SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Ciyaaraha  Kubada Cagta iyo Kubada Koleyga ee ka Socda Minnesota




Waxaa wali si xiisan badan uga socda Gobolka Minnesota ee cariga Maraykanka Gaar ahaan Magaalooyinka Mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul, ciyaarhii Kala duwanaa ee Kubada Cagta iyo Kubada Koleyga ee lagu maamuusayey Somali American Independence Days.

Kubada cagta oo ay ku tartamaayeen 16 kooxood loona kala qaybshay 4 qaybood ayaa hada waxaa ka soo baxay qayb kasta 2 kooxood oo kala ah

Twin Cities, MN, Communality, MN, Washington, DC, Seattle, WA, Boston, MA, Marshal, MN Portland, ME iyo Kooxda Rochester, MN.

Sidoo kale kubada koleyga oo ay ka soo qayb galeen 12 kooxoood loona kala qaybashay min 6 kooxood ayaa wareega labaad u soo gudbeen 4 kooxood oo kale ah: Minnesota, MN, Eden Prairie, MN, Maine, ME iyo kooxda Kooxda Dream team, MN

Waxaa iyaduna xusid mudan in ciyaartooydii hore ee ciyaari jiray ciyaaraha kale duwan ay iyaguna soo gaareen Gobolka Minnesota iyagoo ka kale yimid adunka dacaladiisa kale duwan si ay halkaas u muujiyaan dhiiri galinta ay la garab taagan yihiin dhalinyarada kale duwan ee ka qayb qaadanaysa tartamadaas.

Waxaa kale oo Governorka iyo labada mayor ee Magaalooyinka St. Paul iyo Minneapolis ay si sharci ah u aqoonsadeen Somali National Week ama Somali American Independence days.

Waxaa si doo kale soo dhaweeyey dadaalkan geesinimada leh ay muujiyeen ciyaartooydii hore ee soomaaliyeed ee ayagu qabanqaabiyey suurtana geliyey in ay qabsoomaan Ciyaarahan, dhamaan ganacsatada soomaaliyeed ee Gobolkan Minnesota oo uu ugu horeeyo ganacsadaha weyn ee Urufey ee iska leh Via Roma Fashion, dadweynaha iyo Waalidiinta soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota. Waxayna ku booriyeen in uu noqdo mid joogta ah ee sanad walba laqabto.

Qore:-abdulkadir Hashi (Dalmar)
Email:
dalmar3030@yahoo.com

Waxa soo tebiyey:
Faisal A Mohamud
Email: fderi@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2005


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD