SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

March 10, 2004  


Gobolka Bari Ibraahin cartan ismaaciil Xaaji Bakiin

Wasiirka Ganacsiga, Farax Dooxajoog

Xiriiriyaha Dalada WAWA Xaawocali Jaamac


Maarso iyo Magaalooyinka Puntland

8da Maarso Maalinta Kahortaga Gudniinka Fircooniga

Waxaa Taariikhdu markey ahayd 7 Maarso laga xusaaya Magaalooyinka Puntland Maalinta Haweenka Aduunka taasoo ay soo Abaabuleen Dalada Haweenka ay ku midoobeen ee WAWA oo ku baahsan Gobolda Puntlan.

Dumarkaa ayaa Halkudhig uga dhigay maalintaa Kahortaga Gudniinka Fircooniga, Munaasabadaa oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso qaarkeed ayaa waxaa lagu soo ban dhigay Socod ay soconayeen wateena Boorar ay ku qoran yihiin Hal kudhigyo ay ka mid yihiin joojinta Gudniinka fircoonigaa iyadoo maanta oo ah Maalintii loogu magac daray maalintaa haweemka 8 Maarso ay ku soobandhigeen Holka Dowlada hoose Bandhig aad u balaaran oo ay ka mid ahaayeen Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa xafladaa ka hadley ugu horeentii Xaawo Cali Jaamac oo ah Xiriiriyaha Dalada WAWA iydoo ka hadashay ka hor taga Wixii wax yeelaya Dumarka lana Qiimeeyo Dumarka aan la oran meesha waa inuusan dumar Joogin oo talada laga Qayb galiyo ileen ragu ma Noolaan karaa Dumar la,aan? ayay tiri, Xaawo ayaa ku soo Dhaweysay Gudoomiyaha Gobolka Bari Ibraahin cartan ismaaciil Xaaji Bakiin oo ku tilmamay Dumarka Udub dhexaadka Ummad kasta.

Waxaa kale oo halakaa ka hadlay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha DGPL Farax Dooxajoog oo aad ugu dheeraaday in ummadu kudhisan tahay Dumarka oo tusaale u soo qaatay Ganacsiga Guud ee soomaaliya ka jira maanta in uu 80% (Boqolkiiba Sideetan) ay dumarku wadaan.

Waxaa iyana halkaas ka hadashay Gabar ka socota Hay,ada EU oo ah tan iyadu maalgalinta ugu badan siisa Dumarka Soomaaliya Guud ahaan.

Manaasabadaa ayaa lagu soo gaba gabeeyay Cayaar kubada Cagta ah oo koob lagu gudoon siiyay Kooxda ku badisay iyagoo u cayaarayay labo kooxood oo ah Ururo dalada ka mida

By: SOOMAAL PHOTOGRAPHER & PUBLISHIN CENTER

Bosaso Puntland Somalia
Cabdifataax Jamac Mire
somalinews@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2004 

TARTANKII QURAANKA EE BOOSAASO

Boosaaso oo Lagu Gubey Xashiishad  iyo Khamri: Xashiishad gaaraysa 40 Kg iyo Khamri dhan 20 Kartoon ayaa lagu hor gubey Maxkamda Boosaaso, kaddib markii maxkamada lasoo taagey gabar lagu qabtay daroogada... Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great






 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD