XALRAADINTA GUURTIDA OGADENYA IYO XEELADAHA
MALASE
Rabbiga ina
ahaysiiyey baa mahadleh magaciisa ayaanan ku
bilaabayaa
Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato
Rasuulkeenii suubanaa.
Wada
hadaladii Itoobiya iyo Ogadenya 1887.....2005
Itoobiya:-
Wadankan anagaa iska leh idinkana anagaa idiin
talin;Qoryaha soo xareeya is diiwaangeliya
shacabka:- Ka bax
wadankayaga faraha naga qaad;Afti dadka ha laga
qaado hana loo ogolaado in ay aayahooda ka
tashadaan.
Itoobiya:-
Diiday;Way inoo tahay
shacabka:- Hayeh
waad na barandoontaa;Dhedigaataye dhiig ma
kaayimid.........
Waxaan jeclahay
in aan wax ka bayaamiyo dhaqdhaqaaqii odayadu
maalhamahan ku jireen oo dareenka dadka aad u
soo jiitay isla markaana aad looga
hadal yahay gudaha iyo dibada wadankaba,hadaba
waxaa jirta in
wadahadaladan oo ay wadeen oday dhaqameedyo u
dhashay wadanka Ogaadeenya iyo
garabka kale oo ah madaxda dawlada Itoobiya
Hadaba labadan
dhinac oo midna ka dacwoonaya yahay midka kalena
yahay
ka laga dacwoon loona dacwoon ayaa waxa aan isku
deyi inaan wax yar ka
sheego.
Inta aanan hoos
u deginse bal wax yar aan idhaahdo, wadanka
Ogaadeenya
oo ka kooban sagaal gobol oo kala ah Jigjia,
Liibaan, Godey
Dhagaxbuur,Shiniile, Nogob, Doollo, Afdheer iyo
Qoraxay ayaa ka sokow dhibaatada
gumaysi ee wada saaran hadana waxaa ay dadka
degan goboladu qabaan
dhibaatooyin u gaar ah oo kala duwan taasi oo
gobol walba dadka dega gaarkii
geed ugu xidhatay.
Tusaale ahaan
gobolada qaar waxaa ka socda dhulbalaadhsi wayn
oo ay
wadaan Itoobiyaanku taasi oo lagu barakicinayo
dadka deegaanka xaqa u leh
tusaale ahaan gobolka Shiniile, Jigjiga iyo
Liibaan oo ay fara ba'an ku
hayaan Itoobiyaanku sida Oromada iyo Axmaaradu
IWM iyo weliba gobolka
Jigjiga oo ay hada badhtamihiisa isku hayaan
Oromada iyo Soomaalidu kuna
doodayaan lahaanshiisa.
Arinta
dhulbalaadhsiga ee ay Itoobiyaaku wadaan ayaa
dhalisay in dadku
is xasuusnaadaan oo aysan iloobin danaha guud ee
ka dhexeeya dadka
wadanka Ogaadeenya, waayo waxaa u cadaatay in
tafaraaruqu uusan midho
dhalin isla markaana ninkii ku hodma in
Itoobiyaaku uga wanaagsan yihiin
walaalkiisa soomaaliga ahi uu wax kale iska
daaye deegaanka guriga uu ka
degan yahay lagu sheegandoono dhawaaan sida ka
dhacday Diri dhaba oo ku
taala shiniille iyo meelo badan oo ka mid ah
gobolka Liibaan sida
Mooyaale iyo Nageele iyo magaalooyin la mid ah.
Waxa kale oo
iyaduna jirta dhibaatooyin kale oo ay qabaan
gobolada qaar
sida in dadk aay ciidamada Itoobiya laayaan
xidhaan ama dhibaatooyin
kale u gaystaaan iyada oo lagu eedaynayo ONLF
ayaad tihiin, tani waxay
saamaysaa dhamaan gobolada oo dhan balse waxaa
ugu badan gobolada aan soo
sheegnay mooyee kuwa soo hadhay, balse
goboladani ka sakow dhimashada
joogtada ah ma jiraan is haysi dhuleed oo ka
dhex taagan soomalida
wadanka iyo Itooobiyaanka.
Hadaba iyada oo
ay dhibaatada wadanka ka jirtaa tahay midda guud
iyo
taasi gaar ahaaneed ee ay shacabku qabaan ayaa
waxaa dhawaan
qabanqaabiyey odayaal ka mid ah bulshada
Ogaadeenya oo ka yimid lix gobol oo ka mid
ah wadanka Ogaadeenya, ..........wada hadal iyo
kulamo ay la galeen rag
sarsare oo ka mid ah xukuumada Malas Sanaawi
ayaa wax ay markii danbe
si fool ka fool ah isku arkeen Malas Sanaawi
isla markaana ay odayadu
usoo bandhigeen xaalada wadanku ku sugan yahay
iyo sidii looga bixi lahaa
dhibaatada jirta oo ay iyadna fikirkooda ka
dhiibteen.
Hadaba kadib
markii Malas Sanawi arkay raggani waxa ay
doonayaa iyo
ujeedadoodu waxa ay ahayd ayaa isku dayay dhowr
talaabo oo uu uga gol
lahaa sidii uu ugu yaraan u fashilin lahaa ama u
heli lahaa garab kale oo
ka mid ah dadka odayadani matalaan si uu ugu
doodo in dadkani is
haystaan, isla markaana aysan matalin odayadani
dadka wadanka oo dhan uguna
sameeyo arintii odayadu ka rebeen mid ku
salaysan fikir qabiil iyo sad is
dheeraysi balse aysan ahayn qadiyad.
Malas waxaa uu
maalintii uu odayada la kulmayba bixiyey amar ah
in
dadka qabiil ahaan loo akhriyo isla markaana la
raadiyo qabiil walba cid
matasha!
Kadib markii la keenay qabaail soomaliyeed oo
badan ayaa waxa uu midba
u sheegay in qolada kale tashatay oo ay ku
tashadeen in ay xidhiidh
hoose oo fican la yeeshaan xukuumada Malas
Sanaawi, isla markaana uu
waydiinayo wixi kala quman maadaama qolada kale
ay iyaga khaaimayaan,
isaguna iyaga u danaynayo oo uu damcay bal in uu
ogaysiiyo sidii ay uga
gaashaaman lahaayeen.
Waxa kale oo
iyadana Malas u sheegay in ay odayada beel behel
ay
sheegteen in ay iygu yihiin beesha keli ah ee
wadanka degan idinka oo noolna
la idin qariyey ee maxaad ka yeelaysaan
arintaasi?
Nasiib darro
dhamaan kulamadaas ayaa waxa ay duqaydii ka qayb
qaadatay
caddeeyeen in dhamaan ay isku ujeedo ahaayeen
lana socdaan odayadu
hadafka ay lahaayeen kuna raacsanaayeen.
Hadaba
arimahaas iyo kuwo badan oo asalka dhaliyey ahaa
in la raadiyo
nabad waarta oo laga gaadho dhibta soojireenka
ah ee wadanka ka jirta
ilaa maalintii ay Itoobiya gacanta ku dhigtay
wadanka Ogaadeenya ayaa
weli tubta haya iyada oo looga gol lahaa sidii
wadahadal loogu qalqaalin
lahaa ONLF iyo Itoobiya ayaa waxa ay isugu biyo
shubteen sida ay odayadu
caddeeyeen in dhamaan dadka Ogaadeenya yahay
isku mid isla markaana ay
shacabka Ogaadeenya raali ka yihiin taagersan
yihiina dhaqdhaqaada
duqeydani ay wadaan arintaasi oo dhabar jab ku
noqotay qorshihii Malas
watay ee ahayd in uu iska horgeeyo dadka wada
shashay ee shacabka Somalida
Ogaadeenya.
Balse ay
shacabka Ogaadeenya ka raaceen danahooda iyaga
oo og dhibaatad
wadanka ka jirta iyo sida aysan qabiil keli ah
gaar ugu ahayn ayse
tahay mid haysata dhamaan dadka wadankan.
Hadaba kadib
markii uu Malas ku guuldaraystay talaabadaas
khayaamada ah
ayaa waxa uu ku qasbanaaday maadaama uu xili
adag ku jiro inuu ogolaado
soojeedintii odayada ee ahayd in ay Itoobiya
hadii ay nabad diyaar u
tahay wada hadal la biloowdo Jabhada Wadaniga
Xoraynta Ogaadeenya,
arintaasi oo uu Malas ku dhawaaqay.
Hadaba si loo
hubiyo in uu si wanaagsan uga qabsoomo arinkani
ayaa waxa
ay odayada Ogaadeenya sii wadayaan in ay la
gudhiyaan sheegashada Malas
Sanaawi ee ah in uu diyaar u yahay wada hadal,
dadkana ay ka
dhaadhiciyaan in ay dhankooda diyaar uga
ahaadaan in ay fahmaan halka sartu ka
qudhunsan tahay.
Dhanka kalana
wada hadalkan la rajaynayo in ay yeeshaan
Itoobiya iyo
ONLF oo aan ilaa hada wax danbe laga hayn aan
ahayn waan la galaynaa wada
hadal ONLF ayaa ku qabsoomi kara oo keli ah
hadii lagu qabto wadan
sadexaad oo dhexdhexaad ka ah arinta Ogaadeenya
iyo Itoobiya.
Hadaba odayadan ayaa waxa aan ugu hanbalyayn
udiyaar ahaantooda in
wadanka Ogaadeenya nabad ka dhalato,waxaanan uga
digi in aysan jahawareer
ku abuurin shacabka Ogaadeenya iyaga oo aan
hubin udiyaar ahaanshaha
Itoobiya ee nabadeed, maadaama ay sidaan horay
uga baranay odhan karaan
ONLF waa inaad ciidanka soo diwaangelisaan
qoryahana aad sida ugu
dhaqasaha badan ugu soo wareejisaan xeryaha
ciidanka, taasi oo xataa hadii ay
ONLF yeeli lahayd uunaan maanta shacabka
Ogaadeenya yeeleenba.
Sidoo kalena
waxaan shacabka uga digayaa in ay iska jiraan
wejiga
labaad ee ujeedada Malas Sanaawi taasi oo ah in
uu iska horgeeyo shacabka
iyo odayada, odayada iyo ONLF iyo shacaka iyo
ONLF, iyada oo ay kamid
tahay dhawaaqa Malas Sanaawi ee uu ku baaqay
wada hadal in uu shacabka
Ogaadeenya ugu sheekeeyo ONLF ayaa wada hadal
iga diidan iyo nabadda ayay
hortaagan yihiin, marka kusoo dhowoow nin
walboow nalaga arag
nabadiidka.
Waxaan anaga oo
xidhan dharka calanka Ogaadeenya duqayda kasoo
sagootinaynayaa garoonka Adhis ababa waxaanaku
soo dhawaynayaa kan London.
Hereri Haji
hereri01@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan