SOOMAALI KU JIRTA XERO QAXOOTI DALKA
LIIBIYA OO KALA YAACDAY, KADDIB MARKII RASAAS LAGU FURAY
Xero Qaxooti oo ay
Soomaalidu degganaayeen oo ku taalla waddanka Liibiya ayaa warar
naga soo gaaray ay sheegayaan in dadkii qaxootiga ahaa ee ku jiray
ay kala yaaceen, kaddib markii wiil dhallinyaro ah oo u dhashay
waddanka Liibiya uu rasaas ku dul riday.
Si aan arrintaasi wax uga ogaanno
waxaan la xiriirnay wiil ka mid ah dhallinyaradii ku xareysneyd
xeradaasi oo lagu magacaabo Maxamed Deeq Xuseen, waxaana ugu
horreyntiiba weydiinnay sababta dhalisay arrintan, wuxuuna yiri
“Arrintan waxay ka bilaabatay meel Internet Café ah oo xerada qaxootiga
aad ugu dhoweyd oo inta badan ay adeegsadaan dhallinyarada Soomaaliyeed
ee xeradaa ku jira, iyadoo la wada buuxo oo kursi bannaan uusan jirin
ayaa goobtii waxaa yimid inan Liibiyaan ah oo uu dhalay nin ka tirsan
Madaxda Sirdoonka Liibiya, kaasoo soo dul istaagay inan Soomaaliyeed oo
markaa ku mashquulsanaa Computer-ka, waxa uu ku yiri iiga kac kursiga,
inankii Soomaaliyeed ayaa u jawaabay oo isna ku yiri marka aan danteyda
dhammaysto ayaan kaaga kacayaa, arrintaasi ma cajabin wiilkii
Liibiyaanka ahaa, balse markii uu ganuunacay waxaa la hadlay inan meesha
mas’uul ka ahaa oo ku yiri iska sug inta ay goobtu firaaqo ka noqoneyso,
kuma qancin ereyadaa la yiri, balse waxa uu meesha ka bilaabay
aflagaaddo iyo caay oo isna dhiniciisa loo jawaabay, kuma uusan ekaan
intaa ee hanjabaad iyo awood ayuu ku darsaday isagoo leh “Oo maxaad noo
maleyneysiin, ma Mareykankii aad 1993-kii dhulka ku jiideen oo kale?”,
markaa ayaa isna loogu jawaabay “Waadba ka sii liidataa ee waxaad doonto
samee”.
Max’ed Deeq waxaan ku niri intaa kaddib
maxaa dhacay, wuxuuna yiri:-
Inankii Liibiyaanka ahaa wuu baxay,
wuxuuse soo laabtay isagoo ay wehliyaan saddex wiil oo Liibiyaan ah,
isagoo ay muuqato in uu dagaal ku soo talo galay, waxayna gacan ku
bilaabeen wiilkii meesha mas’uulka ka ahaa ee isna Soomaaliga ahaa,
wixii intaa ka dambeysayna dhallinyaradii Soomaaliyeed ee goobta ku wada
jirtay oo dhowr iyo toban ahaa iyo 4-tii wiil ee Liibiyaanka ahaa ayaa
gacan isula tegay, dhallinyaradii Liibiyaanka ahaa dhaawacyo fudud ayaa
loo geystay, kaddibna meeshii ayay ka carareen.
Daqiiqado kaddib Internet-kii waa la
xiray, waana lagu kala tegay, dhallinyaradiina waxa ay ku soo wada
xaroodeen xeradii, waxaasi lagu baraarugay inankii yaraa ee uu dhalay
ninkii ka tirsanaa Sirdoonka Liibiya oo qori la yimid xerada albaabkeeda
oo aan si aan loo aabo deyin ugu furay dadkii ku jiray xerada, taasoo
keentay in qof walba meeshii u dhowayd uu ka boodo”
Maxamed Deeq oo hadalkiisii sii wata
waxa uu sheegay in aysan jirin dad Soomaaliyeed oo ku dhintay ama ku
dhaawacmay rasaasta uu inankaasi ku furay xerada, wuxuuse tilmaamay in
dadkii ay ka firxadeen xeradii aysan jirinna illaa iyo hadda qof ku soo
laabtay, wuxuu kaloo xusay in goobtii ay markiiba yimaadeen Booliskii,
illaa iyo haddana aysan jirin dad isugu yeeray oo dib ugu soo celiyey
xeradoodii.
Waxaan wax ka weydiinnay Maxamed Deeq
xaaladda xerada iyo dadka ku jira sida ay yihiin, wuxuuna tilmaamay in
xaaladda dadka ku jira xerada ay liidato, inta ay cunno helaanna aysan
ku filneyn, “Waxaa ii muuqda gabar dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed oo
laba maalmood ka hor umushay oo cid u gar-gaareysa aysan jirin, taagan
albaabka xerada, day-dayaysa cid uun wax uun ku tarta” ayuu yiri Max’ed
Deeq oo intaa ku daray in ay imminka ugu sii darsantay firxadkii laga
firxaday xerada.
Maxamed Deeq oo ka mid ahaa
dhallinyaradii tahriibka ku tegay waddanka Liibiya, wuxuuna sheegay in
imminka ay muuqato in dadka Soomaaliyeed ay qasab ku tahay in ay guryo
kireystaan, taasoo runtii ah mid ku culus oo aysan ka bixi karin,
duruufta jirtana dadka qaarkii ay imminka taagan yihiin “Yaa mar uun dib
idinkugu celiya Soomaaliya” oo ay sheegeen in haddii ay heli lahaayeen
cid gacan ku siisa ay mar hore dib ugu soo noqon lahaayeen dalkoodii.
“100-kii Dollar waa 130-Diinaar, wax ay
goysana ma jirto, dadka qaxootiga ah ee xagga ku noolna intooda badan ma
heli karaan lacag joogto ah, xoogaaga ay xerada ka helaanna oo haatanna
u muuqda in ay go’ayaan kuma filna” ayuu yiri Maxamed Deeq Xuseen oo ka
sheekeeyey safarkii dheeraa ee uu soo maray, si uu u yimaado dalka
Liibiya, wuxuuna wax ka tilmaamay dalka Sudan iyo dadkiisa oo uu ku
tilmaamay in ay yihiin dad aad u dulqaad badan, una naxariis badan, gaar
ahaan Soomaalida.
Max’ed Deeq waxa uu ku tilmaamay
noloshooda dalka Liibiya in ay haatan tahay mid aan qiyaas lahayn oo
lahayn sal fadhiya, waxaana dadka Soomaalida ee ku nool Liibiya uu
sheegay in ay haatan u muuqato in aysan mar dambe ku soo laaban doonin
xeradii ay ka kala firxadeen, isagoo intaa raaciyey in aysan jiri doonin
saansaan qaxooti qaabilid ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E=Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com