SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qaraxyadda Ka Dhacay London ayaa Si Weyn u Naxdin Geliyeey Ummadda. 

-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England- 08-07-2005.
- sharifhassan50@yahoo.com 

Daawo Halkan....

Caasimadda Dalkan Uk Magaaladda London ayaa Waxaa Ka Dhacay Qaraxyo Waaweyn oo ilaa 4-da lagu Sheegay, intooda badani ka dhaceen Tareemadda Dhulka Hoosteesa oo ah kuwa Dadka aad u Raaceen Weliba Waqtiyadda Horre ee Subxanimadda iyo Xiliyadda Shaqadda laga Soo Baxo (Rawaxaadda), Qaraxyadda ayaa Qaarkood ka dhaceen Basaska Caadida ad ee Dadweynaha Qaadda, Sidda Warbaahintu Sheegeeyso Dhimashadda ayaa Gaartay ilaa 38-tan, halka Dhaawaca Hakiska ahi Gaaraayo ilaa 35-Qof, Halka Dhaawaca Caadigga ahi Yihiin Ilaa- 700.

Qaraxyadda ayaa Sameeyn ku Yeeshay Dadka ku Dhaqan ama u soo Shaqo taga London oo isu jiraan Qoomiyado iyo Dadka Diino Kala Duwan Aaminsan:- Muslin, Kiristan, Yuhuud, Hindoos iyo Bodiste iyo kuwa aan Waxba Aaminsaneyn, Sidda Warku Sheegaayaan Waxaa Shaaciyeey Shebekadda Internetka oo ku Hadashadda Isbaheysigga Ururka Al-Qaacidda ee Qaaradda Yurub, Weyna jireen Tuhumo horre loo qabay in Magaaladda London Weeraro ka Dhici doonaan, Ciidamadda Nabad-gelyadda ayaa Dhoowr jeer Digniino iyo in eey Heleen Warar Sir ah oo Sheegaaya in Weeraro ku Soo Fool-leeyihiin.

London oo Farxad Weyn ku Jirtay Guusheedii Hanashadda Qabashadda Tartanka Ciyaaradda Olambigga Aduunka 2012, Waxaa Qaraxyo Waaweyni gil-gileen, Naxdin Geliyeey, Dad Badana Dileen Khasaarooyin Weyna Gaarsiiyeen, London Waa Magaalo Intii Mudo ah Xaalad Nabadeed ku Sugneyd.

Dhacdaddan oo Kale ayaa ka Dhacday Dalka Mareykanka Magaalooyinka NewYork iyo Caasimadda Washington Sanadkii 2001, Magaaladda Bali ee Dalka Indanusiya iyo Midkii Ka Dhacday Dalka Spain Magaaladda Madrid iyo Kuwii ka Dhacay Barigga Afrika Kenya iyo Tanzaniya.

Waxaa kale oo jira Qaraxyadda Sidda Joogtadda ah uga Dhaca Dalka Ciraaq oo eey Geeystaan Ciidamadda Mareykanka iyo kuwa ka Soo Hor-jeeda, Iyo Dhacdooyinka Sidda Joogtadda ah uga Dhaca Dalka Falastiin oo Ciidamadda Meleterigga Israa,iil, Waxaa kalle oo Dhacdooyinka ka Dhacaan Dalka Masaarigga, Sacuudigga, Dalka Faransiiska iyo Falalka Xadgub Ciidamadda Ruushku ka Geeystaan Dalka Shishaanka oo ah Qoomiyad Muslin oo Ruushku Cudud iyo Xoog Ciidan ku Heeysto, Dalka Somaaliya ayaa ka mid ah Dalalka Dilalku ka Dhacaan,Gaar ahaan Caasimadda Muqdisho iyo Meelo ka Mid Goboladda Bariga iyo kuwa Dhexe iyo Jubooyinka iyo Bay iyo Bakoolba.

Runtii Dhacdada Magaaladda London ayaa ah mid Naxdin weyn leh oo keeni karrta ama Abuuri karta Colaad iyo Naceeyb kala Dhex Gala Qoomiyadaha Kala Duwan oo kala Diinta ah ee Carigga Uk ku Nool, Iyadoo uu iska Jirro Wax la Tilmaami karro Naceeyb Soo Badanaaya oo Dadka Muslimiinta loo Qabo oo Qaaradda Yurub Dhankeeda Galbeedka ku Soo Badanaayaa, Iyadoo Dalalka Faransiiska, Ingiriiska iyo Dalka Jarmalka eey Degan yihiin Jaaliyadaha Muslinka ah ee Badan Qaaradda Yurubta galbeed, Waxaana Jira Shakhsiyaad Culimaa,udiin ah oo Magac Weyn leh oo ku Jira Jeelasha Dalka Faransiiska iyo Ingiriiska oo Qaarkood Hadda Maxkamadoodii Socoto Sidda- Al-Sheekh, Abu Xamsa Al- Masri oo u Dhashay Dalka Masaaridda Jinsiyadda Dalka Ingiriiskana Heeysta, iyo Al-Sheekh Abu- Qataata oo u Dhashay Jordon Asal ahaana ah Falastiini Mufti Weyna ah.

Golaha Muslimiinta Ingiriiska ayaa Si Weyn u Cambaareeyeey Falkan iyo Cidii ka Dameeeysay, kuna Tilmaamaay Mid Argaxaxiso oo Diinta Islaanka iyo Ummadda Muslinku Beri ka Yihiin, Diinta Islaamka ayaa ah Mid Ku Dhisan Nabdgelyo, Saamaxaad iyo Xurmeyta Bani-Aadanka, Mana Ogolaan Karto Dilka iyo Xadgudubka Ummadaha loo Geeysto, Kuwa Falkan Sameeyeey ee Muslinimadda Sheeganaaya ayaa ah kuwo Haloowsan, ama kuwa ku Gabanaaya Magac Islaanimadda, Dadka Muslimiinta ah ee Dalkan Uk ku Nool ayaa ka Mid ah kuwa Dhibaataddu Soo Gaartay, Waana kuwa Nabad-gelyo iyo Deris Wadaag iyo Wadda Noolaansho la Wadaaga Dhanka Ummadaha Jinsiyadaha Kala Duwan ee Dalkan Degan oo Midabyadda kala Duwan leh-Cadaan, Madoow, Maariin iyo Kuwo Dhiiga Isku Dhafka ah leh, Anigoo ah Muwaadin Somaaliyeed, Muslin ah, Dalkan ku Nool Waxaan Halkan Cambaareeyn Weyn Uga Soo Jeedinaayaa kuwii Falkan Waxshinimadda ah Geeystay oo Dadka aan Wax Gelin ku Xasuuqay Magaaladda London, Mana aha Kuwo Lagu Sheegi Karro Muslimiin, Diinta Islaankuna Weey ka Madax Banaanta Falalkaas iyo Kuwa Geeysteyba.

Argagaxisadu Dal Ma laha, Caqlina Ma Laha, Diina Kuma Dhaqmaan, Hadafkooduna Waa Wax Dilid iyo Argagax Gelin Dad Rayid ah oo Nabadgelyo iyo Deganaansho ku Sugan, Diinaha Samaawiguna ma Ogola Argagaxiso iyo Falalka Foosha Xun ee Dilka iyo Rafaadka ah, Falkan ayaa Saameyn Xun ku Yeelan Karro Qoomiyadda Somaaliyeed ee Muslinka ah oo ah, Jaaliyadda Somaaliyeed ee Carigan ayaa ah Dad Nabadeed, Dhibaatadda iyo Gafka Naceyb, Laakiin Iayagu Isku Mashquula oo Dhinaca Aragtidda iyo Siyaasadda Dalkoodu ku Kala Duwan.


Magaaladda lomdon oo Ku Guuleeysatay Qabashadda Olampigga 2012.

Magaaladda London oo ka mid ah Magaalooyinka ugu Waaweyn uguna Busho iyo Ganacsiga badan Qaaradda Yurub, ayaa ku Guuleeysatay Olollodeedii eey ku Dooneeysay Hanashadda Marti gelinta Tartanka Ciyaaraha Olampigga Aduunka ee Sanadka 2012-ka, oo eey Tartanka ugu Jireen Shan Magaalo oo kalle ah- Moscow, Newyork, Madrid, London iyo Paris oo la Filaayeey in eey Guusho Raaci doonto.

Magaaladdan London ayaa lagu Qabtay Tartanka Olampigga Sanadkii 1948-kii, Waxaana hadda ka hor ku Guul dareeystay Magaalooyinka Birminghan, iyo Manchester, Guusha London ayaa noqotay Lama Filaan, inkastoo Dowladda iyo Gudiiga Gaarka ah ee Loo Xil Saaray u Ololeeynta London eey Horre u Sheegeen in eey ku Guuleeysan Doonaan, Waxaana Loo Nisbeeynaayaa Guusha London Gudoomiyaha Gudigga Ololeeynta Lord-Cole oo ahaa Xidig Orad yahan ah oo ku Guuleeystay Oradka 1500 Miter.

Guul Darra Raacay Magaaladda Paris ayaa Niyad jab weyn oo loo gaaray Dalka Faransiiska oo Markii Sadexdaad ku Guul Dareeystay Qabashadda Ciyaaraha Olampigga Aduunka, inkastoo la Oran karro Magaaladda Paris waxeey Diyaar dhinac Walba, Guusha London ayaa Door weyn ka Ciyaari doonta kor u qaadidda Dhaqdhaqaaqa Isportigga Dalkan Uk iyo in la Bilaabi Dhisidda Garoomo iyo Goobo Cusub oo Isporti, si weyna loo diyaaro Xulalka iyo Kooxaha Isporti ee Dalka, sidoo kale waxaa ka Soo Baxayaa Fursado Shaqo oo Badan.

Tartanka 2008 ayaa Lagu Qaban doonaa Magaaladda Bakiin ee Carigga Shiinaha, Waxaana Muuqdda Dadaal iyo Diyaar garoow weyn oo Dowladda Shiinaha iyo Maamulka Caasimadda Bakiin eey Madaan iyagoo Damacsan in eey Sameeyaan Kulankii Ugu Wanaagsanaa oo eey Jabiyaan Rikoorkeey eey Dhigtay Magaaladda Seydini ee Dalka Austaraaliya oo Laga Qabtay Sanadkii 2000, ahaana kii ugu Wanaagsan Dhinac Walba.

Waxaa Guud ahaanba Magaalooyinka Dalkan Uk ka Bilaabmay Xaflado iyo Dabaaldegyo ku Saabsan Munaasabadda Guusha Magaaladda London Gaartay, Waxaana Dhic karta in Sanadka 20122 eey Dalkan ku Safxaan Dhalinyarro Somaaliyeed oo Halkan ku Dhashay oo eey Guulo Waaweyn soo Hooyaan, idoo kalle waxaa lagu Rajo Weyn yahay in Xul Qaran oo Metelaaya Dalka Somaaliya ka Soo Qeyb Geli Doonaan Tartatnka Olampigga Aduunka ee Sanadka 2012-ka Haddii Alle Idmo.

-Hambalyo London iyo Guddigga Mudane-Lord- Coe iyo Mayaarka Ama Duqa Magaaladda London oo Kaalin weyn ka Ciyaar Hanashadda iyo Guusha London Gaartay, Waxan Fil;aayaa in Jaaliyadda Somaaliyeed ee Magaaladda London ku Dhaqan iyo Guud ahaanba Carigga Uk ee si Weyn ugu Faraxsan yihiin Guusha London. Parisna Ceel iyo Waji-Gabax ayeey la heeydeen, Waana Markii Sadexaad oo Pariis ku Guul Dareeysto Qabashadda Tartanka Olambigga Aduunka, Harre ayaa loo Yirri- Garri Labo Kama Wadda Qosliso.

Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England- 08-07-2005.
- sharifhassan50@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2005

Mareykanka oo ka digay dagaalo dhex mara siyaasiyiin Soomaaliya
War maanta laga soo saaray safaarada dowalada Maraykanku ay ku leedahay Nairobi ayaa lagu sheegay in.. Guji... July 7


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD