KULMIYE  
							OO  LUMIYEY  KALSOONIDII  BEELAHA  LA  HAYB-SOOCO
						
							Minneapolis, Minnesota 
							USA
						 
						
							 
						
							  Doorashadii ka 
							dhacday Somaliland 2003 waxaa moodaysay in inta 
							badan beelaha la hay-sooco ay codkooda siiyeen 
							Xisbiga Kulmiye oo runtii aad moodaysay markii uu 
							doorashada galayey inuu ahaa Xisbiga qura ee soo 
							jiitay dadkaan oo ugu baaqay inuu dadkaan wax weyn u 
							qabanayo. 
							Waxaan tusaale u 
							soo qaadanaynaa shir ka dhacay Columbus, Ohio oo uu 
							lahaa Xisbigaas Kulmiye ay ka soo qayb galaan dad 
							badan oo ka tirsan beelahaan oo ka kala tagey San 
							Diago iyo Minneapolis. Laakiin waxaad moodaa inay 
							noqotay "Sidaan kuugu lisay iiguma aadan hanbaynin", 
							sababtoo ah wax hadal ah kamay soo saarin dilkii 
							khadar iyo xarigii loo geystay 100 qofood ee ka 
							mudaharaaday dilkiisaba, ogaadana "Libaax nin ganay 
							iyo nin galadayba oge".
							Waxaa kale oo aan si 
							taxadar ku jiro aan u soo dhaweynaynaa booqashadii 
							uu ugu tagay Guddoomiyaha Xisbiga Ucud oo aan 
							leenahay "waa ciyi waa ka baryey", sababtoo ah 
							haddii uu isagu wadanka ka maqnaa waxaa joogay ku 
							xigeenkiisa iyo af-hayeenkii ururkaba kamana hadlin 
							Dilkii iyo xarigii midnaba. 
 
						
							Waxaan rabaa inaan 
							Su'aal weydiiyo Mr Saleebaan Gaal iyo Mr Qaybe, 
							dawlada garanaye idinku maadaama aad tihiin 
							guddoomiyayaasha Labada Gole maxaad uga hadli 
							weydeen dilkii Khadar iyo xabsigii loo geystay 
							dadkii mudaharaadayey? Mise waxaad tihiin la 
							haystayaal iyo dad uun ka hadla wixii ay iyaga dani 
							ugu jirto?
							Ma 
							jecli Udub iyo Dawlada midna inaan wax weydiiyo 
							sababtoo ah waxaa u hadlay  Ismaaciil Faqash oo 
							runtii BBC-da ka sheegay hadalo aan ku fiicneyn nin 
							mas'uul ahi inuu yiraahdo aadna moodid marka uu 
							hadlayo inuu dadka kala fogeeyo ma ahee inuusan 
							sheegin wax dadka isku keenaba, waxaase iigu yaab 
							badnaa markii uu yiri:-"Banaanbixii waxaa laga 
							cambaareeyey Misaajidada".
 
						
							Su'aal baan rabaa 
							inaan weydiiyo hadiiba ay jiraan, maba u malaynayo 
							inay jirtee, culimadu may ka hadasho dhibta 500 oo 
							sano iyo ka badan dadkaan lagu hayo oo isugu jira 
							takoorka iyo aflagaadada waxaanse u malaynayaa inay 
							arrintu tahay"waxaa la yiri :-Qaylaa yeertaye xageen 
							u cararaa? Markaas baa la yiri Masjidka markaas baa 
							la yiri isagayba qayladu ka yeertay"!!!!!.
 Waxaa jira 3 xubnood 
							oo uga jira golayaasha beelahaan laakiin nasiib daro 
							aad moodid inay yihiin "lax dhukani abaar moog" oo 
							dantoodii khaaska aheyd ay uga xoog badisay, tii 
							guud aadna moodid inay la haystayaal yihiin. Ogaada 
							"ninkii dilay walaalkaa adigana waa kuu dan leeyahay": 
							maanta khadar bari adiga! 
						 
						
							Ma jecli inaan dadka u 
							dhashay beelahaan la hayb-sooco aan idin iraahdo 
							ciddaas doorta laakiin ogaada haddii aad UDUB 
							doorataan Ismaaciil Faqash baa idinku soo noqon 
							marka inta isku tagtiin waxgaradkiina isku raaca 
							inaad meeshii danta beeshu ay ku jirto aad siisaan 
							codkiina lana xisaabtantaan cida aad siinaysaan 
							codkiina.Su'aasha ugu dambeysa 
							waxaan rabaa inaan wediiyo waxgaradka iyo inta 
							nabada jecel haddii ninka wax dilay uu ka tirsanaan 
							lahaa beelahaan la hayb-sooco, Ka la dilayna Uu 
							yahay Beelaha isa sareysiiya maxaa dhici lahaa? 
							Imisa qofood baa u dhiman laheyd qofkaas la dilay 
							dartiis?
							 
 
						
							 Saciid Cabdullahi 
							Ismaaciil (Saciid  Tumaal)
						
							
							saciidtumaal@yahoo.com