SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • 18 Kamid ah Haweenka ku jira Baarlamaanka FKMG oo aqoon isweydaarsi ka heleen haweenka ku jira baarlamaanka dalka South Afrika..
  • MARWADA MADAXWEYNE RIYAALE HUDA BARKHAD OO DALKA UGA AMBABAXDAY QAAHIRA

Tirada ugu badan ee ay haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka oo Siminaar ka helay Dalka S.Afrika.

Haweenka ku jira Baarlamaanka FKMG ah ee Somaliya oo gaaraya 23 ayaa 18 kamid ahi waxa ay aqoon isweydaarsi ka heleen haweenka ku jira baarlamaanka dalka South Afrika oo ku aadan sidii ay  uga doodi lahaayeen kaalinta ay haweenku ka qaadan karaan Isku xirka bulshada iyo Nabada.
 
Simininaarkan ayaa qayb ka ah mid kor loogu qaadayo laguna daboolayo aqoonta iyo xirafada ay haween badan oo ku jira baaramaanada Qaarada Afrika u baahan yihiin,Haweenak Soomaaliyeed ee ku jira baarlamaanka kaga soo faa'daysan doona muddobo maalmood ah aqoonweydaarsigan oo shalay ka furmay Magaalada madaxda dalka South Afrika ee Johannesburg.
 
Xildhibaanad Sahra C/qaadir iyo Sareedo oo labaduba ka mid ah Xubnaha Siminaarkan ka qayb galaya sawirkoodana uu halkan kaaga muuqdo oo aan wareysi gaaban kula yeeshay magaalada Nairobi ka hor intii aysan ka dhoofin garoonka ayaa Sheegay in ay Casuumaadan ka helaan Baarlamaanka S.Afrka haweenka ku jira.
 
Haweenka Ku jira baarlamaanka ayaa lagu tilmaamaa in aysan wax badan ka qabanin kaalintii saarnayd, Laakiin Xildhibaanada Caasha Abadalla ayaa gaashanka ku dhufatay in arrintaas aysan haweenku gabin kaalintooda,ee ay yihiin kuwo ka badiyay ragga kadib  markii ay wax badan ka qabteen kaalintoodi ka saarnayd dalka iyo kor u qaadista mustaqbalka dhalaanka.
 
Waxaa kale oo ay xildhibaanadu intaas ku dartay in xildhibaanada ragga ahi ay lakala safteen siyaasiyiinta laakiin haweenku aysan taas samayni,waxa ayna ku jireen in ay raacan meeshii dan u ah ummadda Soomaaliyeed.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

###

MARWADA MADAXWEYNE RIYAALE HUDA BARKHAD OO DALKA UGA AMBABAXDAY QAAHIRA

  • MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA) | HARGEYSA

Hargeisa: Sida dad xogogaal ah oo ku sugna Maalintii shallayto ahayd Madaarka Caalamiga ah ee magaalada Hargeisa "EGAL INTERNATIONAL AIRPORT" waxaa ka dhoofay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Riyaale Kaahin Marwo Huda Barkhad  iyo Seddex Carruur ah oo ay dhashay oo wehelinayey, sida wararku sheegayaan waxaa ay Marwada iyo seddexda Caruurta ah ee wehelinaayey ka qaadday Madaarka Egal International Airport diyaarad ay leedahay Shariikadda Diyaaradaha ee dalka Ethiopia "Ethiopia Airlines" waxaan wararku xaqiijinayaan in ay Marwada iyo caruurteedu usii jeedeen ama tegayeen Magaalo Madaxda Dalka Masar ee Qaahira iyagoo ku sii hakanaayey Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa, dad goob joog ahaa oo wakhtiga ay Marwadu ka ambabaxaysay Madaarka ku sugna ayaa ii xaqiijiyey in ay Marwada Wehelinayeen ama ay wadatay Lix Shandadood oo nooca loo yaqaano "Sam-Sonite" oo aad u culculus oo aan la garan karin waxa ku jira.

Lama Xaqiijin ama lama oga Safarka Marwada Madaxweynaha Huda Barkhad balse sida warar la isla dhex maraayo sheegayaan waxaa ay Marwadu degi doonta Caasimadda dalka Masar ee Qaahira iyadoo dad kalana sheegayaan in ay Marwada Madaxweynahu dalka dib ugu soo laaban doonto.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

HARGEISA, SOMALILAND
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | June 22, 2005

Shaqo Joojin ay maanta Sameeyeen Gaadiidlayda reer Kismaayo
Waxaa maanta gabi ahaanba shaqo joojin ku dhaqaaqay gaadiid leyda leh baabuurta isaga kala gooshta.. Guji... Jun 20

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay
»Khadar & Xiito oo loo doortay gudomiye & kuxigeen...
»Gobolka Bari Yuuduf Waceys: Xallinta khilaafka...
»Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Boosaaso ka gudub khilaafka
»Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay doorashada...
»Qardho: Israsaasayn sababtay 1 qof dhintay iyo 3 dhaawac
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 19

Geeddi oo soo Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban...
Guji... Jun 18

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD