SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DHAQAN BI'IS MA SOOMAALAA, GABAR QAWANI MA ISLAAMBAA, SAIDA.VIP MA SOMALA

ILAAHBAA MAHAD LEH NABI MOHAMED NAXARIIS IYO NABAD GALYO KORKIISA HA AHAATO

Maqaalkani maaha mid iiga baahan faaahfaahin oo waxaad ka daalacan kartaa ciwaankiisa oo wuu koobay dulucda hadalka, hadaba waxaan doonayaa inaan maqaalkan ku yara jeedaaliyo maqaal inan soomaali sheegatay soo qortay oo ciwaankiisu ahaa
(Madaxwayne balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah, Baarlamaaan bilaa aqoon ah, Wasiiro bilaa damiir ah, Bambo bilaa naxariis ah, Dil bilaa ujeedo ah, shacab bilaa caqli ah, Saxaafad bilaa damqasho ah iyo dal bilaa dad ah )
Waxaan doonayaaa bal inaa su,aalo yar waydiiyo inantan inta aanan guda galin qormadayda


Saida VIP

1. Saciida saad sheegatay soomaali ba tahay walow aanay kaa muuqan wax soomaali lagu yaqaanay ama astaantiba ah sida dhaqanka ,iyo diintaba oo aanay nooga kaa muuqan taas oo shaki naga galisay soomaalinimadaada ,hadaba  saciida dhaqankee haysataa?

2. Saad noo sheegtay saciida soomaalaad ka naxaysaa hadaba saciida maxaad ku aflagaadaynaysay dadkaa waqtigoodii u lumiyay danta guud oo isugu jira wax kasta oo bini aadan ka koobanyahay ?

3. Saciida shacabka aad aflagaadaysay waad ka mid tahay ee waa adiga walaal dibad meerkaaye hadii aad ka daqanayso oo saad noo sheegtay damiir kugu jiro maad dhulkaaga hooyo u hurto naftaada oo aad dadkaada la qaybsato dhibka ileen xaawo taakaba gabar kula miday ahayde walow iyadu waliba aanay aqoon lahayn?

Hadaan usoo noqdo qormadayda saan la wada socono qowmiyad kasta oo aduunka ka jirta waxay leeyihiin dhaqan iyo diin  u gaar ah oo dadka looga so dhex sooco oo qofkii aan lahayn astaamaha lagu garto in aanu ka mid ahayn qowmiyadaa , hadaba aqyaaaray qof dhaqankiisi iyo diintiisii lumiyay oo xafidi waayay maa cid kale ka nixi kara ama wax u sheegi karaa miyaanay arinku noqonayn aroohdii soomaaliyeed ee ahayd (TIISABA DARYEELA TO KALE KU DARA) oo aan ula jeedo qofku markuuu tiisa ka adkaado ayuu u gudbi karaa inuu cid kale wax gaarsiiyo

Aqristow walaasheen iyadoo dhaqankii iyo diintiiba lumisay ayay misana u gaftay dadkii danta guud ku mashquulsanaa ,ma xuma in wax laga sheego oo la tilmaamo waxay ku qaldanyihiin oo anigu ma lihi yaan wax laga sheegin mana taageerayo laakiin ma ahayn in ilaa xadkaa aflagaado le,eg loo gaysto ee waxay ahayd walaasheen haday wax u tilmaamayso  hogaankeena inay si yar oo an aflagaado lahayn wax ugu tilmaanto ayay ahayd

Walaasheen waxay iila muuqataa qof aqoon leh hadaba waxaan kula talin lahaa in aanay aqoonteeda u adeegsan qalin daar iyo inay ku aflagaadayso dadkaa dantoodi u huray danta guud

Waxba hadalka ku sii dheeraan mayo ee waxaan ku soo gabo gabayn walaasheen qalinkeeda, dhaqankeeda, diinteeda, alle ha u hagaajiyo.

QALINKII MOHAMED AHMED ADEN (KULMIYE)
save1428@hotmail.com
LOC.......INDIA

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 6, 2005

MAQAALADA MAANTA:::
»Geeri aan Lagu Cibro Qaadaneynin Cabsiba Ha Joogtee | Dayax
»JAHO XUMIDA XISBIGA UDUB JAANGOYNTA XISBIYADA | Diridhaba
»Jawaab : Somaliland ictiraaf ka fog??? | M.A.Ismacil
»Cudurka Qabiilka Oo Aan Daawada Lahayn Iyo Dadka dhaliya | Bashi
»Ku-meel-gaar:: Maqaaalkii C/Waaxid Khaliif
»Bani`aadamka: Qaabiil iyo Haabiil is-qoonsi-goodii | Bile 
»GABAY: Horta soo deg laba Deel midbaa diirku ka caddaane | Dhuuraq
»Madaxwayne balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah | Saida
»Ciidanka Somaliland noqon maayo sidii ciidamadii Rwanda | Janale
»WasiiradaHubeeysan ee Muqdisho Awood Gaar ah la siiyo | X.Carab
»Maqaal Ku Saabsan Isboortiga (Ciyaaraha) | Muuse Abees
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD