Magaciin
Ba’ye yaan meel looga dhicin magacii iyo
sharaftii Xooga Dalka Soomaliyeed
Qore: Omar sh
Maxamud (Cumar Yare)
omarabdulle22@hotmail.com
USA
Waxay beryahaan dhagahayagu maqalayeen erayo
meel ka dhac iyo ihaana ku ah guud ahaan ummadda
Soomaaliyeed, gaar ahaanna Ciidankii Xoogga
Dalka Soomaliyeed. Masuuliyiinta ugu saraysa ee
DMG oo qaarkood ay leeyihiin daraja milatari
kuna abtirsada XDS ayaa waxay ku hadaaqayaan in
dalkeennu u baahan yahay ciidan Afrikaan ah oo
ujeeddooyinka ugu waawyn ee laga leeyahay ay
yihiin ilaalinta xarumaha dawladda iyo
tababaridda ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ciidamada la doonayo in ay tababar iyo dhaqan
celin u fidiyaan XDS waxay ka mid yihiin kuwa
ugu liita xagga anshaxa iyo aqoonta markii loo
fiiriyo ciidamada Afrikaanka, waxaaba ka sii
daran iyadoo dalalkoodana ay ka jirto fowdo,
xasillooni darro, iyo dagaallo sokeeyaba, taasoo
sawir cad ka bixinaysa dhaqanka ay la imaan
doonaan dalkeenna.
Haddaba maxay tahay ujeeddada arrintaan ka
dambaysa? Mise loo baahannahay ciidan Afrikaan
ah oo tababaro XDS?
Waxaan aamminsanahay in uu jiro qorshe daahsoon
oo laga leeyahay ciidanka Afrikaanka gaar ahaan
kuwa safka hore ee hadal hayntiisu dhammaan
la’dahay, caqabadda ugu waaweyn ku noqday
nabaddii iyo dib u heshiintii awalba tabarta
darnnayd..Arrintu waxay u egtahay “baroortu
orgiga ka weyn” waayo ma filayo haddii daacadi
jirto in Dawladdu weydey ciidan Soomaaliyeed oo
suga nabadgelyada madaxda dawladda iyo
xarumaheedaba, waxayna ku xiran tahay oo kaliya
meelmarinta iyo ka dhabaynta barnaamijkii dib u
heshiisiinta ee DKG. Anigu, waxaan geesinimo iyo
dadnimaba u arki lahaa haddi Madaxweynuha iyo
Raiisul Wasaaruhuba ay ujeeddada ciidamada
ajnabiga u rabaan ku sheegaan hub ka dhigista
malleeshiyooyinka hubaysan ee dhibka ku haya
dadka, dawladnimaduna ka hirgeli la’dahay muddo
15 sano ku dhow.
Ujeeddada ugu weyn ee aan ka lahaa maqaalkaan
waxaa weeye in aan aragtideyda uga jawaabo
su’aasha labaad ee ah “Xoogga Dalka Soomaaliyeed,
ma u baahan yahay ciidamo Afrikaan ah oo tababar
siiya?; waxaana leeyahay MAYA, oo caqligu ma
oggolaan karo qof aad ka aqoon badan tahay kana
waaya aragsan tahay in uu macallin kuu noqdo,
haddii aysan xaajadu la mid ahayn tii dugsigii
Xalane ee lagu xarayn jiray aqoonyahannada,
agaasimayaasha, mareeyayaasha, macallimiinta,
iyo culimaaudiinka oo dad badan aysan weli garan
ujeeddadii dawladdii Kacaanku ka lahayd.
Waxaa kaloo caqligu diidayaa in nin colaadi
idinka dhexeyso oo laga yaabo in aad beri
legddantaan, in aad weyddisato inuu ku baro
tabta iyo tabcaha legddanka.
Haddiiba ay sidaan daacad ka noqotay oo uusan
jirin ajandda u qarsoon Madaxweynaha iyo
Wasiirka Koowaad, anigu aad ula yaabi maayo in
ay argtidaan ku dhagganaadaan oo ay geed dheer
iyo geed gaabanba u fuulaan helitaanka ciidan
Afrikaan ah oo dib u carbbiya ciidankii XDS (sida
ay sheegeen), waayo midkoodnna xog badan uma
hayo heerka aqoontoodu ay gaarsiisan tahay
saraakiishii iyo S/xigeenkii Xoogga dalka
Soomaliyeed. Madaxweynahu isagu waa hore ayuu
ciidanka ka dhex baxay oo marna xabsi ayuu ku
jiray marnna wuxuu ku habsaamay nidaamkii
jabhadaynta ee ku salaysnaa tolbeelayda iyo yaa
reer hebel ah. Waxaanse islahaa mar dhexe ee uu
mudda kooban ku soo dhex noqday ciidankii XDS (Taliyihii
Kulmiskii Durdur ee dagaalkii 77) ayuu wax badan
ka qiimeyn karay aqoonta iyo heerka
diyaargarowga ciidankii XDS gaar ahaan kulmiskii
uu madaxada ka ahaa oo aan aniguba ka midka ahaa.
Wasiirka Koowaad, isagu waa gartii oo waxaa
dhici karta in ay isaga khalddan yihiin
ciidankii XDS iyo maleeshiyooinka ka soo naq
raacay baaddiyaha, xaalkuna wuxuu ka yahay
“ciidanku carbbisuu rabaa”
Waxaanse la qaadan karin in masuuliyiinta ay ka
midka yihiih Wasiirka Gaashaandhigga DFKMS Jen.
Cabdiraxman M. Cali, Taliyaha Ciidanka Xoogga
Dalka Soomaliyeed Jen. Naaji, Jen. Badmaceeye,
iyo kuwa kale oo badan iney maantay u
olaleeyaan ihaanaynta saraakiishii Xoogga dalka
Soomaliyeed oo aan hubo in ay aqoon fiican u
leeyihiin waxa ay gudaan iyo kaalinta ay ka
qaadan karaan dib u dhiska iyo tababaridda XDS.
Soomaaliyey, la yaab yeysan idinku noqon
aragtiyadaan gurracan ee ay masuuliyiinta
qaarkood qabaan ee ku wajahan bah dilidda iyo
hoos u dhigidda qabkii iyo aqoontii saraakiisha
XDS, maxaa yeelay waa qorshe uu cadadawga
ummadda Soomaaliyeed wax badan ka shaqeynayey
kuna guulaystay in uu garashada iyo
waddaninimada kala dagaallamo in badan oo ka mid
ah madaxda iyo saraakiisha Soomaaliyeed. Waxaad
markhaati ka tihiin in Jennaraalo iyo Korneello
magac dheer lahaa ay ugu dambbayntii kutaab (ardday)
u noqdeen xiddiglayaal Tigre ah oo tala iyo
tababarbba u hoos fariisteen. Sow weli maanta ma
maqashaan, masuul hebel ama hoggaamiye hebel
ayaa ciidamadiisa tababar lagu siinayaa gudaha
Itoobiya. Markaad arrimahaan oo dhan dib u
jelleecdid,sow kuuma sawirmahyso ujeeddada
cadowga iyo kuwa uu horay qalbbigooda u
daciifiyey.
Sarkaal aan saxiib ahyn oo ka mid ahaa dadkii u
xereystay xaggaa iyo Itoobiya, ayaa maalin iiga
sheekeeyey wadahadal isaga iyo sarkaal hoose oo
Tigre ah dhexmary. Wuxuu ii sheegay ka dib
markii uu sarkaalka yar ee Tigre ah malaysan
waayey qabyarida iyo waddaninimo xumida ka
muuqata saraakiisha sare ee Soomaaliyeed ee
markaas iyaga hoos joogay; ayuu weyddiiyey in ay
dhab tahay in kale darajada ay nimankaani
sheeganayaan, markii uu u xaqiijyeyna wuxuu
sarkaalkii yaraa yiri “ kuwaani ma aha
saraakiishii Soomaaliyeed ee naloo sheegi
jiray”.
Ka dib markii cadawgeennu dhudhumiyey heerka
waddaninimo ee qaar naga mid ah, ogaadaynna sida
ay daciifka u yihiin, ayuu ku dhiiraday in uu
hawyasto sidii uu dhammaanteen nooga tirtiri
lahaa nuxurka waddaninimada isagoo nagu soo
dhexgelaya ciidan baan idiin tababaraynaa iwm.
Haddaanan garan oo aan aqbalno in cadowgeennu
tababaro ciidankeenna mustaqbalka sow mar walba
macallinkeenni weynaa ma noqonayo oo aannan
marnna hawaysan karin inaan isbardhigno ama
tillabo aan ka hormarnno.
Isaga sheekayn maynno heerkii aqooneed ,
tababareed, iyo diyaargarow ee uu gaaray
Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS)
sanadihii toddobaatameeyihii iyo
siddeetamaadkii. Waxaa xilliyadaas lagu tiring
jiray ciidanka seddexaad ee qaaradda Afrika ugu
sareeya xagga aqoonta iyo diyaargarowga. Waxaa u
dhammaystirnaa oo u taabbagalay haykalkii
waxbarasho laga bilaabo tababarada aasaasiga ah
ilaa midka ugu sareeya ee barashada dagaalka iyo
difaaca (War and Defense institutes).
Sarakiishii macallimiinta ka ahaa kulliyadaha
sare ee dalka, kuwii wax ku bartay dalka
gudihiisa iyo dibaddiisaba in badan oo ka mid ah
ayaa maanta la hawlgelin karaa loona adeegsan
karaa tababaridda ciidan cusub ama dhaqancelinta
kuwii hore.
Ciidanka millatarigu waa astaanta qaranka
waxaana lagama maarmaan in ay meesha ka baxdo
hadal haynta ay dadka waxmagaradka ah ay ka soo
xigannayaan cadowga Soomaaliya ee oranaya
“Soomaaliya uma baahna ciidan millatari oo xoog
leh, ee waxay u baahan tahay ciidan booliis oo
xoog leh”. Soomaliya waxay u baahan tahay
ciidan millatari oo xoog leh, tababar casri ah
leh, isla markaasna ku filan ilaalinta xudduudda
dheer, jawiga iyo baddeeda baylahda ah, markii
loo baahdana cadowgeeda baqdin gelin kara
(deterrence). Soomaaliya waxay leedahay xaalado
u gaar ah oo khasbaya inay cudud millatari
samaysato, mana jirto cid kula talain karta ama
ku khasbbi karta ka tanasulidda qaddiyaddeedii
soo jireenka ahayd.
Saraakiishii iyo S/xigeenkii aqoonta lahaa ee
Xooga Dalka Soomaliyeed dagaalkii sokeeye ka dib
waxay u qaybsameen seddex qaybood:
1- Kuwo dalka dibaddiisa u hayaamay oo ka
dhursugaya in ay maalin un arkaan dalkoodii oo
nabad aha iyo ciidankii XDS oo mar kale la
yagleeley oo magaciisii iyo sharaftiisiba la soo
noqda. In badan oo kuwaan ka mid ah ayaa
aqoontoodii ciidan ku darsadey aqoon iyo xirfada
kale oo madani ah, looga faaideysan karo
dhisidda ciidan la tillaba qaadi kara wacyiga
maanta oo ah mid la adeegsanayo farsamo casri
ah. Waxaa kaloo xusid mudan in badan oo kuwaan
ka mid ay doonayaan in ka qayb qaataan dib u soo
noolyanta XDS; waxaase nasiibdarra ah inaysan
jirinbba cid hadal haysa ama soo dhawaysanaysa.
2- Qayb dalka gudihiisa ku firarsan oo dani
seeto ku noqotay kana dhowrsaday in ay ka qayb
qaataan dagaalladii sokeeye, ishana ka
fiirsanaya ihaanada iyo dacatiga joogtada ah ee
lagu samaynaya magacii XDS. Qaybtaan hadbba
qolaa u gacan haadisa iyagoo awrkooda ku
kacsanaya, waxaana loogu baaqaa in ay ku soo
uruuraan qaar ka mid xeryihii hore ee ciidanka
oo aan lahayn wixii nolosha qofka aasaaska u
ahaa iyo wax barnaamij ah oo loogu talagalay
midnna; Beryo markii magacooda meelaha looga
qaraabto ayey u kala tagaan gaajo iyo dayac.
Waxaa xaqiiq ah haddii qaybtaani si dhab ah loo
abaabulo isla markaasna daryeel iyo xurmaynba
helaan in ay aasaas fiican u noqon karaan
ciidanka XDS
3- Qaybta seddexaad waxay noqdeen kuwo ka mid
noqday maleeshiyooyinkii qabaailka iyagoo si
weyn ugu lug yeeshey dagaalladii sokeeye ee lagu
hoobtay. In badan oo ka mid ah naftoodii ayey ku
waayeeyeen, qaarnna waa ku curyaameen,
qaarkoodka weli waxay xubno firfircoon ka yihiin
maleeshiyooyinkii qabaailka. Kuwaani waxay u
baahan yihiin dhaqan celin iyo hub ka dhigis.
Gabagabadii,waxaa loo baahan yahay in aanay
arrintu maanta nagu noqon mid aan berri ka
qoomamaynno oo aan waa dambbe ku calaacallo
“Illeen talo isuma kaa sheegto”. Waaxaan
masuuliyiinta dawladda KG u soo jeedinayaa in ay
iska dayso musas wareegga iyo ka shakiga
shacabkeeda kuna tashato aqoonta dadkeeda.
Waxaan qabaa in aanay waxba kordhinayn ujeeddo
gaaban oo awr ku kacsi ah, mustaqbalkana wax u
dhimi karta qaranimadeenna iyo karaamada
dakeenna.
Qore: Omar sh Maxamud (Cumar Yare)
omarabdulle22@hotmail.com
USA
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan