SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dad Mooryaanta ka daran!!! 

     Qofna looga sheekayn maayo dhibaatada ballaaran ee Jirridu (Dayday) u gaysatay, kuna hayso shacbiga Soomaaliyeed. Dhibaatadaas oo leh dil, qafaalasho, kufsi, dhac, bara kicin, jid gooyo, cabsi galin iwm, taas oo keentay in dadwaynuhu u fahmaan in Mooryaantu ay ku hayso dhibta ugu wayn, haddii hubka laga qaadana wax walba hagaagayaan.   Waxaase jira qaybo kale oo ka dambi & dulmiba  badan Jirrida. Maqaalkaanna waxaynu ku falanqaynaynaa dadka ka daran Jirrida iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan bulshada. Dadkaasina kuma koobna inta aan maqaalkaan kaga hadlayno oo kaliya ee waxaa jira dhib wadayaal kale oo aynaan hadda ka hadlayn. 

Marka aynu ka hadlayno dhibta ay inagu hayaan qaybo ka mid ah bulshadeenna macneheedu ma aha in qof kasta oo ka mid ah qaybahaas uu yahay dambiile, gaar ahaan culimada, odayaasha, ganacsatada, dhakhaatiirta iwm oo ay ka mid yihiin dad aad u wanaagsan, mana qarsoona in aysan kuwa aan sheegi doonno oo dhani ka xumayn Mooryaanta oo dhan ee qof walba gaarkiisa ayuu qiimayn u leeyahay, Rabbina dadka xisaab guud kuma qaadee qof walba tiisa ayuu kula xisaabtamaa oo ay ka mid tahay tan uu sababta u yahay, waana tan keentay in aan si guud ugu tilmaanno dadka aan ka hadlayno inay Mooryaanta ka daran yihiin illeyn iyagaa wax badan sabab u ahe. Waxaa kale oo xusid mudan in aynaan u jeedin in qof kasta oo dambiile ahi uu wada gaystay noocyada dambi ee aynu ku tilmaannay in qaybtiisu ku kacdo, ee waxaa dhici karta in qaarkood qayb uun ka mid ah dambiyadaas galeen. Tan kale ugama jeedno sheegista dambiyadaan dhaleecayn ee waxaynu uga jeednaa in dadka ku kacayaa ka waantoobaan, ama bulshadu wax ka qabato iyo in aynaan xanuunno badan oo ina haya u qaadan mid qur ah. 

Yaa ka daran Mooryaanta?!! 

Waxaa Mooryaanta ka daran dadkaan soo socda:

1.     Odayaasha ku barbaariyay ilmohooda cuqdad qabiil, cadaawad sokeeye,  ku faanis dhiig muslin, kulana dardaarmay aarsi. Kuwaas oo ka dibna isu soo uruuriyay dhallinyarada, wada hubeeyay, ku taakuleeyay, ku dhiirri galiyay, kuna hoggaamiyay colaad muslin, isla mar ahaantaana la cunay wixii ay soo dheceen, uguna hambalyeeyay intay soo dileen, daaweeyay dhaawacooda, duudsiyay xaqa ciddii wax ku sheegata, ugana dooda goloyaaasha, iyagoo ku andacoonaya inay Mooryaantu yihiin balaayo loo baahan yahay, haddaan iyagu jooginna tolka sidii la doono laga yeeli lahaa. Odayaashaani waxay la wadaagaan Mooryaanta dambi kasta oo ay galaan, maxaa yeelay qofkii dambi bilaaba wuxuu leeyahay dambi le’eg kan ay helaan dadka ku dayday oo dhan, iyadoon laga dhimayn kuwii gaystay dambigooda. Nabigu -Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: (qof kasta oo dulmi lagu dilo, ina Aadankii hore wuxuu dhiiggiisa ku leeyahay dambi, maxaa yeelay waa kii ugu horreeyay ee jideeyay dilka). Wuxuu kale oo yiri Nabigu -Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee-: (qofkii baadinimo ugu yeera dadka, wuxuu leeyahay dambi u dhigma dambiyada dadka ku raacay dambigaas, iyadoon laga dhimayn kuwa falka gaystay dambigooda). Intaa waxaa kale oo u dheer dambiyadooda gaarka ah.

2.     Qabqablayaasha ku garaadda gooyay xasuuqa iyo gumaadka shacbiga Soomaaliyeed isla markaana geystay foolxumooyinkaan:

               ·          dhallinyaradii ummadda ayay u xereeyeen Xabashi, uga dhigeen sokeeye, u dhiibeen hubkeeda, ku direen dalkoodii, ku dileen dadkoodii,  una diideen jid toosan, si ay ugu gaaraan danahooda gaarka ah.

               ·          Waxay  huriyeen dagaallo waawayn oo aad loogu hoobtay oo ay dhex dhigeen bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ku raadinaya xukun iyo xoolo.

               ·          Waxay dadkii iyo dalkiiba gacanta u galiyeen Xabashi. Iyagoo u danqada danta Xabashida, dadkoodiina u dulleeyay.

               ·          Waxay la dagaallameen Diintii iyo wax walba oo waxtar u lahaa dalka iyo dadka.

               ·          Waxay ka gateen gaalada ama siiyeen hantidii iyo khayraadkii ummadda, sida: badaha, dakadaha iwm. Waxay kale oo cadawgeenna  u suura galiyeen inay dhulkeenna iyo xeebeheenna ku aasaan sun, taas oo khatar ku ah xataa jiilalka dambe ee Soomaaliyeed.

               ·          Waxay ka cunaqabateeyeen (xireen) shacbiga inuu ka faa’iidaysto ilihiisa dhaqaale, sida: dakadaha, garoomada iyo waddooyinka.

               ·          Waxay mar kasta hor istaagaan wixii heshiis ah ee dhex mara dadwaynaha Soomaaliyeed, si aysan u waayin danohooda gaarka ah iyo danaha cidda ay u adeegayaan.

               ·          Waxay dalka si isdaba joog ah u keenaan lacago been abuur ah oo sii baabi’yay bulshada intii ka dhaqnayd, keentayna sicir barar, khasaaro wayn, faqri iyo gaajo. Dhibaatooyinka faraha badan ee haysta Soomaalidana waxaa sabab u ah waxa nimankaasi gaysteen.

3.     Daba dhilifyada (madiidin) gaalada, oo u gudbiya cadawga Soomaaliyeed wax kasta oo sir u ah ummadda. Waxay raggaasi iibsadeen wax kasta oo ay lahaayeen: diin, sharaf, dad iyo dalba, waxayna dhaafsadeen diin la’aan, gunnimo iyo dullinimo. Waxay la gaartay inay gaalada u soo jaajuusaan: dugsiyada Qur’aanka, Masaajidda, jaamacadaha, culimada iyo qofkasta oo aysan la qummanayn jaajuusnimadu, waxay kale oo u gudbiyaan hub iyo hanti waxa dadku haysto, baryahaan dambana waxaaba soo baxay dabadhilifyo ciidamo haysta oo la sheegay inay  u adeegaan Yuhuudda, Maraykanka, xabashida iwm oo shaqadoodu tahay in ay qafaashaan ka dibna u dhiibaan gaalada qof kasta oo muslin ah oon u dhalan Soomaali oo yimaada dalka, taas oo looga jeedo in lagu kala gooyo Soomaalida iyo muslimiinta kale, waxaa intaa u dheer in ay xirtaan ama gaalada u dhiibaan dadka Soomaaliyeed ee diinta faafiya iyo waliba inay cabsi galiyaan qof kasta oo danta bulshada ka shaqaynaya ama aan ku qancin dabadhilifnimada, kuwaasna waxaa gobolada qaarkood looga bixiyay ASHAHAADO LA DIRIR!!!. Raggaas oo aan ku waana qaadanayn waxa ay la kulmeen basaasiintii Xabashida hore ugu adeegi jirtay, sida kuwii Soomaaliya wax ka burburiyay, ka dibna  u galay Xabashida oo u cabiidiyay xaq u dirirka S/galbeed cadawgooda, iyagoo ku andacoonaya inay Itoobiyaan yihiin. Markii ay xabashidu ku gaartay danteediina ay kula dhaqantay wixii uu mudnaa madiidin (qawsaar) dadkiisa iyo dalkiisa iibsaday. Waxay soo saartay Amxaaradu: in aan qof horay uga soo shaqeeyay Soomaaliya wax xil ah ka qaban karin Itoobbiya, taas oo ay ula jeeddo daba dhilifyadeedii oo ay ka kaaftoontay. Waxaa iyana kuwaa la mid ah qabqablayaashii xabashida soo galiyay dalkooda, una adeegsaday xasuuqa dadkooda, iyagoo ay la tahay inay gaaladu ayaga wax u qabanayso, xaqiiqaduse ay tahay inay ku danaysanaysay, markay ku gaartay hadafkeediina ay kuwo kale ka hoos samaysatay ayagiina eriday, oo ay qaxooti ku yihiin meel aysan sharaf iyo karaamo midna ku lahayn.

4.     ganacsatada oo siyaabo kala duwan uga qayb qaata gumaadka iyo dabargoynta bulshada Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah siyaabahaas:

      a)         Waxay haystaan hub iyo gaadiid fara badan oo mar walba diyaar u ah in lagu soo laayo maatida awalba rafaadsanayd ee walaalohood ah, waxayna hubkaas u dhiibtaan, kuna masruufaan Jirri qaraabadooda ah oo xumaan oo dhan u adeegsata.

      b)        Waxay ku bixiyaan is dilka muslimiinta xoolo aad u fara badan, oo  aysan siin qaraabadooda oo gaajo u hoobanaysa. Lacagta ay bixiyaan waa sababta ugu wayn ee dagaalka sokeeye la joogsan la’ yahay, maxaa yeelay dagaalku wuxuu u baahan yahay maaliyad aad u badan oo aysan dadwaynaha caadiga ahi bixin karin. Lacagtaasna waxaa ku tabarruca si joogto ah ganacsatada iyo dadka dibadda jira ee Soomaaliyeed oo ayagu si qiiro leh uga qayb qaata xasuuqa walaalohood!!!!.

      c)        Arrintaa aan ka soo warranay waa xasuuq muuqda oo ay ku kacaan ganacsatadu, waxaa kale oo u dheer gumaad qarsoon oo ay ku hayaan bulshada. Waxay ka gadaan dadwaynaha dawooyin iyo cuntooyin la qalday, sida: caleen shaah oo lagu daray qolfo, saliid lagu daray kiimiko badisa, bur lagu daray dambas, kaabsool lagu shubay bur, faleebbe lagu dhaamiyay  biyo, dawooyin laga dhimay qiyaastoodii (kiniini 250mg ah oo lagu soo qoro inuu yahay 500mg) iwm. Waxay kale oo ka gadaan dawooyin, cuntooyin iyo alaabooyin kale oo dhacay oo dibadda laga keeno. Waxyaabahaan oo dhani waxay dhib u gaysanayaan nolosha iyo caafimaadka dadka, waxayna keenaan geeri iyo cudurro khatar ah. Waxay kale oo arrintani si wayn u wiiqaysaa dhaqaalaha bulshada, sababtoo ah dadka xoolohoodii ayaa waxaa lagu qaadanayaa badeeco aan wax tarayn, dhibna gaysanaysa. Marka aad loogu fiirsado dhibkani wuu ka khatarsan yahay kii dagaal hurinta, waayo kani wuxuu saamaynayaa dadkoo dhan: carruur, haween iyo waayeelba. Wuxuu kale oo saamaynayaa dadka soomaaliyeed ee daggan Geeska Africa oo dhan, maxaa yeelay waxa ka soo daga dakadaha iyo garoomada Soomaaliya waxaa loo iib geeyaa dhulalka Soomaalidu dagto oo dhan. dagaalkuse wuxuu ku egyahay reeraha gala iyo intii rasaas habaw ahi ku dhacdo kaliya.

      d)        Waxay soo galiyaan dalka iyaga iyo qabqablayaashu lacago been abuur ah oo ay ku qaataan xoolaha dadwaynaha, taas oo ay ka dhalato sicir barar, khasaare iyo cayrtow ballaaran.

 

5.     Culimo ku sheeg dulmiwadayaasha u tusa inay xaq ku taagan yihiin. Inkastoo dadka Soomaaliyeed ay aqoon u wada leeyihiin Xaaraanimada dhiigga muslinka iyo maalkiisa, haddana waxay wadaad xumeyaashu ku marin habaabiyaan caamada shubhooyin ay ka mid yihiin:

                  ·          Waa la idanku soo duulay, idinkuna difaac ayaad ku jirtaan, qofka idanka dhintana waa shahiid.

                  ·          Xaqiinnii ayaad soo dhacsanaysaan oo Alle ayaa idan la jira.

                  ·          Xoolihiinnii ayay reer hebel horay u qaateen, sidaa darteed xoolohoodu waa idiin bannaan yihiin.

                  ·          Inay ku muujiyaan ficilkooda in waxaasi xaq yihiin ama bannaan yihiin, sida: inay wax ka aruuriyaan xoolo lagu dagaallamayo, inay u hayaan waxay soo aruursadeen qabaa’ilkoodu, inay ciidan wax ka abaabulaan, inay muujiyaan farxad marka reerkoodu dhib gaysto ama ay ka aamusaan sheegista xaaraanimada waxa reerkoodu ku kacayo, taasoo loo fahmi karo inay xaq yihiin falalkaasi.

6.     Dhakhaatiir qayb libaax ka qaata naafaynta iyo baabi’inta inta ka badbaadda dagaallada. luggooyadoodana waxaa ka mid ah:

                 ·          Inay dadka ku sheegaan xanuunno aysan qabin, u qoraan dawooyin aysan u baahnayn, u diraan baaris aan dani keenin ee lacagta looga shubanayo,

                 ·          Inay ka qaataan ganacsatada dawada iyo shaybaarlayaasha lacag, si ay ugu diraan bukaanka baaris aan dani keenin, ama ugu qoraan dawooyin aan loo baahnayn.

                 ·          Inay  sameeyaan qalliinno aan loo baahnayn, ama aan la ogayn inay xal u yihiin jirrada bukaanka, ama aysan aqoon u lahayn, ama aanay haysan qalabkeedii. Mooryaantu waxay inta badan dishaa rag xoog leh oo dhiggood ah, iskana ilaalinaya, dhakhaatiirta xumise waxay miijiyaan inta badan bukaan maati ah (haween, carruur iyo waayeel), oo ugu yimid baahi caafimaad iyo kalsooni ay ku qabaan.

7.     Warbaahinta dalkeenna oo qayb wayn ka qaadata:

·        La dagaallanka ku dhaqanka diinta, foolxumaynta mabaadi'deeda, axkaamteeda iyo culimada xambaarsan, faafinta waxyaabaha ka soo horjeeda iwm.

·        isku dirka bulshada, sida: in si xiisadda kordhinaysa loo wariyo dagaallada dhexmara qabaa'ilka, in la wada hadalsiiyo laba matalaysa labadii reer oo diriray oo markaas mid walba guubaabo iyo hanjabaad ka soo jeediyo idaacadda iwm.

·         foolxumaynta dalka iyo dadka taas oo ka dhalata iyagoo si joogto ah u wariya dhacdooyinka xun xun isla markaana ka aamusa waxqabadka iyo wanaagga dalka iyo dadka, waana arrin dadka nacsiinaysa dhulkooda iyo dadkooda isla mar ahaantaasna baabi'inaysa isku kalsoonida ummadda, waxaa kale oo ay buunbuuniyaan khaladaadka dhaca, waxay kale oo suura xun ka baxshaan wanaagga jira, sidoo kale waxay qurxiyaan xumaanta ay wadaan gaalada iyo madiidinkoodu, iyagoo waliba soo shaacbixiya adeegayaasha gaalada. Waxaa ay baahiyaan qaarkood waxyaabo dhallinyarada luminya, sida: heeso, sheekooyin, barnaamijyo, waraysiyo iwm oo dhammaan u yeeraya xumaan, tusaale ahaan: waxaan dhagaystay idaacad ka warramaysa: bannaanbax ay ka sameeyeen naagaha jirkooda ka ganacsda dalka Giriigga iyo gobolkii ugu horeeyay dalka Maraykanka oo u oggolaaday nimanka naagnimo!!!!.

·        Waxay ku dhex faafiyaan bulshada afkaar iyo dhaqamo foolxun oo ka yimid gaalada, waxay kale oo shaqo ka dhigteen inay soo gudbiyaan wanaagga gaalada ayna qariyaan xumaantooda, isla mar ahaantaasna ay sheegaan xumaanta muslimiinta ayna qariyaan wanaaggooda.

8.     Nimanka shineemooyinka iyo filimada shita oo iyagu da’ yarta soo kacaysa ku haya dabargoyn aan wax naxariis ah lahayn, halka mooryaantu ay layso kuwa waawayn. Waxyaabaha nimankaas ay ku burburiyeen mustaqbalka da’yarta waxaa ka mid ah:

               ·          Inay shineemooyin ka sameeyeen meel kasta, ayna u furaan ilmaha subax, barqo, har, galab iyo habeenba. Shineemooyinkaasi waxay da’yarta ka reebaan waxbarashada iyo khidmada waalidkood.

               ·          Waxay u daaraan carruurta filimo xambaarsan wax kastoo xun, oo ay ku bartaan xumaanno kala duwan oo xataa aysan garanayn mooryaanta waawayni. Filimmada nimankaasi u daaraan carruurteenna, gaalada samaysay uma oggola dhallaankooda. Qofkii wayn oo doonaya inuu daawadana wuxuu fiirsadaa waqtiga ay ilmuhu hurdaan. 

               ·          Waxay nimankaasi Af Soomaali ku tarjumaan filimada kala duwan ee xumaanta lagu faafinayo, sida: kuwa xambaarsan diinaha gaalada (hunduus, buudiya, kirishtaan, yuhuudiya, konfooshisiya iyo diin la’aanba), kuwa macsiyada iyo dhaqan xumada ah (sex) iyo filimmada falal dambiyeedka (tuugo, dhac, dil, kufsi, jaajuusnimo iwm). 

9.     Ururrada haweenka  oo cadawgu u adeegsado marin habaabinta hablaha iyo burburinta  qoyska. Ururradaan waxaa sameeyay oo maalgalin iyo taageeraba siiya hay’adaha gaalada ee ku hawlan la dagaallanka diinta iyo dhaqanka toosan ee bulshada Soomaaliyeed. Mooryaantu waxay laysaa ragga waawayn, shineemooyinkuna carruurta, ururrada haweenkuna waxay burburiyaan qaybta hartay oo ah dumarka iyo qoyska. Waana cirib tir waxa ka haray bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa iyana dhib wayn ku haya bulshada dhammaan waxa loogu yeero ururrada bulshada rayadka oo kuwa haweemku ka mid yihiin, maxaa yeelay waa hay'ado dhammaantood lagu aasaasay fikrad, maal iyo hoggaan gaalo, waana hay'ado hordhac u ah gumaysiga cusub ee lagu wado dunida muslinka, waxaa taa dheer shaqooyinka ay qabtaan oo dhammaantood ah wax aan ka tarjumayn baahida dadwaynaha, tusaalena waxaa kuugu filan waxa ay xoogga saaraan oo ay marwalba ka hadlaan.

10. Ganacsatada maandooriyayaasha: Waa niman sharwadayaasha oo dhan ugu kaalmeeya gaarista ujeeddooyinkooda xun xun, maxaa yeelay:

          ·          waxay u keenaan wax nin walba caqliga ka qaada, ka dibna waxaa laga fushadaa wixii la doono.

          ·          Waxay kaloo ku qaabilsan yihiin inay xoolaha Soomaaliyeed u gudbiyaan cadawga ummadda maalin walba.

          ·          Waxay ku gaamureen akhlaaq luminta. Iyagoo qof yar iyo mid waynba u sahla helidda nooc kasta oo mukhaadaraad ah, sida: xashiish, jaad, sigaar, tubaako iwm.

                  ·          Waxay qabtaan shaqadii ay qaban jireen Mooryaanta, filinleyda iyo ururrada haweenku oo dhan iyagoo baabi’inaya  qaybaha bulshada oo dhan ( caruur, haween iyo ragba).

11. Mooryaanta: qoladaan wax ka qoristooda waxaan u daynayaa dadwaynaha oo ha badato ama ha yaraatee dhibtooda wax uun ka arkay, aadna u maqlay eedaha loo soo jeedinayo ayaga iyo qabqablayaasha.

 

Waxaan iyaguna eed la'ayn Dadka wanaagsan (culimo, odayaal, siyaasiyiin, saraakiil, ganacsato, dhallinyaro iyo haween) oo ku fashilmay inay isu kaashadaan ka hortagga iyo wax ka qabadka dhibaatada haysata bulshada, maxaa yeelay waajibaadka saran qofka muslinka ah waxay u qaybsamaan: 1- waxyaabo laga tagayo, sida: dilka, dhaca, beenta, xanta iwm. 2- waxyaabo la qabanayo, sida: salaadda, runta, wanaag farista, xume reebista, u hiillinta qofka la dulmiyay, qabashada daalimka iwm. Dadka wanaagga aan ku tilmaamay waa ka tagista waxyaabihii xumaa ee ma aha qabashada waxyaabihi wanagsanaa, Nabiguna (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu yiri: Wixii aan idan amray la imaada intaad kartaan, waxaan idiin diidayna ka fogaada. Dadkaanina lama imaan wixii nabigu faray oo ay awoodeen, sidaa darteed ayay ku yeesheen eed ka duwan tan dadka an kor ku soo xusnay, waliba iyagoo aad uga awood badan inta yar ee wax halaynaysa.  

Haddaynu ogaannay wax ka mid ah dhibaatooyinka ina haysta iyo cidda inagu haysa, waxaa habboon in laga fakaro sidii looga gaari lahaa xal ku habboon mid walba. Waxaynu isku dayaynaa inaynu maqaallo dambe kaga hadalno arrintaas, innagoo ka fogaanayna inaynu dhibaato dhinacyo badan leh u tiirino hal meel oo xataa haddii la xaliyo noqonaysa wax yar oo ka mid ah wax badan, wayna habboon tahay in laga wada qayb qaato soo bandhigista mashaakilkeenna iyo xal u heliddoodaba.

Waxaan mar labaad xasuusinayaa akhristayaasha in aynaan uga jeedin qoraalkaan fadeexayn iyo isbarbardhig xugun ka dhalanayo oo lagu kala hormarinayo dambiilayaal, sidoo kale nin walba oo ka tirsan mid ka mid ah qaybaha aynu xusnay maaha dambiile, hadduu yahayna khasab maaha in uu ka dambi bato mooryaanta, mana aha inuu wada galay dambiyada qayb walba aan ku tilmaanay. 

Axmad C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2004  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]