SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

March 19, 2004  

Aqoon Isweydaarsi Ka Furmay Jaamacada Bariga Africa ee Boosaaso

Aqoon iswaydaarsigaas oo looga Hadlayo sidii  loo furi lahaa Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta

 

Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18ka maarso ka Furmay Jaamacada Bariga Afrika ee Bosaso Puntland Aqoon iswaydaarsi looga Hadlayo sidii loo furi lahaa Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta oo ah kuliyad ka tirsan Jaamacada Bariga Afrika uuna socon doono 18-21/03/2004 oo ah mudo Afar casho ah, kuliyadaa ayaa laga furayaa Gobolada kale ee Puntland ayadoo ay jirto baahi weyn oo looqabo Gobolada Puntland ama Guud ahaan Soomaaliya sida ay sheegeen aqoon yahano ku hawlanaa u kuur galida Waxbarashada Soomaaliya.

 

Aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxaa lagu Furay Quraanka kariimka kadibna waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika oo tilmaamay in ay jaamacada hada ay ku sii socoto horumar la tilmaai karo oo aan qofna ka qarsoonayn Gudoomiyaha oo sheegay inay Jaamacada hada ka kooban tahay sadex kuliyadood oo kala ah Kuliyada Shareeca, Kuliyada Maamulka iyo Ganacsiga iyo Kuliyada barashada Kumbuyuutarka ama loo yaqaan IT oo hada Ardayda loo saamaxay in ay sameeyaan waxbarasho Internet-Online ah oo Dalka dibadiisa ah.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay Bisha Setembar 2004 Jaamacada ka qalinjabin doonaan in ka badan 40 Arday, ayana tahay markii ugu hotaysay oo ay jaamacada ka baxaan Arday intii la aasaasay Jaamacada ay dhigtaan in ka badan 400 oo arday.

 

Gudoomiyaha kadib ayaa waxaa ka hadlay Mas,uuliyiin badan oo til maamay Baahida waxbarasho kuwaasoo aqoon u leh Waxbarshada. Kadib ayaa Aqoon iswaydaarsigaa waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasarada waxbarashada DGPL Mr Axmed Awaare

 

Aqoon iswaydaarsigaa ayaa waxaa ka Dhex muuqday oo lagu Casumay si Fir fircooni ahna uga Qayb qaadanayay Nuur shire Cusmaan oo ahaa wariye ay yaqaanaan dadka intiisa badan hadana ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska DGPL Aqooniswaydaarsigaa ayaa waxaa ugu horeentii Aqoonyahanada lagu casumay ay ka Doodeen sidii lagu bilaabi lahaa aygoo u wada fariistay qayb Qayb ama kooxkoox iyadoo uu barnaamij wadahu uu ahaa Prof Cali Cabdala Warsame oo aqoon u leh Kuliyada waxbarashada hadana wax ka dhiga Jaamacad ku taal dalaka Maleesiya.

Aqoon is waydaarsigaas ayaa u furan cidii ka Geysanaysa Furitaanka Kuliyadaa Hiil iyo Hooba.

 

Dhanaka kale waxaa maanata ka furmay kalfadhi aan caadi ahayn oo uu isugu yeeray madaxawyne ku xigeenka DGPL Golaha wasiirada Magaalada Garoowe ee Caasumada DGPL kalfadhigaas oo ay ka maqnaayeen Dhor wasiir oo la sheegay in ay Fasax ku maqan yihiin kuwana aan la sheegin meel ay jiraan ayaa madaxweyne ku xigeenku sheegay kalfadhigaan cidii ka maqnaataa ay wayn doonto Xilkeeda waxaa kalafadhigaas guddoominayey Madaxweyne Ku Xigeenka DGPL Maxamed Cabdi Xaashi oo Horey u sheegay in uu kalfadhigaan mihiim u yahay socdaalkiisa uu ku aadayo Dalka Kenya halka uu ka socdo shirka Nabadaynta Soomaalaiyeed  uuse shalay sheegay in uu ka baaqsaday Safarkaa.

 

Kalfadhigan ilo lagu kalsoonyahay sheegayaan iyadoo aan saxaafada loo ogolayn in uu la isku fur tuurtay oo ay wasiirada qaar ka muuqatay in ay ka hadlayaan Dhibaatooyinka kaga imaanaya Mushaar la,aanata Shaqaalaha Wasaaradaha iyo Guud ahaan Dhaqaalaha Puntland oo laga Dayriyay taa ayaa la sheegayaa in inta Badan Dhaqaalaha lagu bixiyo Xaalada deg dega ah oo ay Wasiirada kuwo ka tirsan soo jeediyeen in la joojiyo oo aan loo baahneyn..

 

Wasiirada Kalfadhiga isugu yimi ayaa cod buuxa iskula meel dhigeen in la sameeyo Maxkamad Dastuuri ah oo dhameystiran,

 

Golaha wasiirada ayaa kuwooda ugu kalsooni badan Bulshada ay soo jeediyeen in ay yihiin kuwo gudan waayay xilkoodii Ummaddu u dhiibatay Guud ahaan wasiirada ayna haboontahay in ay ka hor tagaan Ummadaan Jecel nabada iyo Horu marka ama wax loo Qabto Madaama aan nahay Golaha Fulinta DGPL Golaha Wasiirad ayaa intooda Badan aragtidaa soo Dhaweeyay

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Yuusuf  Xaaji. Siciid ayaa halkaa hadal ka ka soo jeediyay ku saabsan sidii loo heli lahaa Mushaharooyinka Guud ahaan iyo Gunnadii xubnaha Golaha Baarlamaanka ayna haboontahay ayuu yiri in la dhawro Midnimada Puntland.

 

Waxaa qoraalkaan isku soo dubaridey
c/fatax jaamac  somalinews@hotmail.com

 


Hoolka lagu galay Aqoon iswaydaarsiga

Prof Cabduqaadir oo ah Gudoomihaya jaamacada oo ay la fadiayaan Agaasimaha waxbarashada DGPL Awaare


Prof Cali cabdala oo warbixin ka dhiibaya Mihiimada Kuliyada Macalimiinta
 


Prof Master oo ku hadlayay magaca Guud ee macalimiinta Jaamacadaha Soomaaliyeed


Salaado oo ku hadashay magaca Haweenka


Sheekh Cabdirisaaq oo ka hadlaya sibinaarka



Siminaarkii oo ay fadhiyaan kasoo qayb galayaasha
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

aasaasihii schoolka Imaamu nawawi iyo Maamulihii schoolka Yamayska Galkacyo oo fadhiya Aqoon iswaydaarsiga

Agaasimaha oo ka hadlaya Aqoon is waydaarsiga



Beeldaaje cali Faarax oo ka hadlay Mihiimada waxbarasho isagoo ku hadlayay magaca Isimada Puntland

Burhaan oo ku hadlayay Magaca Ururka Ardayda Puntland oo ka hadlaya Aqoon iswaydaarsigii

 


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD