SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

 

 12-Askari oo ka tirsan ciidankii Militeriga oo….

 

Waxaa shalay inta u dhaxaysa Suuqa Xoolaha iyo xerada Maslax ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo milatari ah oo mudo laba sano ah ku sugnaa xeradaasi iyo maleeshiyo beeleed waxaana iska hor-imaadkaan oo socday mudo labaatan daqiiqo ah lagu xasuuqay laba iyo toban askari oo ciidanka Milatariga ahaa oo ay ku jirtay haweeney milatari ah.

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in maydka askartaasi ay wali yaalaan xerada duleedkeeda waxaana la sheegay in dadwaynaha deegaanka ay aad uga nexeen falkaas lagu xasuuqay askartaasi waxayna sheegeen inay keeni karto isku dhac.

Maleeshiyadaan ayaa mudooyinkaanba ku sugnaa S/xoolaha iyadoo qaar ka mid ah maleeshiyooyinkaasi laga eryey maalintii daraad ahayd isgoyska sos waxaana kala wareegay isgoyskaas ciidamo isku dhaf ah oo ka socday maxkamado Islaami ah oo iyagu halkaas ku soo celiyey nabadgalyadii iyo kala dambayntii, waxaana dilkan cambaareysay hay'adda xuquuqda Aadanaha Elman oo ku tilmaantay mid ka baxsan shareecada Islaamka iyo xeerarka caalamiga ah.

 

Dhinaca kale intii ka hartay ciidankii Militeriga ahaa ee ku sugnaa xerada Maslax ayaa haatan isku urusanaya xaruntii hore ee xisbiga, illaa iyo haatanna wax war ah kama aysan soo saarin dowladda KMG ah ee la xiriira dilka askartaasi.

 

Midowga Jabhadaha Xoreynta Soomaali Galbeed oo sheegay in maamulka Riyaalle uu weli wado....

 

 Waxaa maalintii shalay aheyd xafiiska arimaha dibada iyo warfaafinta  ee MIDOWGA JABHADAHA XORAYNTA SOMALI GALBEED ka soo baxay war saxaafadeed ay kaga waramayaan xaalada u dhaxay-sa dadwaynaha ku nool Somali galbeed iyo maamulka Somali-land waxayna war saxaafadeed-kaas kaga codsadeen Muslimiin-ta oo dhan gaar ahaan bulsho waynta Somaliyeed in maamulka Hargaysa uu weli sii wado gacantana kula jiro falalkii xumaa ay ku raali galinayeen cadawga Somaliyeed ee xabashida ka dib markii uu dhawaan ku dhawaaqay in maxkamad uu soo taagay dad u dhashay Somali galbeed oo lagu xukumay xarig dheer, waxaa kaloo war saxaafadeedkaas lagu sheegay in xabsiyada maamulka Somali-land laga buuxiyey dad u dhashay Somali galbeed kuwaa-soo isugu jira ganacsato arday haween kuwaasoo aan galin wax dambi. Waxaa kaloo war saxaafadeedkaas lagu sheegay in dad u dhashay Somali galbeed loo gacan galiyey cadowga umada somaliyeed ee xabashida kuwaasoo aan ku banaanayn shareecada Islaamka iyo dhaqanka Somaliyeed, ugu dambeyntii waxaa loogu baaqayaa shacabka W/Galbeed gaar ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay ka shaqeeyaan nabada iyo walaalaynta labada shacab ee aan kala maarmin, sidoo kale waxaa loogu baaqa-yaa Muslimiinta caalamka gaar ahaan umada Somaliyeed inay ka hor yimaadaan falalka gaalo-raacnimada ee uu wado maam-ulka Riyaale waxaa kaloo loogu baaqay shacabka S/Galb-eed in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara colaad dhex marta iyaga iyo walaalaho-oda waqooyi, waxaana qoraalkaan xafiiska soo gaarsiiyey Guure Axmed Aadan.

 

Duqii magaallada Boosaaso oo toogasho lagu dilay

 

Warar haatan na soo gaaray ayaa waxa ay sheegayaan in duqii magaallada Boosaaso Maxamed Siciid Aadan (Sayruuq) tootasho lagu dilay, kaddib markii gaari uu saarnaa lagu weeraray bartamaha magaallada Boosaaso, waxaana la geeriyooday duqa laba ka mid ah ilaaladiisii.

 

dilka duqa magaallada Boosaaso waxaa noo xaqiijiyey dad goob joog ka ahaa oo aan la xiriirnay saakay, waxayna sheegeen in ciidammo fara badan ay haatan wareegayaan magaallada, si ay gacan uga geystaan soo qabashada dadkii dilka u geystay duqa magaallada, waxaana arrintan laga yaabaa in ay qalqal geliso ammaanka magaallada Boosaaso oo waayadaanba ay ku soo kordhayeen falalka, dilka dhaca iyo boobka.

 

 

Amiin Yuusuf Khasaaro

e-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2004  
MASHRUUCA KA HORTAGGA INDHALA’AANTA
Jamciyada Manhal oo 2004 qorshayneysa in indhaha loo jeexo dad tiradoodu gaadhayso 5000 oo qof... Guji June 28

"Shirka Nairobi oo Qayaanadii Loo Qabtay ku Dhamaaday"
Sidaas waxaa yiri Eng. muuse SH M.C/raxmaan oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ahna .. Guji.. June 28

Qodobkii 30aad oo Wax Laga Bedeley
Warqad maanta ka soo baxday xafiiska Guddomiyaha Shirka, Kiplagat, ayaa shaaca ka qaaday in isbadal lagu sameeyay qodobka 30-naad ee dastuurka ee muranku ka taagnaa Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD