April 22, 2004
Doorka Suxufiga Soomaaliyeed
Dagaaladii
sokeeye ee dalka ka dhacay waxey saameyn ku yeesheen dhamaan adeegyadii dalka
ka jiray, waxaana adeegyadaas kamid ah adeega warbaahinta. Hadaba waxaan
idiin soo gudbineynaa barnaamij aan ugu magac darnay "Doorka Suxufiga
Soomaaliyeed" oo aanu ku falan qeyn doono doorkii ay saxaafada
Soomaalidu kasoo qaadatay dhibkii dalka ka dhacay iyo doorka uga aadan dib u
heshiisiinta.
Barnaamijkan oo noqon doona
mid taxane ah ayaa qeybtiisa ugu horeysa waxaa marti inoogu ah labo kamid ah
saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Maxamuud
Maxamed Afrax: Wuxuu saxaafada Soomaalida
ku biiray sanadkii 1962, kana soo shaqeeyay wargeysyadii dalka kasoo bixi
jiray laga soo bilaabo xornimadii, Radio Muqdisho iyo weliba wakaaladii
wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Afrax wuxuu iminka kunool yahay dalka Canada,
wuxuuna qoray afar buug oo ku qoran luqada Ingiriisiga. Afrax wuxuu hada wax
ku qoraa wargeysyada kasoo baxa dalka Canada qaarkood. Wuxuu sanadihii ay
dagaaladu socdeen ku sugnaa Muqdisho halkaasoo uu uga soo warami jiray
wakaalada wararka ee REUTERS.
Haaruun Macruuf Xassan: Wuxuu waqtigii
ay dagaaladu socdeen ku sugnaa magaalada Muqdisho, wuxuuna usoo warami jiray
wakaalada wararka ee ASSOCIATED PRESS. Wuxuu Haaruun usoo shaqeeyay idaacada
BBC laanteeda afka Soomaaliga sanadihii 1995-1998, wuxuuna sidoo kale kamid
ahaa aasaasayaashii wargeyska Qaran ee Muqdisho kasoo baxa. Haaruun wuxuu
iminka kunool yahay magaalada London ee dalka Britain.
Barnaamijkan ayaa u baxaya qaab dood ah, iyadoo uu suxufi kasta dhiibanayo
fikradiisa.
Halkan
Guji oo dhageyso Dooda dhex martay MM Afrax iyo Haaruun Macruuf oo
dhameystiran.
Dooda oo aan soo koobnay ayaa u dhacday sidan:
Su'aal: Mr. Afrah bal wax nooga sheeg bilowgii iyo heerarkii kala
duwanaa ee ay saxaafada Soomaalidu soo martay?
Afrah: Saxaafada Soomaalidu heerar kala
duwan ayey soo martay, waxaan aniga idiin sheegayaa wixii ka dambeeyay 1960kii
markii labada gobol isku darsoomeen oo Jamhuuriyad la sameeyay. Markaasoo
saxaafadii waqooyiga kasoo bixi jirtay iyo tii koofurta la mideeyay. Aniga
dhicana wargeysyada ayaan aad ula socday, waxaana xiligaas soo bixi jiray
wargeys la oran jiray Warsidaha oo uu madax ka ahaan jiray Yuusuf Xassan,
kadibna waxaa bedelay wargeys lagu magacaabi jiray Somali News oo Muqdisho
kasoo bixi jiray.
Dhamaadkii lixdamaadkii waxaa soo baxay wargeysyo la kala oran jiray Najmatu
Oktobar iyo Oktobar Star, markii afsoomaaliga la qoray 1972dii ayaa
wargeyskii Najmatu Oktobar lagu bedelay Xidigta Oktobar. Wargeyskii Somali
News waxaa lagu bedelay wargeys Heegan la yiraahdo oo afka Ingiriisiga kusoo
bixi jiray anigana aan madax ka noqday. Intii aanan madaxda ka noqon
wargeyska Heegan, 1962-1970 waxaan ka shaqeyn jiray Radio Muqdisho waxaana
soo saari jiray barnaamijyada idaacada, waxaana barnaamijyadii aan raadiyaha
kasii dayn jiray kamid ahaa barnaamij la oran jiray MA OGTAHAY?. Waqtigaas
runtii dhibaatooyin badan ayaa jiray hadaad ka hadasho waxyaabaha qaarkood
waxaa laga yaabay in laguugu eedeeyo in aad tahay kacaan diid.
Su'aal:Haaruun hadaad isbarbar dhigto
saxaafadii dalka ka jirtay xiligii dowlada iyo saxaafada maanta, maxaa
kuusoo baxayo?
Haaruun: Walaahi runtii leyska barbar
dhigi karo sidaan aniga aaminsanahay, saxaafadaas hore sida Afrax u sheegay
waxey u adeegi jirtay dowlada, waxeyna aheyd saxaafad ku hadasha codka
dowlada, sidaasoo ay tahay hadana haybad bey laheyd, dadweynuhuna fikrad
wanaagsan bey ka qabeen, mana aaney jirin saxaafad ay leeyihiin xisbiyada
mucaaradka. Markaa saxaafadii ka dambeysay 1991 lama barbardhigi karo tii
dowlada waayo saxaafadii ka dambeysay 1991 waxey noqotay saxaafad xor ah,
xornimadaas oo aan xad laheyn, keentayna in ay badankood ka talaabsadeen
xeerarkii iyo shuruucdii saxaafada.
Waxaan xusuustaa markii Jabuuti lagu soo dhisay dowlad uu madax ka ahaa Cali
Mahdi, waxaa wasaaradii warfaafinta iska diiwaan geliyay in ka badan 70
wargeys oo badankood aaneyba soo bixin. Baahi ba'an ayey dadku u qabeen in
ay wax qoraan, waxaana jiray hadafyo kala duwan oo ay lahaayeen, qaarkood
ayaa doonayey in ay wax uun qoraan, qaar baa ujeedo ganacsi ka lahaa,
qaarbaa ujeedo siyaasadeed ka lahaa. Wargeysyadii is diiwaan geliyay
badankood masoo bixin waxaana haatan ka dambeeya labaatan iyo dhowr marka
aan Muqdisho ka hadleyno, gaar ahaan koofurta Muqdisho oo ay saxaafadu ku
badneyd kana bilaabatay.
Su'aal:Labadiinaba waqtiyadii ay
dagaaladu socdeen waxaad kasoo shaqeyseen Muqdisho. Afrah wuxuu u
shaqeynayey wakaalada wararka ee REUTERS Haaruuna wuxuu lasoo shaqeeyay
idaacadaha BBC laanta afka Soomaaliga iyo wakaalada wararka ee ASSOCIATED
PRESS, hadaba Afrax aan adiga kugu hormarnee qatar intee la'eg ayaa Muqdisho
ka jirtay waqtigii aad halkaa kasoo warameysay?
Afrah: Khataraha waa iska badnaayeen,
dhibaatooyin badan ayaa jiray, markaas ayeyba ugu darneyd, annaga dhinaca
Cali Mahdi ayaan jirnay waxaana dhacday in Caydiid weerar kusoo qaaday
dhinacaas, hadaba Soomaalidu ma fahmaayaan wax la yiraahdo Press, calaamad
lagu garto suxufiyiinta ma jirin, waxaa dhacday in aan ku dhex jirnay labada
ciidan ee dagaalamaya dhexdooda aniga iyo Siciid Bakar Muqtaar. Meel
Cusbitaalka keysaney agtiisa iyagoo ku dagaalamaya ayaan dhexda uga dhacnay
waxaana xabad nooga dhacday darawalkii gaariga noo waday, waxaa markaas
gaariga noo kaxeeyay Siciid Bakar waxaana tagnay cusbitaalka oo aaney joogin
wax dhaqaatiir ah. Nasiib wanaag darawalka naga dhaawacmay waxey xabada uga
dhacday gacanta khatar weyna ma aaney aheyn, marka waan u duubnay gacanta.
Waxaa kaloo jirta mar uu gurigeyga kusoo dhacay madfac, nasiib wanaagna
isagoo aan qarxin ayuu derbiga uu kasoo galay derbigiisa ka baxay oo guri
kale u gudbay mana qarxin. Waxaa kaloo jirtay laba sawir qaade cadaan ahaa
oo aan uwada shaqeyneynay Reuters oo aan aniga madax u ahaa. Waxaan deganeyn
Hotel Suxufi waxaana dhacday in ay maqleen rasaas ka dhaceysay meel ku dhow
xarunta Caydiid, waxeyna yiraahdeen waan aadeynaa, markaan u sheegay
khatarta ay leedahay xaaladana waxey yiraahdeen inta aan nalakaga hormarin
ayaan ka gaareynaa, meeshaas ayaana labadoodiiba lagu dilay.
Su'aal:Haaruun isla waqtigaas waxaad ku
sugneyd Muqdisho, hadaba maxaad la kulantay oo aad noo sheegi kartaa?
Haaruun: Horta maalintaas 12 July 1993
ee ay dhinteen afarta suxufi ee cadaanka ah, waxaa jiray suxufi
shanaad oo Soomaali ah oo maalintaa dhintay balse idaacadaha caalamku aaney
sheegin, waxaana la oran jiray Maxamed Cabdi Afgooye. Qatarta ay
suxufiyiinta Soomaalidu ku jiraan ma ahan wax la qiyaasi karo, suxufi walba
wuu galaa qalad, waxaana dhacda in sharci loo maro sixida khaladkii uu
saxafigu galay, balse Soomaaliya qoriga ayaa laguu adeegsanayaa oo waxaa
laguu higaadinayaa wixii aad qori laheyd. Caalamka qalinka iyo qoriga
qalinka ayaa awood badan balse Soomaaliya qoriga ayaa awood badan.
Dadka maanta Soomaalida hogaamiya waa kuwii usoo shaqeyn jiray dowladii
Siyaad Barre waxeyna ogyihiin muhiimada saxaafada, hadaba waxey doonayaan in
ay adeegsadaan saxaafada oo ay maamulaan, kartina uma laha in ay dhageystaan
fikarada xorta ah ee ay saxaafadu ku hadasho.
Su'aal: Dhowaanahan waxaa batay
shabakadaha internetka ee wax lagu qoro hadaba kuwaas malagu tilmaami karaa
saxaafad?
Afrah: Waxaad moodaa internetka inuu
noqday fowdo aan la kontarooli karin, sumadaha Soomaalidu ay sameysteena
waxaad moodaa in ay gobol ama qabiil u hadlaayaan. Wey yar yihiin waxa qaran
u hadlaaya. Inkastoo dadkii loo furay forum ama meel ay ku doodaan hadana
waxaa badab fowdada. Waxaan maqlay wargeysyada Xamar kasoo baxa xataa waxba
ma dhaamaan internetka oo waa fowdo, waayo majiro urur dhowraya ama
xakameynaya saxaafada. Waxaa loo baahan yahay sharci loosoo saaro saxaafada
Soomaalida, sharcigaasna uu dhowro xuquuqda suxufiga iyo saxaafada.
Su'aal: Mala oran karaa fowdada
internetka ka taagan waxaa sababay dowlad la'aanta iyo iyadoo aaney jirin
shuruuc iyo qawaaniin hagta suxufiga iyo saxaafada Soomaaliyeed?
Haaruun: Horta internetka in aad u
isticmaasho aalad warbaahineed aad bey u wanaagsan tahay, in ay bataan
qalabyada warbaahinta aad bey u wanaagsan tahay, sida uu Afrax sheegay
qabyaalad lagu eedeeyo suxufiyiinta qaar wey jirtaa balse waxaa amaan leh
dadaalka ay wadaan raga da'da yar ee saxaafada ku jira. Qof kasta wax wuu
qori karaa balse Suxufigu wuxuu leeyahay qaynuun uu raaco, marka runtii
internetka hadii si wanaagsan loo isticmaalo waa aalad warbaahineed oo xoog
leh, waxey wataan wararkii, sawiradii, qeybo maqal ah iyo weliba kuwo
arag ah, marka waxaa la oran karaa waxey hal meel ku kulmiyeen qeybihii kala
duwanaa ee saxaafada sida wargeysyadii, raadiyihii iyo telefishinkii. Hadaba
dadka gacanta ku haya shabakadaha internetka waa in ay mas'uuliyad dheeraad
ah iska saaraan waxa kusoo baxaya shabakadahooda. Waa in laga hortagaa
qaladaadka laga galayo shakhsiyaad ama qabiil iyadoo la adeegsanayo
saxaafada. Waxaa wanaagsanaan laheyd in la abuuro urur haga suxufiyiinta
Soomaalida oo xakameeya qaladaadka ku jira saxaafada.
Su'aal: Waxaa mararka qaar dhacda in rag
suxufiyiin sheeganaya ay minguuriyaan warar ama qoraalo ay dad kale
leeyihiin kadibna magacooda ku qortaan iyagoo ku andacoonaya in ay iyagu
qoreen, hadaba sidee looga hortagi karaa arinkaas?
Afrah: Arintaas aad sheegtay waa
dhibaatada ugu weyn ee na heysato, aniga lafteyda maqaal aniga aan qoray
ayuu nin kale iska qaatay, sideedii buu u qaatay magaceyga keliya buu
bedelay. Soomaalida keliyana ma ahane xataa magaalada Toronto ayey ka
dhacday, qoraal lasoo xaday ayaa lagu soo qoray wargeys kasoo baxa
magaaladan, kadibna ninkii lahaa oo Mareykan ah ayaa usoo dacwooday
wargeyska. Waa lakala qaataa fikrad iyadoo isla arintii dhinac kale laga
eegayo balse waxaa khalad ah oo dambi weyn ah in aad qaadato wax uu qof kale
qoray adigoo magacaada kusoo qoraya.
Su'aal: Haaruun sidee dhibkan uu Afrax
sheegay looga hortagi karaa, sidee dadka loogu sheegi karaa in ay ka
waantoobaan minguurinta qoraalada dadka kale?
Haaruun: Walaahi waa su'aal adag, siduu
Afrax sheegayna Soomaalida keliya kuma koobna inkastoo lagu kala badan yahay.
Waxaan maqlay in telefishinada Xamar laga daawado isticmaalaan muuqaalo ay
leeyihiin telefishino kale, waxaana muuqata in ay adag tahay in telefishin
Muqdisho kasoo baxa uu helo sawirada dhacdooyinka caalamka. Waxaa laga
yaabaa in aysan weli awoodaas gaarin dhaqaale ahaan ama qalab ahaan, marka
intelectual copyright in lagu xadgudbo waa dhibaato weyn. Muhiimada
saxaafaduna waa in ay fikrad cusub keento dabadeedna baahiso. Hadaad sawir
qof kale isticmaalay ama fikrad qof kale qoray aad qaadato wax aad soo
kordhisay malaha, hadaba waa in la helaa fikir cusub oo madax banaan.
Afrah: Haaruun waa runtii waxa la qoraa
laba arimood weeye maqaal ama article iyo war ama news. Wararka waa lakala
qaataa, sidoo kale sawirada waa lakala qaataa balse qoraaga iyo wakaalada
wararka ee uu u shaqeeyo waa in la xusaa. Dhibaatadu waa maqaalada lakala
qaadanayo. maqaal uu qof qoray waqti badan ku bixiyay, habeen usoo jeeday in
leyska qaato dhibaato weeye. Waxa keliya ee looga bixi karo dhibaatadana
waxa weeye in la helo xeerar iyo sharci, runtiina iima muuqato qaab lagu
hakin karo dhibkan ilaa la helo dowlad kadibna xeerar iyo sharciyo loo
dejiyo saxaafada.
Su'aal: Inta badan suxufiyiinta
Soomaalida waxey kala taageeraan hogaamiye-kooxeedyada Soomaalida, hadaba
sidee arintaa u aragtaan?
Afrah: Markii uu dalku burburay waxaa
soo baxay qabiilo, waxaana sii kala baxay qabiiladii oo jufooyin iwm usii
kala baxay, nimankan qabqablayaashana waxey dan ugu jirtaa marxaladan lagu
sugan yahay. Waxaad moodaa in ay dad badan raali ka aheyn in dowlad la helo
haba ugu horeeyeen siyaasiyiinta. Suxufiyiinta intooda badan waxey la jiraan
hogaamiye-kooxeedyada waxeyna u yeelaan sidey rabaan. Hadii aysan qaadan
amarka qabqablayaashana nolosha suxufiga ayaa qatar galeysa.
Haaruun: Waxaad is leedahay suxufiyiinta
qaarkood wey ku qasban yihiin in ay dhinac taageeraan, waxaan xusuustaa
tababar aan ka qeyb galay oo ay kasoo qeyb galeen suxufiyiinta Soomaalida.
Hadaba waxaa jirtay in suxufiyiinta Soomaalida la weydiiyay waxyaabaha amaba
shuruudaha looga baahan yahay suxufiga Soomaaliyeed, weyna sheegeen waxa
suxufi looga baahan yahay, waxaase layaab laheyd in raga qaarkood
shuruudihii suxufiga looga baahnaa ku dareen in Suxufigu kasoo jeedo beel
hubeysan oo xoog leh. Hadaad dhinac ka fiiriso shardigaas waa mid aan
macquul aheyn, isla markaasna hadaad xaqiiqda eegto waa wax maanta ka jira
Soomaaliya. Suxufiyiinta Soomaalidu waxey ka shaqeyn karaan oo keliya
degaanada ay qabiiladooda ka taliyaan. Waxaa kaloo keena in suxufiga
Soomaaliyeed taageero hogaamiye-kooxeed baahi haysata suxufiga. Waa arin
laga fiican yahay balse suxufiyiinta qaarkood duruufaha ayaa ku qasba. Waxaa
muhiim ah in ay shacabku ogaadaan in saxaafadu u dhaxeyso shacabka iyo
dowlada, suxufiguna sharaftiisa ilaashado, warar dhexdhexaad ahna u tebiyo
shacabka.
Su'aal: Door intee la'eg bey saxaafadu
ka qaadatay hurinta colaadii dalka ka dhacday?
Afrah: Runtii waa jiraan wargeysyo
yaryar oo soo bixi jiray, kuwaasoo qori jiray faalooyin ay qolaba qolada
kale ku eedeyneysay, mana jirin wargeys ka shaqeynayey sidii leysugu soo
dhoweyn lahaa labada dhinac. Waxaa jiray wargeysyo wanaagsan oo dhexdhexaad
ahaa waxaana kamid ahaa wargeyska Qaran iyo kuwo kale oo Muqdisho kasoo bixi
jiray. Shacabka intooda badan waxey jecel yihiin wargeysyada buunbuuniya
colaada qabiil, xumaantana qora. Sababaha keenay in ay qabiil iyo qabqable
buunbuuniyaana waxaa sheegay Haaruun oo ninka wargeyska soo qora aqoonba uma
laha saxaafada uu sheeganayo habeen unbuu kusoo toosay maalintii xigtayna
wargeys buu soo saaray wuxuuna taageeray qabiilkiisa.
Haaruun: Waxaan usoo joogay in warbixin
uu wargeys qoray ay laba beelood isugu dhaceen, waxaa dhacday in nin siyaasi
ah qaab kaftan ah u yiri "reer hebel waa sidaas" wargeyskuna
warkii buu qoray waxaana dhacday in qabiilkii wax laga sheegay arintii ka
carooday dagaalna qaaday. Waxaa kaloo dhacda in marka heshiis ay
hogaamiye-kooxeedyadu gaaraan ay qaar tiro yar oo hogaamiye-kooxeedyada ka
tirsan ay adeegsadaan wargeysyada iyagoo sheega in ay heshiiskaas kasoo
horjeedaan, wargeyskuna uu buunbuuniyo hal hogaamiye-kooxeed oo nabada
diidan. Waana qalad ay wargeysyadeenu ku kacaan.
Afrah: Tifaftirayaasha wargeysyada waxaa
saaran mas'uuliyad waana in ay si daacad ah u qoraan wararka kusoo baxa
wargeyska, baaritaana ku sameeyaan wararka ay qorayaan, mana ahan in wixii
la maqlo leyska qoro.
Haaruun:Tifaftirayaasha waxey muhiimada
saaraan cinwaan aqristayaasha soo jiidanaya, wax dan ahna kama laha
xaqiijinta warka ay qorayaan.
Su'aal: Door caynkee ah ayaa saxaafada
Soomaalida uga aadan dib u heshiisiinta Soomaalida?
Haaruun: Wadanka hogaamiye-kooxeedyada
malaha, anaga ayaa iska leh, hooyadaa iyo aabahaa ayaa iska leh. Marka aad
eegto saxaafada caalamka waxaad arkeysaa in suxufigu qalad kasta oo uu galo
aanu marnaba dalkiisa wax xumaan ah ka sheegeyn. Waxaa dhacda in
suxufiyiinta Soomaalidu wax walboo xun ka qoraan dalkooda. Saxaafada
Soomaalidu ma garanayaan cida ay u waramayaan iyo dadka dhageysta, waxaadna
moodaa in suxufiyiinteenu u waramaan sida ajnabigu uga waramaan Soomaaliya,
waana khalad oo waxaa loo baahan yahay in dadka gacanta ku haya idaacadaha
iyo wargeysyada Soomaaliya ay dareemaan in ay u waramayaan dad Soomaali ah
ee aaney u warameyn duni kale, sidaa daraadeed ay waqti badan ku bixiyaan
wararka iyo barnaamijyada isu soo dhoweynaya shacabka Soomaaliyeed.
Afrah: Waxa keliya ee aan hadalka
Haaruun ku darayo waxa weeye, dadka Soomaaliyeed ee debeda kunool ayaa looga
baahan yahay in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka Haaruun sheegay, waxey
arkeen qaabka ay u shaqeyso saxaafada caalamka iyo shuruucda iyo qawaaniinta
haga saxaafada. Maanta waxaad arkeysaa in isgaarsiinta dunida ugu raqiisan
ay ka jirto Soomaaliya, waxaa jira ganacsato Soomaali ah oo debedaha ka
tegay idaacadana ka furtay Soomaaliya balse aan weli garaneyn qaabka ay
saxaafada u shaqeyn laheyd, waxaana doorkaas looga baahan yahay in ay
buuxiyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee debedaha aqoonta ku qaatay ee uu
Haaruun kamid yahay, aniga iyo dadka ila midka ah waqtigeenii waa dhamaaday.
Haaruun: Afraxow sidaa lagaagama harayo,
howshan waa mid aan adiga iyo dadka kula midka ah ee aabaha u ahaa saxaafada
Soomaaliya aaney hureyn in ay wax ka qabtaan.
Su'aal:Majirtaa fariin ama baaq aad u
jeedineysaan suxufiyiinta Soomaaliyeed kuwooda debeda ku nool iyo kuwa
gudahaba?
Afrah:Hal eray baan leeyahay,
wadankii..wadankii u istaaga, qabiilna ha u istaagina, danaha wadanka u
istaaga ayaan leeyahay suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Haaruun: Waxaa loo baahan yahay in
suxufiga Soomaaliyeed uu naftiisa cadaalada ka bilaabo, beentana ka
dheeraado, marka uu suxufigu qof caadil ah oo run lagu yaqaan noqdo ayey
bulshadu aamineysaa, isla markaana uu door ku yeelan karaa bulshada uu u
waramo.
Dhamaad
------------------------
Waxaan u mahad celineynaa Maxamuud Maxamed Afrax iyo Haaruun Macruuf
Xassan oo ka qeyb qaatay doodan aan ugu magac darnay "Doorka Suxufiga
Soomaaliyeed". Waxaana idin ogeysiineynaa in ay doodan noqon doonto mid
taxane ah oo ay ka qeyb qaataan suxufiyiin Soomaaliyeed oo fara badan.
Hadaba ha moogaan qeybaha soo socda ee dooda "Doorka Suxufiga
Soomaaliyeed".
Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2004
Muqdisho
iyo Maridda Waddooyinka
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|