SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
  • Warkii oo aanu ku soo qaadanayno.
  • Dagaalo dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada xoreeynta Ogaadeenya.
  • 5 ruux oo Ogaadeenya u dhashay oo la sheegay in maamulka Hargaysa ay xabsiga u taxaabeen.
  • Soomaaliya iyo Jabuuti oo laga xusay munaasabadaha 26 June iyo 27 June oo ku aadanayd madax banaanida gobalada waqooyi ee soomaaliya iyo Jamuuriyada Jabuuti.
  • Wariye caan ahaa oo ay Ioobiya xabsiga u taxaabtay.
  • Jaaliyada Oromada ee Canada oo warqad cabasho ah u qortay bulshada caalamka.
  • Eritereya oo ku gacan saydhay ka qayb galka shirwaynaha Midowga Afrika.
  • Waxaan kaloon idiin haynaa, Waraysi aanu la yeelanay afhayeenka Jaaliyada Ogaadeenya ee gobalada dhexe ee Maraykanka mudane Maxamed Cabaas iyo sugaan halgameed.

Dagaalo dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada xoreeynta Ogaadeenya.

 

Dagaal ay ku qaadeen Ciidamada soomajeestayaasha ah ee jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya 09.06.2004, saldiga ay ciidamada nacabka gumaysiga Itoobiya ku leeyihiin magaalada Yucub, ayaa ciidamada cadawga lagaga dilay 14 Askari  waxaana lagaga dhaawacay tiro kale oo aan wali la soo xaqiijin. 

Sidoo kale dagaal jilbaha laysu laabay oo ku dhex maray Lehelow oo ka tirsan gobolka Doolo, Ciidamada naflcariga ah ee gumaysiga Itoobiya iyo koox ka tirsan dagaalyahamiinta ciidanka xoreeynta Ogaadeenya10.06.2004 ayaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 7 askari waxaana lagaga dhaawacay 6 askari oo kale, dhinaca ciidamada xoreeynta Ogaadeenya wax dhimasho ama dhaawac ah oo dagaalkaas kaga yimidna lama soo sheegin. 

 Dhinaca kale warar  xaqiiq ah oo nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in 35 askari oo kamid ah  ciidamada tabaalaysan ee gumaysiga Itoobiya baxsadeen, askartaas baxsatay ayaa kamid ahaa ciidamadii maxaysatada ahaa ee ku sugnaa Tuulada Dig. Ciidamadaas baxsaday ayaan la sheegayaa in ay gateen hubkii ay haysteen isla markaana ay u baxsadeen dhinaca soomaaliya, halka ay warar kalana sheegayaan in qaar ka mid ah ay u baqooleen goobihii laga soo raafay ee deegaankooda ahaa, hasa yeeshee si xaqiiq ah looma hayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen ciidamadaas 35 askari ah ee baxsaday. 

5 qof oo ree rogadenya ah oo lagu xidhay Hargaysa 

Wariyaha RX uga soo warama  gobolada waqooyi ee somaliya ayaa soo tabiyey in 27-06- 2004  shan(5) qof oo u dhalatay Ogadenya lagu xidhay magaalada Hargaysa ee waqooyiga Somaliya, shantaas qof oo kala ah 4 wiil iyo Gabadh, ayaa loo gaystay xidh dil iyo garaacid ay kala kulmeen askartii qabatay. Waxaa hore xaabsiyada uga buuxay dad fara badan  oo u dhashey Ogadeeniya kuwaas oo qaar badan hantidoodii la dhacay, iyagoo magaalada u yimid   safaro ganacsi iyo qaraabadooda oo ay soo booqanayeen. 

Soomaaliya iyo Jabuuti oo laga xusay munaasabadaha 26 June iyo 27 June.  

Xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay 44-guuradii ka soo wareegtay markii calanka Soomaaliyeed laga taagay Waqooyiga Soomaaliya 1960-kii, ayaa  lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. 

Xafladaas oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay DKM oo uu hogaaminayay gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Mustafe Mukhtaar Guudow. Mudane Guudoow oo manaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in gobanimada maanta aynu hoos joogno loo soo daadiyay dhiig badan, loona huray maal iyo nafba. Gudoomiyuhu waxuu nasiib daro ku tilmaamay in ay maanta jiraan wax magarad doonaya in Soomaaliya la kala googooyaan halka ay wadamada Yurub iyo midawga afrikana ku dadaalayaan in ay dib u midoobaan. 

Dhinaca kalana waxaa wadanka Jabuuti looga dabaal dagay sanadguuradii 27aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Jabuuti Xornimadeeda ka qaadatay wadanka Faransiiska. 

Dalka Jamuuriyada Jabuuti ayaa aad looga xusay maalintan qadarinta iyo qaayaha badan ee ay hantiyeen gobanimada wadankooda. Dadka reer jabuutina waxaa ka muuqaday farxad aan la qiyaasi karin oo dhamaanba wadanka Jabuuti laga dareemi karo. 

Waraysi uu siiyay madaxwaynaha Jamuuriyada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele laanta Af Soomaaliga ee BBC ayuu ku sheegay, in Dawlada Jabuuti ay horumar balaadhan oo la taaban karo gaadhay mudadii ay gobanimada haysatay, waxuuna tilmaamay in xiligii gumaysiga ayna dadka reer Jabuuti waxba ka haysan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, iyo guud ahaanba adegyada nolasha aadamiga saldhiga u ah. 

Wariye caan ahaa oo ay Itoobiya xabsiga u taxaabtay. 

Warar aanu ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in la xidhay wariyaha lagu magacaabo Araga Waldhe Qirqos, oo ahaa tirfatiraha wargayska Itopi ee afka axmaariga ku soo baxa. Wariyahan ayaa xabisiga loo taxaabay, ka dib markii uu qoray maqaalo lid ku ah dawlada Itoobiya ee wayaanuhu madaxda ka yahay.  Mr. Araga ayaa la sheegay in ciidamada nabad sugida ee xukuumadda Itoobiya ay gurigiisa ugu soo daateen, ka dibna xabsiga u hooggaamiyeen. 

Ururrada saxaafada ee caalamiga ah ayaa dhawr jeer oo hore xukuumadda Wayaanaha ku canbaareyey sida bani’aadamnimada ka baxsan ee ay ula dhaqanto suxufiyiinta, Hasa yeeshee marnaba taliska Adis-Ababa waxba kama badalin falalka xuquuqda Aadamaha dhanka ka ah ee ay ciidamadiisu kula kacaan dadka rayadka ah. 

Jaaliyada Oromada ee Canada oo warqad cabasho ah u qortay bulshada caalamka. 

Jaaliyada Oromada ee dalka Canada ayaa warqad dheer oo cabasho ah u qortay bulshada caalamka, taasoo ay bulshada caalamaka kaga dalbeen inay si degdeg ah wax uga qabato dadka Oromada ah ee laga masaafurinayo wadanka Jabuuti. 

Jaaliyada Oromada ee dalka Canada waxay warqadan ku xuseen in dawlada Jabuuti ay hadda ka hor masaafurisay dad u dhashay qowmiyada Oromoda, kuwaasoo markii Itoobiya la geeyay la waayay meel ay ku danbeeyeen. 

Waxay kaloo warqadaas ku sheegeen in dadkan la masaafurinayo ay naftoodu halis galayso marka Itoobiya loo masaafuriyo, isla markaana ay la kulmi doonaan ciqabtii ay awalba uga soo carareen dalkoodii hooyo. 

Eritereya oo ku gacan saydhay ka qayb galka shirwaynaha Midowga Afrika. 

Dawlada Eritereya ayaa jimcihii lasoo dhaafay daboolka ka qaaday inayna ka soo qayb geli doonin shirwaynaha Midowga Afrika ee bisha soo socota lagu qaban doono dalka Itoobiya, waxayna diidmadeeda sabab uga dhigtay iyadoo Itoobiya ay xoog ku haysato dhul ay Eritereya leedahay. 

Uma malaynayo inay suuragal tahay inaan wafti dalkanaga matalayo u dirno Itoobiya, oo xoog ku haysata dhulkanagii, sidaas waxaa yidhi afhayeenka dawlada Eritereya Yemane Gebremeskel. 

Yemane Gebremeskel wuxuu sidoo kale xukuumadda Itoobiya ku eedeeyay inay ku tumatay sharciga caalamiga ah iyo midka Midowga Afrika labadaba, markii ay diidday go’aamadii caalamiga ahaa ee lagu xallinayay khilaafka xuduudeed ee dalkiisa iyo Itoobiya u dhexeeya. 

Wuxuu kaloo intaas raaciyay in dawlada Eritereya ay wufuud kala duwan u kala dirtay dhawr waddan oo afrikaan ah, si ay ugu faahfaahiyaan mawqifka dawlada Eritereya, isla markaana ay uga codsadaan in Midowga Afrika uu arrintaas tallaabo cad ka qaado. 

29.06.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2004  

Wararkii Toogashada Guddoomiyihii Boosaaso
iyoTaliyiihii Ciidanka Canshuuraha Dowlada Hoose ee Kontaroolka Boosaaso iyo sawiro laga soo qaaday gaarigii lagu dhex toogtey marxuumiinta... Guji

Madaxwayne ku Xigeenka Puntland oo Waraysi Siiyey Somalitalk
"Howsha uu Baarlamaanka DGPL qabtay waa mid aanu qaban weynay oo dhibaato uma aragno ee waxaannu u aragnaa dawlad kale dalka haloo dhiso" Sidaas waxaa yiri... Guji 24/6

Qoraal Kasoo Baxay Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka DGPL
Qoraal ka oo uu ku amrayay in ay wasaaradda maaliyada Puntland bixin karin wax lacag ah illaa amar dambe Guji 23/6

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD