SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Baarmaanka oo maanta doortay guddi Xeer hoosaadka.

canabmumtaz@yahoo.com | SomaliTalk | Sept 3, 2004

 
Shirkii  ay maanta iskugu yimaadeen baarlamaanka ayay ku aqbaleen cod midaysana ku siiyeen lix xubnood oo uu soo hor dhigay Gudoomiyaha in ay noqdaan dadka ka shaqeeya dajinta Xeer hoosaadka baarlamaanka iyo nidaamintiisaba.
 
Xubanahan waxa ay kala yihiin.
Pr.Maxamad cumar Dalxa.
Xuseen Ceelaabe Faahiye,
Abuukaate Gabyow.
C/kaafi Maxamad.
Qamar Aadan Cali.
Fahma Axmad Nuur.
 
Xubanahan waxaaa loo fiiriyay Waxqabadkooda sida uu ii sheegay Gudoomiyaha ee looma marin qabiil iyo waxyaabo kale midna,waxa ayna sheegeen xubnahay in ay diyaarin doonaan shaqada loo magacaabay kana soo bixi doonaan.
 
Waxaa kale oo maanta la dhaariyay Xuseen maxamad Caydiid iyo C/Casiis SH,yuusuf oo labadoodaba horay u sheegay in aysan aqoonsanayn dhaarta,balse maalmo kadib dib ugu soo laabtay,arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii cadaadis lagu saaray in ay baarlamaanka kala hadlaan waxii ay qabaan taladana ay ka dhagaystaan maadaama wax walba ay yihiin bilow,is afgaradkuna uu yahay muhiim iyo in la helo masaxalad guud oo si wada jir ah looga wadahadlo.
 
Sidoo kale waxa ay baarlamaanku ka soo saareen qoraal dadka soomaalida ah ee lagu dilay deegaanada islii ee ay soomaalidu ku badan tahay iyadoo habeen hore la dilay 6 qofood afar ka mid ahna maanta la xabaalay,waxa ay u gudbiyeen dacwadaas in jawaab cad uga keenaan Dowlada kenya iyo hay'adaha qaabilsan Amaanka.
 
Sidoo kale waxaa maanta Goobihii ay daganaayeen laga saaray dad gaaraya ilaa laba boqol oo iskugu jira Odaqyaal dhaqameed iyo ergadii shirka ee aan ka midka noqonin baarlamaanka.arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii lagu wargaliyay dadkaas in bisha 3deeda dib loo celin doono,ayna ka baxaan goobaha ay dagan yihiin.
 
Deeq bixiyayaasha ayaa ku cabanaya in aysan bixin karin dhaqaale ka badan kan ay u diyaariyeen baarlamaanka sidaas awageedna dadka ay dib ugu laabtaan meelihii ay ka yimadeen,mar haduu uu dhamaaday waxii ay u yimadeen baarlamaana la doortay.
 
Baarlamaanka ayaa arrintan kala hadlay guddiga fududeynta ee IGAD,balse ilaa hadda ma helin jawaab rasmi ah oo ku aadan arrintas dib u celinta.
 
Maalinta isniinta ayay dib iskugu soo laaban doonaan baarlaamaanka iyadoo guddigaasna ay keeni doonaan xeer hoosaadka baarlamaanka.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

<><><>

WARBIXINTA LABAAD::::

axmeddheere65@hotmail.com  Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi

KULANKII LABAAD EE XILIBAANADA SOOMAALIYA AYAA MAANTA LAGU DHAARIYAY XUSEEN CADIID IYO CABDI CASIIS SH YUUSUF

Kulankaas waxaa maanta lagu dhaariyay labada hogaamiye kooxeed Ee Xuseen Maxamed Faarax & C/casiis Sh Yuusuf

oo iyagu hore uga goos adeegay in ay ku dhaartaan m agaca alle sidi ay daacad ugu noqon lahaayeen dalkooda iyo dadkooda hadaba lama huraan waa coowska jiilaal maanta ayeey ku dhaarteen magaca alle in ay daacad ugu adeegayaan dalkooda iyo dadkooda

dhinaca kalle fadhiga maanta waxaa lagu doortay xoog-heenta shirka ku wasoo loo doortay xilibaanada kalla ah

  • Dr Maxamed Cumar Dalxa
  • Drs Fahmo Axmed Nuur
  • Drs Qamar Cali Adan
  • Dr Maxamed Sh Axmed Gabyoow
  • Xuseen Ceelaabe
  • Cabdi Kafi Maxalin

Dhinaca kalle waxaa goobtaa ka hadlay xilibaano ay ka mid ahaayeen Xasan Abshir Faarax Caasho Axmed Cabdalla Cali Baashi iyo kuwo kalle waxa ayna sheegeen in ay soomaaliya u baahantahay doowlad qaran iyagoona xusay in aan lagu dagdagin doorashada gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya iyo madaxwaynahaba

Intii badneed xubnaha Xilibaanada waxa ay u muuqatay in 15 Bishan la soo doortoGudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya 22 Bishana la soo doorto madaxwaynaha soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2004

Lix Qof oo Soomaali ah oo Lagu Dilay Naiobi
Dad gaaraya lix qofood ayaa lagu dilay meelo kala duwan oo ka mid ah xaaffadda soomalida ee islii...
Guji...

MAGACYADA XILDHIBAANADA OO DHAMEYSTIRAN

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD