SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Munaasabadda Maalmaha Xoriyadda Somaaliyeed ayaa Xus iyo Qadarin gaar ah Mudan.

Dalka Somaaliya wuxuu ka mid ahaa Dalalkii Qaaradda Afrika ee Xoriyadooda qaatay Sanadkii Xoriyadda Qaaradda (60)kii kuwii ugu horeeyeey oo dabeysi macaan ee xoriyadda hantiyeey 26-kii Jun ayaa Maalin qiimo weyn u leh Ummadda Somaaliyeed meel kastoo eey joogto,waa Maalintiii Calanka Somaaliyeed oo Xor ah laga taagay Magaaladda Hargeeysa oo uu horre uga Taagnaa Calinkii Gumeeysigga Ingiriiska, 26-ka Juun waa Maalintii Gabayaagii Wadanigii, Halyeey Weynaa Al-Marxuum- C/Laahi Suldaan "Tima-Cadde", (Kana Siib kana Saar), Waa Maalintii Fanaaniintii Somaaliyeed ku Luuqeeynaayeen Heesihii Xoriyadda oo Qiimaha weyn ku Fadhiyeey, waa Maalintii Farxadu si weyn ugu baahday Dalka Somaaliya Gaar ahaan Dhanka Waqooyigga oo Gumeeysigga Ingiriiska hoos imaan jiray loona Yaqiinay (S/Land).

26-ka Juun aya Maalin Xurmo iyo Qiimo gaar ah u leh Ummadda Somaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan intooda leh Qiiradda Wadinagga ah iyo aragtidda Dal Jaceyl oo sidda weyn u Fahmaayadda Micnaha iyo qiimaha Xoriyadu ku fadhiddo oo aan marna la sifeeyn kareen, Waxaa Amaan iyo Xusid mudan Dadkii Somaaliyeed ee Halganka weyn u soo galay Xoriyada Waxaana Alle uga rajeeyeey in uu ka Waraabiyo Janadda (Shuhadaada El-Xoriya), 26-ka Juun ayaa Abaabaha iyo Hooyadda Somaalidnimada oo Labadii Qeybood ee Jamhuuriyadda Somaaliyeed ku Midoowbeen 01/07/60-kii kuna dhisan tahay Somaaliya iyo Jiritaanka Dowlad Somaaliyeed oo awood iyo baadad dhuleed leh oo Magac iyo Xurmo ku yeelatay Gobolka Geeska Afrikka isla Markaana Dhisay Cudud Ciidan oo Xoog weyn leh.

26-ka Juun Maalinta Xoriyadda Xuskeeduna waa mid Ummadda Somaaliyeed si gaar ah ugu dabaal-gedto sidda Musaabadda Xoriyadda iyo Midnimadda Somaaliyeed 01/07/60-kii, Waxaa Jirra Dad qaba aragti oraneeysa Dhibaataddii soo garrtay Qoomiyadda Reer Waqooyigga ayaa u Sabab ah Xoriyadii iyo kuwii Midnimadda Sababta u ah Sidda:-Al-Marxuum-Cigaal iyo Al-Marxuum-Garaad Cali, waana fikrad si weyn u khaldan una liidata, Xoriyadda Somaaliyeed iyo Labaad Marxuum oo ah Shakhsiyaad Xurmo iyo Maamuus iyo Sumacad weyn oo Wanaagsan ku leh Ummadda Somaaliyeed (Inkastoo Al-Marxuum- Cigaal Dagaal Sokeeye Gacanta la galay Xiligii uu Madaxweynaha ka ahaa S/Land), Xoriyadda Somaaliyeed Midnimadda iyo Dhibaatooyinka faraha Badnaa ee Ummadda Somaaliyeed soo gaaray iyo Labo baab oo kala duwan ah oo wax xiriir ah yeelan karin marna, waana mid la wadda ogyahay in Dhibaatooyinkii Ummadda Somaaliyeed soo gaaray eey Masuuliyadeeda Iska leeyihiin Rajiimkii Siyaad Barre oo Falal Xadgudub iyo Xasuuqyo Badan u geeystay Ummadda Somaaliyeed, Gaar ahaan Dadka Reer Waqooyigga (S/land), inkastoo eey Jiraan Falal loo aaneeynaayo Jabhaddii Hubeeysnaa oo Rajiimka kula jiray Dagaalka Hubeeysan.

26 Jun iyo 01 Julaay ayaa Maalmo Qiimo weyn u leh Ummadda Somaaliyeed Maalmaha Xoriyadda Qaaligga ah oo eey Naftoodii iyo Maalkoodii u soo hureen Halgamayaashii Geesiyiinta ahaa oo Gumeeysigga Ficil iyo Qoolba kula dagaalamay, Taariikhda Ummadana Bogog Dahab ah kaga qoran, Xurmo iyo Qadarin weyna Dadweynaha Somaaliyeed u hayaan, waana aabayaasha Gobanimadda qaaligga iyo ku raaxeeysigga Dalkeena hooyo, waana mid ayaan darro ah in Xoriyaddii eey u soo Halgameen Geesiyaashii Naftoodii waayeey in maanta ku Sugan tahay Xaalad Naxdin leh, Burbur Qarameed iyo Colaado iyo Dagaalo Sokeeye oo Ummadda Somaaliyeed soo Mariyeey Dhibaatooyin si weyn looga Xumaado oo Weli Socdda eeyna ku dhimanaayaan Dad Somaaliyeed, Halka Dowladdii Kenya lagu soo Dhisay ku Socoto Wadadii ama biloowgii Burburka iyo kala dareeridda waana kuu cadeeynaaya Heerka uu Gaarsiisan yahay Khilaafka u dhaxeeya Labadda Garab oo Maalin walba Wajiyo cusub sii qaadanaaya.

Gunaanadka-Waxaan Halkan Hambalyo Qaali ah uga Gudbinaayaa Guud ahaan Ummadda Somaaliyeed Munaasabadda Maalmaha Xoriyadda Qaaligga ah 26 Juun iyo 01 Julaay, Waxaan Hambalyo Gaar ah ku Gudbinaaya Muwaadiniinta Qiiraha Wadaniyadeed iyo Aragtidda Dheer ee Dal Jaceylka ku saleeysan Midnimadda iyo Aayaha wanaagsan ee Somaaliyeed ka Fekeraaya oo aan ku Magacaabo (Wadaniyiin Dhanta ah), Xuska Munaasabadaha Maalmaha Xoriyadda ayaa inaga mudan qiimeyn iyo qadarin weyn iyo in loo Xuso sidda ku haboon.

-Alla Mahad Leh-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 20/06/2005.
- sharifhassan50@yahoo.com 

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | June 21, 2005

Shaqo Joojin ay maanta Sameeyeen Gaadiidlayda reer Kismaayo
Waxaa maanta gabi ahaanba shaqo joojin ku dhaqaaqay gaadiid leyda leh baabuurta isaga kala gooshta.. Guji... Jun 20

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay
»Khadar & Xiito oo loo doortay gudomiye & kuxigeen...
»Gobolka Bari Yuuduf Waceys: Xallinta khilaafka...
»Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Boosaaso ka gudub khilaafka
»Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay doorashada...
»Qardho: Israsaasayn sababtay 1 qof dhintay iyo 3 dhaawac
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 19

Geeddi oo soo Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban...
Guji... Jun 18

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD