SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Warqad aqoonyahanka soomaaliyeed ee Qadar u direen madaxwaynaha Soomaaliya 

Ku: Madaxweynaha DFKS
Mudane CabduLlaahi Yusuf Axmad 

Ujeedo: Aragtida aqoonyahanka Somaliyeed/Qatar 

Hordhac yar: 

Marxaladda ay umadda Somaliyeed maanta marayso inuu qofka magaciisa isugu kaa sheego waxaa ka muhiimsanaatay inuu kuu soo hormariyo qabiilka uu yahay, taasoo kuu sii dhaadhicin doonta inaad u dhagraariciso iyo in kale afkaaraha aad la wadaagi. Arinta isbarashadaa ah si aan loogu mashquulin, waxaan ka koobanaha aqoonyahan Somaliyeed oo ku midaysan fikradda iyo aragtida ay ka haystaan masiibada ku habsatay dalkooda. 

Barashadaa waxaan uga gudbaynaa inaan kuu soo gudbino hambalyo aan kuugu hambal-yaynayno guusha aad ka gaadheen shirkiinii dib u heshiisiinta ee mudada dheer ka socday Nairobi/Kenya kaasoo lagu dhisay dawladda ku meel gaadhka ah. Waxaa kaloo aan kuugu hambalyay-naynaa madaxweynanimda laguu doortay. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inay dawladaada noqoto middii waarta. 

Qodobada aan warqaddan ku soo koobayno, anaguu tixgalinayna waqtigaaga qaaliga ah wuxuu noqon doonaa:

  • 1-     Ahmiyadda taariikhda.

  • 2-     Aragtida Itobiya ay ka qabto umadda Somaliyeed.

  • 3-     Maxaa midayn kara umad dagaal sokeeye uu dhex maray. 

1-     Ahmiyadda ay taariikhda umadi u leedahay waxaa lagu tilmaami karaa sida ruuxda ku jirta waxa nool ee aan la arki karin, hasa ahaatee la dareemo marka uu dhaafo jirkii uu ku jiray. Taariikhdaa oo ka kooban noloshii/marxaladihii ay umaddaasi soo martay, samaan iyo wanaagba, wuxuu u muujiyaa facaadda dambe umuuro ay ka mid yihiin wadajirkii umadaasi ay lahayd oo ay ku soo difaacday jiritaankeeda. Maadaama aan xisayo qiimiga waqtigiina, waxaan ku soo koobayaa qodobkan qoraagii Faransiiska ahaa Mr. Renan arintan wuxuu ka yidhi; ' ….. Fikradda umad ahaaneed waa dabeecad nafsaani ah, sababtoo ah waa dareenka dadka inay wadaagaan dhaxaltooyo isku mid ah iyo xusuus hore oo isku mid ah iyo dareen dhibaatooyin iyo guulo ay wadaagaan iyo rabitaan inay isla noolaadaan waligood oy wadaagaan qarannimo isku mid ah. Sidaa darteed umadd waa isku duubni jiraysa oo ah in umadaasi aanay dib u eegin oo qudha noloshoodii hore, ilowse ay tahay inay u sadaashaan barwaaqo iyo midnimo facaadda u dhalan doonta. Haddiiba ay dhacdo in saadaashaa ay carqalada gasho waxaa shaki galaya sii jiritaanka umadaasi. ' Renan. Halkaa waxaa inooga muuqda ahmiyadda ay taariikhda u leedahay jiritaanka umadi leedahay, waana sababta uu cadawga umadaasi u abaaro taariikhddoda marka uu doonayo inuu burburiyo jiritaankooda.

2-     Aragtida Itobiya ay ka qabto jiritaanka umadda Somaliyeed waxay ku caddahay taariikhda Itobiya. Sheekadan dhex martay wafdi uu ingriisku u soo diray boqor Minililk inuu kala xaajoodo xad gudbyo ay ciidanka Itobiya u gaysteen raaciyada ku hoos nool boqortooyada ingriska ee soomaaliyeed, wuxuu ugu jawaabay sidan; boqortooyada itoobiya dal aan dalkeeda ahayn lug ma ayna galin . Wafdigii Ingriiska ayaa ku yidhi; Harar miyaadan qabsan?, miyaadan soo dhaafin oo Barbara in yar uma jirtid in aad qabsatid ? wuxuu ku jawaabay; Dhulkaad sheegi waa dhul ka mid ah dalka itoobiya. Wafdigii ayaa ku yidhi; oo markaan heshiiska la galayay qabaa'lka soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaa  xageebaad jirtay? Wuxuu ku jawaabay; Miyaad la socotaa taarikhda itoobiya ?  Wafdigii; Mayee ii sheeg . wuxuu yidhi Minilik;  Soomaalidu waa itoobiyaan xoolaha noo raaca mana aha dad ku noolaan kara buuraha sidaa darteed xoolaha ayay noo dhaqdaan. Wafdigii ayaa yidhi; ma'ii sheegi kartaa boqortooyadaadu halka xad u ah ay ku egtahay ? wuxuu ku jawaabay; Waa tan iyo karuum waqooyi, baliyada  taana ee ku yaala badhtamaha africa , bari ilaa xeebaha bad waynta indiya . Waxaa kaloo ka mid ah taariikhda Itobiya iney kutubta ay xabashidu qorteen oo u dhigma TAFSIIRKEENA mid ka mid ah oo la yiraahdo FIKARE-IYESUS ay ku qorantahay (prophecy) inuu soo bixi doono, boqor xabashi ah oo xaga ALLE laga soo direy oo Ethiopia balaadhin doona. Sidaa darteed ayuu midkasta oo soo xukumay Itobiya uu laaluushi jiray baadariyada kaniisadaha si loogu tilmaamo inuu yahay boqorkii la sugayey. Sidaasna ay weerar iyo dagaal joogta ah ku qaadi jireen shucuubta la dariska ah. iyagoo isu qaba iney fulinayaan Saadaashaa. Maanta Malaga yaabaa inuu Zinawi doonayo inuu noqdo kii ay sugayeen oo gaarsiin lahaa xadka Itobiya xeebha badweynta india.

3-     Maxaa midayn kara umad dagaal sokeeye uu dhex maray? Oo burbur iyo kala tag qarka u saaran? Madaxweyne; su'aasha qof kasta oo hogaamiye Somaliyeed ah ay tahay inuu jawaabteeda helo waa middan. Dagaal sokeeye si sahlanna kuma bilowdo si sahlanna laguma soo afjari karo. Ka hortagiisa ayaana ka sahlan cilaajintiisa. Maadaama aan hadda dhex dabaalanay, waxay xikmadda ku jirtaa in aan ka fikirno sidii looga bixi lahaa un. Waxaan ognahay qalabka wax lagu dumiyo iyo kan wax lagu dhiso inay kala jaad yihiin. Sidaa darteed, maadaama aan qabiil ku soo duminay qarankii Somaliyeed miyaan ku dhisi karnaa hab qabiil qarankii dumay? Waa xaalad cusub kolayba, sabatoo ah, qabiilku waa qalab waxa kala furfura ee ma'aha mid wax isu keena. Tusaalena waxaa u ah arimihii Somaliya ka dhacay oo maanta qabiiladii shalay ku midaysnaa duminta qaranka ay hadda ku kala tageen dhismihiisii. Maadaama aan iyadana dhex dabaalanay, oo la arkay in sidaa si aan ahayn wax lagu dhisi Karin, waa inaan uga gudubnaa maxaa tala ah hadaba! Hadaan soo koobno qoraalka, arinta qudh ah ee mudan is xusuusin waa; laguma arag caalamka umad la kaashata cadawgeedii shalay, raadinta midnimadeeda iyo dhismihii qarankeedii dumay iyo isu-keenka xoogageeda bulsho. Waa xaalad ku cusub siyaasadda dunida oo haddii ay ka hirgasho Somaliya (inkastoo dhamaan nacab iyo sokeeyaba ay qireen in aanay dhecayn sidaa), waxaa dib loogu noqon doono kutubta cilmiga siyaasadda. Sidaa darteed, waxaan ku talin lahayn in baadigoob loo galo wixii umadda midayn lahaa, waxa ugu sahlan ee mideyn kara umad kala durugtayna waa in loo abuuro (haduusan jirin xataa!!) cadaw dibadda ka ah si ay u iloobaan cadawtinimada dhexdooda ah oo ay isugu soo ururaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadawgaa duulaanka ku ah.

Madaxweyne, uma aragno inay Itobiya daacad ka noqon karto arimaha Somaliya iyadoo ku bixisay milyaaraad doolar burburinta qarankii umadda Somaliyeed. Sidoo kale dadweynaha Somaliyeed, midkii ka kora xasaasiyadda qabiil wuxuu si dhab ah u arki inay Itobiya tahay midda qaska ku dhex wada dadweynaha Somaliyeed ee ka dhex fulinaysa siyaasadii isticmaarka ee –qaybi saad u xukunto- ahayd. Markaan dhanwalba iska taagnay arimaha Somaliya, waxaa noo muuqday in sida kale ah ee lagu xallin karo dhibaatada ee la'isugu keeni karo shacabka Somaliyeed inuu yahay in loogu dhawaaqo – Somaliyeey toosa – oo farta loogu fiiqo inay Itobiya doonayso inay ku darsato dalkii ay horay u haysatay inta soo hadhay. Waxaa hubaal ah haddii aad sidaa ku dhawaaqdo, inaad heli taageerada jamaahiirta Somaliyeed iyo aqoonyahanka iyo indheergaradka. Haddii ay sidaa dhici waydo, oy idiinku muuqato in xooga Itobiya loo adeegsado kala caydhinta mooryaanka hubaysan (waana fikrad ay qabaan in badan), waxaad ogaataa inay Itobiya wadato iyadana ajenda u gaar ah oo aysan ka tanaasulayn marnaba.     

Wixii sharax iyo dood dheeraad ah u baahan waxaan diyaar u nahay inaan idin kala niqaasho. Ilaahay waxaan inooga baryayaa inuu talada suuban inugu duwo. 

Abdulqadir Maxamad Cilmi
Golaha aqoonyahanka ee jaaliyadda Soomaliyeed
 Doxa/qatar

Waxaa email loo sii marin karaa:
Ahmed Yassin | ismalure@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | June 21, 2005

Shaqo Joojin ay maanta Sameeyeen Gaadiidlayda reer Kismaayo
Waxaa maanta gabi ahaanba shaqo joojin ku dhaqaaqay gaadiid leyda leh baabuurta isaga kala gooshta.. Guji... Jun 20

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay
»Khadar & Xiito oo loo doortay gudomiye & kuxigeen...
»Gobolka Bari Yuuduf Waceys: Xallinta khilaafka...
»Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Boosaaso ka gudub khilaafka
»Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay doorashada...
»Qardho: Israsaasayn sababtay 1 qof dhintay iyo 3 dhaawac
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 19

Geeddi oo soo Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban...
Guji... Jun 18

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD