SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WAXBARASHADA

Talooyin muhiim u ah ardada iyo waalidka Soomaaliyeed ee maraykanka ku nool, Doorashada camalkii uu qofku ku taqasusi lahaa, iyo U diyaar garowga jaamacadaha ama waxbarashada sare

Waalidiinta maraykanka:

 

Waalidiinta maraykanka isku aqoon ama dhaqaale ama isku hal jinsi maahan  Dabcan caruurtana waxay qaarkood leeyihiin aabe iyo hooyo kuwa kalena mid uun kuwa kalema midna mahaystaan.  Marka ujeedadayda waa waalidiintu isku tabar maahan isku fursadna ma haystaan sidaa darteed waalidiinta qaar ayagaaba dayacan.  Haddaan eegno kuwa badan waa kuwa wax bartay oo dhaqaale ahaan roon.  Ayaga ayaa ardaydooda guriga wax ugu aqriya oo soo dhisa.  Iskuulada waa ku xiran yihiin waayo ardayga maraykaa waxaa laga filaa  marka uu marayo fasalka 3xaad  inuu wax aqrin karo waxna qori karo.  Waalidiintan waxaa ay la garab taagan yihiin ardaydooda hiil iyo hoo qaarkood aabaha ama hooyada midbaa jooga guriga ilaa ardayga ka koro. 

 

Niyad dhis badan iyo dhiirigelin joogto ah ayaa lala garab taagan yahay ardayga marka uu qalin jebinayo iyo marka uu waxbarashada guul ka soo hoyiyo waa la abaal mariyaa.  Meel gooni ah oo uu wax ku aqristo ardayga  waa loo diyaariyaa saacadaha uu seexanayo iyo waxa uu cunayo iyo cidda uu la saaxiibayo intaba waa u kontroolan tahay.  Facoodda wax duufsada (peer presure) wax la yiraahdo ayey kala dagaalamaan oo fursadba u diidaan.  Telefishana maba lahan ama waxa caruurta fiirsato waa lala socdaa.  Shabakadaha Internetka sidoo kale waa la ilaaliyaa.  Waxay yaqaanaan qalabka lagu ilaaliyo TV ama shabakadaha Internetka qalabka sida net nunny ama parental control ayey isticmaalaan aqri www.controlyourtv.com  .  Waalidiintaas waxaa kale oo ay kontaroolaan telefoonka iyo saacadaha ardaygu ku hadlo iyo waqtiga ardaygu seexdo. 

 

Waalidiinta maraykanka badankood waxaa ay dareensan yihiin in caruurtooda haddii aanay dadaalka laba laabin in ay soo wajihi doonto tartan ba’an oo kaga yimaada ubadka qaaradaha kale qaarkood oo aad u dalaalaya xagga waxbarashada ayadoo dunidu isu furantay oo cilmiga technologiyadana aad u fiday.  Dareenkaas waxaa dhowaan ku muujiyey buug uu qoray suxufiga weyn ee reer Minnesota qoraagana ah ee la yiraahdo Thomas Friedman.  Thomas Friedman oo lagu bartay maqaaladiisa ku soo baxa New York Times iyo khibraddiisa dibadda waxaa uu dhowaan ka soo laabtay safar dheer oo uu ku tagay India  waxaana uu qoray buug la yiraahdo addunka waa fidsan yahay (The world is flat).  Dulucda buugiisa waxaan ku soo koobi karnaa jumladan “waagii aan yaraa ee aan ku noolaa Minnesota hooyaday waxay i oran jirtay cuntada cun dad badan ayaan cunto haysan ama aan heli karin sida India ama China, maanta waalidka maraykanka waa inay caruurtooda ku yiraahdaan aad wax u baro arday badan oo ku nool India iyo China ayaa aad wax u baranaya oo raba shaqadaada”

 

Talooyin muhiim u ah ardada iyo waalidka Soomaaliyeed ee maraykanka ku nool:

 

  • Ardayga waa inuusan iskuulka ka maqnaan cudurdaar la’aan waayo casharro badan ayaa dhaafaya ardaygii maqnaanshadiisa badan waxay u badan tahay inuu buundo hoose helo.
  • Ardayga waa inuu bartaa sidii uu buundo fiican u heli lahaa waana inuu ardayga habeeyaa buugagtiisa kana faaiideystaa waqtiga asagoo qorsheeynaya.  Waxaa kale oo muhiim ah inuu ardayga derso macalinkiisa iyo waxyaabaha uu jecel yahay ama uu neceb yahay.  Macalimiinta waxay noqon karaan cadow ama caawiye fiican.  Ardayga dan uguma jirto inuu la ficiltamo macalinkiis waana inuu la yimaada xirfad uu kula dhaqmi karo macalinkasta intii karaan kiisa ah.
  • Ardayga waa inuu ka faa’iideystaa meel kasta oo uu ka heli karo xog ama warbixin ama talo sida macalimiintiisa ama councelorska ama waalidkiisa.  Ardayga waa inuusan qarsan arrin welwel ku haysa ama wax uusan garanayn.  Waalidka ayaa ugu awood badan oo soo faragelin kara haddii ardayga dhib haysato ama uu rabo inuu wax iska bedelo.  Waalidka waa inuu isku deyaa inuu ogaado cidda ardaygooda la saaxiib ah ama waxa dhib ku haya xataa waalidka waa inuu kasbadaa kalsoonida ubadkooda ilaa ay xataa sir ka sheekaysan karaan.
  • Ardayga waa inuu u doortaa fasalada uu qaadanayo si taxadar leh waayo ardayga haddii uusan ogayn wax laga rabo iyo waxa uu asaga rabo waxaa laga yaabaa in waqti ka dhumo. Waa inuu ardayga ka foogjignaadaa ku dayashada indho la’aanta ah ee saaxiibadiis.  Ardayga waa inuu counelorkiisa la tashadaa haddii uusan garanayn waxa uu rabo ama laga rabo.  Dugsiyada maraykanka isku sharci maahan.  Tusaale Minnesota badanaa waxaa ardayda laga rabaa inay dugsiga ku qaataan 63 credits.  Waana inuu buundo fiican haystaa waana inuu si gaar ah waqti gaar ah u siiyaa maadooyinka Englishka qoraal iyo aqriskaba, xisaabta, sayniska, culuumta bulshada iwm. Ardayda Minnesota waxaa laga rabaa inay ku gudbaan ixtixaan la yiraahdo Minnesota Basic standard Test. 
  • Ardayga waa inuu fahmo in afarta sano ee dugsiga sare ay dhaqso dhanaanayso marka waa inuusan sugin,  waa inuu foojignaadaa oo haddii uu ardayga bilowga ka xumaadaa gadaal ka gaaridda waa dhib badan tahay.  Fasalada 9,10, iyo 11 wixii aad meel dhigato ayaa kugu sugaya fasalka labo iyo tobnaad.  Marka semester bilowgiisa la bilow dadaalkaaga cashar guri ka shaqayn iyo buugaag aqrin iyo buundo fiican helid iyo qorshayn fiican.
  • Waalidka waa inuu ka qayb galaa shirarka waalidka iyo macalimiinta waana inuu la socdaa calender  dugsiga iyo report cardka wax loogu yeero oo ah warbixinta ardayga iyo buundooyinkiisa.  Waalidka haddii uu reerka rarayo waa inuu la sugaa haddii ay suuroobayso  ilaa semesterka ka dhamaado oo imtixaanka ardayga dhiibo haddii kale waxaa laga yaabaa inuu buundooyin sidaas ku seego.  Haddii uu ardayga waqti dheer ka maqnaanayo dugsiga waa inuu waalidka u soo qaadaa casharadii dhaafi lahaa intaasi waxbay taraysaa.
  • Waalidka waa inuu dulqaad lahaadaa waayo ardayda waxaa horyaal hawlo aad u culus mararka qaar waxaa dhici karta inuu ku soo aado macalin aan naftigiisa xirfad arday la dhaqan lahayn ama aan fahmin ardada qaarkood. Waana in aan la iloobin in la amaano ardayga haddii ay wax wanaagsan sameeyaan lana jeclaysiiyaa waxbarashada,  waana in aad loogu celceliyaa sheegidda qiimaha waxbarasha  ilaa ay ardaydada fahmaan wax waxbarasho ka muhiimsan in aanay jirin.

Doorashada camalkii uu qofku ku taqasusi lahaa

 

Doorashada taqasus cilmiyeed ama shaqo wax sahlan maahan mana aha in ardayga lagu qasbo wax uusan jeclayn.  Ardayga waa inuu bilaabaa ka fikirka taqasuskiisa marka uu yahay fasalka sagaalaad.  America ardayga inuu sugo maalinta ugu danbaysa ma ahan sanad ama sanado ka hor ayaa la rabaa in ardaygu qosheeyo waxa uu rabo.  Waxaa fiican in uu la tashado waalidkiisa iyo counceloradiisa weliba asagana uu is garto meesha uu ku fiican yahay ama uu ku liito iyo waxa uu rabo iyo waxa uusan rabin.  Sidoo kale waxaa haboon inuu ardayga ogaado taqasuska waxa looga baahan yahay iyo iskuulkii uu aadi lahaa.

 

Dadka inay bedelaan taqasuskooda waa wax caadi ah waayo dad badan ayaa bedela sanadkasta taqasuskooda oo barta wax kale..  Waxaa xusid mudan in dadku aanay lacag badnaan ama fursad shaqo badnaan keliya aanay taqasus u baran ee ay u galaan naftooda oo maadadaas jecel awgeed.

 

U diyaar garowga jaamacadaha ama waxbarashada sare:

 

Jaamacadaha waxay ardayda kula taliyaan in ardaydu soo qaadato 4 sano oo ah luqadda Ingriiska, 3 sano oo xisaab ah oo ay ku jiraan Algebra I iyo AlgebraII iyo Geometry.  3 sano oo ah saynis iyo 2-3 sano oo ah culuumta bulshada.

 

Freshman Year & Sophomore Year:  Waa marka ay bilaabanayso wadada jaamacadda lagu tago.  Ardayga waa inuu is baraa dabeecad fiican oo waxbarasho.  Waa inuu ku dadaalaa buundooyinka GPA.  Waxa kasta waa xisaab.

Buundooyinka GPA   A= 4     B= 3      C= 2  

Haddii uu ardayga haysto buundooyinka  kulli A waxaa uu helayaa GPA 4.0   Haddii uu nus haysto B nusna haysto C  buundadiisa GPA waxay noqonaysaa 2.5.  GPA waxaa kale oo ay saamayn ku yeelan doontaa shahaadada (transcript) taasoo fursadda helitaanka jaamacaddaad rabtay saamayn ku yeelan karta.

 

Junior Year:  Waa marka la bilaabayo in ardaygu galo imtixaanaadka jaamacadaha, booqanayo jaamacadaha, iyo marka uu bilaabayo deeq waxbarasho raadin.  Dugsiyada qaar bisha October waxaa lagu qaadaa imtixaano la yiraahdo PSAT/NMSQT kuwaas oo ay suurtogal tahay in ardaygu ku helo deeq waxbarsho la yiraahdo National Merit Scholarships

 

Waqtiga u dhaxeeya bilaha March ilaa June ardayda waxay galan imtixaanaadka jaamacadaha ama waxbarashad sare la yiraahdo ACT ama SAT. 

 

Senior Year:  Waa sanadka ugu danbeeya dugsiga sare oo uu ardaygu ku nasto  shaqadii iyo dadaalkii uu soo samaystay saddexdii sano ee na soo dhaaftay oo uu miraheedii gurto.  September waa bisha ugu horaysa sanad dugsiyeedka waana inuu ardayga arkaa counselorkiisa si loola eego qorshahiisa jaamacdeed iyo natiijada imtixaanadii jamaacdda sida ACT ama SAT  si loo fiiriyo in ardaygu u baahan yahay inuu ku noqdo imtixaanada iyo in kale.

October waa bisha labaad waa inuu ardayga dhamays tiraa inuu buuxiyo waraaqaha codsiga sida deeqaha waxbarasho, ogolaanshaha jaamacadaha  waana inuu dib u qaataa haddii uu imtixaanka ku noqonayo.

 

April:  Go’aanso jaamacaddii ama kulliyadii aad aadi lahayd.  Kuwa kale oo aad codsatayna ogaysii inaad ka talo baxday.  April waa inaad gurigaad degi lahayd  ka shaqaysaa hadday ahaan lahayd guri banaanka ama jaamacadda dhexdeeda ah. Ardayga dhameeyaa dugsiga sare ee maraykanka waxaa uu kala dooran karaa  inuu aado

Jaamacad 4 sano ah ama community college ama career and technical school, ama Apprenticesships.

 

Shabakado internet oo muhiim u ah aradada Minnesota iyo waalidkooda

www.admissionpossible.org

www.mapping-your-future.org

www.umn.edu

www.mpls.k12.mn.us

www.stpaul.k12.mn.us

www.education.state.mn.us

www.ed.gov

 

Admissionpossible waa hay’ad ka hawl gasha 9 dugsi oo ku yaal labada magaalo ee mataanaha ah ee Minneapolis/St. Paul Minnesota waxayna caawiyaan ardada u baahan caawimaadda buuxinta waraaqaha lagu codsado jaamacadaha ama deeqaha waxbarasho.  Waxaa kale oo ay la raadiyaan ardada jaamacadaha ku haboon ama ay doortan.  Waxaa kale oo ay ardada ka caawiyaan inay bartaan sida loogu najaxo imtixaanada lagu galo jaamacadaha sida SAT ACT iwm.  Waalidiinta iyo ardada u baahan caawimaadda waxaa haboon inay ka faaiideystaan macluumaadka hayadda admissionpossible.

 

Afeef:  Qoraalkan waxaa loogu talo galay in sawir looga bixiyo habdhaqameedka waxbarashad maraykanka gaar ahaan Minnesota.  Inkastoo waxyaabaha aan ka hadalnay laga heli karo meelo badan oo addunka ka tirsan iyo maraykankaba haddana waxaa uu ku salaysan yahay Minnesota.  Sifooyinka aan soo sheegnay ugama jeedno in arday walba , macalin walba, walid walba, dugsi walba sidaas yahay waayo waa ka duwan yihiin

Ardaydu waa inay la tashadaan councelorskooda, waalidkooda, macalimiintooda ayagoo eegaya duruufahooda.  Qoraalkan looguma talo gelin in go’aan lagu qaato ama wax lagu liido ama wax lagu ammaano..   Waa warbixin uun.  Waxbarshau waa ku waajib qofka muslimka ah.

 

 

### 


Qaybta 1aad | 2aad | 3aad


Qoraalkan oo dhamaystiran ka daabaco | Halkan (HTML) ama Halkan (PDF)


 

wardheereMaxamuud Nuur Wardheere

Former Teacher,Teacher aid, and School/Family Liaison in Minnesota.

He is also an Organizer of the Somali Education Night in Minnesota

mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2005

Qoraaladii Hore ee Wardheere... GUJI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD