SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kalsooni Ma Abuuran Karnaa?

Kalsooni waanu abuuran karnaa ama kordhisan karnaa,haddii aan doonayno ama ku dadaalno in aan aqoonteena maalin walba wax yar ku darno ama sii kororsano, raadinta aqoonta ama  kororsiga aqoonta  kuma xirna haba yaraatee da’  iyo hore waxba uma aanan soo baran,immisa qofood baa iyagoo da’ ah wax bartay aqoonyahana noqday,immisa qofood oo da’ ah baa qur’aanka kariimka ah xafiday,immisa ayaan fursad u soo helin markii Soomaaliya la joogay haddana wax bartay markii qurbaha loo soo baxay.

Dhaqankeena qaar ka mid ah ayaa u baahan in la tuuro, kuwaasoo caqliga,cilmiga iyo diintaba ka hor-imaanaya,dhaqankaas oo cadow ku ah jiritaanka qaar ka mid ah Soomaalida haba ugu badnaadeen dumarkuye,dhaqankaasi foosha xun wuxuu inoo kala yeel yeelay magacyo, magac kastana magacii kale ayuu lid ku noday,dadkiina waxuu ka dhigay kuwo is ku dhex mashquulsanaado talaabana aaan hore u qaadi karin.

Inkastoo ay kalsoonida iyo jacaylka ay hooyadu ku abuurto ilmaheeda marka ay yar yihiin, haddana hooyooyinka Soomaaliyeed intooda badan waxay ilmahii ay siinyaan dhaqankii ahaa in la dafiro in uu ilmahaas jiro,oo uu ahaado qof jira,qof kasta oo Soomaali ah sida dadka kaleba waxay dhashaan iyagoo fitro ah,laakiin wax yar ka dib dhalashadiisa ayuu xubin walba oo jirkiisa ka mid ah ka curyaamiyaa dhaqankeena.

Haddane kalsoonida waad abuuran kartaa haddii aad rabtid ama aad tahay qof  fakaraya ama aad u jecel in uu ka dhex muuqda ehelkiisa ama bulshadiisa,wax tarkiisana uu noqdo mid raad wanaagsan reeba.

Kalsoonida nooca la isku abuuro ayaa ugu wanaagsan ayay leeyihiin culumada cilmiga nafsadda waaya’aragga u ah,waayo ayay yiraahdeen waa mid aad dadaal iyo halgan qaraar aad isugu abuurtay,isku abuurid kalsoonina ma’ahan mid dhib yar,haseyeeshee ayay raaciyeen culumadaasi in dadkaas ku mashquulsan sidii ay u horumarin lahaayeen dadnimadooda iyo kobkicnta ama korinta kalsoonidooda aad looga soo hor baxo ama xoogaa laga masayro,waayo meeshii lagu ogaa ama ay taagnaayeen ayay hore ugu sii dhaqaaqeen halka ehelkii ama asxaabtii meeshooda taagan yihiin ayay yiraahdeen culumadu.

Waa maxay kalsoonidu? kalsoonidu waa:qofkii si baqdin ama cabsi ka dheer u fakaro,awood u leh in uu wax wanaagsan samayn karo,xor ah, aan cidna ku xirnayn Allah mooye ama hoggaanka loo hayn,aaminsan Ilaahay iyo naftiisa kaliya,taas waxaa daba socota in qofku is oggolaado in uu yahay qof jira isla markaana ku faraxsan ama ku qanacsan jiritaankiisa,taas waxaa ku xiga in uu qofku aaminsanaado in uu yahay mid qiimo badan ku leh agtiisa yacni og in uu yahay mid naftiisa qiimo ugu fadhido,is badbaadin kara,qanac weyna ku qaba waxa uu Ilaahay Subxaanahu watacaala siiyay ama ha yaraadaan ama ha badnaadaan.

Haddii uu qof kaa soo hor baxo ama kugu eedeeyo wax aad samaysay in ay xun yihiin hasa yeeshee adiga kuula muuqday wax wanaagsan, waxaa dareemeysaa xanuun gudaha ah ama waxaa la taabtay kalsoonidaadii aad isku qabtay iyo dadnimadaadii,dhib malaha taasi waa wax caadi ah,haddiise aad ku joogtid wixii adiga wanaagga aad kuula muuqday ayna u dhowdahay in aadba saxsantahay  kalsoonidaadii is aaminkii aad isku qabtay ayaa sii koraysa,eedayntii ama in lagaa soo horbaxay waxba uma dhimayso dadaalkii iyo aaminkii aad ku qabtay naftaada ilaa aad noqotid mid  aan waxba karin ama saamayn cidi ku yeelan.

Ma ahan wax fudud in aad ku joogto shaqsiyaddaada dhabta ah,figraddaada iyo ulajeeddadaadana garab istaagtid iyo in aad soo taabato meeshii aad rabtay,isla markaana aad soo saarto si dhib yar tayadaada ku xaraysan,waayo dabeecadda dadka ayaa ah in ay caburiyaan ama ay ku abuuraan shaki iyo qal qal qofka ay ku tuhmaan wanaag iyo waxtar, iyagoo ku qasba in qofkaas kalsoonidiisa iyo garaadkiisa ay xoraysay  in uu u hoggaansanaado talo kale ama aragti qalloocan oo uu qof kale leeyahay,haddana waxaa muhiin in la sameeyo geesinimo wayn dhaqsane loo quusan,maadaama aad ogtahay in aad tahay qof wax tar leh.

Dhaqankeena ayaa waxuu kaloo yahay mid aan u jilicsanayn moralka dadka wanwanaagsan  iyo ku dhaqsaha soo dhoweynta waxa cusub oo is beddel u keeni kara mid ka wanaagsan midka uu dhaqankaasi xanbaarsan yahay,haddana waxaa qasab ku ah dadka aqoonyahannada Soomaaliyeed oo nasiib xumo ay fursaddoodu yar tahay aysan ka quusan in ay wax tari karaan ayna wax badan beddeli karaan haddii ay ku joogaan waxa ay hiigsanayaan ee ah hore u marinta dadkooda Soomaalida ah.

Zahra Abdi Hersi
umubakar@hotmail.com
Holland 

Afeef: Aragtida qoraalakan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin:  SomaliTalk.com | June 12, 2005


»Geeddi: “Meelna Gaari waa Geeddigaan Wadey” | C/waxid
»
Xamar ha iska xoreeyso isibaarda badatay | Dirir
»Hargeysa mise Hargageys. | Zahra
»Dib allow u soo celi :: Doodwanaag Q.37aad | Ing. Guulwade
»
Garaad Sabool ah! | Cabdillaahi C. Cige
»Hargeisa vs Ogadenia | A Omar
»
SULDAAN HURRE, WALLEE KUMA ILLOWNO | Hashi Sagaar
»JENARAL MORGAN: DAGAAL OOGIHII CAFIS KA DALBAD | C/qadir
»
Isbaarada Wasiirka | C/nuur F. Cali
»Puntland oo dabargoyn ku haysa hantidii dawladda dhexe | Xasan
»IS EEDAYNTU IYO AYATIINKU KALA FOG | A. Cali
»WEERARKII WAKIILADU LA BEEGSADEY RIYAALE |Aadan Qodax
»DFKMG ee Soomaaliyeed, oo shacabkeedii dil ku bilawday | Gaagaale
»Beerka ka ogsooni ( Xaaji Gabay-Xaddi ) | Iid
»SABO ::: Maqaalkii Ismail A. Hassan (Khaliil)
»JANANKA XAMAR DAN BAA BIDAY,...| Kulmiye
»DOWLADDII QABQABLAYAASHU HOGAANKEEDA HAYEEN OO.. | M.J
»Jawaab: Ogadenia Vs Hargeysa | Axmed
»Waa maxay ujeedada ETHIOPIA ka leedahay Somalia... | Abdalle
»
OGADENYA Vs HARGAYSA IYO HADALKI  DIRIDHABA | Hereri
»
Madaxweyne Hadalkaaga Qurxi Hadafkaagana Bedel!! |Abtidoon
»
Shirkii Soomaalida ee Kenya 2+2=8|A. D. Elmi
»GABADHAYDIIYEEY 2aad !!!!!!!!! |
C/qaadir C. Diini
»Isbaaradu waa canshuur shacabka lagu leeyahay|Xasan Kashka

»Naxariista iyo Dabeecad Wanaagu Ma Hooyada Uun Baa|Zahra Abdi
»KADUUDSHE|Abdifitahaam
»MAREYKANKA MAXAA U QARSOON?|Abdifitahaam
»Qaran diid shariif iyo muwadin Yusuf yaa guulaysan doona?|Saajinka
»Gabay: Gabay::Xog-ogaalka waayaha|Doodi
»Gabay: Maanso:: allow|Maxamad bashiir jaamac
»GABAY:: Manqo Koriye | Afjano
»BARLMAANKA QAXOOTIGA AH  IYO ASTAAMIHIISA | Dr. Abdi
»HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN! | Sahid
»Adaanka Salaada Waxa Caalamka ka socdaa 24- Saac oo Dhan  
Dhammaan ka Akhri Bogga Maqaallada & Faallooyinka.. Guji...


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD