SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Ururka isku xirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SOJON ayaa doortay Agaasimaha ururkaasi iyo Guddoomiyaha Golaha sare ee isla ururkaasi.

xubnihii doorashada ka qeyb qadanayay

Crean Grise

Mr.Hibert

Mr.Hibert iyo Sojon

xaflad aad u balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen mas'uuliyiinta ururka isku xirka Saxufiyiinta Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo magaciisa SOJON taasoo lagu qabtay Hotelka wayn ee Daameey ayaa waxaa halkaasi ka dhacday tartan loogu jiray laba xil oo kala ah Agaasimaha guud ee ururkaasi iyo xilka Guddoomiyaha Golaha Sare ee isla ururkaasi,iyadoo ay doorashadaasi ay ka qayb qaadanayeen dhamaan xubnaha Ururka Sojon ku jira ee kala jooga Gobolada Dalka iyo dibadda intaba.

Doorashadan oo ah mid ay goobjoob ka ahaayeen mas'uuliyiin ka kala socday qeybaha kala duwan ee saxaafada iyadoo uu hormuud u ahaa dadkii ka soo qayb galay Xaflada doorashada Mr. Crean Grise iyo Yuusuf Xasan oo ka socday BBC-da iyo Mr.Hibert oo isna ka socday IFJ iyo masuuliyiin kale

xafladah doorashada ayaa waxaa ugu horayntii hadalo ka jeediyay Musharixiinta uu taagnayd doorashada labada xil ee aan sare ku soo xusnay iyadoo mid walbaahi ka hadlay hanaanka uu doonayo in uu wax u qabto hadii la doorto iyo sida ugu haboon ee ay ku soo bandhigi karaan qaab lagu wada qanci karo.

hadallada ay jeediyeen mursharaxiinta u taagnayd labada jago ka dib ayaa waxaa si diiran loo guda galay codayntii doorashada Xilka Agaasimaha Guud ee Hay'adda Isku xirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed. waxaana in uu noqdo si buuxda loogu doortay Xilkaasi C/qaadir Baange oo ku guulaystay Cod dhan 78 xubnood oo ka mid ahaa dadkii codadkooda dhiibanayey, halka xilka Guddoomiyaha Golaha Sare ee Ururkana uu ku guulaystay Maxamed Barre Xaaji "Fiyoore"  

doorashadaasi kadib waxaa halkaasi ka hadlay C/qaadir Baange oo ku guuleystay Xilka Agaasimaha Guud ee hay'adda isku xirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SOJON waxaana uu tibaaxay sida uu ugu faraxsan yahay xilka loo doortay ,isagoo sheegay in howsha loo doortay ay tahay mid culeyskeeda iska leh,iyadoo uu ugu danbeeyntii ugu baaqay xubnaha ku jira ururkaasi SOJON inay la shaqeeyaan oo aysan howsha dhiniciisa uga seexan,Waa sida uu hadalka u dhigaye C/qaadir Baange.

Dhanka kale Maxamed Barre Xaaji "Fiyoore" oo isna ku hantay xilka Guddoomiyaha Golaha sare ee Ururkaasi SOJON ayaa waxaa uu halkaasi ka sheegay hadalo ay ku dheehan tahay faraxsanaanta uu ku faraxsan yahay xilka loo doortay,isagoo sheegay inuu maanta dusha u ritay xil wayn oo culeesgiisa leh,waxaana uuintaasi ku daray inuu doray uga mid ahaa xubnihii aasaasay Ururkan isla markaana uu yahay mid ilaa iminka u taagan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen walaalohooda Soomaaliyeed kuwaasoo ay saaxiibka ku yihiin Mihnadda Saxaafada.

Guddoomiyaha Golaha Sare ee SOJON Md.Maxamed Barre Xaaji "Fiyoore" waxaa uu intaasi ku daray inay dhawaan bilaabi doonaan sidii ay howshooda u gudan lahaayeen,laakiin waxaa uu fariin diiran soo jeediyay xubnaha ku jira Sojon oo uu sheegay in looga baahan yahay inay u istaagaan sidii u horumarin lahaayeen Saxaafadda Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ka horeeyso in badan oo kamid ah Wadamada ku yaala Qaradan Afrika,Waa sida uu hadal ku dhigaye Guddoomiyaha Golaha Sare ee hay'adda isku xirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SOJON. 

Mr. Crean Grise oo halkaasi ka hadlay kadib markii ay dhamaatay doorashadii loogu jiray xilka Agaasimah guud iyo Guddoomiyaha Golaha Sare ee SOJON ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inay jirto kala qeybsanaan ku dhex jira Saxaafadda Soomaaliyeed,taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid gadaal u sii dhigaysa horumar laga gaaro Saxaafadda Wadan dhan,laakiin waxaa intaasi kadib uu amaan u soo jeediyay Ururkaasi Sojon oo uu sheegay inay maanta muujiyeen dadaal ay ugu jiraan sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen.

Mr. Crean Grise waxaa uu sidoo kale sheegay inay dhawaan rajaynayaan inay Saxaafadda Soomaalida ku hishiin doonaan Hal Urur oo qura,isagoo raasi ku tilmaamay inay ka turjumayso midnimda ay yeeshaan umad meel kuwada nool, Mr. Crean Grise ugu danbeeytii waxaa uu ku tilmaamay doorashadii maanta inay tahay mid u dhacday si cadaalad ah isagoo sheegay inay ku qanci doonaan inta aan goobjooga u aheeyn Doorashadaasi. 

Dhanka kale Mr.Hibert oo ah Mas'uulkii ka socday IFJ -da oo isna gabagabadii Xafladaasi hadal halkaasi ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay inuu inban ka hadlay inay mihiin tahay midnimadda Saxaafadda Soomaaliyeed oo uu sheegay inay gaashaan u tahay dhibaatooyin ka soo wajaha Saxaafadda Soomaaliyeed Dowlada lagu wada inay ka soo dhalato Shirka Soomaalida uga socda Wadan ka Kenya oo sheegay inay haboonaan lahayd inay dowladaasi marka ay timaado wadan ka inay u timaado Saxaafad leh midnimo guud,Waa sida uu sheegay Mr.Hibert inuu jecel yahay.

Magaalada Muqdisho ayaa baryahan waxaa laga dareemayay dhaqdhaqaaqyada ay sameeynayaan Ururada kala duwan ee Saxaafadeed ee ka dhisan Magaalada Muqdisho oo qura,iyadoo marka ay soo shaac baxday in shirka Soomaalida uga socda Wadanka Kenya lagu rajo wayn yahay inay Dowladi kasoo baxdo ay bilaabeen Ururada Saxaafada inay intooda isfahantaaba ay dhistaan Urur ay Magac ula baxaan oo ay ku tilmaamaan inuu yahay mid ka kaliya ee u dooda Xuquuqda Saxfiga Soomaaliyeed Meelkasta oo uu joogo,Waa sida ay hadalka u dhigaane.

W/Q,Abdi Wali Ibraahim Aaden " Garyare"

Garyare20@hotmail.com  Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 1, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD