SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • CIIDAMO NABADA ILAALIYA OO LOO DIRI DOONO SOOMAALIYA
  • MUSHARAXII UGU HOREEYEY EE KA TIRSAN XISBIGA KULMIYE OO BEDKA ISKU SOO DHIGAY TARTANKA DOORASHADA BAARLAMAANKA SOMALILAND 

CIIDAMO NABADA ILAALIYA OO LOO DIRI DOONO SOOMAALIYA

July 2, 2005

waxaa maalintii khamiista caasimadda yemen ee sanca lagu soo gabagabeeyey kalfadhigi 32aad ee wasiirada arimaha dibada ee dalalka islaamka ,waxaa uuna kalfadhgaasi socday mudo sadex maalmood ah (28-30 / 06 / 2005) waxaana ka soo qeyb galay wadamada xubnaha ka ah ururka slaamka ,jaaliyadaha muslmiinta ee ka jira wadamada aan islaamka aheyn iyo wufuud ka kala timid yurub,aasiya,iyo ururo aan dawli aheyn .

Xoghaya guud ee ururka islaamka PROF Ikmaaladiin Ixsaan Ojli ayaa furitaankii kalfadhiga sheegay in kalfadhgi sodon & labaad ee ay ka qeyb galayaan 43 wasiiro arimo dibadeed iyo lix wasiru dawlo oo hogaaminaayo wafuuda dalalkooda, tirada guud ee dalalka soo sheegay iney ka qeyb galaayaan kalfadhigaan 32 aad ayaa dhameyd 54 dawladood ,halka tirada dawladaha xubnaha ka ah ururka islaamaka ay dhan yihin 56 dawaldood tan iyo markii la aasaasay ururkan sanadkii 1969kii.

Wasiirada arimaha dibada iyo madaxda wufuuda ee ka wada qeyb galay kalfadhiga ayaa ka hadlay arimo dan u ah umada islaamka waxaana arimahaas ka mid ah qaabdhismeedka ururka ,xal u helida dhibaatooyinka ka jira dadalalka soomaaliya, suudaan, falastiin, ciraaq, iyo afgaanistaan, xubin ka noqoshada islaamka ee goloha amaanka ,abuurid sanduuq dhaqqaale oo loogu tala galay in wax looga qabto dhibaatooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca wadama islaamka iyo in la sii diyaariyo qodobadii looga hadli lahaa kalfadhiga aan caadiga aheyn ee ururka ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada barakeysan ee Maka Almukarama ee dalka Boqortooyada sacuudiga.

Kalfadhigan 32 aad ee ururka islaamka waxaa soomaaliya uga qeyb galay wafdi uu hor kacaayo wasiiru dawlaha arimaha dibada ee DFMG ah mudane Ibraahim sheekh Cali (JEEBO) waana markii ugu horeysay mudo dhan 14 sano oo aysan ka qeyb galin soomaaliya fadhiyada ururukan .

Intaas waxaa dheer in ay jiraan wufuud ka kala timid dalal aan muslim aheyn sida Ruushka,Tailand,yo filibin oo ay ka joogeen wasiirada arimaha dibada. talyaaniga,jabaan, jarmalka, spain, iyo wakilo ka kala socday xoghaya guud ee qaramada midoobay Koofi Anan iyo kan jaamcada carabta Camar Muusa , dhamaantood ayaa fadhiga kaga qeyb galay goob joogayaal ,waxaana tirada ka qeyb galayaasha fadhigaan 32aad lagu sheegay iney dhan yihiin 500 oo qofood.

Go'aamadii lagaaray waxaa ka mid ah :-

1. in soomaaliya loo diro cidamo ka socdsa wadama islaamka si ay u ilaaliyaan nabad galyada kuwaasoo ku shaqeyn doona magaca UN ka .

2. in la sameeyo gudi ka socda ururuka islaamka oo soo arka sida dib loogu dhisaayo soomaaliya .

3.in wax laga badelo qaabka shaqo iyo kan dhismo ee ururka islaamka .

4. in ruushka uu xubin ilaalo goobjoog ah ka nqodo ururka islaamka .

Kalfadhiga 33aad ee wasiirada arimaha dibada ee dawlaha islaamka waxaa lagu qaban doonaa dalka Azerbijaan .

Hadaba madaxda kala qeybsan ee ka kala tirsan labada gole ee DFMG ah ee soomaaliya ma waxaa lagudboon iney ku sii socdaan jidka jahwareerinta shacabka u ooman dawladnimo ,mase waxaa la haboon iney wax la qabsadaan walaalahooda islamaaka ah ayna soo dhaweeyaan shuruud la'aan go'aanadooda , iskana iloobaan u shaqeynta cadawyga soomaaliyeed mar hadii kalfadhigii 32aad ee wasiirada arimaha dibada ee ururka islaamk lagu go'aamiyey in soomaaliya loo diro cidamo nabada ilaaliya kuwaasoo laga soo ururinaayo wadamada xubnaha ka ah ururuka islaamka .

Diyaariye :- Axmed Maxamed
Sanca Yemen.
ahmedwiish@hotmail.com


MUSHARAXII UGU HOREEYEY EE KA TIRSAN XISBIGA KULMIYE OO BEDKA ISKU SOO DHIGAY TARTANKA DOORASHADA BAARLAMAANKA SOMALILAND 

HARGEISA: Waxaa Maanta oo ay bishu ku beegantahay 30-ka Bisha June ee Sannadka 2005 ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa Gudoomiyahii Xisbiga Kulmiye ee gobolka Hargeisa  Mudane Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi),  Engineer Cismaan Hindi wuxuu noqday Musharaxii ugu horeeyey ee uga qayb geli doona Doorashada Baarlamaanka ee la qoondeeyey inay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacdo 15 Bisha September ee sannadkani 2005 xisbiga Qarran ee Kulmiye , Mudane Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ahaa Gudoomiyahii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Hargeisa, kana mid ahaa Siyaasiyiinta ugu cad cad Xisbiga Qarran ee Kulmiye oo lagu tilmaami jiray inuu yahay Ololeeyaha Xisbiga (The Biggest Campaigner of Kulmiye Party)  oo maalmahii ugu danbeeyeyba magaalada Hargeisa la isla dhex maraayey inuu isku soo sharaxayo Doorashada Golaha Baarlamaanka  ayaa Maanta wuxuu kaga dhawaaqay Musharaxnimadiisa Xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen dad qiyaastoodu kor u dhaaftay 400 oo qof,

Xafladaasi ku dhawaaqitaanka ah oo uu ku casuumay Musharaxa Mudane Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Hargeysa,  odayaal, cuqaal, garaado,siyaasiyiin, mutacalimiin, culuma-awdiin ay ka mid ahaayeen Maayor ku xigeenka Caasimadda Hargeisa Mudane Maxamed Cabdilaahi uur-Cadde, iyo Madaxweynahii hore ee kililka shanaad ee Soomaalida degto ee dalka Ethiopia Mudane Iid Daahir, Siyaasiyiin Madax Banaan ayaa waxay ka dhacday Hotelka Caanka ah ee LONDON oo ku yaalla Magaalada Hargeysa

ugu horayn Xafladaasi waxaa hadallo qiimo iyo qaayo mudan ka jeediyey Odayaal badan oo ugu hambalyey Musharaxa Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) inuu allaha weyni ku guuleeyo hawsha balaadhan ee uu qarranka iskaga sharaxay, waxaa dadka hadaladaasi ka jeediyey ka mid ahaa Cali Cumar Xasan  Guuleed oo ka tirsan odayaasha ama ragga caanka ka ah Magaalada Hargeisa , waxaana hadaladiisi ka mid ahaa "Aniga oo ku hadlaya Magaca odayaasha halkani iskugu yimid  waxaanu codkayaga iyo taageerayadaba siinay Musharaxa  Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal" Markii Cali Cumar Guuleed ay hadaladaasi ka soo baxeen afkiisa ayaa waxaa sacab iyo mashraxad isla oogsaday ka soo qayb galayaashii Xafladaasi ama isku imaatinkaasi, wuxuu Cali Cumar Guuleed isaga oo sii wata hadalkiisa yidhi "Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal idinkuma cusba waa siyaasi saaxadda Siyaasadda Somaliland ka caan ah, wuxuu saaxiib la yahay dhammaan shacbi weynaha Gobolka Hargeisa, iyo guud ahaan Somaliland  isagoo taa ku mutay inuu Xisbiga Qarran ee Kulmiye uga masuul ahaado Gobolka Hargeisa ee uu maanta ka sharaxanyahay waa Siyaasi da'yar oo u noqon doona dhammaan beelweynta Somaliland tusaale buuxda, waa aqoonyahan naftiisa iyo maalkiisaba u huray horumarka dalkiisa Hooyo, waxaan idinka codsanaya inaad codkiina siisaan 15 September  maalintaasi oo ah maalinta codkiina uu Musharaxu u baahanyahay, Hadaladaasi ka dib waxaa uu Cali Cumar Guuleed uu Mikroofanka ku wareejiyey isagoo Masraxa ku soo dhaweeyey Mudane Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Hargeisa, Mudane Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa wuxuu halkaasi ka jeediyey hadal kooban oo ay ka mid ahaayeen " Mudanayaasha iyo Marwooyinka, Marti Sharafta, Aqoonyahanada, Culuma-awdiinka,Siyaasiyiinta xisbiyada kala duwan ee igala soo qayb gallay , waxaan idiin soo jeedinaya Mahad Balaadhan sida quruxda badanleh ee aad igala soo qayb gasheen xafladani, ma doonaayo inaan hadal dheer oo siyaasad u badan halkani ka jeediyo, balse waxaan doonaya inaan ku dhawaaqo maanta inaan ahay Musharaxiini, Musharaxa Xisbiga Qarran ee Kulmiye uga qayb geli doona doorashada Baarlamaanka aniga oo iska soo sharaxi doona Gobolka aan ka dhashay ee Hargeisa" intaa markii ay afkiisa ka soo baxday Mudane Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal waxaa sacab iyo mashraxad isla beegsaday ka soo qayb galayaasha iyo taageerayaasha Musharaxa wuxuu Mudane Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal hadalkiisa isagoo sii wata yidhi " waxaan idin leeyahay codkiina isiiya, waanad mahadsantahiin wasalamu calaykum waraxmatulahi wa barakatu".

ka dib Khudbadahaasi waxaa ay ka qayb galayaashu u dareereen Qado Sharafeed loogu diyaariyey hoteelka dhexdiisa, wuxuuna Musharax Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ku siiyey waraysi gaaban suxufiyiin badan oo ka soo qayb gashay ku dhawaaqitaanka Musharaxnimadiisa, isagoo siinaya warbixin Suxufiiyinta ayaa wuxuu yidhi Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal "waxaan ahay musharaxii ugu horeeyey ee xisbiga Kulmiye ka tirsan ee bedka isa soo dhiga, waxaanan allaha weyn ka beryaya inuu ii fududeeyo hawshaasi balaadhan ee isugaysa, isagoo tusaale usoo qaadanaya tartankani doorashada Baarlamaanka oo wakhtigani xaadirka ah ay musharaxiin badani u hanqal taagayaan inay ku soo biiraan iyagoo matali doona seddexda xisbi qarran KULMIYE, UCID IYO UDUB, ayaa wuxuu yidhi "waxaa jiray Nin aanu ilmadeer ahayn oo alla ha u naxariistee dhintay oo la odhan jiray Nuur Xasan Cigaal oo reer Hargeisa wada yaqaaneen oo ka mid ahaa  odayaashii ingiriiska la soo shaqeeyey, Wuxuu ahaa nin farda fuul ah, markaasi rag isaga yaqaaney oo ay saaxiib ahaayeen iyagoo is moodsiinaaya Maadama uu ingiriiska la socon jiray  inuu cibaadada gaabis ka yahay ayey maalin maalmaha ka mid ah waxay weydiiyeen Nuurow Goorma kuugu horaysay Masaajid aad gasho?, nuur wuxuu ugu jawaabay, waxaa iigu horaysay Faras cad oo aan lahaa oo aad u qurux badna oo ka firfircoona oo ka itaal roona oo fardaha kale ka dheerayn jiray ayaa Masaajid ila soo gallay, dabadeed waxaan arkay waysadii iyo salligii oo masaajidka is dhinac yaalla sidaasan ku waysaystay oo aan sallaadii iyo cibaadadii alle ku wadday” Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa wuxuu yidhi isagoo sii wata hadalkiisa “Walaalayaal Kulmiye maanta wuxuu ka dhiganyahay Faraskaasi cad ee quruxda badanleh isagaana innagu hagi doona waddada quruxda badanleh” ayuu cismaan ku soo gunaanaday Hadalkiisa..

WARBIXINTANI WAXAA DIYAARIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA) oo goob joog ka ahaa ku dhawaaqidda Musharaxnimada Engineer Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ka dhacday hotelka London ee Magaalada Hargeisa.

Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba)
diridhaba2001@hotmail.com

###

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2005


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD