MUSTAQBAL MA LEH HORJOOGAYAASHA
HUBAYSANI
Wariye:
Abdifitahaam Ahmed
Mogadishu - Somalia
abdifitahaam@hotmail.com
Midda
an ka hadlaynaa, waa mustaqbalka waddaniga ah
meesha dheer wax ka eegaysa, ee ma aha mid nin
lacag keliya hadafkiisa tahay, mid madaxnimo
keliya doonaya ma aha, mid inuu daaro waa wayn
dhisto doonaya, mid qabiilkiisu inuu kuwa kale
xukumo hadafkiisa u hiigsanayaa tahay, I.W.M.
Kuwaasi ma aha
Mustaqbal yo rabitaan dadka ka dhexeeya ee waa
mid qofeed ama kooxeed, Haddaba ma soo martay
Soomaalida hoggaamiyayaal hadafkooda ama u
jeedadoodu tahay danta dadka Soomaaliyeed iyo
dalkooda keliya, kuwaasoo danahooda gaarka ah
hilmaamay oo danta ummadda uga tagey. Hadday
xoolo lahaayeen ku baxshay, Naftooda u huray oo
u hibeeyay, loo xiray, u gaajooday, u dhintay?
Dad caynkaas
sameeyay way ku jiraan taariikhdeena, waa kuwii
xornimada aan sheeganayno Calanka buluugga ah,
iyo Midnimo dhaliyay waa raggii S.Y.L iyo S.N.L
- USP, kala hoggaaminaayey ILLaahay ha ka abaal
mariyo intii dhimatayna jannadii farduusa ha ka
waraabsho.
Innaga abaal
iyo aqoonsi midna inaga helimaayaan, maxaa
yeelay Magacyadoodaba ma naqaan, Ubadkana lama
baro, maxaa yeelay dareen waddaniya ma lahan
bulshadeena Soomaaliyeed, kaas beddelkiisa waxa
inna buuxa mid qabiil.
Haddaba
Horjoogayaasha hubaysan ee haybta qabiil huwan,
kuwa jooga iyo kuwii ka horreeyay ee jabhadaha
ahaa, ma lahayn ujeeddo wanaagsan oo qarameed
mid waliba Barnaamij qarsoon ayaa jeebka ugu
jiray.
Waxa la joogaa
wakhtigii runta la sheegi lahaa, dalkeena waxa
ka dhacay qof walba sida ay la tahay waa lagu
kala duwanaan karaa, taasina dhib maleh. Anigu
waxaan qabaa dhibaatada inagu dhacday, ee
burburka qarameed ee dhan walba, dhimasho, qax,
kala tag, dowlad la’aan, nabad la’aan, nolal
la’aan iyo wax kasta oo xun oo inagu dhacay,
waxa mas’uuliyaddeeda qaadaya oo aanay dhanna u
dhaafayn taariikhduna qoraysaa, afar qolo:- (1)
Dowladdii jirtay (2) S.S.D.F (3) S.N.M (4) U.S.C.
Inay sidaas
tahayna waxa markhaati ka ah. Sedexda Jabhadood
waxay awoodi waayeen markay Itoobiya joogeen
intaanay waddanka soo gelin, inay midoobaan oo
ay iswaydiiyaan innaga oo qaybsan haddaan
waddanka gallo dhibaatada ay keeni karto, maalin
keliya la iskuma soo qaadin.
Sedexda
jabhadood mid keligeed ku baaqday in la midoobo
intaan dowladda la ridin een dalka la gelin ma
jirto.
Koox yar oo
feker waddaniya ka duulaysa, oon ciidamo meel u
jooga lahayn, ujeedadooduna ciidamo gaara
samaysta aanay ahayn, ayaa u jeediyay, beelahii
hubaysnaa inay midoobaan mar hadday waddan
keliya loo wada socdo, nagama ay hoos qaadin
taladii aannu ugu deeqnay, iyagoo na quudhsanaya
oo nagu caayaya inaanu samaysan waynay ciidamo
iyo hub.
Soomaalidu
waxay hore u tiri " Qur’aan alifka ka qalloocday
al-baqra kama tooso ", wax kasta oo bilawga ka
xumaada marka u waynaado ee gaamuro lama
hagaajin karo, amma dhibbaa lagala kulmaa.
Arinteenu akhristow bilawgii bay ka xumaatay.
Wariye:
Abdifitahaam Ahmed
Mogadishu - Somalia
abdifitahaam@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan