SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

 Barnaamijkii Radio Xoriyo

12 August. 2005 

  • Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada

  •  Suxufi loo xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay

  • C/llaahi Yuusuf oo saraakiil Itoobiyaan ah kula kulmay Mustaxiil

  • Salva-kiir oo loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenka 1aad ee dalka Sudan

======================

Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada. 

Xisbiyada mucaaradka ah ee Itoobiya ugu waawayn ee CUD iyo UEDF ayaa ku gacan saydhay natiijadii rasmiga ahayd ee doorashadii la qabtay 15 May  ee badhtamihii toddobaadkan uu ku dhawaaqay xafiiska doorashooyinka Itoobiya, taasoo lagu sheegay in xisbiga Meles Zenawi ee EPRDF uu doorashada ku guulaystay, isla markaana xaq u leeyahay inuu dawlad soo dhiso.

 Natiijadani waa mid cilladaysan oo aan waxba ka duwanayn wixii aan ka filaynay xafiiska doorashooyinka, sidaas waxaa yidhi guddoomiye ku xigeenka isbahaysiga CUD Berhanu Nega.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in xisbigiisu uu ku hawllanaa sidii uu go’aan uga gaadhi lahaa inuu natiijadan sutida u dhigo oo ilaa iyo maxkamad la gaadho. 

 Xafiiska doorashooyinka Itoobiya, oo xubnihiisa oo dhan uu Meles soo magacaabay, ayaa talaadadii ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee 492 kursi, isagoo sheegay in isbahaysiga EPRDF uu ku guulaystay 296 kursi,taasoo ka dhigan inuu haysto aqlabiyad u suuragelinaysa inuu soo dhiso dawlada cusub ee Itoobiya.

Isbahaysiga CUD ayaa isaguna helay 109 kursi, halka xisbiga kale ee mucaaradka ah uu isaguna ka helay 52 kursi.

Isbahaysiga Meles Zenawi ee EPRDF ayaa marka xulufadiisa lagu daro gacanta ku dhigi doona 318 kursi oo ka mid ah kuraasta Baarlamaanka Itoobiya oo dhan 547 kursi. Xisbiyada mucaaradka ah ayaa iyugun isu gayntooda helaya 174 kursi. 

 In kastoo xisbiyada mucaaradka ahi ay ballanqaadeen inay natiijada diidi doonaan, isla markaana maxkamadda dacwad u gudbin doonaan, haddana waxay xukuumadda Meles Zenawi mucaaradka uga digtay diidmo noocaas ah, iyadoo sheegtay in isku day kasta oo natiijada doorashada lagu diidayo uu horseedi doono ciqaab la mariyo cidda masuulka ka ah.

  Dhinaca kale xisbiyada mucaaradka ah ayaa khamiistii ka digay in dalka Itoobiya uu dib ugu socdo maalmihii madoobaa ee dalka uu ka talinayay millatarigii dhirgiga ahaa ee Mingistu Xayle Maryam ka amar-qaadan jiray. 

Xisbiga CUD ayaa ka digay in dalku uu khatar u yahay qalaanqal siyaasadeed iyo awood millatari oo la isku cabbudhiyo. 

 Waxaa si cad u muuqata khatar ah in dalku uu ku noqonayo maalmihii madoobaa ee taliska dhirgigu dalka ka talin jiray ee awoodda lagu cabbudhin jiray mucaaradka siyaasiga ah, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay isbahaysiga CUD. 

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Addis Ababa Berekat Simon ayaa sheegay in xukuumaddiisu ayna u dulqaadan doonin tallaabo kasta oo xasilloonida dalka lagu kala dhantaalayo, ka dib markii doorashadii inta badan natiijadeeda la sugayay lagu dhawaaqay. 

 Xukuumaddu waxay horraantii Juun xasuuqday dadwayne ka cabanayay musuqmaasuq doorashada lagau sameeyay oo si nabadgelyo ah ugu bannaanbaxayay magaalada Addis Ababa, waxayna ciidamada ammaanku halkaas ku dileen ugu yaraan 40 qof, waxay kaloo xabsiga u taxaabeen kumannaan kale.

Suxufi loo xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay.

Maxkamadda Sare ee Itoobiya ayaa hal bil oo xadhig ah ku xukuntay tifatirihii wargays afka amxaariga ku soo baxa oo lagu magacaabo Satanaw, ka dib markii uu diiday inuu sheego ilihii uu ka soo xigtay warar uu soo qoray oo lagu canbaareeyay xukun maxkamadda ka soo baxay. Tafatire wargays kale ka socda oo isla kiiskan loo haystay ayaa isagana ganaax lagu xukumay.

Tafatiraha xadhiga lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa Tamrat Serbesa, wuxuuna wax ka qoray warar lagu dhalliilayay xukun ay maxkamaddu ka soo saartay kiis doorashaooyinka ku saabsan oo lagu soo oogay Xafiiska Doorashooyinka Itoobiya.

Maxkamadda ayaa diiday cabasho uu u soo gudbiyay xisbiga CUD oo ku saabsan in Xafiiska Doorashooyinku uu natiijada rasmiga ah ee doorashada ku dhawaaqay, ka hor intii aan go’aan kama denbays ah laga gaadhin tirinta codadkii doorashada.

C/llaahi Yuusuf oo saraakiil Itoobiyaan ah kula kulmay Mustaxiil.

Madaxwaynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa booqasho kediso ah ku tegay magaalada Mustaxiil ee dalka Ogaadeenya, isagoo halkaas kulanno kala duwan kula yeeshay saraakiil Itoobiyaan ah. 

Wararka ka soo baxaya booqashada C/llaahi Yuusuf uu ku tegay magaalada Mustaxiil ayaa sheegaya inuu halkaas wadahadallo kula yeeshay saraakiil Itoobiyaan ah oo halkaas tababarro ciidan ku siinayay malleeshiyo laga soo ururiyay gobollada Bari oo loo diyaarinayo inay qayb ka noqdaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee dawlada ku meelgaadhka ahi ku talajirto inay samayso. 

Xubno ka tirsan wasiirrada iyo xildhibaanada dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa safarka madaxweynaha aad uga cadhooday, isla markaana ku tilmaamay arrin fool-xun oo ujeeddo laga leeyahay.

Xubnahan oo u badan kuwa fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, ayaa madaxwayne C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay tagitaankiisa uu tegay magaalada Mustaxiil, waxayna ku tilmaameen safar sharci darro ah oo sharaf dhac u soo jiidaya ummada Soomaaliyeed.

Eedeymaha noocan oo kale ah ma aha middii ugu horraysay ee xubnaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho u soo jeediyaan madaxweyne C/llaahi Yuusuf. Waxay horay madaxwaynaha ugu eedeeyeen inuu hub iyo saanad kale kala yimid dalka Yemen,
kuwaasoo uu kala soo dagay magaalada Boosaaso iyo inuu ciidammo abaabulayo.

Salva-kiir oo loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenka 1aad ee dalka Sudan 

Hogaamiyaha cusub ee ururka  SPLA ee koofurta Sudan  Salva-kiir ayaa shalay loo dhaariyey inuu noqdo M/weyne ku xigeenka koowaad ee dalka Sudan,kadib markuu geeriyooday Dr.John Grand oo horay jagadaas loogu dhaariyey,Salva-kiir oo ahaa hogaamiyaha labaad ee ururka SPLA ayaa badalay John Garnd kadib markay diyaaradii Helikopterka ahayd ee siday kula burburtay laba usbuuc ka hor buuralayda koonfurta Sudan oo uu booqasho ugu socday. 

Hogaamiyahan cusub ee ururka ahna madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dalka Sudan ayaa balan qaaday inuu xaraf xaraf u ilaaliyano heshiisyadii ay wada galeen dowlada Sudan iyo ururka uu isagu hadda madaxda ka yahay ee SPLA,wuxuu kaloo Salva-kiir balan qaaday inuu dhowrayo midnimada iyo madaxbanaanida dalka Sudan.

Salva-kiir oo 54 jir ah ayaa yidhi: waxa ugu wanaagsan ee aan ku xusuusan karo hogaamiyaheenii qaaliga ahaa ee Dr.John Grand waa inaan ku socono jidkiisii nabadgalyo iyo dib u heshiisiineed,isagoo farta ku goday inay weli jiraan howlo badan oo xalis ubaahan. 

 Radio Xoriyo

12 August. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2005

MAQAALADA MAANTA:::
»Geeri aan Lagu Cibro Qaadaneynin Cabsiba Ha Joogtee | Dayax
»JAHO XUMIDA XISBIGA UDUB JAANGOYNTA XISBIYADA | Diridhaba
»Jawaab : Somaliland ictiraaf ka fog??? | M.A.Ismacil
»Cudurka Qabiilka Oo Aan Daawada Lahayn Iyo Dadka dhaliya | Bashi
»Ku-meel-gaar:: Maqaaalkii C/Waaxid Khaliif
»Bani`aadamka: Qaabiil iyo Haabiil is-qoonsi-goodii | Bile 
»GABAY: Horta soo deg laba Deel midbaa diirku ka caddaane | Dhuuraq
»Madaxwayne balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah | Saida
»Ciidanka Somaliland noqon maayo sidii ciidamadii Rwanda | Janale
»WasiiradaHubeeysan ee Muqdisho Awood Gaar ah la siiyo | X.Carab
»Maqaal Ku Saabsan Isboortiga (Ciyaaraha) | Muuse Abees
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD