SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
May 28, 125

 Ficilada Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah:

1) Qaar kood haweenka ayaan garaacaan  (Nabiga weligiis xaasaskiisa ma garaacin )
2) Qaarkood qabiilka ayaa uga weyn diinta. (Qabriga qabiil waxba kuuma tarayo)
3) Qaarkood gabdhahooda ayey u gudaan fircooni  ( Nabiga ma jidayn waa bidco jaahil ah)
4) In saf la galo ma yaqaanaan oo sidii loo kala horeeyey la isu xilqaamo.  sida loo kala wenyahay ama loo kala caafimaad badan yahay.
5)  Qof kii xubin la xubintaas ayay ku caayaan sida Iley, gacamay, lugey, cilin, afey afweyne, ma dhale, guumays,  Abuurista Ilaahay ma qadariyaan.
6) dadka waalan caruurta kama ceshaan waaba ku sii qoslaan.  dadka gaagaaban sidoo kale caruurta kama ceshaan waaba ku diraan kuna qoslaan. duul naxo maahan.
7) Qofkii aan u ekeyn siday rabaan waxay ku yiraahdaan foolxume
8) dad walaalahood ah ayey takooraan oo yasaan si jaahilnimo ah
9) Waa isu geesi oo dhiiga walaalkiis  waxba lama aha.  waa duulka keliya oo dayacay ubadkooda.
10) Dulqaadka iyo sabirka oo ku yar.  caruutoodana qaarkood si xun bay u garaacaan
11) Furniinka ayaa ku badan oo ilmaha waa iska dhalaan ee ma wada koriyaan
12) Qofka doqon ka ah uma naxaan hadalada qalbiga aan u roonayn kama ilaaliyaan oo waxaad ka garanaysaa maah maahyadooda.
13) Dawladnimo ma yaqaanan mana hanan karaan.  Waa duul miyi oo aan isu tanaasulin oo aan lahayn ilbaxnimo iyo dawladnimo fac weyn.  30 sano ayey kula kufeen dawladnimadii qaladka loo siiyey.  In la gumaysto ayey ku fiican yihiin.
14) Dalkooda oo hodan ahay ka gaajaysan yihiin. qaxooti ka yihiin.  mana yaqaanaan si loo intifaacsad. 
15) Nasiibka ay leeyihiin adduunka wax leh ma jiro laakiin nasiib daro maba oga.  Waa duulka keliya oo isku diin ah, af ah, dhaqan ah oo leh xeebta ugu dheer Africa.  ayagoo dhan ayaa ka yar 10 million oo dhulkoodaa ka weyn.
 
Raalli ahow haddii aan kaa xanaajiyey  waxaad tahay uunbaan kuugu sheegaye
 
Aan ku nasanno maansadii arligaygow
 
Kuwa kaa abaal dhaca  in neecowdaada lagu anqariyey saw ma oga.
 
Ab looga har inaad tahay sow ma oga dhaxal awoowe inaad tahay saw ma oga isagu inuu ku leeyahay saw ma ogaa.  Anafacaagi inuu cunay saw ma oga biyahaa ku oon baxay sow ma oga isagu inuu ku leeyahay saw ma oga.
 
Maya ma oga mana garan karo !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Maxamed Maxamuud
korwaayeel@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2005


Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.



HTML CD