SOMALITALK.COM
About Somalia & more
Dhakhtarka Carruurta ee Boosaaso waxa uu halkan kusoo tebinayaa ilmi yar oo gargaar degdega u baahan Guji...
Dhibaatooyin Hor leh oo Soofoodsaaray Ubadka Soomaaliyeed
Guji...
MAAMA PUNTLAND
WQ. Burhan Jama
Guji...
Endangering World Peace by Propping up a Taliban Type Regime in Somalia
Abdullahi Yusuf  
Sheeko: Dastuurka Cusub ee DKG
WQ. Burhan Jama Guji
The Rise and Sudden Fall of the Arta Administration (Part 1)
By Dr.Ali Barkhadle
Waa Midho Gun kujira kuwo Geed saaran Udaadi
Badal Ahmed Hassan
Reeryadiisa cune reerkiisu ma guuro
Xassaan Nuur
Maxaa Kuxigi Doona Ridida Galaydh
GDS...
Two Councils should be created for Resolving the TNG Crisis
A/rahman A. Warsame
Home | Webs | Email | TellFriends | Fri, Nov 09, 2001 | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
Dr. Saciid Ciise Column
som Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey

WQ. Dr. Saciid Ciise | saciidciise@aol.com

Atlanta - USA | November 7, 2001

Qaybta 1aad | Qaybta 2aad

zenaawi M.Zanawi
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn. Iskaashigaasna waxay u adeegsataa sidii wadamadaas ay indhahooda uga jeedin lahayeen xukunka ay ku haysato dalka Soomaaliya. Bartilmaameedkeedu waa in Soomaaliya looga taliyo Adis Sababa. Jidka ay doonayso in ay ku gaarto himiladaas waa adeegsiga dad Soomaaliyeed oo dunida ay ugu muujiso in asal ahaan qowmiyadan ay ka soo jeedo Ethiopia.

ayussuf C.Yusuf
Col. Abdulahi Yusuf oo horay uga tirsanaa sarakiishii hore ee xogga dalka Soomaaliyeed ayaa dagaalkii 1963 dhexmaray Maamulkii Amxaarada iyo dowladii Soomaaliyeed waxaa ay heleen ciidankii sirdoonka Soomaaliyeed 1964 galka sarkaalkaas oo ay ku cadeyd falalka qarsoodiga ee uu ugu adeegayey maamulkii Hayle Salase oo cadowga u ahaa Soomaalida.
adanCade Cadde
abdirashid Sharmarke
siyad Siyaad

Waxay dad badan aaminsan yihiin inay ahayd arrintaas mida u geysay korneylka inuusan dalacaad iyo tixgelin badan kala kulmin madaxweynayaashi dalka isaga dambeeyey iyo inuu gacanta u galo janaraal Caydiid oo markii dambe gacanta ku hayey galalkii madaxtooyada.

Korneylku wuxuu caan ku yahay in wax walba uu ka hormariyoxoog ku muquunid ku dhisan awood iyo burburinta qoyskiisa iyo qabiilkiisa xata ahaddii ay soo gasho dan ku gaarida madaxtinimadiisa. Cid walba waxay kadheregsan tahay sida korneynlku uu u dumiyey jabhadii SSDF ee ku dhisneyd halkaqabiil. Maanta markii dantiisii iyo mida shacabka gobolada Majeertenya ay iskeeni wayeen, ayuu korneylku wuxuu u gudbiyey taliska Tigreyga ducumenti qarsoodiya oo uu ka sameeyey dadka goboladaas.

aidid1 Caydiid
Korneylku xog warankiisa wuxuuku gudbiyey in dhulka Bari & Nugaal dadka dega ay xiriir la leeyihiin argagixisada iyo wadaada mitidka, wuxuuna codsaday in circa laga garaaco Magaalada Bosaaso iyo degmooyin ka mida xeebaha. Wuxuu kalo codsaday in ciidamada Tigreyga iyo saxiibadeeda ku lamaansan ay dulaan la galaan ciidamadiisa sidhulkaas loogu soo celiyo awoodiisa.
Aragtidii Dadweynaha  Janayo 2001
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13

Dr. Peter Roble oo ah aqoon yahan Soomaalida Galbeeda ayaa tigreygu waxayu magacaabeen danjirahooda u fadhiya Midowga Yurub oo fadhigoodu yahay dalka Biljimka. Aqoon yahankaas wuxuu shir walba ee ka dhaca wadamada yurub layimadaa siyaasad tirtiraysa jiritaanka ummada Soomaaliyeed ee Ethiopia ay xooga ku haysato, isaga oo isla markaasna sheegaya sida uu isagabu ugu rogtey diintamasiixiga sida ka muuqata magaciisa hore in dadkaasuna ay berri horejinsiyadooda u rogteen.

Mengistu Mengistu
Mengistu H.Selassie

Waxaa intaas dheer inuu shirarkaas Yurub ka raarido inuu isaga oo mitilaya Ethiopia loo ogolaado inuu buuxiyo shirarka Soomaalida arrimaheeda looga hadlayo, si dalka Soomaalida danaheeda ay Ethiopia wakiil uganoqoto. Halkaasna wuxuu Ethiopia ugu adeega sida propagaandada Ethiopia uu ugelin lahaa wadamada Yurub, taas oo ka dhana jiritaanka qaranka Soomaaliyeed, islamarkaasna sidii kaalinta waxqabad ee Yurub ay u fidinayso wadamada geeska Afrika Ethiopia loogu qoondeyn lahaa muga ugu weyn. Safiirkaas wuxuu kutilmaamay Soomaalida galbeed ururkeeda ONLF ee u dagaalamaya madaxbanaanidooda,inuu yahay mid argagixisa oo ay wataan wadaado ku xiran Osama Bini Laden. Wuxuuna Yurub uga howlgalaa sidii dalalka Yurub ay Tigreyga ugu taageeri lahayddagaalka ay kula jirto degaanada Soomaaliyeed ee diidan maamulka Tigreyga.
 
1894 Tripartite Accord was reached by Great Britain, Italy, and Ethiopia over Somali territories. Italian control was established over an area at the Indian Ocean, later known as Italian Somaliland. The Accord also recognised Menelik's claim to Ogaden. More...
Dr. Abdimajiid Hussein oo ah aqoon yahan ku dhashay dhulka Soomaali galbeed laakiin asalkiisu ka soo jeedo dadka reer waqooyiga ayaa noqday hogaamiyesiyaasadeed oo hormuud u ah ururkii siyaasadeed ee Soomaalida Galbeed. Dadka Soomaaliyeed oo Ethiopia ay xukunka ku haysato waxay heleen fursad weyn oo la midamida ay heshay Eriteria oo ah inay noqdaan dal xora.

Nasiibdarro, aqoonyahankaas wuxuu madaxbanaanida Soomaalida Galbeed hoos geeyey maamulkii tigreyga isaga oo darajo ku dhaafsaday dantii ay lahayd ummadaas, qiyaano culusna ku cuuryaamiyey xoriyadii ummaddaas aamintey. Aqoon yahanku wuxuu abaalmarin weyn ka helay maamulka Tigreyga wuxuuna soo qabtay jago wasiirnimo. Haddana waxaa loo magacaabay safiirka joogtadaa ee Dalka Ethiopia u fadhiya UNka.

Wuxuu aqoon yahankaas si aan kala go' lahayn ugu taafa xaytey sidii uu utirtiri lahaa magaca Soomaaliyeed, kalsoonina uu ugu raadinayo in Soomaaliya arrimaheeda laga hogaamiyo dalka Ethiopia. Wuxuu u ololeeyey in masiibooyinka ka jira adduunka ay Soomaalidu saldhig u tahay. Waxa uu marin habaabin kuhayaa waqooyiga Soomaaliya oo danta Tigreygu ay tahay lugeeyo loogeysto ummaddaas si loogu hayo go'doon siyaasadeed, looguna gacan haatiyo taageeridakala go'ida Soomaaliyeed.

Safiirkaas oo colaad shaqsiyadeed u qaba Soomaalidagalbeed isaga oo u aneynaya isku daygii dilkiisa luuliyo 1996, ayaa wuxuu geeyaa ducumenti been abuura oo laga sameynayo dalka Soomaaliya iyo kan Soomaalidagalbeedba, kuwaas oo muujinaya in labadaas dhulba ay ka howl galaan argagixiso ku salaysan dhinaca diinta.

Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

Maamulka Tigreyga oo aan laga jecleyn deegaanada Muqdishu, Kismaayo iyo Majeerteenya ayaa wuxuu samaynayey xaalad marmersiyo u noqon karta in ciidamadoodu ay xoog ku qabsadaan deganadaas si madax ka amar qaadata ay u keeni lahayeen degaanadaas. Madaama maamulka Tigreygu uu yahay sabool duulaan sidaas u weyna uusan sameyn Karin, ayuu safiirkaas wuxuu door weyn ka qaatay sidii kaalmolacageed iyo mid qalaba uu uga heli lahaa wadamada reer galbeedka si loohirgeliyo duulaanka Tigreygu uu la damacsanaa mar hore. Sida xogta lagu hayo Tigreygu waxaa u qorsheysan u jeedooyin dadban waxyna doonaysaa dhab ahaan inay caalamka u muujiso in xeebaha Soomaaliya ay yihiin dhul aan cidina xukumin oo aan amaan ahayn, marina ay u tahay argagixisada iyo ka ganacsiga muqadaraadka. Dulucdeeduna waa inay horkacdo dulaan ay maalgelinayaan reer galbeedku oo ay ladamacsan tahay inay ku tirtirto wadaniyiinta Soomaaliyeed iyadoo adeegsanaysala dagaalanka argagixisada, si ay u hanato dhulka istratejigaa ee xeebaha Soomaaliyeed.

Akhri Qaybta 2aad ee qoraalkan

Dr. Saciid Ciise
Atlanta - USA 
saciidciise@aol.com

2001-11-07

DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM


AFEEF: Araagtida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga kusaxiixan, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk.com
Qoraalada Dr. Saciid Ciise
1 | 2

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
 


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety


Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy