SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  • Safar Kheeyr leh Yaman Dheha, Sulux iyo Wanaaga leh, Saadaasha Kheeyr Dheha,Guul iyo Gudoon Dheha
  • Colaadda Sokeeye ee Goboladda Dhexe ayaa Ayaan Darro Weyn ah. 

Safar Kheeyr leh Yaman Dheha, Sulux iyo Wanaaga leh, Saadaasha Kheeyr Dheha,Guul iyo Gudoon Dheha

Dalka Yaman ayaa ka mid ah Dalalka Jaamacadda Carbeed oo Xiriirka wacan ee Wadaagan Ummadda Somaaliyeed oo Qarniyo badan ka hor ka mid ahaa Dadkii Dalka Yaman Degan Gaar ahaan Dhinaacisa Koonfurta(Cadan), oo ahaan jirtay Xurun Ganacsi iyo Aqooneedba Xiligii Gumeeysigga Ingiriisku joogay, Shakhsiyaad Somaaliyeed Xilal sarre ka hayeen Maamulkii Ingiriis ee Halkaas Gaar ahaan Dhinacyadda Ciidanka Boliiska,Maxkamadaha, Maamulka Shaqaalaha Mdanigga ah iyo Howlaha Gam=nacsigga gaarka ahba, Waxaa laga Xusi Karaa-Mudane Saciid Laangarre iyo Axmed Jaamac, Sidoo kalle Dadka Somaaliyeed waxeey gacan weyn ka geeysteen Halgankii Xoriyadda Cadan.

Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax, Madaxweynaha Dalka Yaman ayaa Dadaal u galay ka Shaqeynta Xalinta Khilaafka weyn ee soo kala dhex galay Labadda Masuul ee ugu sareeya Dowladda ku Meel Gaarka ah ee Somaaliyeed, Madaxeyne-C/Laahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Sharif Xassan Sh.Aden oo Khilaafkoodu gaaray Meel Sarre oo keentay Curyaaminta Howlihii Dowladda iyo hanaankii dib u heshiisinta Ummadda Somaliyeed Labo Garbna u kala jabiyeey Dowladdii, waana dhaawac weyn oo soo gaaray Dadaalkii Urur Goboleedka Igad iyo Beesha Caalamku wadaan Mudadda Labada Sano aheyd Laguna soo Dhisay Dowladda Somaaliyeed oo aan lugaha adag ku taagneeyn, howlo badana hor yaaliin.

Dadaalka Cali Cabdalla Saalax ayaa la oran karaa waa Talaabo Waji wacan leh iyo aragti ku Saleeysan sidda Dalka Yaman u daneeynaayo Arrimaha Somaaliyeed iyo Maslaxadda Labadda Ummadood ka dhexeesa iyo baahidda weyn oo yaman u qabto dhismaha Dowladda Somaaliyeed oo wax ka qaban karta Muugadaha Qaxootigga Badda Cadan soo Maraaya iayagoo Saaran Doonyaha Dhimashada ee Xeebaha P/Land ka soo baqoola oo culees weyn ku haya Dalka Yaman, iyo in la helo Dowlad Somaaliyeed oo soo nooleeysa Xiriirkii Soo Jireenka ahaa ee Labadda Dal iyo labadda Shacbi ka dhexeeyn jiray, Dadaalkaas ayaa mid la oran karro wuxuu ku soo aaday waqtigii ku haboonaa oo Dowladda Somaaliyeed u guureeyso Gudaha Dalkeedda Hooyo, Weliba Xukuumadda Proff-Geedi Degeeyso Caasimadda Muqdisho.

Dalka Yaman Shacbigeeysa iyo Madaxweyne-Cali Cabdalla Saalax waxaanu halkan uga Gudbineeynaa Mahad celin Anigoo ka mid ahaa Dadkii Farha Badnaa ee Reer Cadmoodka ahaa ee ku soo Barbaaray waxna ku soo bartay Dalka Yaman Dhiniica Koonfureed oo Xurmo iyo Qadarin weyn u haya Ummadda Yaman, Somaalidii Yaman ka timi ayaa Door lama ilaawaan ah ka qaadatay Halgankii Xoriyadda Somaaliyeed iyo Howlihii Koru qaadidda Dhinacyadda Aqoonta iyo Saxaafadda iyo Hogaaminta Howlaha Heyadda Dowladda weeyna ku Amaanan yihiin, Laakiin Mudadii Burburka intii ka dameeysay Dowladda iyo Shacabka Yaman ayaa Dhibaatooyin iyo Dhaawacyo waaweyn u geeystay Dadka Somaaliyeed oo ah Qaxooti Dhibaato Dalkooda keentay, Runtii waxaa wax si weyn looga xumaado ah Falalka Xadgudub oo Dadka Qaxootiga ah ee ku Sugan Dalka Yaman lagu hayo, Waxaan Halkan ku Xusuusinaayaa Madaxweyen-C/Laahi Yuusuf iyo Afhayeenka Barlamaanka Shariifka in eey Sidda ku Haboon ugala hadlaan Hogaanka Sarre ee Dalka Yaman Dhibka iyo Xaaladaha Foosha Xun ee Ummadda Somaaliyeed ee Qaxootiga ku Yaman lagu hayo, hala Xusiisiyo Dalka Yaman Xiriirkii Wanaagsanaa iyo Xurmadii iyo Wanaagaa Jaaliyadda Yamani ku heeystay Dalka Somaaliya.

Dalaka Madaxweynaha Dal;ka Yaman wuxuu Guul dhalin karaa haddii Masuulinta Somaaliyeed la yimaadaan Niyad Samid iyo Kalsooni iyo u daneenta Danta Guud ee Ummadda Somaaliyeed iyo in Wadda Hadal lagu Saleeyo Sidii Dowladda Somaaliyeed loo badbaadin lahaa Khilaafka Dhexdoodana lagu xaliyo isu tanaasul iyo Mudnaan Siinta Aayaha Dalkooda iyo Dadkooda oo Masuuliyad Weyni ka saaran tahay, iaygoo la xusuusinaaya Kitaabkii Quraanka ahaa iyo Dhaartii Magaca Alle aheyd, iyo in Ummadda Somaaliyeed ku soo eegeeyso indho furan iyo qalbiyo wanaaga iyo Samaan leh oo Kheeyr Rajeeynaaya, Waxaan Alle ka Rajeenaayaa in Khilaafka Labaad Masuul sidda Danta Guud ku jirto iyo Wanaaga Ummadda Somaaliyeed ku soo af-jarmo Aamiin, Aamiin, Aamiin.

###

Colaadda Sokeeye ee Goboladda Dhexe ayaa Ayaan Darro Weyn ah. 

Dalka Somaaliyeed waxaa soo wadda maray Dagaalo iyo Colaado Sokeeye oo Dhaawacyo badan geeystay meelaha qaarkoodna mudo dheer ka socday waana kuwo naxdiintooda iyo Talo xumadooda lahaa, waana Daqaradda waaweyn ee Ummadda Somaaliyeed Soo Gaaray.

Colaadda iyo Dagaaladda Foosha xun ee intii Muddo ahba ka socday Goboladda Dhexe, una Dhexeeya Labadda Beelood eec Walaalaha isku degaanka ah-Sacd iyo Saleebaan ayaa ah kuwo Geeystay Dhaawac Xanuun weyn leh, iyagoo gaaray goob kastoo ka mid ah Degaamada Labadda Beelood ee Walaalaha ah Ehelka Weyn ah, oo anay marna haboonayn in Dagaalo iyo Colaadii Dhex marto, Balse xaaloodu gaaray ilaa meeshii ugu sareeysay iyo in La beegsado Toogashadda iyo Xabadda Hoggaanka Dhaqameedka iyo Dadka Xurmadda Gaarka ah Mudan oo ah kuwa Wanaaga iyo Nabadda ka Shaqeynteeda Masuulka ah.

Runta marka la Sheego Colaadda iyo Dagaaladda Sokeeye ee Goboladda Dhexe ayaa Masuuliyadeeda la oran karaa waxaa iska Marka koowaad-Xildhibaanadda iyo Wasiiradda Labadan Beelood ka Dhashay oo Kaalintoodii Gabay, ama eey suurta galba tahay in eey Gacan ku leeyihiin Colaadda iyo Dagaaladda Dhimashadda iyo Dhaawaca Weyn Maalin walba Geeysanaaya, Waxaa Kalle oo iyaguna ku dhaliilan Xukuumadda Somaaliyeed Gaar ahaan-Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xassan iyo Ra,iisal Wasaaraha-Proff-Cali Max,d Geedi iyo Dhammaan Culimaa,uudinka Somaaliyeed, Hoggaamiyaasha Dahqanka ee Guud ahaanba Beelaha Somaaliyeed iyo Bah-Weynta Wax Garadka Somaaliyeed Meel kastoo eey Joogaan, waana Dahliilaha waaweyn ee Ummadda Somaaliyeed sidda weyn ugu Ceebeeysan tahay, Waana Calaamad Madoow oo Wajiyadeena ku qoran, Waxaan Halkan Baaq Nabadeed uga soo Jeedinaayaa Dhammaan Dadka ka soo Jeedda Labadda Beelood ee Walaalaha ah(Somaaliyee), ee Dagaalka Foosha Xumi ku dhex Maraayo Degaamadda Goboladda Dhexe in eey sidda ugu Dhakhsaha badan oo Shuruud la,aan ah u joogiyaan Dhiigaha Ehelka ee Qubanaaya, Caqligga Alle Siiyeeyna Adeegsadaan oo Nabadda iyo Wanaaga si Wadda Jir ah uga Shaqeeyaan.

Waxaan Alleheena Weyn ee Waaxidka ah ka Baryeenaa in uu Raxmadiisa ina siiyo Colaada iyo Dagaaladda Goboladda Dhexe iyo Guud ahaanba Dalka Hooyo naga Badbaadiyo, Wanaagana Ummadda Somaaliyeed Tusto, Eeboow Alahayoow Nabad iyo Barwaaqiyo Kheyrkaaga Weynbaa Anagu kaa Sugeeynaa, Aamiin, Aamiin, Aamiin.

-Alla Mahad leh- -
Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 17/06/2005.
- sharifhassan50@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2005


Jawaabo ay Akhristayaashu Ka Bixiyeen Qoraalkii "Waa Kuma Terry"

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD