SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  • Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaaliyeed- Gen, Cali Madoobe oo Bilaabay Dib u Dhiska Ciidanka.
  • Hoggaamiyaasha Qaaradda Afrika iyo Kulankood Sirta "Liibiya".
  • Habmalyo Iyo Taageero Bayaanka iyo baaqa Ismiddu Muqdisho ka Soo Saareen. 

Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaaliyeed- Gen, Cali Madoobe oo Bilaabay Dib u Dhiska Ciidanka.

Gen-Cali Maxamed Xassan (Cali Madoobe), Taliyaha ciidanka Boliiska Somaaliyeed ayaa Bilaabay Dib u Ururinta Saraakiil Ciidanka Boliiska Somaaliyeed ee Aqoonta iyo Waayo Aragnimadda lahaa ee Goboladda Dalka ku kala Sugan si Diraas Dhab loogu Sameeyo Habka ugu Wanaagsan ee Loo Dhis karro Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo ah laf-dhabarka Sugidda Amaanka Gudaha Dalka Hooyo iyo u Adeegidda Muwaadiniinta Somaaliyeed.

Marka Xaqiiqadda la Sheego Dalka Hooyo Burbur weyn ayaa ka Dhacay Waxaana si toos ah u Burburay Dhamaam Hey,adihii Dowladda iyo Djismayaashii iyo Xarumihii Degaanka u ahaa, Qaarkoodna ku Jiraa Gacanta Hoggaamiyaasha Kooxaha Hubeeysan ee Somaaliyeed, Talaabadda Taliyaha iyo Qaabka Fekerkiisa ayaa ah mid ku Saleeysan Habka Talo Wadaaga iyo Helidda hanaanka ugu Wanaagsan ee Sidda ugu Dhaskhso badan loogu soo Dhisi karro Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo leh Waji Qarameed, Waxaana Arrintaas Cadeeynaaya Howlaha Kormeer ee Taliyuhu ku Tegay Gobolka J/Hoose Magaaladda Kismaayo oo eey ku Sugan yihiin Saraakiil Horre oo Ciidanka Boliiska.

Marka la eego Qorshaha Taliyaha Ciidanka Boliiska Gen-Cali Madoobe ayaa Sawir Cad ka Bixinaaya Dadaalka iyo Xilkasnimadiisa, waana mid u Baahan Taageerid iyo Tixgerlin Siin, Hanaanka Talo Wadaaga iyo ka faa,iideeysigga Aqoonta Saraakiil Ciidanka ayaa ah mid Qiimo weyn ku Fadhidda, Waana Sidda Keliya ee Maanta lagu Heli karaayo Ciidan loo Dhan-yahay Aqoonta Tixgelin la Siinaayo, Taliyaha waxaa ka Go,aan Diyaarinta Ciidan Boliis oo Waqtigan Xasiisigga ah Doorkiisa iyo Kaalintiisa Gudan karra, danaha Ummadda Somaaliyeedna Illaalinaaya.

Anigoo ah Muwaadiin Somaaliyeed oo Qiiro Wadaniyadeed leh, Dalkiisa iyo Dadkiisaba si weyn u Jacel, Waxaan ugu Hambalyeeynaaya taliyaha Ciidanka Boliiska Somaaliyeed Gen- Cali Maxamed Xassan (Cali Madoobe), Dadaaladda wax ku oolka ah ee ku Doonaayo Dib u Soo Nooleeynta Ciidanka Qaranka Somaaliyeed, Ciidankii Boliiska Somaaliyeed oo leh Waji Cusub Masuuliyadda iyo Xuquuqdda Ummadiisa si weyn u Dhoowrayaa, Kana Shaqeyn Doona Sugidda Amaan iyo Xasiloonidda Dalka Hooyo.

Gen-Cali Madoobe ayaa Tusaalle Fiican u ah Shakhsiyaad Wadaniyiinta ah, Aqoonta Fiican leh, Isla markaana Dareensan Baahidda Weyn ee Dalkooda Hooyo u Qabo, waana mid loo Baahan yahay In Shakhsiyaadka Aqoon ama Takhasuusyadda Gaarka lehi ku Noqdaan Dalka oo Doorkooda ka Qaatan Dib u Dhiska Dalka Hooyo:- Dakhaatirta, Injineeradda, Saraakiisha Sarre ee Aqoonta lahaa, Beero Yaqaanadda, Maamula Yaqaanadda, Saraakiisha ku Xeel Dheer Howlaha Bankiyadda iyo Arrimaha Maaliyadda, Profeseeradda Jaamacadda Ummadda, iyo Guud ahaanba Aqoon-yahanka Somaaliyeed.

-Alla Mahad Leh-


Hoggaamiyaasha Qaaradda Afrika iyo Kulankood Sirta "Liibiya".

Magaaladda Serta ee Dalka Liibiya oo ah Magaaladda uu ku Dhashay Hogaamiyaha Liibiya Col- Mucamar El-Qadaafi, kana soo Aabaabulay Kacdoonkii uu Xukunka Dalka kula Wereegay 01/09/1969-kii, ayaa waxaa ka socda Kulan balaaran oo eey ka soo qeyb galeen Dhammaan Dalalka Ururka Midoowgga Afrika, ilaa 35 Madaxweyne ayaa kulankaas jooga, halaka Qaarada inteeda kallena eey Metelaayaan Ra,iisal Wasaarayaal iyo Wasiiro Arrimo Debadeed, Qodobada horyaal Hogaamiyaasha ayaa ah kuwo ahamiyadood leh.

Kulankan ayaa Madaxdda Afrika ku gorfeeynaayaan Talooyinka wax looga qaban karro Xaaladda Saloobnimo, Dhibaatadda Cuduradda Dilaaga ah iyo Dagaaladda Naafeeyeey Qaaradda Dihin iyo Sidii eey Cod mideeysan oo Mid Kaliya ah ugu Gudbin lahaayeen Hogaamiyaasha Dowladaha G8 oo Maalinta Arbacadda Soo Socota 06/07/2005, ku Kulmay Doona Gobolka Soctland ee Carigan Uk, lana Filaayo in eey ka Hadli doonaan Arrimo Xasaali ah oo Khuseeya Qaaradda Afrika iyo Sidii looga Cafin lahaa Deynta Faraha Badan ee Lagu leeyahay, isl markaana loogu Sameeynaa Lahaa Qorshe Horumareed wax ku ool ah.

Dalka Liibiya iyo Hogaamiyihiisa Col-Qadaafi ayaa Door ka Ciyaaray Abuuridda Ururkan Cusub ee Midoowgga Afrika oo lagu Bedelay Kuwii Horre loo oran jiray Uruka Midnimadda Afrika oo si weyn loo dhaliilay Wax Qabadkiisii iyo Hanaankiisii Shaqo, Waxaa kalle oo laga Doodaaya Qodobo la doonaayo in Qaaradda lagu Mideeyo iyo Xaaladaha ka jirra Dalalka:- Sudaan, Somaaliya, Iyo Toogo, iyo Baaq loo Jeedinaayo Ururka Qaramadda Midoobay oo Qaaradu ku Codsaneeyso in eey Golaha Amaanka ka Hesho Labo Kursi oo Joogto ah, oo leh Dahmmaan Xuquuqdda iyo Awooda Dowladaha Joogtadda ah, isla Markaana Qaaradu Yeelao Shan Kursi oo aan Joogto aheyd, Qaramadda Midoobay ayaa waxaa ka Socdda Qorshe lagu Damacsan yahay in lagu balaariyo Golaha Amaanka oo lagu soo daro Dalal Kalle, inkastoo Dowladda Awooda Weyn Sheegataa "Mareykanka", eey Rabto in lagu Soo Darro Labo Dal oo Keliya oo Midkood yahay Dalka Jabaan, Midka kalle ka yimaado Dunidda Sadexaad, inkastoo Dalalka- Brasil, Jarmalka iyo India eey Ololle ugu Jiraan Sidii eey Kursi Joogto ah Golaha Amaanka.

Kulankan waxaa Dowladda Somaaliya Metelaayaa Ra,iisal Wasaarre Proff-cali Maxamed Geedi iyo Wafti uu Hogaaminaayo oo Wakiilka ka ah Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf Axmed oo Maalmahan ku Sugnaa Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari (P/Land), Arrinta Somaliya ayaa ka mid Qodobadda Safka horre kaga jirra Ajandaha Kulankan iyo Sidii Taageero loogu Fidan lahaa Dowladda Cusub ee Somaaliya Dhinacyadda;- Dhaqaalaha, Sugidda N/Gelyadda iyo Dhanka Siyaasadba, Inkastoo Khilaaf iyo Muran weyni ka Dhex Taagan yahay Xubnaha Dowladda Somaaliya Jowhar iyo Muqdishona kala Fadhiyaan, Garabka C/Laahi/Geedi ayaa Dadaal Weyn ugu Jirraa Helidda Aqoonsi Diplomaasi iyo Caawi Dhaqaalle oo Deg deg .

Hogaamiyashadda Afrika ayaa si joogto ah u yeesho kulamo Sanadeed iyo Shirar Goboleed Badan oo eey ku soo Bandhigaan Khudbado iyo Talooyin aan Dhaafiin Goobta Kulanka, ama aan Dib loo soo eegin, Dhibaatadda Qaaradda Heysata waxaa Aabbe u ah Maamul Xumadda iyo Xatooyadda Dhaqaalaha oo eey Geeystaan Hogaamiyaashu, Sidaas awgeed Shucuubta Qaaradda ayaan wax kalsooni ah ama Rajo ah ka Fileeyn Kulanka Magaaladda Serta oo la mid Noqon karra kuwii Horre, Ra,iisal Wasaarre Geedi ayaa ku Rajo weyn Helitaanka Xoogaa Kaalmo Dhaqaalle ah iyo Soo Dhoweeynta Madaxdda Qaaradda ee Dowladda Cusub ee u Muuqata Mid Badweyn Sabeeyneeysa, Hogaanka Sarre ee Dowladda Somaaliyeed Waxaa la Gudboon Adeegsigga Caqligga iyo ka Shaqeynta Xalinta Khilaafka Dhexdooda Taala oo ah mid Sifo Shakhsi ah leh Soona Dedejinaaya Burburka Dowladda Tirarka Booca ah ku taagan, Hubkana Isu Soo Urursaneeysa oo Colaado iyo Dagaal Sokeeye Ummadda Gelin Rabta.


Habmalyo Iyo Taageero Bayaanka iyo baaqa Ismiddu Muqdisho ka Soo Saareen. 

Munaasab Si Weyn loo Soo Agaasimay oo Lagu Caleema Saaraayeey Ugaaska Beesha Ceyr ee Habar-Gidir Ugaas-Ugaas Xassan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo Buuxinaaya Booskii Ugaaskii Beesha oo Horre u Geeriyooday Naxariistii Jano Alle ha Siiyo Aamiin.

Munaasabaas Lagu Caleema Saaray Ugaaska ayaa Waxaa ka Soo Qeyb galay Hoggaan Dhaqmeed Badan oo ka Socday Beesha Somaaliyeed ee Dega Goboladda Dhexe, Banaadir, Shabeelooyinka iyo Goboladda bay iyo Bakool iyo Shakhsiyaad kalle oo Magac weyn Bulsha Dhexdeeda ku leh, Marka Horre Waxaan Halakn Hambalyo uga Soo Gudbinaayaa Ugaaska Cusub Ugaaska Xassan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, waxaan Alle uga Rajeeyeey in uu Noqdo Midkii Xilkiisa Sidda ku Haboon u Guto, Beesha iyo Guud ahaan ummadda Somaaliyeed Hogaan Kheyr Leh oo ku Soo Biiray, Inshaa Alle.

Kulankaas ayaa Waxaa Laga Soo jeediyeey Khudbado iyo Talooyin Wanaagsan oo Danta Dalka iyo Dalka Somaaliyeed ku jirto, iyo Sidii Hoggaan Dhaqameedku Kaalintiisa u Gudan Kana Shaqeeyaan Xal u raadiinta Khilaaf weyn ku kala Dhex jirra Xubnaha Sarre ee Dowladda Somaaliyeed ee Dalka Kenya Lagu soo Dhisay, hadana kala fadhiya Magaaladda Jowhar iyo Caasimadda Muqdisho, Bayaanka iyo Baaqa Isimadda ayaaSi Fiican u Qeexaaya Dareenka Hoggaanka Dhaqmeedka iyo Sidda eey uga Xun-yihiin Khilaafka Jirra, kuna Dadaalayaan isku Daayga Heshiisiinta Hoggaanka Sarre ee Dowladda.

Runtii Bayaanka iyo Baaqa Isimadda ayaa ah Mid Qiimo weyn ku Fadhiya, isla Markaana ka Turjumaaya Damweenka Dadweynaha Somaaliyeed Iyo Sidda eey uga Xun-yihiin Xaaladda iyo Khilaafka Taagan oo Meel aad iyo aad u Sareeysa Gaaray, Dhabar Jab iyo Khasaarena ku ah Himiladdii iyo Rajaddii Ummadda Somaaliyeed Fileeysay, Waxaan Si weyn u Taageersanay Bayaan iyo Baaqa Isimadda oo ah mid Xikmad weyn ku Dhisan, Waxaana Alle ka Rajeeyeey in Dadaalkoodu Mirra Dhaliyo Sidda ku Haboona u Xaliyaan Khilaafka Hadda Jirra, Dibna u Soo Nooleeyaan Doorkii Sharfta lahaa ee Hoggaan Dhaqameedka Somaaliyeed La Haan Jireen, Sidoo kalle Waxaa Looga Baahan in eey Talaaban oo kalle eey Qaadan Isimadda Somaaliyeed ee ku Sugan Jubooyinka, Gedo, P/Land iyo Isimadda Somaaliyeed Meel kasto oo eey Joogan, Waana Talaabo Soo Dhoweeyn Mudan.

-Alla Mahad Leh- -Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England-04-07-2005.
- sharifhassan50@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2005

Mareykanka oo ka digay dagaalo dhex mara siyaasiyiin Soomaaliya
War maanta laga soo saaray safaarada dowalada Maraykanku ay ku leedahay Nairobi ayaa lagu sheegay in.. Guji... July 7


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD