SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shakhsiyadda dhabta ah ee Yuusuf Garaadka BBCda

Nin la yiraahdo Abshir baa maqaal uu ku hujuumayo shaqaalaha BBCda kuna ammaanayo Yuusuf garaadka BBCda baa waxaa lagu soo qoray Internetka, runtii dadka difaacaya oo uu Abshirkaasi ka mid yahay waxay doonayaan in ay u caleemo saaraaan Yuusuf garaadka kana dhigaan in uu yahay aqoonyahan iyo caalim,Abshir iyo kuwa la fekerka ahow la idinka siisan maayo in aad nagu sandullaysaan in Yuusuf Garaad uu yahay aqoonyahan,aqoonyahanada iska daayoo caamada ayaan aqbalaynin.
Ma adaaba yaqaanna Mudane Yuusuf-Garaad! | Abshir Axmed

Qoridda maqaalka Abshirow ma’ahan wax sahlan,haddii aad adiga iyo walaalkaa Yuusuf aad ka fog tihiin qoraalka,taa micniheedu ma’ahan qoraalka qof kastaa xarxariiqi kara balse waxaan ku leeyahay qof kastaa hadli kara Soomaaliduna waxaaba lagu tiriyaa in ay yihiin dad oral tradition ah.

Aqoonyahan haddii aad u taqaano in walaalkaa Yuusuf Garaad uu aqoonyahan yahay una taqaano aqoonyahanku qofka af Ingiriis ama afaf kale yaqaana waa aragti gaaban,taasoo aniga qudheydu sidaas u haystay,laakiin markii an dibedda wax ku bartay ayaan ogaaday in falsafaddaasi ay tahay mid khaldan,haddii aad u kuur gashid waddamada horumaray wuxuu qof kasta yaqaana oo loo tababaray shaqada uu qabanayo,sow ma maqal in culumada aqoonta islaamka ku xeel dheer lana soo daliilsado badigood in aysan ka soo bixin jaamacad,sow ma maqal aqoonyahanada soo saaray waxa aynu maanta ku raaxaysanayno in ay soo saareen kuwo aan jaamiciyiin ahayn,sow ma maqal in aqoonyahanka weyn ee Cabbaas Maxamuud Al-Caqaaddi uusan jaamacad ka soo bicin haddana culuuntiisa laga dhigo jaamacadah Masar,sow ma maqal kuwii kulliyaddii saxaafadda iyo Gahayr ka soo qalin jebiya markii ay Yurub yimaadeen la qiimayn waayay shahaaddooyinkooda,sow kuma arag ama kuma maqal in waddamada horumartay qof kasta lagu howlgeliyo waxa uu yaqaano,Yuusufka Garaadka aad aqoonyahanka u haysatana in uusan soo baran Radio and Tv programme,soona baran mass communication,soona baran journalism hayeeshee,soona baran wax mediaha ku shaqo leh, hayeeshee kuwii imtixaanka qaadayay ee BBCda waxay shardi uga dhigeen in qofku uu af Ingiriis yaqaano idaacadna ka soo shaqeeyay markaas baa dad badan oo weriyeyaashii Radio Mogadishu u loolamay sidii ay shaqo uga heli lahaayeen BBCda waqtiga looga lumiyay Soomaalida.

Abshirow yuusan emotion ku qaadin,aqoontuna ma'ahan sida aad u malayso dhaxal balse waa akhris iyo dadaal iyo waxbarasho iyo xeeldheeri,haddii aad Yuusufka Garaadka si fiican u taqaanid oo magaciisa afaraad iyo qabiilkiisa aad garanayso waxaanu ku leenahay si miyir leh oo Soomaalinimo ku dheehan tahay inala dood,lagumana weydiin in aad dadka barto magaciisa afaraad iyo qabiilkiisa, ma’ahan in aad ummadda Soomaaliyeed aad seefta saarid hubsiino la'aan ee aad tiraahdid cadh yaa oran kara Yuusuf Garaad ma’ahan aqoonyahan,Al-Xajaaj bin Yuusuf baa oran jiray cadh yaa i oran kara Allah ka baq,qofkii i yiraahdana seefta ayaan saaraya.

Jagooyinka aad u abuurtay walaalkaa Yuusuf Garaad una caleemo saartay in uu aqoonyahankaaga yahay waa kuwo aan waxba ka jirin balse waxaad doonaysa sidii aan horayba u sheegay in aad ummadda ku cabsiiso in Yuusuf Garaad laga baqo,taasina wey dhammaatay oo dadkii wey ka baxeen jahligii,taai iska daayee xataa dadku waxay ogaadeen qofkii laba aayadood iyo labo xadiis sheegaba in aan lala boodayn in uu yahay sheekh weyn,cilmigii waa la bartay diintana waa la bartay qof la marin habaabi karaana ma jidho taasi ogow walaalkey Abshirow ama ha ogaan.

Waxaan la amakaagay oo dad badan ila yaabeen in afarti luqadood ee aad ku sheegtay in walaalkaa uu yaqaano aad maantana ugu dartay labo luqadood oo kala ah German iyo Carabi beritona waxaa dhici karta in aad labo kale ugu dartid oo aad tiraahdo Sawaaxili iyo Amxaarana wuu yaqaana, markaana aad u quuri weydo aqoonyahanee aad ku tiraahdo waa Filosoof,waxaanan garanayn in ay adiga dhab kuu tahay,qisadan,bal ila eeg:gabar Soomaaliyeed baa ku dhalatay waqooyi bari Kenya oo waxay taqaanay afka Sawaaxiliga,waxay timid Yemen waxay baratay lahjadii Yemen,waxay soo gashay Sweden waxayna baratay afkii Swedish,waxay u sii guurtay Canada waxayna ku baratay afka Ingiriiska,Abshirow gabadhaasi ma aqoonyahanbaa HAA haddii loo eego aragtida walaakey Abshir, waxaa jiray kuwo ka shaqaynaayay Taliyaaniga dabadeena waxay u gureen Canada,waxayna barteen afafka Talyaaniga iyo Ingiriiska,kuwaasi ma aqoonyahan baa HAA haddii loo eego aragtida walaakey Abshir,aqoonta iyo barashada afafka waa kala arrin dab iyo dhagax layskuma dhuftee kala dhowr Abshirow,emotion dartiina carro ha u geddinin waxna ha u qasin.

Waxaa arrin lala argaggaxo ah in markii lagu yiri Yuusuf Garaad lama arko wax uu qoro waxaad ku jawaabtay wax lala qoslo oo waxaad tiri wuxuu wax ku qoraayay xiddgtii oktoobar ee Soomaaliya oo dadka lagu marin habaabinaayay,marka hore taasi waa been walaalkaa wuxuu ka shaqaynaayay Radio Mogadishow si part time ah isagoo baryo ugu jiray sidii loo joogtayn lahaa,xataa haddii ay run tahay runba ma'hee oo uu wax ku soo qori jiray xiddigtii oktoobat oo ahayd jariiddada adduunka middii ugu liidatay waxaana lagu soo qoraayay oo keliya wixii ay dawladdii diktatoorkii Siyaad raalli ka ahayd, qofkuna xor uma ahayn qalinkiisa,xataa haddii ay run tahay ma waxaad i leedahay 15 sano ka hor buu wax qoraayay,waxaad ogaataa qoraaga runta ahi waa la saaxiib qoraalka haddii ay dhab tahay in 15 sano ka hor uu wax qori jiray haddana wax buu qori lahaa,aabbahay Geel buu lahaa lagaa siisan maayo imminka ayaan Geel leeyahay baa lagaa dhegaysanaya.
Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso [BEEN ABUURKII NAAGO ISKU GUURSADEY BOOSAASO]

Waxaa nasiib xumo ah in dadkii la shaqaynaayay Yuusf Garadkaaga aad aflagaaddayso sabab la’aan,ha illoobin Cawke codkiisa macaan iyo asluub u hadalkiisa waxay keentay in shacabka Soomaaliyeed uu baro markii uu akhrinaayay faallooyinkii uu samayn jiray rug caddaaga Cabdi Idriis Ducaale,in Cawke ahaa kii codkiisa iyo asluubtiisa ku baraarujin jiray shacabka Soomaaliyeed wuxuuna bari jiray in Itoobiya ay tahay cadowga shacabka Soomaaliyeed,ilaa ay Itoobiya olole u gashay sidii ay uga hortegi lahayd faalladaa uu cawke akhrinaayay,walaalkey Abshir wuxuusan garanayn in Ducaale iyo dalmar iyo Haydara iyo Cabdi Nuur sheekh Maxamed Isaaq iyo Aden Nuux Dhuule ay awood u lahaayeen in wararka Soomaaliga ay si toos ah uga akhrin jireen afka Ingiriiska,Studiyaha waxay la geli jireen wararka oo ku qoran af Ingiriis si life ahina bay uga akhrin jireen Soomaaliga taasi waxaan ula jeedaa dadka qaarkii lama mid ahayn oo marka hore wararka soo turjumanaayay dabadeena ku akhrin jiray Soomaaliga,iyadoo ay sidaa tahay dadkaasi rug caddaaga ah lama oran karo waa aqoonyahano,kaba soo qaad haddii Abshir walaalkiisa Yuusuf Garaad uu sidaasoo kale samayn lahan ma laha wuxuuba oran lahaa Yuusuf caalim waana callaama.

waxaan rajeynayaa in walaalkey Abshir uusan ku marin habaabin qaado ama ha qaadin Cabdiqaasim waa Ra'iiskayaga (oo maalkii shacabka guri kaga gatay Qaahira iyo Ingiriis) uusana oran Indho cadde waa sheekhayaga (oo dad maalkooda iyo dhulkooda xoog ku haysta)uusana oran Yuusuf Garaad waa aqoonyahankeena,(kaasoo qabiil ka dhigay BBCda Soomaalida lagu jahawareeriyay.

Ali Geedi
iftiimin@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | June 23, 2005

Ma adaaba yaqaanna Mudane Yuusuf-Garaad!
"....rag badan oo (qoraaga) Ali Geedi u yaqaano maanta inay yihiin weriyeyaal faraha looga gubtay, laakiin sida runta ah ragaasi waa kuwii dugsiyada sare soo dhameeyey sida Cowke ee lagu qaatay codkooda ee aan lagu qaadan aqoontooda, dadka kale ee laanta laga maqlo sida Saciid Cali Muuse, Cabdi Nuur Sheekh Maxamed, C/laahi Xaaji, Aadan Dhuux Dhuule iyo kuwa kale dhammaantood rag baan ka bixin dugsi sare iskaba daa jaamicade..... (halka) Yuusuf Garaad wuxuu hada ku dhex jiraa diyaarinta shahaado kale...." Abshir Axmed

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD