SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Yaa Daacad ah yaa dowladnimo raba ?

By Gendisch.

Isbaaradu waa xirfad nololeed ku salaysan dil, dhac , boob iyo hanjabaad, oo ay sababtay fowdo iyo kala dabnbeeyn l’aanta qaranka soomaaliyeed to soomartay, waana mida ugu dhib badan si guul looga gaaro horseedka nabada ee qaranka iyo tan muqdisho intaba “ S. M. Moallim Ganacsade soomaaliyeed oo degan Montreal.Quebac.Canada Juunyo 05

Waa curatay, Caanihii waa diyaar , ummada reer muqdisho waxaa ay cirka gacmaha u taagaanba ilaahay baa iftiinkii nabada u bidhaamiyey , waxaa lasyku aaminsaday in ilaah ku gargaaro howlaha qaran ee ummadu baahida ugu wayn u qabtahay ee bilaabeen taasi waxaa ay ahayd erayada ka soo baxayey soomali meelkasta oo ay joogto maalmahaan, waxaa lays waydaarsaday erayo kulkulul isbaaro in ay qaadaan iyo inaay ka hadlaan mikoodna ma donayaan hogaamiyeyaashu.qaarkood, shirarkii u danbeeyey maba iman oo waa ka baaqsadeen qaarkood Waxaa la isku jiijiiday xogaa dib ha loo dhigo qaadista isbaarada. Raga qaar waxaa ay ku noqotay utun iyo maxaad siinaysaa wiilashii meeshaan ku soo gaar siiyey ee aad awalba ka tirsanayd. Qaarna waxaa ay isku ciilkaamiyeen in aanay mooryaantoodu dhegeysan doonin, maadaama aanay waxba siin sanadihii u danbeeyey oo ay ku noolayaan isbaaro , dhac iyo afduub.

Hogaamiyeyaasha intooda badan May noqon kuwo ilaah talo saartay oo waxaa laga fuji l’a yahay isbaaradii oo u noqotay geelii oo dararay roobkii guga oo u da’ay. Qaarkood waxaa u carareen Nayroobi oo ay u baxeen iyadoo aan qof garanysaa jirin meesha ay u socdaan.(mas habeenkii guureeya oo doonaya wax uu qaniino). kadib markii howshii ugu cusleed ay faraha la galeen soomali oo dhan sugeysay waxaa baryahan oo dhan la’isla dhex marayey in Muuse Suudi ayaa meesha ugu daacad san. Iyo osmaan caato waa diyaar , waxaa qofkasta is wadiisay ha la arko waxa uu sameeyaan marka ay ficil noqoto arintu hadal wax ma taree iyo y toloow ma rumoobi doontaa ?

Waxaan cidna maanta daah ka saarayn inaan reer muqdisho gaar ahaan beelaha ay ka dhasheen hogaaamiyayaashii hubaysan ee in isbaarada la qaado ku tashaday ay arinini ka wareertay. Waxaan markiiba loo dhaqaaqay tirska isbaarooyinka oo xamar yaala iyo kuwa nawaaxigeeda yaala . waxaa la isku raacay in nawaaxiga muqdisho waa dhinaca afgooye at yaalo 15 isbaaro oo ay leedahay hal jufo oo beesha HG ay leedahay ( Sacad), dhinaca Jowharna ay taalo ilaa 10 Isbaaro oo ay leeyihiin Muuse yalahoow iyo Maxaaad dheere oo beesha waqooyiga muqdisho ah( Daauud iyo Warsengeli). Waxaa la iswaydiiyey maa iyaga laga bilaabo oo la yiraahdo aan qaadno hal mar maadaama ay ka dhib yartahay oo hal qolo leedahay. Maya iyo waxaa timid xamar la haga bilaabo.

Isbaarada : Jidgooyo Qaran !

Waxaa shaki ku jirin in qaranka soomaaliyeed uu dhulka u yaalo arimo badan oo si biirsaday darteed . waxaa ka mid tahay waxyaabaha ku duugay habaaska madoow uguna horseeda nabadgelyo darada, iyo isbaarada aan suulin ee dalka meel lasta ka taalo gaar ahaan magaalo madaxdii bilicda sare lahayd ee muqdisho,. Waxaa ay noqotahay isbaaradu wax lagu faano oo loo haysto inaay tahay muquun xoog badan iyo muruq siyaasadeed oo qabaailku ku muquuniyeen danyartii soomaaliyeed iyo qaar badan oo aan marna ka gilgilan dhibaatadaas ummada saameysay. Waxaa Xoogaa aan guud mar ku samayn doonsaa waxa ay tahay isbaaradu . cida iska lah iyo meesha ay ka soo jeedaan iyo sidii loo qaadi lahaa.

Waa maxay isbaaro ?

Isbaaradu waa jidgooyo aan sharci ahayn aan loo dhigto ( siriq), dadka duunyada maraysa dhulka , badaha iyo hawada qaranka soomaliyeed , iyagaoo kaga qaata lacag baad ah oo cid wax loogu qabto aysan jirin. Isbaaradu waa furaha nabadgelyo xumida qaranka ka taagan iyo hooyada dhaca baabuurta ( Car jacking)

Sharci ahaan hadii aan ka fiirino isbaaradu (illegal road block ) waxaa waaye arin ka xaarantinimaysa wadamada aduunka, shaarciyadu ka jiraan ee aduunka oo dhan, waxaana lagu tilmaama ina ay tahay hoyga shari darada. Waxaa dad badan aaminsan yihiin in sida kaliya ee looga gudbi karo ay tahay iyadoo mooshin la hor shigo golaha Shacabku ama golaha guurtida gobolku banaadir ( hadii la dhiso ) lagu cadeeynayo waxa ay tahay iyo ciqaabta ay mudan tahay ciddi ku xad gudubta tusaale :

A. isbaaro waa jid, bad ama hawo xirasho to baabuur/diyaaarad/doon ama qof la afduubaa oo laagu talo galay ( intentional) laguna afdubo lahaansho xoolo qof kale waa sharci daro ka fog baniaadam nimada sharciga qaranka

B. Qofkii lagu helo arinan waxa lagu qaadayaa ciqaab adag oo shaqo joogto ah ( hard labor) in aan ka yareeyn labo sano kana badnayyn 20 sano tasoo aan lahayn rajo siideyn, mid tirtirid denbiga uu galay ama cafis.

Yaa Isbaarada Leh ?

Waxaa maalmahan soo baxaya Hogaamiyeyaasha reer muqdisho aanay marna ogolayn in ay isbaarada ummada ka hor qaadaan iyagoo xoogaa ay ka helaan iyo awood xoogaa lagu noolaado ay ay siiyaan horjoogayaashooda maciin biday and qarankii soomaliyeed u dabraya. Somaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa fiqi tolkiis kama jano tago waxaadna moodaan in beesha Hawiye aanay mooryaanayan iyo isbaaro ka tanaasuli Kari waayeen . waxaa qaarkoodna ay latahay noloshoodii oo dhamaatay hadii ay isbaarada qaadaan. Miyeysan rumasynayn in iilaah subxaanuhu wa tacaalaa qoray qof alba israaqadiisa ee meesha uu beri tagi doono ee Aaqiro iyo aduunyo intaba.

Ma jeclin inaan soo qoro qabaailka soomaliyeed magacooda gaaar ahaan kuwa degan xamar sida ay isbaarada ugu taalo baro ay sameesyteen balse dantaa talin oo waxaa ay noqotay lama huraan in tooshka ummada loogu daaro sida ummada loogu duleeysto iyagoo dantooda oo kaliya eeganaya waxaana halkaan ku soo bandhigi doonaa sida ay isbaaradu u taalo xamar iyo naqaaxigeeda A.B.C

Wadarata guud ee isbaarada muqdisho waxaa ay noqotay 43 Isbaaro, kadib markii daraasad dheer lagu sameeyey cida isk leh iyo meesha ay taalo waxa la isla meel dhigay in isbaarada u taala beesha abgaal tahay 17 isbaaro ( Suudi 8, Finish 2 , Jeebo 2, Bashir/beebe/shadoor 5, beesha Habargidir 14 ( Sacad 7, duduble 3 Saleeban 3. Cayr 1) Beesha mususade 3 Beesha xawaadle 1 Maxkmadaha islaamka 8 kuwaas oo kale maamulaan marka laga reebo hogaamiyeyaasha beelaha , Ganacsato dalka aad loog la yaqaan ee ku nool waqooyiga iyo koofurta magaalada Muqdisho.

Maxaa hortaagan qaadida isbaarada ?

Marka aan isku raacnay in isbaarada ay tahay denbiyada ummada lag galo kuwa ugu xun xun uguna qaabta daran. Waxaan shaki ku jirin inaan baryo iyo walaalow meesha ka tag aan wax looga qaban Karin. Waayo

1. Wixii sharci daro lagu sameeyaa sharciga loo sameeyey oo lala tiigsado oo kaliya baa lagu xalin karaa. Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in la isla meel dhigo sharcigii lagu qaadi lahaa ( islamka ayaa ugu dhow waqtigan) iyo ciidankii fulin lahaan oo loo diyaariyo.

2.Waxaa hubaal ah in ganacsatada iyo hogaamiyeyaasha, qaarkood ay xukumaan mooryyaanta. Balse qaarkoodna aanay amar ka qaadan cidna oo ay u baahan yihiin in la dhaqan celiyo. Kuwaas oo aan wax ka maqal oday, wadaad, haween iyo waaridkii dhalay intaba. Sidaas darteed aan waqti la iskaga dhumin baryadooda oo xoog ku muquuniyaan beesha ay mooryaantu ka dhalatay.

3. Waxaa soo baxaysa in ganacsata waawaayen Iyo hogaamiyeyaasha qaarkood ay xagal daacinyaan qaadida isbaarada si arintooda macaash iiskaga sii wataan oo aanay u lumin ganacsiga faaiiidada waalan ee ay haystaan ( Merchants of death). Tusaale kuwa soo celiyey isbaaro la qaaday ee hadana aan wax laga qaban ilaa maanta iyo kuwa aan ka hadalin ama aan u dhaqaaqin in ay isbaarada qaadaan oo loo baahan yahay in la tilmaamo.iyi marmarsiiyo laga dhigto cidii lagu bedeli lahaa waa in la helo. Waxaa cadaan ah in aan loo baahnayn in mooryaan jid xirtay cidna lagu bedelo ee waxa kaliya oo ummada rabto tahay in ka wareegaan.

4. in markii la qaado isbaarada ay jirto Cidii wax ka qaban lahayd hadii ay soo noqdaan tasoo oo aan wali diyaar rahayn ama meesha ka keenin sidaas darteed waxaad u muuqataa in arintu fashil ku socoto hadii aan si deg deg loo helin ciidankii sifeyn lahaa kuwaas oo noqononaya kuwo la hubo sida maxakamada islaamka.

5. Dowlad federaalka ay Hoos kala xiriirta hogaamiyeyaasha iyo ganacsata qaarkood si aanay hore mar u gaarin Arinta isbaaro qaadidu kana soo horjeeda guusha kuwa u duubtaay in isbaarada qaadaan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha baarlamaanku. Iyaggoo ka leh arimo siyaasadeed iyo kuwo ganacsi intaba. Taasoo loo baahan yahay in dowlad dhexe ee federaalku riyada iska daayaan oo qaadida isbaarada garab istaagaan ( gacmo wada jir bay wax ku gooyaan) markaan arkay in hogaamiyeyaasha qaarkood diidan yihiin in arintan ay ka dhabeeyaan oo isbaarada qaadaan si qaranka loo soo celiyo ayaan tixdan yar dib u Milicsaday( Waa duul habaar Qaba). Waxaan shaki ku jirin in kuwa isbaarada in la qaado diidan aan la garanayn waxa ay rabaan oo ka ahayn in sidaan reer muqdisho ku sii jiraan oo aanay waligood hore umar gaarin :

  • Waa niman dantood isku hayiyo, doollar iyo maale

  • Waa niman dulmigu garab u yahay, diinna aan rabine

  • Waa niman samihi dayriyoo, duunyo dhaafsadaye
     

  • Waa niman damiirkii dhunshoo, doon ku sii raraye

  • Waa niman dambi intay faleen , darajo sii rabaye

  • Waa niman aqoon daahayoo, diiddan nuurkeede
     

  • Ninkastoo wax daadihin lahaa, dura un mooyaane

  • Nin kastoo ka sii daran iyaga, doorta maan Orane

  • Waa duul habaar qaba haddaanay, naga dareerayne
     

  • Digdigtoodna waa maalmo oo, way damaysaaye

  • Talo-doon haddaad tahay runtaan, kuu dulmarayaaye

  • Mar haddii damqasho aanay jirin, oon la diiraynin
     

  • Mar haddaan diyaar loo ahayn, doonista wanaagga

  • Haddaan daa'imkeen laga baqayn, la isna dooxaayo

  • Dulmiguba intuu khayrka yahay, daba maryayn baasi
     

  • Oo diktoorki daadihin lahaa dibadda meeraayo

  • Amuu jaahil garashadu dam tahay, daba ruclaynaayo

  • Degi mayso waa un hubaa doorka maanta ahe
     

  • Dadaal iyo dareen saafiyiyo howl an laga daalin

  • Duco badan, daw Rabbi oo la maro, diinkoon laga leexan

  • Daacadnimo ayay daarantahay sharaf la doonaaye
     

  • Hadday taasi dacar iyo la tahay shay ka degi waayay

  • Dersi waayahaa siinayoo bari dan say tahaye

  • Ha ku  daalin duulkaan jin baa daasadda  u tamaye!

Maxaa Talo ah !

A. Waxaa ila tahay in loo guntado sidii dadwaynha loogu baraarujin lahaa in loo bahan yahay kacdoon dadwayne oo ay iyagu gacmahooda wax ku qabsadaan iyo in meesha ay u dhaqaaqaan guushu raaci doonto loona baahan yahay in mudaaharaadyo lugu hogaamiyo meelaha ay isbaaradu taalo iyagoo loo cuskanayo sharciga islaam iyo dhaqanka suuban oo soomaliyeed ( common sense) in iisbaarada ummada laga hor qaado qofkii diidan si guud loola dagaalo oo la burburiyo meeshii lagu soo sheegaba. “ ISBAARADA QAAD QARANKA TOOSI

B. In meesheeda laga sii wado inaan wax lacag ah la siinin isbaarolyda wixii ka danbeeyey bishii juunyo 6 ama aan la marin meesha mooryaantu joogto hadii loo tabar waayo xoogna lagu maquunin waayo. Waa in loo diraa in ay ummada ka hor qaadaan ciidan beesha ay ka dhasheen ee dad u xiga iyo maxkamadooda , hadii aay caawimaad warsadaana loo gurmado.

C. In aal la qarin Beelaha iyo Hogaamiyeyaasha ka baxsaday in ay howsha wax ka fuliyaan iyo kuwa wali nayroobi jooga ee qowda maqashii waxna ha u qaban ka dhigtay taladooda , laguna baahiyo sababta aay arintaan uga hurdaan iyo sababta aanay shaqadooda u qabasanayn.

D. In horyaalka dadka qaadaya isbaarada marka qabiilku u caalwaayo laga dhigo culimada islaamka oo hore u cadayday waxa uu yahay isbaariste iyo waxa uu ka mudan yahay bulshada dhexdeeda lagu baraarujiyo in arinta lagula dagaalayo ay tahay JIHAAD fii sabili laah. Dhamaad

F.G. Waxaan shaki badan ka jirin in xubnaha labada gole ee muqdisho ku sugan ee uu hogaaminayo shariif Hassan ay wali daba taagan yihhiin Daacadnimodii ay arintan u bilaabeen iyo in dibjirka la xareeyo , isbaaradana laga qaado magaalada dhexdeeda, laakiin shacabka reer muqdisho ayey taageeradooda la’ yihiin iyo inta ay soomalinimo iyo wadaninimo ku danbeeyyso . waxaan hubaa kuwa isbaarada qaadiwaayey in taarikhda soomaliya ka gelayaan baal modoow oo ummadu isku dayday in masaxdo oo ay cafiyaan . maantase aay inoo cadaatay inaananay cafis rabin oo ay ummada wali lugta jiidayaan. D=dhamaand

Waxaa diyaariyey
Hussein Abdikarim Ahmed ( Gendisch)
Raleigh, NC . USA
Hoss_abdi@msn.com

Afeef: Aragtida qoraalakan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin:  SomaliTalk.com | June 15, 2005


»Geeddi: “Meelna Gaari waa Geeddigaan Wadey” | C/waxid
»
Xamar ha iska xoreeyso isibaarda badatay | Dirir
»Hargeysa mise Hargageys. | Zahra
»Dib allow u soo celi :: Doodwanaag Q.37aad | Ing. Guulwade
»
Garaad Sabool ah! | Cabdillaahi C. Cige
»Hargeisa vs Ogadenia | A Omar
»
SULDAAN HURRE, WALLEE KUMA ILLOWNO | Hashi Sagaar
»JENARAL MORGAN: DAGAAL OOGIHII CAFIS KA DALBAD | C/qadir
»
Isbaarada Wasiirka | C/nuur F. Cali
»Puntland oo dabargoyn ku haysa hantidii dawladda dhexe | Xasan
»IS EEDAYNTU IYO AYATIINKU KALA FOG | A. Cali
»WEERARKII WAKIILADU LA BEEGSADEY RIYAALE |Aadan Qodax
»DFKMG ee Soomaaliyeed, oo shacabkeedii dil ku bilawday | Gaagaale
»Beerka ka ogsooni ( Xaaji Gabay-Xaddi ) | Iid
»SABO ::: Maqaalkii Ismail A. Hassan (Khaliil)
»JANANKA XAMAR DAN BAA BIDAY,...| Kulmiye
»DOWLADDII QABQABLAYAASHU HOGAANKEEDA HAYEEN OO.. | M.J
»Jawaab: Ogadenia Vs Hargeysa | Axmed
»Waa maxay ujeedada ETHIOPIA ka leedahay Somalia... | Abdalle
»
OGADENYA Vs HARGAYSA IYO HADALKI  DIRIDHABA | Hereri
»
Madaxweyne Hadalkaaga Qurxi Hadafkaagana Bedel!! |Abtidoon
»
Shirkii Soomaalida ee Kenya 2+2=8|A. D. Elmi
»GABADHAYDIIYEEY 2aad !!!!!!!!! |
C/qaadir C. Diini
»Isbaaradu waa canshuur shacabka lagu leeyahay|Xasan Kashka

»Naxariista iyo Dabeecad Wanaagu Ma Hooyada Uun Baa|Zahra Abdi
»KADUUDSHE|Abdifitahaam
»MAREYKANKA MAXAA U QARSOON?|Abdifitahaam
»Qaran diid shariif iyo muwadin Yusuf yaa guulaysan doona?|Saajinka
»Gabay: Gabay::Xog-ogaalka waayaha|Doodi
»Gabay: Maanso:: allow|Maxamad bashiir jaamac
»GABAY:: Manqo Koriye | Afjano
»BARLMAANKA QAXOOTIGA AH  IYO ASTAAMIHIISA | Dr. Abdi
»HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN! | Sahid
»Adaanka Salaada Waxa Caalamka ka socdaa 24- Saac oo Dhan  
Dhammaan ka Akhri Bogga Maqaallada & Faallooyinka.. Guji...


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD