SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HOODO

March 28, 2004  

Asalaamu Calaykum wr wb.

Arinkii Hoodo Halka uu Marayo


Fadlan mucaawinada HOODO ku hagaaji:

Dahabshiil Bank Hargeisa
Account No: D5234
Mucaawinada waxaa loo fidinayaa: Hodo Ismail Ali

Mahadnaq

Aniga oo ah Aabaha Hoodo Ismacil Cali Waxa aan mahadnaq balaadhan u dirayaa Jaaliyadda Somaliyeed ee Norway oo ay iga soo gaadhay lacag caawimo ah oo dhan $4000 iyo Ardayda Reer Minnesota oo iyaguna iigu deeqay Lacag dhan $420 oo uu i soo gaadhsiyay Abdirahman Mukhtar oo Degan Minneapolis, lacagtaas oo ahayd Caawimo ay u soo direen Gabadha yar ee aan dhalay Hoodo Ismacil cali oo ahayd gabadha yar ee ku dhalatay burada madaxa kaga taala iyadoo u baahan qaliin dibadeed.

Waxa kale oo mahadnaq gaar ah u dirayaa dhamaan cidii hawshan suurta gelisay

Halka uu Marayo Xaalka Hoodo

Hoodo imika waxay ku sugantahay xaalad caafimad oo wanaagsan in kastoo ay buradu ku sii weynaanayso oo halis ku haysaa maskaxdeeda iyo nolosheedaba ay gaadhay miisan ahaan 5 litir oo biya ah iyadoo wakhtiba wakhtiga ka sii denbeeya ay ku sii kordhayso burudu.

Lacagta aan hada gacanta ugu hayo

Hadii aan ahay waalidka hoodo waxa hada i soo gaadhay lacag dhan $5400 oo iga soo kala gaadhay meelo kale duwan, iyadoo ay sidaa tahay ayaana hada fari ka qodnay lacagta aan u baahanay in aan wax kaga qabto dhibaatada gabadha yar.

Dhakhaatiir Maraykan ah oo Ogolaaday in ay Qalaan Hoodo

Waxanu la xidhiidhnay dhakhatiir iyagu yidhi waxbaanu ka qaban karnaa haddii aan na soo gaadhsiisaan oo ku yaala dalka Maraykanka gobalka Atlanta, dhakhatiirtaas oo dhinaca kharashka qaliinka yidhi waanu idinka caawinayna balse idinku iska bixiya wixii kharash ah ee aad ku imanaysaan Maraykanka.

Mucaawinadiina oo Loo Baahan Yahay

Haddaba waxa aan marlabaad si naxariis leh idiinka codsanayaa inaad iga caawisaan wixii ka dhiman hawsha caafimaadka loogu qabanayo hoodo ismacil cali, haddii ay noqoto kharash iyo xidhiidh dhakhatiir dibadeed.

Haddaba qof kasta oo taageero u fidinaya gabadhan yar fadlan hala xiriiro:

  • Dahabshiil Bank Hargeisa
  • Account No: D5234
  • Mucaawinada waxaa loo fidinayaa: Hodo Ismail Ali
  • Amba kala soo xidhiidh Jamhuuriya News Paper Hargeisa
  • Aabo ismacil Cali Xusen

    <><>

    Haddii aad u baahataan in aad email kula xiriirtaan Ismaaciil Cali Xuseen oo ah aabaha Hoodo, waxaad fariinta u sii marin kartaan Cabdifataax Xassan oo emailkiisu tahay cabdifataax_96@hotmail.com oo jooga Hargeysa, waana qoraaga fariintaan idin soo gaarsiiyey. [Xusuus: emailku waa   cabdifataax_96@hotmail.com

    Faafin: SomaliTalk.com | Hargeysa | March 28, 2004 

    LIFAAQ 1:

    Bahda SomaliTalk waxay Allaha awooda sare leh uga baryayaan in uu Hoodo Ismacil Cali caafimaad siiyo oo u sahlo sidii buradaas looga daweyn lahaa. Waxa kale oo aan mahad u celineynaa dhammaan intii gacanta ka geysatey taageerada gabadhaas yar oo qoyskeedu aysan awoodi karin in iska bixiyaan kharashka gabadhaas yar lagu geynayo dhakhaatiirta ogolaatay in ay daweeyaan. Intaas ka dib waxaan shacabka walaalaha ah ka codsaneynaa in ay gacan ka geystaan kharashka ka dhiman gabadhaas yar si loo geeyo dhakhtar maadaama sida Aabeheed xusay ay buradu kusii weynaaneyso oo halis ku tahay nolosheeda, sadaqada maalku kuma nusqaamo balse wuu ku tarmaa insha Allah.

    LIFAAQ 2:

    Waxaan akhristayaasha ka codsaneynaa in ay warka gabadhan yar gaarsiiyaan dadka aan adeegsan computerada ama Internetka, sida taas loo samayn karona waa in print laga sameeyo bogga ku jira halkan kaddibna lagu dhejiyo meelaha ay jaaliyaduhu isugu yimaadaan ama ku kulmaan, intaasi waa wax tar weyn haddii aad qoraalkan gaarsiisid intii aad awoodin... Fadlan halkan guji... [.doc]

    LIFAAQ 3:

    Hoodo Ismaaciil Cali Xirsi waa gabar 3-sano-jir ah oo ku nool xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa, waxaana madaxeeda dhankiisa dambe kasoo baxay buro aad u weyn oo nafteeda halis gelineysa. Waalidkeed ma awoodi karaan kharashka gabadhaas yar lagaga goynayo buradaas aadka u weyn. Sidaa darteed, cid kasta oo u geysan karta kaalmo hor Illaahay ha ku tareen, maadaama aanay qoyskeedu awoodi karayn in ay Cusbitaal dibadeed u diraan gabadha yar ee dhibaataysan ee ay dhaleen, taas oo iyagana ku haysa werwer iyo walaac badan. Hadaba fadlan ka qayb qaado taageerada Hoodo.

    <><><> Wararkii Hore ee Hoodo <><><>

    Jaaliyadda Somalida Norway oo $4000  dollar Ugu Deeqay Hoodo Ismail Ali "Hoodo-Yar"

    SomaliTalk.com | India | March 11, 2004   

    • Ardayda Reer Minnesota Ayaa iyagana Ugu Deeqay Hoodo Lacag Dhan $550

    War uu i soo Gaadhsiiyay Mohamed Abdi Jama "Caqli" oo ah Masuul ka Tirsan Jaaliyadaha Soomaalida ee dalka Norway ayaa xaqiijiyay in jaaliyadoodu ay in muda ahba waday sidii aanu uga qayb qaadan lahayn dhibta haysata gabadha yar ee (HOODO) oo la Il Daran Buro Weyn oo Galaafan karta ama Nafteeda halis gelin karta oo ay baahiyeen warsidayaasha soomaalida, Hadaba Jaaliyadda Somalida ee OSLO,waxa ay go,ansantay in aan ka qayb qaadano kaalmada gabadha yar ee HOODO oo ka soo jeeda qoys sabool ah.

    Waxaa loo igmaday guddi gaara oo uu gudoomiye u yahay Cabdilahi Baruud Cige, guddigaaasi oo loo bixiyey gudida taakulaynta HOODO yar. waxana loo xilsaaray laba arimood.

    • 1.In la gadhsiiyo deeq lacageed HOODO.
    • 2. In loo bandhigo dhaqtarada waaweyn ee Noorwey xaalada gabadha yar.

    Waxa maanta suura gal noqotay in gudoomiyuha gudiga tabaruca HOODO uu gudoonsiiyo xafiiska Dahabshiil ee Oslo lacag dhan $4000 US si loogu shubo xisaabta gaarka ah ee Hoodo Ismaciil Ali.

    Waxanu u mahadnaqaynaa dhamman jaaliyada Oslo,Skien iyo bahda Jamhuuriya iyo Hadhwanag, Somalitalk iyo walaalihii muslimiinta ahaa ee nagala qayb qatay tabaruca.
    Gudida loo xilsaray oo kala ah.
    1.Mahamed Adan Xasan(lacaghaye)
    2.Mohamed Abdi Jama (Caqli) (xoghaye)

    Dhinac kale Ardaydda Reer Minnesota Ayaa iyagana Ugu Deeqay Hoodo yar Lacag Dhan $550 Dollar Waa Sida uu noo Sheegay Abdirahman Mukhtar oo Degan Minneapolis.

    Waxa Aanu ka Codsanaynaa Dadweynaha Somaliyeed in ay Ka qayb Qaatan Mar kale Gargaar-ka Cusbital caalamiya Loogu Geyn lahaa Hoodo Yar oo ka Dhalatay Qoys Saboola oo Degan Xaafadda Xero Awr ee Hargeysa.

    Waxa Soo Ururiyay Abdiaziz Ahmed Mousa
     abdiaziz2@hotmail.com

    Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2004   

    HOODO ISMAACIIL CALI XIRSI

    Qoyska Hoodo Ismaaciil Cali Xirsi waa qoys sabool ah oo deggan xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa. Sidaa darteed, cid kasta oo u geysan karta kaalmo hor Illaahay ha ku tareen, maadaama aanay qoyskeedu awoodi karayn in ay Cusbitaal dibadeed u diraan gabadha yar ee dhibaataysan ee ay dhaleen, taas oo iyagana ku haysa werwer iyo walaac badan. Allah ayaa khayr idiinku bedelaya gargaarkiina bini aadamino ee aad u fidisaan gabadhan yar, maalkuna kuma nusqaamo sadaqadda. Guji  

    Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

    © www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More..
    .
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    kaah

    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri



    XAAFID QUR'AAN cFatax
    Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD