SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

March 17, 2004  

» Boosaaso oo Laga Furay Wershedo Yaryar oo soo Saaraya Saabuunta, Shaambada iyo Buskudka
» Aqoon isweydaarsi looga hadlayey Dhawrista deegaanka oo lagu qabtay Xarunta Dalladda PSA ee Boosaaso

  • "Ciddii Wershedo Keensaneysa Puntland Cashuurta ayaa laga dhimayaa" wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha DGPL


Wasiirka iyo Mas,uuliyiintii kale oo Dultaagan Faratooyada

Wasiirka oo eegaya Caaga shaambada ku jirto

wasiirkii oo Booqday faratooyo Casriga ah

Wasiirka oo u mahad celinaya Ing Maxamed Khiyaas oo ah Ingineerka Xir xiray Warshadahaa oo dhan

Ing Khiyaas oo tusaya Foornada Samaysa Buskudka

Ing Khiyaas oo tusaya Wasiirka Buskudkii oo la galeeyey

Ing Khiyaas oo tusaya wasiirka Habka ay u gooynayso Warshada Buskudka

Ing Maxamed Khiyaas oo tusaya Wasiirka Saambuuntii sida loogu rido Galkeeda Caagaa

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 17/03/004 uu Furay wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha DGPL Ing Faarax Maxamuud Yuusuf Dooxajoog warshado yaryar oo soo Saaraya Saabuunta, Shaambada iyo Buskudka, Waxaa kaloo Weheliyay oo uu Furay Faratooyada Shiida Dhagaxda Lagu Shubo Guryayha iyo Laamiyada, Dhagaxdaas oo loo yaqaan Jaayga oo ay hir galiyeen Ganacsato Soomaalaiyeed.

Wasiirka ayaa halkaa waxaa ku soo Dhaweeyay Madaxa Shirkada Bin Shirwac Maxamuud Faarax Bile, Ing Maxamed Khiyaas Al Bakaari oo ah Ingineerka isku rakibay Warshadahaan oo u dhashay Wadanka Suuriya iyo Saciid Xasan Shire oo ah Aqoon yahan Soomaalaiyeed.

Wasiirka ayaa Waxaa ugu horeentii la tusay Waxyaabaha ay soo Saarayso warshadahaan oo Diyaara kuwa Tijaabada ah,

Wasiirka Dooxajoog, Wasiirka WarFaafinta Cabdikariin Cali Mahdi iyo Agaasimaha Guud ee Warshadaha DGPL Cabdirisaaq Nuux Maxamed Hantiile ayaa hore u Booqday Warshadahaas iyo faratooyada Aasaaskoodii Dhisme, Wasiirka ayaa soo Dhaweeyay Warshadaha iyo Ganacsiga Xorta ah in ay ku taageeri Doonaan waxyaabaha ay kaga Baahdaan Xaga Dowlada isgoo Wakiil ka ah Xukuumada DGPL ayna hore uga wada hadleen Xukuumadu Cidii Warshado keensanaysa in Canshuurta laga Dhimo Taas oo ay u sameeyeen si loo helo Warshado badan oo soo Daga dalka Kadibna ay Dad badan shaqo uga helaan.

Wasiirka ayaa ku tilmaamaamay Ganacsatada kuwo ku kalsoon in ay keenaan Waxyaabaha ay soo saaraan Warshadaha Dalalka Shisheeye ayna awoodi karaan in ay keenaan Warshado kadibna ay ku sameeyaan Dalka gudihiisa Waxyaabaha ay dibada ka keenayaan, waxa uu wasiirka ku soo Gaba gabeeyay Hadalkiisa in aad Maalgashtaa Dalkaaga kaaga wanaagsan in aad u shaqeeysaa Warshado Dibadaa waana ku soo Dhawaynaynaa cidii maalgashanaysa Dalka ayadoo Hore loo sameeyay warshadado kale oo ay ka mid yihiin kuwa Biyaha safeeya, Kuwa Cabitaanada sameeya, Warshada Kaluunka Laasqoray iyo kuwa Hargaha oo intaaba ay ka shaqeeyaan Dad aad u Badan, waxayna ka mid tahay warshadaha oo dalka ku soo Bataa in ay in badan helayaan Dad badan Shaqo, Dhibkana uu yaraanayo, Dadka waxa isku Dilaana ay tahay Baahida iyo Shaqo La aanta ayuu ku soo Gaba gabeeyay Wasiirku.

Warshadaha waxaa la kala Yiraahdaa tan samaysa Sabuunta iyo Shaambada: Sabuunta-Bile Shaambada-Bile iyo Fartooyada Bile, Ing Maxamed Khiyaas ayaa wasiirka u sheegay in ay kaga faa,idaysanayaan intii ay ka keeni lahaayeen dibada Galalka lagu shubo Saabuunta iyo Shaambada ay soo ururinayaan Caagaga laga Cabo Sharaabka ay hagaajiyaan (recycling) kuna shubaan saabuunta iyo Shaambada taasna ay keento in Dagaankii xataa uu ilaashamo (hoos ka akhri kulanka looga hadlayey dhawrista degaanka).

By: SOOMAAL PHOTOGRAPHIC & PUBLISHING CENTER
Cabdifataax Jaamac Mire: Bosaso, Puntland, Somalia
somalinews@hotmail.com

<><><>

Aqoon isweydaarsi looga hadlayey Dhawrista deegaanka oo lagu qabtay Xarunta Dalladda PSA .

Kulan looga hadlayey Dhawrista deegaanka ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Dallada Ururada Ardayda Puntland ee PSA, kulankaas oo ay kasoo qayb galeen Hay’addaha ku lug leh deegaanka, Waxbarashada, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Naadiyada Iskuulada ee deegaanka.

Kulankaas oo looga gol lahaa in lagu sameeyo qorshe midaysan oo ay dhalinyaradu kaalin wax-ku-ool ah kaga qaataan u-ololaynta iyo dhawrista deegaanka Badda iyo kan Berriga ayaa waxaa si baahsan u soo qaban qaabiyey Dalladda Ururada Ardayda Puntland.

Intaa ka dib, waxaa hadallo wax-ku-ool ah ka soo jeediyey Guddoomiyaha waxbarshada ee Gobolka Bari Md.Caynab oo sheegay in deegaanka si wada jir ah loo dhawro sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay Xiriiriyaha Shabakadda Maaraynta Khayraadka dabiiciga ah ee RMSN Eng. Ibraahim Guure Aadan. oo sheegay in la dhawro deegaanka si loo helo horumar joogtaysmi kara oo haqab tira baahida aasaasiga ah ee dadka markaasi jooga iyadoo aan la dhaawacayn baahida jiilasha dambe, sidoo kale, waxaa isna haddalo ka soo jeediyey Cali Faarax oo ah madaxa Hay’adda PERSGA.

Kulankaasi ay PSA Network soo qaban qaabisay ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyey in lagu dhaqaaqo qorshe midaysan oo deegaanka lagu dhawrayo kuwaasoo kala ah sidatan:-

Waajibaadka naadiyada ardayda.

  • 1. dhiraynta Iskuulada iyo nadaafadooda.
  • 2. Wacyi gelin iyo ciyaaro ku saabsan deegaanka.
  • 3. Socdaalka cagaaran ee deegaanka.
  • 4. Dhiraynta wadooyinka iyo nadaafadda Xeebta mag. Boosaaso.

Waajibaadka Ururada bulshada:-

  • · Tababaro iyo tayo kordhin.
  • · Wacyi gelin iyo talo bixin .
  • · Taageeris maaliyadeed iyo mid farsamo.
  • · Ka war qabka xeebaha Puntland.
  • · Maaraaynta khayraadka iyo dhawrista deegaanka.

Waajibaadka Dawladda:-

  • 1. Meel marinta go’aamadaan ku saabsan dhawrista deegaanka.
  • 2. Sharci ka soo saarid cid walba oo ku xad gudubta deegaanka 3. la shaqaynta iyo taageerista deegaan dhawrayaasha.

Kulankaas oo ku soo dhamaaday jawi aad u degan iyo guul ayaa hadana waxaa laga faa’iiday wadaniyad aad u xeel dheer oo ay dadku u qiiraysnaayeed deegaankooda baaba’ay iyo sida looga hortagi karo arrimahaas.

cawaale jaamac salaad
somalitalk.com bosaso, somaliya
jamnaf87@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]