Kal fadhigii koowaad Ee golaha baarlamaanka doowlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa maanta ka furmay wadanka Kenya Nairobi
Bomas oo ah xarunta sharci dajinta Kenya waxaa maanta hareeyay farxad qiimo badan iyo isku han balyeen ay is han balyeey nayeen xilibaanada soomaaliyeed
Xaflada waxaa furay Kiplagat oo isagu ahaa shir gudoonkii shirkii soomaalida isaga oo soomaalida ku booriyay in ay hada laga bilaabo yihiin doowlad loona baahanyahay in ay qarankooda dhisaan ,
shirkan waxaa ka soo qayb galay mas uuliyiin ka socta IGAD IPF ta iyo wadamada soomaalida taageera Midoowga Afrika Midoowga Yurub& Jaamacada Carabta ,
Shirkan ma aanu soo xaadirin hogaamiye kooxeedka Xuseen Maxamed Caydiid iyo Xilibaan Col Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo isagu Jiray Safar Dibada Ah ,
Waxaa Maanta la dhaariyay 6 Xilibaan oo ay ka mid ahaayeen ,Maxamuud Sayid Adan& Dr Jaylani Cali Kadiye iyo Mahad Cawad,
Waxaa Kaloo kal fadhiga koowaad Ee Xilibaanada Doowlada Faderaalka ah lagu Doortay Shir Gudoon Waxaana loo Doortay Mudane Xirsi BulxanFaarax,
Shirkan oo Si heer sareeysa loo soo Agaasimay waxaa dib loogu balamay Maalinka Barto ah 10.00 saacada Afrikada Bari Ee Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya