyeed ala ha u naxariistee maxamed xaaji ibraahi cigaal.
(sida aan aaminsanahay aniga iyo wax garad kale oo somaliyeed boqol sanana ha gaadhee shanta somaliyeed mar way isu iman doontaa)
 
alaa mahad leh

mr cumar sayid cabdilahi <zayidcumar01@yahoo.co.uk>

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2004  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD