SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CIDDI UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA 

    Tan iyo markii lagu dhawaaqay dhismaha (DFMG) ah ee soomaaliya dabayaaqadii 2004 ta ,waxaa si is daba joog ah booqasho ku imaanaayey dalka yemen wufuud kala gadisan kana tirsan labada gole ee dawladda,wafdigii ugu danbeeyey ee yimid yemen waxaa hogaaminaayey Raiisul wasaare ku xigeenka isla markaana ah wasiirka arimaha gudaha Xuseen Ceydiid wuxuuna wafdigaas ka qeyb galay dabaaldagii loo sameynaayey sanadguuradii 15naad ee ka soo wareegtay markey midoobeen labada yemen sanadkii 1990 kii bishii mey 22 keedii .

    Wafdigaas intuu joogay yemen waxa uu klulano kala gedisan la kala yeeshay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawlada yemen ,waxa uuna kala hadlay arimo dhawr ah sida iskaashi dhinaca nabadgalyadda ah oo dhex mara labada dawladood, dhinaca kalena arimo dhawr ah oo laga filaayey in Xuseen Ceydiid wax la taaban karo ka qabto ayaa taagan halkoodii waxaana ka mid ah :-

1)      Jaaliyadda :- mideynta iyo u sameynta  maamul dhexe oo ay yeelato jaaliyada soomaaliyeed ee ka jirta yemen , mana ay jirto cid isku dayday ama ba diyaar u ah inay wax uun ka qabato arinta murugsan ee jaaliyadda ,waana dhab inay arinteeda faraha si fiican uga bixi doonto mar hadii ay faracyadeeda ka jira gobolada bilaabeen inay siiyaan warqadaha aqoonsiga ee soomaalinimo dad aan soomaali aheyn .

2)      Macalimiinta :- mushjaarka macalimiinta soomaaliyeed ee ka shaqeyso yemen oo aan la aqoon sida uu ku danbeyn dono ka dib markey soo guteen waa jibkoodii shaqo ayaa hadl celintiisa lagu soo koobay waxaa laga war sugaa waxa ka soo baxa warqad la sheegay in Xuseen Ceydiid ku saxiixnaa laakiinse ay soo qortay safaarada soomaalida ee sanca , warqadaasoo ku socotay raiisul wasaaraha yementa C/qaadir Baajmaal ka hor inta aanu Xuseen u safrin sacuudiga 2/06 /2005 mana la yaqaan wixii ku qornaa waraqdaas waayo waxaa yar inta aragtay isla markaasna si fudud u fahmi karta dulucda qoraalka iyo halaka ay jawaabtu imaaneyso oo aan looga baran loogana fadhinin iney dhgabta ka sheegaan wixii la soo yiri, taas ayaana keentay maanta in macalinka dulman ee la xabaalay xuquuqdiisii guntiga dhiisha isaga dhigo una baxo danihiisa isagoo laga qaaday 50$ iyo sadex kun riyaal yemeni ah waxaana lacagtaas lagu sheegay in wax looga qabanaayo hawlaha inta dhiman ,sagaal bil ka dibna waxaa cadaatay in baraha soomaaliyeed aan waxba looga qaban dhinacayada mushaarka iyo mustaqbalka shaqadiisa tan iyo markii safaarada soomaaliyeed ee sanca gudaheeda loogu qeybiyey waraqadihii ay ku tagaayeen goboladda ee ka shaqo galaayaan bishii oktoobar 2004tii .

             Midna waa na siib daro in masuuliyiinta soomaaliyeed ee timid yemen ka indha qabsadaan amaba sahalsadaan sidey wax uga ogaan lahaayeen xaaladaha nololeed ,shaqo,iyo tan sharafba ee baraha soomaaliyeed,waana taas tan dhalisay in baraha uu nqodo mid sumcad ahaan ka heer hooseeya tuu lahaa sanadki tagay,mana kala cada xuququda ka maqan macalinka la siin doono laguna siin doono habkii shaqada loogu diray bilowgii sanad dugsiyeedka hada dhamaaday ee 2004/2005 ta .

3)      Qaxootiga:- dhinaca kalena Xuseen Ceydiid waxa uu ka badbadiyey tirada qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan yemen mar uu wareysi siiyey wargeysyada kala ah Al-thawra, iyo Yemen Observer cadadyadii soo kala baxay sadexdii iyo afartii bishaan lixaad 2005 ta waxa uuna tirada qaxootiga ku sheegay nus malyan halka gudi ka socda baarlamaanka yementa oo xaiiqo raadis ah soona maray goobaha ay degen yihiin qaxootiga uu tirada qaxootiga soomaaliyeed ku sheegeen (79000), laakiinse waxaa jirta tiro taas u dhaw oo ay soo saartay wasaarada arimaha gudaha ee yementa oo ay tirada qaxootiga ku  sheegtay (74448) ruux ,tiradaasoo 71% rag yihiin , 24% dumar yihiin ,iyo 5% caruur yihiin waxaana tira koobkaas laga sameeyey gobolada iyo degmooyinka dalka yemen sanakii 2004 ta,waana midaan si cad oo muuqato uga dhicin magaalada sanca intuu xuseen ceydiid joogay  in dad soomaali ah loo sameeyey sharci(IQAAMO) amaba lagala hadlay sidii loo cusbooneysiin lahaa warqadaha aqoonsiga ee qaxootinimo taasoo waqtigeedu ku ekaa 31/12/2004ta ,wuxuuse ka dhawaaajiyey oo kaliya in qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan yemen dib loogu celin doono dalkoodii hooyo ,xalkii laga rabay inuu kala hadlo masuuliyiinta yementa xuquuqda qaxootiga iyo mustaqbalka aayahooda danbe .

             Hadaba imaatinka madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdigiisa imaanayaan dalka yemen maalamaha soo socda ayaa ah rajada kaliya ee u harsan qofka soomaaliga ah ee jooga yemen waayo inta masuul ee isaga kaga soo horeysay yemen ma aysan noqon kuwo wax ka qabta arimihii taagnaa,hadal iyo dhamaantiis arimaha soomaalidda joiogta yemen waa “ CIDDI UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA” . 

Diyaariye Axmed Maxamed
Sanca Yemen.
ahmedwiish@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2005


Jawaabo ay Akhristayaashu Ka Bixiyeen Qoraalkii "Waa Kuma Terry"

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD