SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 
WARARKII MAANTA:
  • Madheera oo lagu Xirxiray in badan oo Kamid ah dadkii ka Qaxay B/Xaawo
  • Col.C/laahi Ismaaciil Fartaag: Maamul Goboleed ayaan ka dhiseynaa Jubbooyinka
  • Maxamed Dheere oo Rajo wanaagsan ka muujiyay Shirka Somaliya uga Socda Wadanka Kenya.

W/Q. Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyay Shirka Somaliya uga Socda Wadanka Kenya.

Maxamed Dheere oo jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo u Waramayay mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay aad ula dhacsan yihiin qaab socodka uu iminka ku socdo Shirka Somalida ee galay Wajigiisii Sadexaad.

Hogaamiye Kooxeedkan Maxamed dheere waxaa uu sidoo kale uu tibaaxay inay socdaan dhaq dhaqaaqyo la doonayo in lagu doorto Shir Gudoomiye Somaliyeed iyo Xoghayntiisa intaba,taasoo ah buu yiri mida aan iminaka xooga ugu badan aan saareyno sidii lagu heli lahaa.

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay Maxamed Dheere bal sida ay isaga ula muuqato in Somaliya la keeno Ciidamo Afrikaan ah oo Hubka ka dhiga Maleeshiyooyinka Somaliyeed ee aadka u baahay Mudooyinkan Danbe.waxaana uu sheegay inaysan u muuqan sabab loo keeno Dalka Ciidamo Shisheeye oo uu sheegay inay yihiin kuwo dalka dhib mooyee aan wax faa’iido ah ku soo kordhin Karin.

Ugu danbeytii Maxamed Dheere waxa ugu baaqay inta Ka maqan Shirka Somalida ee hada un u gudbay Wajigiisii Sadexaad ee Awood qeybsiga Beelaha Somalida,waxaana uu sheegay inay haboon tahay inay wax la qeybsadaan Beelahooda oo ay waxka xaliyaan Khilaafaadka Siyaasadeed eek u habsatay Somaliya.Waa sida uu hadalka u dhigaye Maxamed Dheere.

Dadkii ka qaxay Dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada B/Xaawo ee u Qaxay Magaalada Mandheera oo in badan oo kamid ah Xabsiga loo taxaabay.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada B/Xaawo Dadkii ka cararay Dagaaladii ka socday baryihii aynu soo dhaafnay Magaalada B/Xaawo ee maciinbiday Magaalada dariska la ah ee Mandheera ayaa lagu soo waramayaa in badan oo ka mid ah Xabsiga Magaaladaasi la dhigay.

Ciidamo aad u fara badan ayaa lagu soo fasaxay Magaalada Mandheera si ay u soo qab qabtaan Dadka ku soo qaxay Magaaladaasi ee marba marka ka sii danbeysa soo badanaya,waxaaan la sheegay inay ilaa iyo iminka Dadka Xabsiga la dhigay tiradoodu ay dhan tahay 200 oo qofood.

Dadkan ayaa isugu jira Haween iyo Caruuro yar yar oo ka soo bara kacay Dagaaladii Sokeeye ee dhawaanka qarxay deegaanadii ay daganaayeen ee Baled Xaawo iyo Nawaaxigeeda,waxayna warar ku ay intaasi ku darayaan in Dadkii halkaasi ku sii qul qulayay ay iminka Tiradoodu yareenayso cabsi laga qabo Ciidamada Magaalada Mandheera darted.

Dhanka kale xaalada Dadka ku jira Isbitaalka Magaalada B/Xaawo ayaa lagu soo warmayaa inay xaaladoodu tahay mid aan wanaagsanayn kadib Daawo la’aan soo wajahday Isbitaalkaasi,sidoo kale waxaa ilaa iyo hada aan Isbitaalkaasi aan wax gar gaar ah u fidin Hay’adaha Samafalka ee ka howl gala inta badan Wadanka Somaliya,iyadoo ay Odayaasha iyo Kalkaaliyayaasha Magaalada B/Xaawo ay ku baaqeyn Hay’adaha Samafalka ay Gar Gaar deg deg ah la soo gaaraan Isbitaalka Maagalada Baled Xaawo oo ay sheegayn inay soo wajeheyn Xaalad Daawo la’aan ah.

Col.C/laahi Ismaaciil Fartaag oo ah Abaanduulaha Ciidamada isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa sheegay inay ka dhabaynayaan arintii ay horay ugu dhawaaqeyn ee ah inay Maamul Goboleed ka dhisi doonaan Gobolada Jubooyinka ee uu isbahaysiga Dooxada Jubba Gacanta ku hayo.

Col.C/laahi Ismaaciil Fartaag oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay inay dhisayaan Dowlad Goboleed kulimisa Gobolada Jubooyinka oo uu sheegay inay isku raacsan yihiin dhamaan Beelaha Wada dagan halkaasi,waxaan uu intaasi ku daray inay arintan horay ugu dhawaaqeyn laakiin ay iminka tahay xiligii la fulin lahaa arintaasi.

Abaanduulaha Ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba Col.C/laahi Ismaaciil Fartaag Mar la waydiiyay Su’aal ahayd waxaa jira Qaarka mid ah Beelaha wada daga Gobolada Jubooyinka oo ka soo horjeeda Dowlad Goboleedka aad sheegaysaan waxaa uu ku jawaabay"hadii aan runta ka hadlo ma jiraan wax Beel ah oo daga Jubooyinka oo ka soo horjeeda Dowlad Goboleedka aan iminka Dhiseyno,waxana intaasi ku sii darayaa inay Odayaasha Beelada Goboladan iyo Mas’uuliyiinta Sar Sare ee Isbahaysiga Dooxada Jubba ay kawada Xaajoonayaan Qaabka ugu haboon ee uu ku suurta geli karo dhismaha Dowlad Goboleedkaasi|" sidaana waxaa yiri Col.C/laahi Ismaaciil Fartaag oo ka waramayay Dowlad Goboleedka ay damacsan yihiin inay ka hirgeliyaan Gobolada Jubooyinka kuwaaso ay Gacanta ku hayaan.

Col.C/laahi Fartaag waxaa uu sidoo kale sheegay inay maanta Kismaanyo ku sugan yihiin Odayaal ka soo jeeda Gobolka Gedo kuwaasoo oo uu sheegay inay halkaasi u joogaan sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen Dowlad Goboleedka la qorsheenayo in lagu soo dabaalo Gobolada Jubooyinka,waxaana uu sheegay inay xitaa qorsheeynayaan Gobolka Gedo uu ka mid Noqdo Gobolada hoos yimaada Dowlad Goboleedka ay iminka wadaan Madaxda Sar Sare ee Isbahasiga Dooaxada Jubba.

W/Q. Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD