SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Geedi Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar.

Axad: July 10, 2005
Galkacyo (Somalitalk) 

Waxaa maanta ka anbabaxay magaalada Galkacyo waftigii balaaraa ee uu horkacayay Ray'salwasaaraha Dalka Soomaaliya Mud: Prof: Cali Maxamed Geeddi.

Waftigan oo si rasmi ah duhurnimadii maanta looga sagootiyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo, ayaa waxaa ka mid ahaa masuuliyiinta ka anba-bixisay gagida diyaaradaha galkacyo Madaxweynaha DFKGS, Mud: C/laahi Yuusuf Axmed, Madaxweynaha DGSPL, Gen: Cadde Muuse Xirsi, wariiro iyo wariiro ku-xigeeno ka tirsan DFKGS iyo DGSPL, waxaa kaloo ka qayb qaatay sagootinta Ray'salwasaraha iyo waftigiisa taliyaha Ciidamada daraawiishta DGSPL, Taliyaha Ciidanka booliska PL, iyo masuuliyiinta kale ee maamulka iyo Gobolka.

Ray'salwasaaraha oo xubnaha waftigiisa uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Shabeelada dhexe Maxamed Dheere waxa ayna u kicitimeen magaalada Jowhar ee haatan fariisinka ku-meelgaarka ah ay kuleedahay Dowladda Soomaaliya.

Intii ay Ray'salwasaaraha iyo Maxamed Dheere ay ku sugnaayeen magaalada Galkacyo, ayay kulamo albaabada u xiranyihiin la yeesheen Madaxweynaha DFKGS, Mud: C/laahi Yuusuf Axmed' ayadoo shirkan ahaa mid albaabada loo-laabay ayna si gaara u yeesheen Madaxweynaha iyo Ray'salwasaaraha DFKGS, waxaanse si rasmi ah loo shaacin wixii ay ku wada hadleen labada dhinac ee sar-sare ee DFKGS' wallow uu shalay carabaabay Ray'salwasaare Geedi; in ay kawada hadli doonaan isaga iyo Madaxweynahaba arimaha dowladooda gaar ahaanna dhinaca dhismayaasha dowladda ayna yeelandoonaan kulan gaaban ka-dibna uu ku laabandoono magaalada jowhar isaga iyo waftigiisa.

Wararka kale ee aannu ka helayno ilo udhow-dhow dowladda ayaa iyaguna noo iftiimiyay in ay ka wada hadleen islana qaadaa dhigeen' Madaxweynaha iyo Ray'salwasaaruhuba sidii ay dowladdoodu u dhisi lahayd qorshayaasheeda iyo ajandaheeda horyaala ee sugaya DFKGS, sida dhismayaadha dowladda heer degmo ilaa heer gobol waxaa kaloo kamid ahaa wada hadalkooda in lahelo ciidan cudud leh dalkana nabaddii iyo xasiloonidii ku soo celin kara, waasida aan ka soo xiganay ilo muhiim ah.

Dhanka kale waxaa iyana kulan gaara yeeshay Madaxweynaha Puntland Gen: Cadde Muuse iyo Guddoomiyaha ka arimiya Gobolka Shabeelada Dhexe' Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Waxayna kawada hadleen arimaha laxiriira iskaashiga laba dhinac iyo sidii ay unoqon-lahaayeen kuwo siiwada kulan-kooda.

Sahro Sheikh | SomaliTalk | Galkacyo

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2005

Prof. Geeddi iyo Maxamed Dheere oo Galabta Ka Soo Degay Garoonka Galkacyo
Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha DFKMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi uuna weheliyo Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ka soo degey Galkacyo halkaas oo... Guji...

Somali President Abdullahi Yusuf AhmedWafti uu Hoggaaminayo Madaxweynaha DFKMGS Oo Soo Gaaray Galkacyo
Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha DFKMG C/Laahi Yuusuf oo uu weheliyo Madaxweynaha DGPL oo ay galbinayaan ciidamo iyo tigniko ayaa soo gaarey Galkacyo halkaas oo... Guji...
 

Mareykanka oo ka digay dagaalo dhex mara siyaasiyiin Soomaaliya
War maanta laga soo saaray safaarada dowalada Maraykanku ay ku leedahay Nairobi ayaa lagu sheegay in.. Guji... July 7

Warbixinta shirkii 32-aad ee Wasiiradda Arimaha dibada ee Dalalka Islaamka
Prof.Mahdi Abuukar oo ka warbixinaya go'aanadii ka soo baxay.. Guji... July 8

Yemen: Nin loo haysto Dilkii Sahro Xilwo oo Laqabtay
Wararka ka imanaya gobolka ku yaal koonfurta Yemen ee Laxaj ayaa shaaca ka qaaday in... Guji... July 8


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD