SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DARXUMADII OO LOOGU DARAY DIL BEESHA LA TAKOORO EE WAQOOYIGA!!!!!

A.O.Dirie
<bakool55@hotmail.com>

Siyaad Bare markii xukunka laga tuuray ayaa waxaa dhacday in beelaha la hayb-sooco ee Waqooyiga degan gaar ahaanna Hargeeysa oo xaafad dhan lahaa ay halkaas ka soo carareen, una soo guureen Boosaaso.Xaqdaradaasna cid ka hadasha illaa iyo maanta lama arko iyo hantidooda xoogga lagu heystaba iyadoo reer Hargeeysa ay meelaha ka sheegsheegaan in ay "Dimoqraadi" ay yihiin.

Muddo ka horna , dad arrintaas lagu khalday ayaa waxay damceen in awoowgood  Shekh Muse oo ay isku meel ku aasan yihiin Shekh Isaxaaq ay khabrigiisa ay dhisaan, arrintii ka raacdayna waaba la ogaa iyo wareeysigii suxufi ku sheegga jaahilka ahaa ee Haatuf  oo su'aalaha uu weeydiinayey qolooyin caabuda qabuuraha ay ka muuqatay yasid iyo qaangaarid la'aanta saxaafadaa qabiilka Isaaqu leeyahay.

Sida,beri hore ay qortayna "Jamhuuriya" gabdho saxiib ahaa oo ka kala soo jeeday kuwa hubeysan iyo kuwa aan hubeysneyn ee Hargeeysa ayaa waxaa  aroos lahaa tan Ajiga ah, markay tii ay weeydiisay saaxiibadeeda wakhtiga xafladdu dhaceeyso si ugu diyaar garoowdo oo uga qeyb gasho ayaa waxay ugu jawaabtay , "Naa arooska ha naga ceebeeynin".

Maantana, waxaa ka dhacday Hargeeysa in reer dhan oo Gabooye ah kibir lagu dilo oo cid wax ka qabatayna ayan jirin, marka meeday dimoqraadiyaddii iyo muslin-nimadiiba?. Waqooyiga Somaaliya oo markeedii horeyba aheyd halka ugu takoorka badan Somaaliya oo dhan ayaa waxaa cad in maanta ayan waxba dhaamin Xamar oo beelaha aan hubeysneyn sidii la doono laga yeelo.

Si kasatab ha ahaatee , waxaa laga wada arkay in waxyaabaha aan soo sheegay ay Puntland 100% ay uga wanaagsan tahay S/land, sabata oo ah P/L waxay horay dil ugu xukuntay kuna fulisay qisaas askari Daraawiishta ka mid ahaa oo dilay nin Jareerweyne ka soo jeeda oo Xamar ka yimid.

Marka su'aashu waxay tahay in takooridda foosha xun ay adag tahay in dhowaan ay ka koraan reer Waqooyiga balse aan dhowro in sidii P/l ay u dhaqmaan iyo in kale oo ay sharaftooda dhowrtaan, muslin-nimadana qadariyaan!
 

A.O.Dirie
<bakool55@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2004  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD