SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo la kulmay Boqorka Sacuudiga Cabdalla 
  • Cali Maxamed Geedi oo u DHoofay Talyaaniga
  • Xuseen Ceydiid oo soo jeediyay in loo Tanaasulo Xubnaha Dawlada ee ku sugan Jowhar

Madaxweynaha Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed waxa uu booqasho ku joogaa dalka Sacuudiga, isaga oo martiqaad ka helay Boqorka Sacuudiga Boqor C/Laahi Bin C/Casiis.

Shalay ayuu Boqorku qasrigiisa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaminayey. Sida ay faafisay wakaalada wararka Sacuudiga waxay labada Hogaamiye ka wada hadleen xaaladaha dunida iyo tan gobolka, sidoo kale waxay isku soo qaadeen xiriirka labada dal, iyo sidii loo sii kobcin-lahaa, korna loogu sii qaadi-lahaa.


isha: http://www.alriyadh.com/

Dhinaca Boqortoodaya Sacuudiga waxaa fadhiga kala qayb-galay Waliyul-Cahdiga Sacuudiga Amiir Suldaan Bin C/Casiis, lataliyaha Boqorka Amiir C/Casiis Bin Cabdalla, iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa fadhigaas ku wehliyey R/Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Saalim Caliyo Ibrow. Wasiir Arimahada Dibadda C/Laahi Sh. Ismaaciil. Safiirka Soomaaliyaa ee Sacuudiga iyo martif shafar kale.

Dhamaan warbaahinta Sacuudigu ma’aysan sheegin in arimaha Soomaaliya sihoose la’iskula soo qaaday, kaliya waxay tilmaameen in xaaladaha guud ee caalamka la’iska waraystay.

 Somalitalk | Aug 24, 2005

Wararka kale ee safarka Waftiyada DFKMG hoos ka akhri:::

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo la kulmay Boqorka Sacuudiga Cabdalla...

Madaxweynaha DFKG-ah ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf iyo Wafdigii balaarnaa ee la socday ayaa Caawa la kulmay Boqorka cusub ee talada Walaalkiis ka dhaxlay Boqor Cabdalla Binu- Cabdul Casiis,kulanka labada dhinac oo ahaa mid heer sare ah ayaa lagu qabtay Qasriga Salaama ee ku yaal Magaalada Jeddah,waxaana Boqorka Sacuudiga ku wehliyay ninka leh dhaxalka Boqortooyada Sacuudiga,Amiir Suldaan Binu C/casiis,Wasiirkiisa Maaliyada Dr Ibraahim Jacfari iyo lataliyihiisa Xaga dhaqaalaha Bandar Binu Suldaan.

Dhinaca kale waxaa kulanka Madaxweynaha ku wehilayay:
1-Reysalwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyada Saaalim Caliyoow Ibroow
2-Wasiirka Arimaha Dibeda C/laahi Sheekh Ismaaciil
3-Wasiirka Iskaashiga Gobolka Ismaaciil Hure Buubaa
4-Wasiir kuxigeenka Arimaha Dibeda Xasan Axmed Jaamac
5-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga General Axmed Cabdi.

Madaxweynaha oo u waramayey Teleefishinka Sacuudiga ayaa sheegay in socdaalkiisu uu la xiriiro siduu uu tacsi u gaarsiin lahaa Shacabka Sacuudiga Geeridii ku timid Boqor Fahad,iyo sidii uu kaalmo oogu raadin lahaa Dawlada uu garwadeenka u yahay. Madexweynaha DFKMG ayaa isagu dadaal oogu jira sidii uu dhaqaalo oogu helaa Wadamada Jaamacada Carabta oo Boqortooyada Sacuudiga ka mid tahay.

###

Cali Maxamed Geedi oo u DHoofay Talyaaniga

Reysalwasaaraha Soomaaliya Professor Geedi iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa galabta ka dhoofay garoonka dayuuradaha caalamiga ee Jomo Kenyatta ,waa markii labaad uu Reysalwasaaruhu booqdo dalka Talyaaniga tan iyo intii uu xilka qabtay.

Wafdiga reysalwasaaraha oo ay ka mid ahaayeen: Wasiirka Iskaashiga Caalamiga C/risaaq Jurille iyo Wasiirka Dhulka iyo Deegaameynta Mowliid Macaane,ayaa Talyaaniga u tegi doono sida la sheegay inay Reysalwasaaraha Talyaaniga Berlusconi iyo Dawladiisaba oogu mahadceliyaan taageerada ay marwalba la gaarab taagan yihiin Dawlada Soomaaliyeed,iyadoo Dawlada Talyaaniga oogu deeqday Qalab ka kooban Xafiisyo iyo Koombuyuutaro ,kuwaasoo laga soo dejiyay Garoonka Cisaleey iyo Dekeda Ceelmaan.

Reysalawasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in ay Dalka Talyaaniga joogi doonaan ilaa iyo 3 cisho ,inta uu joogana waxaa uu la kulmi doonaa madax sar-sare oo ka tirsan Xukuumada Talyaaniga,lama oga in Professor Geedi uu la kulmi doono Reysalwasaaraha Talyaaniga iyo in kale.

Dhinaca kale tan iyo markii dhidibada loo taagay Dawlada Federaalka Soomaaliyeed,waxqabadkeeda ayaa waxaa uu noqday,ayaa la leeyahay mid ku kooban safaro dibeda ah ,iyo ka qeybgalka shirweyne Caalami ah. Waxaa fashilmay dadaalkii maalmahan lagu doonayey in lagu soo afjaro khilaafaadka ku dhexjiro mas,uuliyiinta Dawlada,kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku adkeystay in loo yeero Hogaamiyaasha awooda ciidan Muqdisho ku leh, sidoo kale Wasiirka Iskaashiga Gobolka Mr Koeh Arap ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu,u hogaansamo halka ay u badan yihiin Xubnaha Baarlamaanka.

Sida uu qorayo Dastuurka Baarlamaanka hadii Xildhibaanadu gudan waayaan hawsha ay u dhaarteen mudo 12 bilood ah,markaas qaanuunka wuxuu qorayaa in ay is casilaan

Xuseen Ceydiid oo soo jeediyay in loo Tanaasulo Xubnaha Dawlada ee ku sugan Jowhar.. 

Reysalwasaare kuxigeenka labaad ahna Wasiirka Arimaha Gudaha ahna Kusimaha Madaxweynaha Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Xuseen Ceydiid ayaa sheegay in ay haboon tahay in laga foojignaado waxkasta oo horseedi kara bur-bur ku yimaada Dawladii lagu soo unkay Dalka Kenya. Mudane Xuseen waxaa uu carabka ku dhuftay inay khatar geleyso Qaranimadii iyo Jiritaankii Soomaaliya hadaan la helin dad leh damiir Wadaniyeed oo ka damqanaya xaalada maanta ka jirta Dalka Soomaaliya. "WEY ADAG TAHAY IN BULSHAWEYNTA SOOMAALIYEED TAAGEERO LAGA HELO,HADII AAN LA ISKU TANAASULIN WAXNA LAGA QABAN DHIBAATOOYINKA NA SUGAYA "ayuu yiri ku-simaha Madaxweynaha Xuseen Ceydiid ,wuxuuna rajo ka muujiyay in mustaqbalka dhaw la soo afjari dooni xarig jiidka siyaasadeed ee ku dhexjira mas,uuliyiinta Dawlada. "WADADA KELIYA EE MAANTA NOO FURAN WAA IN AAN U TANAASULNO DALKEENA DHIBAATEYSAN HADII AAN NAHAY KUWII MATALAYEY SHACABKA"ayuu yiri Xuseen,mar uu ka hadlayey sida ay isuugu imaan lahaayeen Mucaaradka iyo Mu,ayidka labada garab ee ay ukala jabtay Dawlada, ayaa waxaa uu soo jeediyay in lagu dhaqmo xeerka u degsan Baarlamaanka ,kaasoo dhigayo ayuu yiri in loo hogaansamo halka ay u bataan codadka Xubnaha Baarlamaanka (Majoraty Leads Minority).

Xuseen Ceydiid ayaa ka codsaday Xubnaha Xamar ku sugan in ay u tanaasulaan kuwa Jowhar joogo,si markaas kuwa Jowhar jooga ay u yimaadaan Caasimada Muqdisho, marka aan amaankeeda sugno,ayuu ku soo gaba-gabeeyay hadalkiisa,asagoo ka hadlayey Xaflad loogu tala galay Sanadguuradii Koowaad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo aas-aasay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Hotel Saxafi.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare ayaa isagana sheegay in sababtii ay Muqdisho u yimaadeen ay tahay ayuu yiri "ITOOBIYAAN DALKA HALA KEENO IYO YAAN LA KEENIN"wuxuuna cadaalada daro ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Xuseen Ceydiid,sidoo kale wuxuu cadaalada daro ku tilmaamay in lala meel dhigo Xubnaha ku sugan Caasimada KMG-ah ee Jowhar. Qanyare wuxuu si kulul u cambaareeyey Itoobiyaanka, keenyaanka iyo waxa uu ugu yeeray Huwan kale. Maxamed Qanyare ayaa hadalkiisa ku soo xiray ,in Xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan Muqdisho ay hawl muhiim ah qabteen,caasimadiina ay ku sugan yihiin sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay Xuseen Ceydiid,in iyaga mudan yihiin in loo tanaasulo.

Xuseen Yaasiin Gode-Gode email: godegode_6@hotmail.com

WARARKA KALE EE MAANTA:::


  • C/llaahi Yuusuf oo xalay saqdii dhexe ka degay wadanka Sucuudiga.

  • Maxkamadaha Islaamiga ah ee magaaladda Muqdisho oo saakay la wareegay  isgoyska Lambar Afar.

  • Ku soo laabashadii Barre Hiiraale ee Magaaladda Kismaayo oo sababay iska hor’imaad

  • Wajigii.kowaad ee tadobadka xorriyada Hadalka oo la soo gebagabeeyay .

  • Waxgarad iyo aqoon-yahano ka tirsan Beesha Tunni oo taageerey ..

  • Guddi qabanqaabo oo loo magacaabay shirweynaha SNU.


Ma deggan tahay Maraykanka, m au socotaa Cumrada.. La xiriir SALAAMA

C/llaahi Yuusuf oo xalay saqdii dhexe ka degay wadanka Sucuudiga.

C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Madaxweynaha Dowladda Federal-ka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay saqdii dhexe waxay ka dageen Garoonka Diyaarahadaha  ee Magaalada Jidda ee Boqortooyad Sucuudiga, waxaana halkaas Madaxweynaha  si aad ah ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Sucuudiga iyo  Qunsulka Soomaaliya u fadhiya sucuudiga.

Wafdiga Madaxeynaha waxaa ka mid ah Ra’isul Wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka Maaliyadda Saalim Caliyoow Ibroow, Wasiirka arrimha dibadda C/llaahi Sheekh Ismaaciil iyo wasiir ku xigeen arrimaha garsoorka Maxamed Xuseen Daafeedoow. Booqashada Maxaweynaha waxay ka dambeysay martiqad uu ka helay dowaladda Sucuudiga, wuxuuna madaxweynuhu dhambaal tacsi ah uga waday shacabka sucuudiga  oo uu uga waday dhigooda Soomaalida,taas oo ku saabsan geeridii ku timid Boqor Fahad Bin C/casiis.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu halkaas u tagay sidii uu dowlada sucuudiga uga soo qaadan lahaa xoogaa lacag ah oo Dowladda sucuudiga ugu talagashay dowladda Federal ka Soomaaliya,maadaama  ay Madaweynaha la socdaan  Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyadda  iyo arrimaha Dibada,  waxaana Safarka C/llaahi meesha ka saarayaa kulan la doonayay in la iskugu keeno isaga iyo Guddoomiyha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadad oo Khilaaf xoogan oo xagga fikirka ah u dhexeeyo. sidoo kale waxaa saacadaha soo socda dalka Talyaaniga gaarii doona Raisul wasaaraha dowladda Federaalka Cali Maxamed Geedi. 

Maxkamadaha Islaamiga ah ee magaaladda Muqdisho oo saakay la wareegay  isgoyska Lambar Afar.

Kaddib tukashadii salaada Subax ee saaka ayaa ciidamo aad u fara badan oo ku hubeysan Tekniko aad u xoogan, kana tirsan midoowga Maxaakiimta Islaamiga ay la wareegeen Isgooyska  Lambar Afar ee Magaaladda Muqdisho.

Isgoyskan oo maalmihii la soo dhafay noqday meel si aad ah dadka loogu dhibaateeyo, mararka qaarkoodana ay ka dhacaan dilal, dhac iyo hanjabaadyo, iyadoo sidoo kale Isgooysku ku caan baxay goobo lagu iibiyo Xashiishka iyo Mukhaadaraadka halista ah, waxaa kale oo halkaas maalmahaan ka jiray dhaca Mobilada. Markii ay Maxaakiimtu gacanta ku dhigeen waxay bur-buriyeen buushashkii fool-xumada badnaa ee ka hareer dhisnaa taaladdii Axmed Gurey, waxayna markiiba halkaas ku soo celiyeen kala dambeyntii gaadiidka oo si sharci darro ah wadadaas u mari  jiray, sidoo kale waxay nidaam u yeeleen Gawaarida BL-ka ee dadka daabula, kuwaas oo dadka ka raran jiray goobo cariiri ah. howl galkaan saakay dhacay waxaa ka soo shaqeeyay Maxkamada Islaamiga ah ee Al-Furqaan oo meel aan sidaa uga fageyn Isgooyska degan, waxaana si aad ah arrintaan u soo dhaweeyey dadweynaha Meheradaha ganacsiga ku leh agagaaarka Isgoyskaas. 

Ku soo laabashadii Barre Hiiraale ee Magaaladda Kismaayo oo sababay iska hor’imaad

        Wararka naga soo gaaraya magaaladda Kismaayo ee xarunt Gobolka J/hoose waxay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa magaaladdas uu ka dhacay iska hor’imaad u dhexeeyay laba kooxood oo maleeshiyo ah oo la sheegay in ay ilaalo u ahaayeen taliyaha Ciidamadda Isbaheysiga Dooxada Jubba Axmed Rooble Jimcaale (Goobaanle), waxaana is rasaaseyntaas ku dhintay sadex ka tirsan Maleeshiyadda taageersaneyd taliyahaas, halka ay ku dhaawacmeen 6-kale. Sababata keentay is rasaaseytaan ayaa la sheegay in ay tahay Gaari Tikniko ah oo la isku qabsaday gacan ku heyntiisa, waxaana markii dambe soo kala dhex galay odayaal iyo waxgarrad ku sugan Kismaao oo ku guuleystay in la kala qaado Maleeshiyaas, wuxuun iska hor’imaadkaas ku soo beegmay xill uu magaladda Kismaayo ku soo laabay Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta ee Dowladda Federaalka  Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo muddo saddex todobaad ah ku maqnaa deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo.

 Wajigii.kowaad ee tadobadka xorriyada Hadalka oo la soo gebagabeeyay .

Waxaa  xarunta hay’adaha INXA iyo GOGWO lagu soo gebagabeeyay wajigii hore ee kulanka todobaadka xoriyadda hadalka, waxaana ka qaybgalayay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamadaan ayaa lagu uruurinayay fekerdaha kala duwan ee bulshada ee loo dhisi karo gole la socda xadgudubyada iyo xoriyatu qowlka, waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay AVV. Cumar Dhigeey oo isagu si aad ah ugu dheeraaday shuruucda iyo wax-yaabaha looga baahan yahay dadka fekerkooda dhiibanaya iyo kuwa ku howlan dhinaca saxaafadda waxaa kalloo hadlay Suldaano Max’ed Caddow waxayna sheegtay in saxaafaddu ay tahay mindi labo afle ah sidaa darteedna loo baahan yahay in loo adeegsado dhinaca wanaagas, waxaa kalloo halkaasi hadlo kooban ka jeediyay C/naasir Axmed Cismaan oo ah gudoomiyaha hay’adda INXA oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan gole u dooda xaquuqdooda ee dhinaca fekerka iyo dhinaca saxaafadda.

Sidoo kale waxaa kalloo ka hadlay Cali Iimaan Sharmaake oo sheegay in xoriyadda hadalka ay aasaas u tahay horumarka dalka, isagoo sheegay in loo baahan yahay in dhowr qodob oo kala ah in ummaddu hesho degenaansho, sidoo kalena waxa uu sheegay in dadku ay helaan dowlad wanaag.

Waxaa kallo halkaasi ka hadlay gudoomiye C/nuur Xaaji Max’ed oo sheegay in loo baahan yahay in xoriyaddu hadalku ay ka bilaabato qoyska oo ay socoto illaa meesha ugu sareysa ee dowladda, waxaa kalloo ka hadlay Cali Mudiir oo sheegay in dadka dhisaaya golahaan noocaan oo kale ah looga baahan yahay geesinimo iyo adadeyg, waxaa kalloo ka hadlay C/llaahi Calas Jimcaale o isna sheegay in golaha la dhisaayo uu taageero xoog leh ka heli doono beesha caalamka.

Waxgarad iyo aqoon-yahano ka tirsan Beesha Tunni oo taageerey ..

Waxgarad, aqoonyahano, nabadoono, odoyaal, dhalinyaro iyo haween ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray gudoomiyaha cusub ee siyaasadda beesha Tunni Cismaan Max’ed Maxamuud (Cismaan Buulo) oo dhawaan lagu doortay shirweyne ay isugu yimaadeen beelahaasi.

Xubnahaasi waxa ay u rajeeyeen Cismaan Buulo in Illaah xilkaasi la garabgalo isla markaana uu beesha si daacad ah ugu shaqeeyo.

Gudoomiyaha mar uu waramayay wargeyska waxa uu sheegay in uu taageersan yahay dowladda Federaalka ee lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xubnaha taageerada bixiyay oo gaaraya ilaa iyo 23 ayaa waxa ka mid ahaa Suldaan Maxamuud Sheegow Fiqi, Nabadoon Xabiib Max’ed Munye, Nabadoon Max’ed Nuur Goobe, Nabadoon Shaacir Cabdi Cilmi, Dr. Haashim Siidinaa Cali, Eng. Cali Jaylaane Cilmi, Dr. Sayd Axmed Max’ed Nuur, Eng. Shariif Shiikh Baana iyo AVV. Xaaji Shiikhunaa Maye. 

Guddi qabanqaabo oo loo magacaabay shirweynaha SNU.

Kulan ay isugu yimaadeen guddiga farsamada iyo xalinta khilaafaadka beelaha banaadiriga ayna ka qaybgaleen waxgaradka, Culuma-u-diinka, odoyaasha, aqoonyahanada, dhalinyarada iyo haweenka beelaha Banaadiriga ah, waxaana shirkaasi shir gudoominayay Gudoomiyaah guddiga xalinta khilaafaadka Beelaha Banaadiriga Dheere Shiikhey Max’ed ayaa gebagabadii waxaa la isku afgartay in shirweynaha SNU la qabto 2005 waxaana loo saaray guddiyo Shariif Maye Suufi Gudoomiye, Xaaji Amiin Xaaji xoghayn, Daa’uud Max’ed Shiikh Nuur xoghayn, Max’ed Ismaaciil Xaaji Aways xoghayn, Guudle Shiikh Cumar Xubin, C/qaadir C/raxmaan Abanuur xubin, Max’ed Amiin Axmed xubin, Max’ed Afrax Abuukar xubin, C/qaadir Suufi Axmed xubin, Cumar Shiikh Cabdi xubin, Xasan Cali Max’ed Xubin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

SomaliTalk.com | Aug 23, 2005

Jaaliyadda Sweden oo deeq soo gaarsiiyey Deeqa Maxamed Muuse
Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan  wadanka Isweden ayaa dhawaan deeq lacageed soo gaarsiisay gabar soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho laguna magacaabo Deeqo Max’ed Guji Aug 22

Ma u socotaa Cumarada Sannadkan::: August, September iyo October ... GUJI HALKAN....

Sucuudiga oo Ballaarinaya Masjidka Nebi Muxamed (scw)
Boqor Cabdullaahi Bin CabdulCasiis ayaa lacag dhan 1.25 billion oo dollar u qoondeeyey in lagu ballaariyo dhismaha... Guji..

Saraakiil Soomaaliyeed oo siminaar uu uga Furmay Kampala
»Kismaayo: Barre Hiiraale oo kasoo laabtay Ceelwaaaq...
»Shariif Xasan: Haloo yeero Hogaamiyayaasha Muqdisho
»Bosaso: Cadde Muuse oo kasoo laabtay Jarmalka
»Qardho: Warbixin Shirkii nabadda ee kasocdey Qardho...
Wararka oo dhan ka akhri halkan....

Madaxweynaha DFKMG oo ku Dhawaaqay in uusan Xoog wax ku maquunin Doonin
Madexweynaha Dawlada FKG-ah C/Laahi Yuusuf Axmed ayaa wacad ku maray in xal mooyee aan xoog hubka looga dhigi doonin Maleeshooyinka hubeysan ee jooga gudaha Wadanka Soomaaliya... Guji... Aug 21

Xafladii Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Dhigay Dhallinyarada
Minneapolis: Xaflad lagu soo gabagabaynayey Mashruucii Xagaaga ee loogu talagay in dhallinyarada aqoontooda diineed kor loogu qaado ayaa xalay lagu qabtay... Guji... Aug 21


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD