SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

KAYSAR  SUXUFI AY KA TAN BADISAY QADIYADA QABIILKU

Ma jecleyn runtii inaan qof naqdiyo laakiin waxaan ku arkay Internetkamaqaal uu ku qoray kaysar kaas oo uu cinwaan uga dhigay Afxumo Nabadna way kaa geysaa Colaadna waxba kaagama tarto Maqaalkaas oo aad moodeysay inaad handadaad iyo ihaano labada aad ugu geysanaysay beelaha la hayb-sooco, bal aan su'aal ku weydiiyee adiga iyo suxufiinta aad isku beesha tihiin ma rabo inaan sidaada qabiil soo qaadee :-

   Maxaad uga hadli weydeen dhibta maalin walba loo geysto dadkaan?

   Hay'adaha u dooda xuquuqda ee ka jira Somaliland ma waxay u doodaan beelahooda kaliya? Waayo ma hadlin ilaa ay Amnesty ay ka hadasho dilkii Khadar iyo dadkii la xirxirayba

Waxaa tiri Somaliland waa goob nabad ah waa runtaa marka loo fiiriyo Somalia inteeda kale laakiin su'aashu waxay tahay nabada  caddaaladi ma la socotaa? Jawaabtu waa maya sababtoo ah bal fiiriya waxyaabaha hoos ku qoran:-

   Waxaa la xiray 2001 Qorane Qodax Digaale oo loo xiray inuu 1988 uu dilay Fanaankii Axmed Gacayte laakiin waa lagu waayey wax dambi ah markaasna maxkamadii waxay ku xukuntay in xabsiga lagu hayo si aan dibada loogu dilin marka ma caddaalad baa taal meeshaas? Mise qof aan dambi galin in xabsi lagu hayo baa nabad ah?

   Waxaa guursaday gabar ka mid qolooyinka haysta maamulka Somaliland Wiil la yiraahdo Ina Xuseen Cayuun 2001 arooskii oo socda baa booliiska Somaliland xabbado ku fureen oo dad badan oo farxad u yimid ay murugo iyo dhaawac la noqdeen.

   2003 waxaa la xiray Axmed Max'ed Cabdillaahi (Gureey dayaxle) iyo ilaa 20 qofood oo beelahaan ka mid ah oo lagu eedeeyey inay ilmo xadeen laakiin nasiib wanaag ilmihii waa la helay oo xaafad kale oo isla ehelkood ah bay jireen, dadkii la xirxirayna ilaa iyo hada raali galin lagama bixin.

   9 juun ilaa 14 juun 2005 waxaa xabsiga dhexe ee Hargeysa ku xirnaa Hooyo Xaali Cali Dheere iyo Inanteeda Ubax Max'ed Miisaan ka dib markii wiilkooda Barkhad Max'ed Miisaan ay is guursadeen Gabar la yiraahdo Sabaad Max'ed Rodol markii lagu dhibaateeyey Hargeysana ay aadeen Boosaaso waxaa la xiray hooyadiisa iyo walaashiis oo la yiri waa inaad keentaan gabadhii uu wiilkiinu la aaday Boosaaso.

Waxaad tiri dhibta ma annaga kaliyaa ku hayna mise Soomali oo dhan? jawaabta oo gaabani waa bad meel laga galaba waa dhanaan laakiin idinku dadka bar baad dheer tihiin:-

   Ma jirto sida ka jirta Hargeysa (Daami), Berbera (Jaama laaye), iyo Burco (urayso) magaalo kale oo Soomali Ay degen tahay oo dadkaas xaafado gaar ah la dejiyey oo sidaas loogu caybeeyay?

   Cunsuriyada aad kaga haysaan xagga waxbarashada 90% dhallinyada u dhalatay beelahaan waxbarashada wey isaga tagaan af xumo iyo cay darteed sidaasi kama jirto Somaliya inteeda kale.

Maqaalka kaysar wuxuu qayb ka mid ah wax uga sheego ummado kale oo Soomali ah mana fiicna haddii aad adigu inaan lagu caayin aad rabtid inaad dad adigu caydid sideedana caydu ma aha wax lagu yaqaano Suxufiga wanaagsan ee waxaan leeyahay walaalkay marka aad wax qoraysid iska fiiri.
Waxaan kaloon jeclahay inaan u sheego inta badan oo qoraalada ku soo qoray www.midgaan.com inay yihiin dad u dhashay beelahan la hayb-sooco iyo in kale oo neceb cunsuriyada iyo kala sarreeynta ee sidaas ula soco.
 
Saciid Cabdullaahi Ismaaciil
Saciid tumaal
saciidtumaal@yahoo.com 
Minneapolis Minnesota USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | June 21, 2005

Shaqo Joojin ay maanta Sameeyeen Gaadiidlayda reer Kismaayo
Waxaa maanta gabi ahaanba shaqo joojin ku dhaqaaqay gaadiid leyda leh baabuurta isaga kala gooshta.. Guji... Jun 20

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay
»Khadar & Xiito oo loo doortay gudomiye & kuxigeen...
»Gobolka Bari Yuuduf Waceys: Xallinta khilaafka...
»Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Boosaaso ka gudub khilaafka
»Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay doorashada...
»Qardho: Israsaasayn sababtay 1 qof dhintay iyo 3 dhaawac
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 19

Geeddi oo soo Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban...
Guji... Jun 18

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD