Ridwaan
Xaaji C/wali.
London.

Sawirkana waa xarunta Mbagathi ee KCCT. |
Xarunta shirka Dib u heshiisiinta
soomaaliyeed ee Mbagathi waxaa wada hadalada soomaalidu ay
ka furmeen horaantii sanadka 2003da kadib markii laga soo
wareejiyay shirka soomaalida Magaalada Eldoret oo dib u
heshiisiintu ay ka furantay, waxaana xiligaas furay wada
hadalada soomaalida madaxwaynihii hore ee dalkaasi Danial
Arab Moi.
Mbagathi Sababta loogu soo
wareejiyay shirka waxaa ugu horaysay sidii hoos loogu dhigi
lahaa dhaqaalaha ku baxayay hoteelada waawayn ee eldoret oo
xiligaas soo bandhigay daymaha ay ku leeyihiin IGAD iyo
dawlada kenya in si dag dag ah loo siiyo hadii kale aysan
ogolaanayn in ergooyinku ay sii daganaadaan hoteeladaas.
Waxaana dhaqaalaha ku baxa shirka
inta badan ugu deeqa midawga reer yurub iyo dawladaha ama
ururada kale ee shirka goobjooga ku ah sida maraykanka,
jaamacada carabta iyo kuwo kale, waxaana marwalba ay
muujiyaan muhimada ay leedahay dawlad loo dhiso soomaaliya.
Kadib markii ergooyinka loo soo
raray Xarunta Mabagathi oo loo yaqaano KCCT ahna machad lagu
barto culuumta Tiknoolajiyada ee ugu baaxada wayn dalalka
Uganda, Tanzania yo kenya waxaa dhaqaalihii loo soo
wareejiyay Xaruntaas iyo dhowr hoteel oo kale oo la dajiyay
ergooyinka soomaalida.
Dhowr shir oo lagu qabtay Nairobi
ayaa dawladaha shirka dhaqaalihiisa bixiya ay su’aalo ku
waydiiyeen Danjire Kiblagat iyo IGAD si ay uga shaki baxaan
tuhuno badan oo ku saabsan in dhaqaalaha shirka siyaabo
guracan loo dhunsado isla markaana ay soo kordheen
cabashooyinka ergooyinka ee dhibaatooyinka kala kulma cunada
iyo seexadka sida ay ii xaqiijiyeen Xubno ka tirsan
Jaamacadda carabta iyo Maraykanka.
Dhaqaalaha ku baxay shirka oo isugu
jira kuwo aan si toos ah IGAD loo siiyo iyo kuwo qaabab kale
lagu helo waxaa ay kor udhaafayaan sida masuuliyiin shirka
ku sugan ay sheegayaan in kabadan 15 million oo doolar ,
waxaase iyada xaqiiqdu ay tahay in hogaamiyayaasha shirka
iyo ergooyinka laga ilaaliyo in la siiyo lacag cad iyaguna
ay ku qanacsanyihiin.
Dhaqaalaha ku baxa shirka Mbagathi
waxaa ay wax wayn ka tari lahayd dib u dhiska dalka
soomaaliya ee bur buray hadii shirku uu dhamaan lahaa oo
laga gudbi lahaa khilaafka u dhexeeya hogaamiyayaasha oo
runtu ay tahay khilaaf ku salaysan qabiil iyo xukun doon,
waxaana xataa cid walba ay dareemi kartaa in intii uu shirku
socday 100laal rayid ah ay ku dhinteen dagaalada qabiileed
iyo kuwa siyaasadeed ee soomaaliya ka socda.
Mudadaii aan shirka ku sugnaa ee
15ka bilood waxyaabaha iga yaabiyay waxaa kamid ah in
hogaamiyayaal badan ay ka cabanayaan dhaqaalo xumo haysa iyo
edaymo ku wajahan IGAD oo ay leeyihiin Lacagihii soomaaliya
iyaga ayaa dhacay.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
London, UK.
ridwanhaji@yahoo.com