SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
  Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.
  • Qaramada Midoobey oo qayl-dhaan ka bixisay macaluul ku habsatay Soomaaliya.
  • Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankii ugu horreeyay isugu yimid.
  • Barnaamujkii argtida halgamaaga oo aanu ku soo qaadanayn maqaal uu inoo soo diyaariyaya Mudane maxamuud Nuur oo uu ugu magac daray hurgumada gumaysig iyo Suugaan halgameed.

Dhul Soomaalida iyo Oromadu isku haysteen oo afti loo qaadayo.

Dawlada gumaysiga Itoobiya ayaa sheegtay inay Laba bilood gudohood afti kaga qaadi doonto dadka ku nool toolooyin ay soomaalida iyo oromadu isku haysteen. Guddoomiyaha Baarlamaanka gumaysiga Itoobiya Mulatu Teshome ayaa sheegay in afti laga qaadi doono dadka ku dhaqan 484 tuulo oo ay si wayn ugu muransanaayeen maamullada Soomaalida iyo Oromadu. Wuxuu kaloo intaas ku daray in sannadkii hore labada maamul ee soomaalida iyo oromada la gaadhsiiyay inay muranka dhulka ku dhammeeyaan wada-xaajood ama in dadka deggana dhulka la isku haysto laga qaado afti lagu waydiinayo gobolka ay raacayaan.

Mulatu Teshome wuxuu intaas raaciyay in Baarlamaanka Itoobiya uu sameeyay guddi soo indha-indheeya dhulka la isku haysto, kaasoo uu sheegay inuu hadda hawshiisii soo dhammeeyay.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa markii ay talada dalka Itoobiya boobtay si ula-kac ah madmadow u gelisay xadka u dhexeeya gobollada soomaalida iyo oromada, waxayna shaki gelisay cidda leh Tuulooyin badan oo aan markii hore wax muran ahi ka taagnaan jirin.

Toolooyinkan oo la rumaysan yahay inay yihiin dhul soomaaliyeed, haddana waxay xukuumadda gumaysiga ah ee Addis Ababa ku dhiirri gelisay masuuliyiinta oromada inaanay ka tanaasulin sheegashada tuulooyinkaas. Arrintani waa caado lagu yaqaano gumaysiga oo had iyo goore ku dadaala inuu iska horkeeno bulshada uu gumaysto, si uu danihiisa u gaadho.

Qaramada Midoobey oo qayl-dhaan ka bixisay macaluul ku habsatay Soomaaliya.

Xafiiska isku xidhka arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobey ayaa qaylo-dhaan ka keenay macaluu ba’an oo ku habsatay dadka ku dhaqan gobollada woqooyi bari iyo woqooyi galbeed ee dalka Soomaaliya.

Xafiisku wuxuu sheegay in dadka gobolladaas ku nool ay waayeen inta badan xoolihii ay dhaqan jireen, isla markaana ay xaaladdoodu meel xun marayso, kaalmo degdeg ahna u baahan yihiin. Xafiisku wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in ururrada samafalka ahi ay sii laban-laabaan hawlihii gargaarka ee dhulkaas ay ka wadeen, si ay u caawiyaan dadka ay macaluushu ku habsatay.

Waxaa laga cabsi qabaa in la waayo roobabkii la filayay inay xillaganoo kale da’aan, taasoo ka dhigan in dhibaatadu ay gaadho marxalad aan waxba laga qaban karin. Ururrada samafalka ayaa sheegay in ilaa iyo laba milyan oo qof oo Soomaaliya ku dhaqan ay gargaar degdeg ah u baahan yihiin, kuwaasoo ay ku jiraan 600,000 oo qof oo macaluushu si toos ah u waxyeellaysay.

Macaluushani waxay u badan tahay gobollada Bari, Nugaal, Mudug iyo Galguduud. Waxay sidoo kale macaluushu ka jirtaa gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag. Roobka oo Soomaaliya ku yaraa dartii waxay sidoo kale dhibaato soo gaadhay dhul-beereedka gobollada Jubbooyinka, woqooyiga Gedo iyo qaybo ka mid ah gobollada Bakool iyo Hiiraan ee dalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankii ugu horreeyay isugu yimid.

Baarlamaanka ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa kulankiisii ugu horreeyay isugu yimid, kaasoo ka dhacay duleedka magaalada Nairobi ee carriga Kenya. Xildhibaanada cusub ayaa loo sheegay inay kaadhadhka xildhibaanimadooda caddeynaya u raadsadaan xafiiska guddiga fududaynta IGAD, si ay markaas suuragal u noqoto inay tegaan xarunta uu ka dhacayo fadhiga baarlamaanku oo xubnaha baarlamaanku ay joogi doonaan ilaa iyo inta laga soo dooranayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Fududaynta ee IGAD ayaa xildhibaanada loogu sheegay inay joojiyaan gabi ahaanba shirarka gooni-goonida ah ee ay la yeelanayaan dadyowga kala duwan. Waxaa sidoo kale looga digay inay ku kacaan falal wiiqi kara shirka dib loogu heshiisiinayo kooxaha soomaalida oo hadda taagan marxalad gabagabo ah.

Dhinaca kale Midowga Yurub iyo dalka Maraykanka ayaa soo dhaweeyay samaynta baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo sameeyay, waxayna sheegeen in dhammaystirka arrimaha baarlamaanku ay tahay waddadii loo marayay in la soo doorto madaxwayne ay yeelato dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in samaynta baarlamaanku ay tahay natiijadii ugu fiicnayd ee ka soo baxda shirka dib u-heshiisiinta, wuxuuna masuuliyiinta soomaaliyeed ugu baaqay inay ku dadaalaan sidii ay u dhammasytiri lahaayeen qorshayaasha dib u-heshiisiinta ee wali sii hadhay.

 

03.09.2004

C/nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2004

Afeef: Aragtida warkan waxaa leh xorriyo

MAGACYADA XILDHIBAANADA OO DHAMEYSTIRAN

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD