SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

UNUG CAAFIMAAD QABA!

Liiban Maxmed Shariif(dhegacade) 

Xal yaa u haya Soomaali? Jawaabteedi la raadi jawaabse loo waa. Maxay reer soomaal isku heystaan waa marka hore? Ma odhan karo waxaa soomaalida dhextaala cadaawad soo jireen ah iyo naceyb lamid ah kan ay usa qabaan Huutuga iyo Tutsiaga reer Brundi iyo Ruwanda. Haddii uu jiri lahaa cadaawad noocaasi ahaa miljan badhkii baynu bil iska dili lahayn sidii ka dhacaday Ruwanda.  

Cadaawad diineed isuma qabtaan oo isma aydin goowriciin siddii Bosnia ka dhacaday, iyadoo midkasti ku doodayey in ay u banaantahay dhiiga kan kale in uu qubo dhaarna ku maray in uu kurka ka jaro kan kale marka ay ishiisu qabato. 

Dheeman iyo dahab qurta leysaga gooyo sidii ka dhacaday Siirelyoon laguma ogeyn Soomaaliya. Maxaa hadaba laysku heystaa? SuŽaashan caalamku ku wareer xal cad oo waarana loo waa. Soomaalidu waa dad wax akhrintu iyo qoristu ku yartahay. Afka soomaaliga waxaa la qoray horantii todobaataneeyaddii. Xornimada waxay timi lixdamaadkii dhexdeedi. Intaa waxa sii raacay xukumado iyo shaqsiyaad  aan qaadi karin amse aanba fahmin xilka iyo masuuliyada saaraan oo xukunkii gacanta u galay. Dagaalo ahli oo soo jiitamayeye ilaa dhamaadkii todobaataneeyadii.  

Isaamin laŽaan baahday oo u dhexeysa qabaailda soomaalida iyo dib u gocosho ay had jeer ku lamaaneeyaan xukuumadihii dalka soomaray ayaa waxay keentaa in inbadani ka dhiidhido cida  masuuliyada dalka hananeysa. Waa wax cad oo aan mugdi ku jirin in eexasho balaadhan ay dhacdo oo lagu naasnuujinayo reerka uu ka dhashay ruuxa ah xubinta u sareysa maaamulka markaa jira. Shaki kuma jiro in aamindaro imaneyso iyo kacdoono isdaba joog ah si ruux waliba xalwada la raamsaneyo uu badhkiisa u goosto. Xukunkuumad kanser(Canser) ku dhacay daawo maleh. Kala didkaa ku dhacay shacabkii walaalaha ahaa oo ay ka faaiideysteen siyaasiyeen raba in ay dano shaqsiyadeed ku gaadhaan ayaa xaalkii awalba liitay ka sii dhigay mid aan wax laga qaban karin. Xusuusnoow dalkani waa dalka aduunka ugu fakhrisan. Xeerkee qabanaya haddaba dadka madaxdoodi ay dhiigmiirato noqotay. 

Qaranka iyo qowmiyada soomaaliyeed badbaadinteedu waxay ku xidhantahay iyadoo la helo UNUG CAAFIMAAD QABA.  Unugani wuxuu ka koobnaanayaa shaqsiyaad aaminsan mabda, axdina leh. Balan qaadikara ogna in ay yihiin dabka keliya ee ay soomaail kulaaleyso haddiise uu demo dabku waxaa inbadan la baadigoobidoona dhimbiil dab ah oo dib loogu shido ileys dambe. Unugani haddii uu helo degaan ku haboon tarankiisa, wuxuu markiiba bilaabayaa in uu qeybsamo, isaga oo laba laabmaya markiiba. Mudo dabadeed waxa uu unug-gii noqonayaa xubno kala duwan oo si habsami leh u wada shaqeeya. Midwalibana howl gooni ah ay u xilsaarantahay. Sidaas ayaa waxaa ku ubuurmaya bulsho badqabata ogna xilkeeda iyo wax looga baahanyahay iyo meesha ay howsha ka garabgelyso. 

Gunaanad dalku wuxuu u baahan yahay Team aragti dheer leh oo aan xukun iyo dhaqaale doon midna aheyn. Kooxda xukunka qabandoonta waa in ay leeyihiin dhowr calaamadood. Kow waa in ay garoowsanyihiin xaalada, dhibka rafaadka ay qabaan soomaalida gudaha iyo debedaba. Labo waa in ay ogyihiin fursadda ay heleen in ay tahay mid taariikhi ah haddii ay ku guuleystaan in ay wax ka qabtaan xaalada dadka iyo dalka ku sugunyihiin in ay taariikhdu si wanaagsan u xukumidoonto. Sadex sidda hadafka lagu gaadhayo waa in ay si cad u qeexantahay iyo ugudambeyntii in dulqaad iyo isfahanka dhexdooda la adkeeyo.Unug siddaa u shaqeynaya ayaa soomaali dulinimada ka saari kara. 

Liiban Maxmed Shariif(dhegacade) 

Stockholm Sweden

                        Somalia60@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2004  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD